
Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.

Yaa saman, sida la tebiyo, waa hees ka dhalatay xiriir jaceyl oo muddo siddeed sano ah socday, u na dhaxeeyay abwaan Ibraahin Rashiid oo ah abwaanka miraha heestaan curiyay iyo gabar kamid ah gabdhaha reer Suudaan. Laba aan weligood indho isa-saarin oo qadka teleefoonka ka wada sheekaysta ayay ahaayeen. Inta sheekadoodu socotay marna midkood afkiisa kama soo bixin erayga waan ku jeclahay ama waan ku doonayaa toona. Kaliya jaceylkoodu, wuxuu ahaa dareen iyo shucuur hoose iyo wada-sheekaysi guud oo ku meeraysta subax wanaagsan ama galab wanaagsan, sideetahay iyo arrimo guud.
Waqtiga qisadaan waa lixdamaadkii. Dabcan, waagaas teleefoonnadu dhif iyo naadir ayay ahaayeen, nasiib-wanaag se labadaan ruux qaddarka ayaa caawiyay. Waayo abwaanku xarun boosto ayuu ka shaqeynayay, gabadhuna waxay ka soo jeedday qoys aad u ladan oo dabaqadda sare ah. Kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Khartuum ayay dhiganaysay. Jamacadda gudaheeda qol ku yaala ayay wada deganaayeen ayada iyo gabar saaxiibteed ah oo qisada ayada iyo abwaanka sii fiican ula socotay.
Isla gabadhaas ayaana kula talisay saaxiibteed in ay abwaanka wacdo oo ay ka codsato in ay kulmaan. Dabcan abwaankiina waa uu ka aqbalay waxaa ayna ku wada ballameen maktabadda jaamacadda.
Abwaankii maktabaddii jaamacadda ayuu tegay, iyada oo ay arday wiilal iyo gabdhaba ka kooban ka buuxaan. Gabadhana isma ay weji aqoon, dabcan. Sidaa awgeed hadba koox ayaa uu inta ku dhowaado ku lahaa erayga (Rosemary) oo ahaa eray afgarasho ah, oo ay horay ugu soo wada ballameen gabadha si ay iskugu aqoonsadaan. Markii gabadhii eraygii maqashay ayaa ay muusootay oo ka soo dhex istaagtay arday ay la fadhisasay meel. Halkii ayaa ay ku wada sheekaysteen oo isku barteen. Abwaankii waxaa uu hadalkeeda ka fahmay in uu inanta dhalay nin kamid ahaa madaxda sare ah ee dowladda dalkaas.
Inantii abwaanka waxaa ay ka codsatay in ay markale dib u kulmaan. Haseyeeshee abwaankii waa uu ka biya diiday arintaas, waxaa uu na u sheegay in haddii uu markale jaamacadda ugu yimaado u soo jiidi karo dhibaato iyo dhagxumo; maadaama dadku xumaan u fasiran karaan kulamadooda faraha badan. Waa ay ka xumaatay inantii diidmadiisa. Laba maalin kaddib in ay imtixaan gelayso ayaa uu ogaaday. Imtixaankii ayaa ay gashay, waana ku dhacday. Waa ay soo wacday oo ku tiri; “Adiga ayaa sabab u ahaa in aan imtixaanka ku dhaco”. Aad ayaa uu arrinkaas abwaanku uga murugooday. Kaddib ayaa uu ogaaday in ay imtixaan kale gashay oo ay ku guulaysatay.
Jaamacaddii ayaa uu ku soo booqday isaga oo sidoo kale ka raalligeliyay maqnaashihiisii. Waxaa uu ka codsaday in ay bannaanka isu raacaan. Waa ay ka aqbashay laakin waxaa ay shuruud uga dhigtay in ay saaxiibteed soo wadato.
Seddexdoodii ayaana is raacay oo gaari-faras wada fuulay. Dhanka webiga Niil ayaa ay u jahaysteen. Webiga jiinkiisa ayaa ay istaageen, iyagoo gaari-faraskii ka soo degin ayaa albaabada loo furay oo ay daawadeen jawigii macaanaa, laacii cagaarnaa iyo codadkii ka soo baxayay webiga; iyo quruxdii dayaxa oo habeenkaas 14 ku sara joogey.
Aamusnaan ayaa dabooshay oo hadalkii ayaa ka wada dhoofay. Qof hadla oo hal eray in uu dhaho ku dhiirrada ayaa seddaxdoodii laga waayay. Inkastoo dad isku xiiso qaba oo isu yimid ay ahayeen haddana qof kasta waxaa ka lumay hadalkii iyo sidii uu u cabbiri lahaa dareenkiisa. Saacado aad u fara badan oo indhaha la iska eegayay kaddib markii qof hadla la heli waayay ayaa si kedis waxaa u hadashay gabadhii la socotay labada is jacel, oo tiri; Waqtigu waa uu inna xaday.
Jaamacaddii ayaa uu labadii gabdhood ku celiyay. Isla jaamacaddii ayaa uu laba ragco ku tukaday; kaddibna waxaa uu isku dayay bal in uu wax qoro. Waa se uu kari waayay. Salaaddii Cishe ayaa uu halkii tukaday, oo haddana is yiri markale wax qor, laakin sidoo kale laba eray waa uu isku toosin waayay. Goobtii ayaa uu isaga soo tagay, waxaa uu na yimid maqaayad. Waxaa niyaddiisa sidii hanqarka ugu soo dhacday kelmaddii gabadhu tiri ee ahayd “Waqtigu waa uu inna xaday”. Habeenkii oo dhan ilaa salaadda subax laga addimay waxaa uu ku celcelinayay erayga Waqti/zaman. Markii uu salaaddii subax tukaday ayaa uu helay fekraddii heestaan, waxaa uuna yiri: Waqtiyoow, in yar joogso..(…يا زمن اقف شوية)
Intaa ka gadaal waxaa uu billaabay in uu u qoro erayadii heesta si aan kala joogsi lahayn isla fadhigii ayaa uu na ku dhammaystiray heestaan. Gurigiisii ayuu ku laabtay aroortii. Markii uu shaax ka cabayna wuxuu toos u soo abbaaray jaamacaddii gabadhu dhiganaysay isaga oo sida erayadii heesta. Waardiyihii jaamacadda ayuu u dhiibay oo ku yiri; gabar heblaayo adoo raalli ah fadlan warqaddaan daboolane, dusha sawirku kaga yaal, degdeg iiga gaarsii.
Muddo kaddib ayuu heestaan u dhiibay fannaanka weyn ee Ibraahin Cawad oo si ashqaraar leh ugu luuqeyay

Inkastoo suugaantu, ay ku qurux iyo macno weyn tahay in lagu akhriyo afka asal ahaan lagu curiyay, turjumidduna ay lumin karto dhadhankii iyo asalnimadeeda; haddana waxaan isku dayay in aan qaar heesta kamid ah aan fasiraad micnaheeda u dhow saaro:
Waqtiyoow; wax yar joogso
Waqtiyoow; wax yar ii naxariiso; oo ii hibeey dhowr daqiiqo oo farxad leh. Intaa kaddib, iska qaado baaqiga ka dhimman noloshayda, iska qaado dhallinyaronimadayda iyo labadayda dhaayood ba.
Waqtiyoow wax yar aniga ii dhimri, oo u dhimri sidoo kale jaceylkayga, jaceylkayga nolosha ee dhammayska ah; oo farxaddiisa iyo xasillooniddiisa nafeed ka shaqeey; iyo riyo-maalmaadkaan maskaxdayda mashquulisay; iyo damqashooyinkiisa, shucuurtiisa iyo wax kasta oo ku soo dhaca mala-awaalkiisa.
Waqtiyoow, u naxariiso kuwa la jacelyahay ee weli ku jira maalmihii dahabiga ahaa ee cimrigooda dhallinyaranimada.
Waqtiyoow, sii oo u hadiyeey dhowr daqiiqo, ka hor inta aadan gudbin ee aadan tegin. U hibeey daqiiiqado ay goobjoog ugu noqdaan adduunyo farxad iyo raynrayni ka buuxdo; oo ay la sakhraamaan khamriga farxadda.
Waqtiyoow; wax yar istaag
Waqtiyoow; wax yar ii naxariiso oo ii hadiyeey daqiiqado nayaayiro leh.
Waqtiyoow, waxaad timid dhammaadkii, adigoon waxba ka ogayn billoowgii. Waqtiyoow, waa aad timid oo iska qulqulaysaa, adigoo waxba ka garanayn qisada laba is jeclaa oo wada noolaa muddo; oo maalintii ay kulmeen noqday tusaale iyo tilmaan [jaceyl].
يازمن وقف شوية
يازمن ارحم شوية
واهدي لي لحظات هنية
وبعدها شيل باقي عمري
وشيل شبابي شيل عينيا
ياعينيا
يازمن رفقا بحالي
بي حبيب عمري المثالي
بي سعاته وبي هناهو
بي سروري وانشقالي
بي احاسيسو ومشاعرو
وبي كل خاطر في بالو
يازمن وقف شوية
واهدي لي لحظات هنية
وبعدها شيل باقي عمري
شيل شبابي شيل عينيا
ياعينيا
يازمن ماتبقي قاسي
نحن حققنا المحال
انحنا هدمنا وبنينا
ونسجنا في الخيال الف حيلة
الف حيلة لي لقانا
يازمن ارحم شوية
واهدي لي لحظات هنية
وبعدها شيل باقي عمري
شيل شبابي شيل عينيا
ياعينيا
يازمن ارحم حبائب لسه في عمر الزهور
يازمن جود عليهم بي دقائق قبل ماتعدي وتمر
يملو فيها الدنيا فرحة
ونشوة من خمر السرور
يازمن وقف شوية
واهدي لي لحظات هنية
وبعدها شيل باقي عمري
شيل شبابي شيل عينيا
ياعينيا
يازمن انت جائ في النهاية
جائ وما عارف البداية
يازمن جائ تجري وانت ما عارف الحكاية
ديل حبائب عاشوا فكرة وللقائهم اسمي غاية
يازمن وقف شوية
واهدي لي لحظات هنية
وبعدها شيل باقي عمري
شيل شبابي شيل عينيا
ياعينيا
