W/Q: Axmed Dhuubow
Jamhuuriyadda Aflaadhoon/The Republic of Plato

Waa buug uu Plato qoray, waxa uu na ku soo bandhigayaa nooca dowladnimo ee uu u arko midda ugu wanaagsan iyo magaalada uu suureystay ee khiyaaliga ah(The ideal city). Aflaadhoon, waxa uu kamid ahaa xikmadyahannada iyo caqli-maallada dunida soo maray kuwoodii ugu waaweynaa, waxa uu ahaa asaasihii dugsiga falsafadda ee Athen. Waxa uu wax ka bartay macallin aragti-fog oo caan ah waana Socrates, arday aragti-fog oo miisaan culus na waa uu soo saaray waana Aristotle. Haddaba, nooca dowladnimo ee uu Aflaadhoon(Plato) doonaayay sidee ayay u ekayd!
[1]
Qeybaha Dowladda; Aflaadhoon(Plato) waxa uu dowladda u qeybiyay saddex, waxa uu na ku tusaaleeyay aadanaha. Qeybta koowaad: Madaxa, ee uu caqliga ku jiro. Waxa uu ku tusaaleeyay dabaqada sare ee dowladda hogaaminayso. Waxa uu na u arkaa kuwa ay murtida biyo-dhigtay ee uu garaadkoodu shaqeynaayo, fahankoodu sarreeyo, adduunna uusan fasahaadin karayn. Waana dabaqada sare ee madaxyaweytaa bulshada ah.
Qeybta Labaad: Qalbiga oo ay caadifadda ku jirto. Kooxdaani waxa uu ku tusaaleeyay ama ugu magac daray dabaqada Ciidanka ama kooxda Dagaalka/ilaalada. Waxa uu na waxtarkooda ku sheegay in ay yihiin geesiyaal iyo dad u diyaarsan dagaalka. Waxa uu na ku tilmaayay kuwa jecel; guusha, geesinimada, iyo goobaha dagaalka. Sidaas darteed, waa in ay dowladda ilaaliyaan.
Qeybta Seddexaad: Caloosha ee uu damaca ku jiro. Waxa uu ku tusaaleeyay, in ay u taagan tahay dabaqadda farsama-yaqaannada iyo shaqaalaha iyo dhammaan dadka caadiga ah ee qeybaha ka la duwan ee dadweynaha, kuwaas oo jecel lacag raadinta, soo-muuqashada, tartanka. Waana ragga warshadleyda, ganacsatada iyo kuwa si uun hantida ku sameeyo.
Plato, waxa uu aaminsan yahay in xaaladda ugu wanaagsani ay tahay in Maskaxdu ay maamusho Qalbiga oo caadifad ku suntan, iyo Caloosha oo damac u sameysan. Waxa ay na ka dhigan tahay in dadweynaha ee dabaqada saddexaad, in ay wax soo saaraan, oo aysan waxba xukumin. Sidoo kale dabaqada labaad ee Ciidanka ama kooxda Dagaalka/ilaalada, in ay dowladda ilaaliyaan oo aysan waxba xukumi karin ayuu qabaa, Aflaadhoon. Waxa uu na bur-bur iyo hoog u arkaa, marka ay kooxda labaad ee dagaalka u sameysan iyo kooxda saddexaad ee wax soo saarka u sameysan ay is ku dayaan in ay awood yeeshaan si ay dowladda u maamulaan. Si ay taas u dhicin, waa in laga dhowro oo booskooda ay ku ekaadaan.
[2]
Sidee Dowladda Aflaadhoon lagu heli karaa!
Si fudud, waxaa lagu gaari karaa;”Barbaarin/Tarbiyah” Si aan barbaarintaa u gaarno waxa uu Plato qabaa, in shan qodob la helo.
Ugu horreyn: Caruurta marka ay dhashaan ka dib ayaa la isu ga geynayaa goob xannaano ah, si looga war-haayo caafimaadkooda, loo na ka la saaro kuwa cilladda leh iyo kuwa fayow oo aan wax cillad ah aan qabin.
Marka labaad; Muddo dheer ka dib waxaa la barayaa, akhriska, qoraalka, xisaabta, muusigada iwm. Saddexaad; Marka ay gaaraan da’da toban iyo labo, waa in laga qaado imtixaan lagu ka la saaraayo. Ka dib na, kuwa guuleysta ayaa daraasadda sii wadanaayo. Waxa uu na leeyahay, kuwa ka gudbi waayay waa in is ka tagaan, oo ay nolosha is ka dhiciyaan. Sidaas ayay na dabaqada saddexaad ee howshooda tahay in ay wax soo saaraan ama muruq-maal ka ah ugu mid noqonayaan.
Affaraad: Kuwa guuleystay waxbarashadooda ayay sii wadanayaan, inta ay ka gaarayaan da’da labaatan iyo labo sano. Ugu danbeyn: Ka dib da’da 22 sano waxaa dhallinyaradaas mar kale laga qaadayaa imtixaan. Kuwa ku guuleysta imtixaanka waxa ay sii wadanayaan waxbarashadooda heer ay ka gaaraan in ay noqdaan faylasuufyo caqli-maal ah iyo hogaamiyaal. Kuwa imtixaanka ku haray/dhacay waxa ay aadayaan dabaqada labaad ee ilaalada dowladda, sidaas ayay na waddankooda ku difaacayaan oo ay ciidan ka kaga mid noqonayaan.
[3]
Wax-lahaanshiyaha iyo nolosha guurka
Kow; Dabaqada falaasifada iyo hogaanka; u ma bannaano in ay si uun ugu raaxaystaan wax ay ayagu leeyihiin. Ma guursan karaana, waxna ma yeelan karaana. Waxa uu na Aflaadhoon aaminsan yahay in wax-lahaanshiyaha uu cunuqabatayn ku yahay caddaaladda. Micnaha, haddii ay guursadaan oo ay qoys yeeshaan ama hanti gaar ah leeyihiin caddaaladda ayaa booska ka baxayso, waxaana imaanayso in ay muhiimad gaar ah siiyaan danahooda gaarka ah, qoys ama hanti ba. Si aysan eex u iman ayuu na sidaa u leeyahay. Haddiise laga maarmi waayo guur, dabaqadaani ayaga kaliya ayaa is guursanaayo. Marka uu canug dhashana waa laga qaadayaa, wax xiriir ah na ma yeelanaana, ayaga iyo caruurtooda.
Labo: Marka dabaqada labaad ee ilaalada ah la fiiriyo, ayagu na wax gaar ah ma yeelan karaana sidoo kale qoys ma dhisan karaana, si aysan u dhicin in ay waajibaadkooda dayacaan. Waxaase waajib ah in taranka iyo nasabka la ilaaliyo, sidaas darteed waa in ayaga uun is guursadaan, sida dabaqada ka sarreysay oo kale. Caruurta na saacadda ay dhashaan waxaa la geynayaa goob la wadaago, hooyadu na mid aysan garanayn ayay nuujinaysaa!
Saddex: Dabaqada Dadweynaha, ayaga xaq ayay u leeyihiin in ay qoys dhistaan, in ay wax lahaadaan. Sida uu Aflaadhoon(Plato) uu qabo, wax-lahaanshiyaha gaar ka ah wax caqabad ah ku ma ahan in ay shaqadooda gutaan, shaqadoodu na u ma halis badna sida ilaalada dowladda ee dabaqada labaad, iyo hoggaanka oo ah dabaqada koowaad, sidoo kale na waajibka saaran waa in ay dowladda kalsooni siiyaan ee xaq u ma lahan in ay doodaan ama soo bandhigaan awoodda caqligooda.
Sidaas ayay aheyd dowladda uu Aflaadhoon ku taamaayay. Plato, uma arko in ay cunsuriyad ka muuqato dowladnimada noocaan ah, ee horaan ba caddaaladda ayuu u arkaa in ay tahay in qof walbo halka uu ka soo bixi karo loo bilo, maadaama uu halkaasi uu si hagar la’ ugu soo bixi karo, dayacaad na aysan ka imaanayn.

Aqoon kooban oo madaxeena wax ku reebtay, wad ku mahadsantahay 👌