Qeybaha Caqliga Aadanaha

W/Q: Cabdiweli Sulub

Qeybaha Caqliga Aadanaha

Qolyaha Cilmi-Nafsiga waxay Caqliga aadanaha u qaybiyeen afar nooc oo kala ah:-

1) Intelligence Quotient ( IQ): Caqliga noocaan ah waa qayta qofka awooda u siinaysa inuu wax xifdiyo, wax xasuusto iyo inuu xaliyo xisaabaadka iwm. Wuxuuna ka turjumayaa heerka fahanka qofku halka uu gaarsiisanyahay.

Qofba qofka uu ka sarreeyo Intelligence Quotient (IQ), waa uu ka garaadsareeyaa, marka loo eego heerka fahanka. Waxaadna heerkaaga caqliga ee noocaan ah aad ku ogaan kartaa sida ay tahay; heerkaaga xasuustaada, xifdinta, iyo xalinta xisaabaadka iwm.

2) Emotional Quotient (EQ): Caqliga noocaan ah, qofka waxa uu awood u siiyaa inuu noqdo qof masuul ah, aamin ah, runlaw ah, aan isla waynayn iwm. Wuxuuna awood u siiyaa qofka inuu si dagan ula noolaado dadka kugu xeeran ee hareerihiisa ah.

Qofba inata uu qof kale ka masuulsanyahay, ka aaminnimo badan yahay, ka run badanyahay; waxa uu ka sareeyaa caqliga looyaqaan Emotional Quotient (EQ).

3) Social Quotient ( SQ): Caqliga noocaan ah, qofka waxa uu awood u siinayaa inuu noqdo qof dad isku wad leh iyo inuu qofku samayn karo shabakad saaxiibo ah uuna muddo dheer isku wadi karo saaxiibadiisa. Hadii aad ku liidato isku wadka dadka waxaa hooseya Caqliga loo yaqaan Social Quotient ( SQ).

4) The adversity Quotient ( AQ): Garaadka noocaan ah, waxa uu qofka uu awood u siiyaa inuu ka gudbo caqbadaha nolosha oo uusan noqon qof isku dhiiba caqabadaha. Waxay leeyihiin qofka AQ-kiisa uu sareeeyo ma ahan qof isdhiiba ee waa qof duruufaha iyo caqabadaha la hardama ilaa uu ka guulaysto.

Haddii aad aragto qof aan u duqlaadan karin caqabadaha molosha oo horay iska dhiibo, marka noocyadaan caqliga loo fiiriyo waxa ay Kasmanafeedku qabaan in uu AQ-ka qofka uu hooseeyo.

Qoloda Cilmi-Nafsiga waxay ku doodayaan in dadka leh Emotional Quotient ( EQ) iyo Social Quotient( SQ) heerkoodu aad u sarreeyo inay nolosha meel-sare ka gaaraan marka la barbar dhigo kuwa leh Intelligence Quotient(IQ) heerkiisu sareeyo balse Emotional Quotient( EQ) iyo Social Quotient (SQ) uu aad u hooseeyo.

Waxay intaa ku dareen in goobaha waxbarashada marka lajoogo ay sare u qaadaan garaadka looyaqaan IQ, balse aysan wax danayn ah ay siinin EQ iyo SQ. Waxayna qabaan in sida ay muhiim u tahay in IQ Qofka sare loo qaado ayay muhiim u tahay in EQ iyo SQ Qofka sare loo qaado.

Khuburada Cilmi-Nafsiga waxay leeyihiin qofka uu sareeyo IQ balse ay hooseeyaan EQ iyo SQ mustaqbalka waxa uu shaqaale u noqondoonaa kuwa leh EQ iyo SQ-koodu uu sareeeya balse uu isagu ka IQ sareeyo.

Dhamaan doodahaan waxay u muuqdaan kuwo maangal ah, waayo; hadii heerkaaga IQ uu sareeyo balse aad tahay qof beenlaow, tuug, masuuliyad aan qaadi karin, sidoo kalena aadan dad isku wad lahayn waxba kuma taraayo IQ sareeya kaligii.

Ugu danbayn: Quburada Cilmi-Nafsiga waxay dadka kula taliyeen hadii uu rabo  Qofku inuu dhinac kasta oo noloshiisa ah uu hormar ka sameeyo waa inuu iska xoojiyaa oo uu dhisaa guud ahaan afarta nooc ee Garaadka, ayaga oo si gaar ah waalidiinta kula taliyay inay ilmaha intay yaryihiin ay ka hagaajiyaan afarta nooc ee caqliga, si uu mustaqbalka u noqdo qof isku filan oo aan cidna ku tiirsanayn.

Tixraac:
1:https://www.homeolife.in/four-types-of-intelligence/
2:https://cambrilearn.com/blog/understanding-types-intelligence-iq-eq-sq-aq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *