Nuxurka buugga; Nel Benadir-La Città di Merca e la Regione Bimal
Waxaa qoray: Xasan Abshir
____
Buugga “Nel Benadir: La Città di Merca e la Regione Bimal” oo uu qoray Gherardo Pantano sannadkii 1910, waa daraasad qoto dheer oo diiradda saareysa taariikhda, juqraafiyada iyo dhaqanka magaalada Marka iyo deegaanka ay degan yihiin Biimaal. Pantano, oo ahaa taliyihii ciidamada Talyaaniga (Bersaglieri), wuxuu xogtiisa ku saleeyey cilmi-baaris iyo waayo-aragnimo uu helay muddadii uu ku sugnaa gobolka.
Buuggu wuxuu iftiiminayaa xiriirka taariikheed ee magaalada Marka iyo bulshada ku noolayd, isagoo ka hadlay nolosha bulshada, dhaqaalaha iyo halgankii ladagaalka Talyaaniga. Pantano wuxuu magaalada Marka ku tilmaamay magaalo muhiim ah oo ku taalla xeebta Badweynta Hindiya, taas oo xiriir ganacsi iyo dhaqan la lahayd waddamo dhowr ah sida Carabta, Hindiya iyo Bariga Dhexe.
Pantano wuxuu si gaar ah u falanqeeyaa doorka qabiilka Biimaal ee deegaanka. Wuxuu aad u xusey iska-caabbintooda gumeysiga Talyaaniga, dagaalladii waaweynaa ee dhexmaray Biimaalka iyo ciidammada Talyaaniga dhammaadkii qarnigii 19-aad. Pantano wuxuu si faahfaahsan u sharxay dagaalladii ka dhacay Gendershe, Dhanane, Jilib Marka,cad-cadey iyo Xar-xaar.
Xiligaas magaalada Marka waxay ahayd mid ku tiirsan kallumeysiga, ganacsiga xeebaha, beeralayda iyo xoolaha ku nool hareeraha webiga Shabeelle. Pantano wuxuu ka hadlay sida xeebta Marka ay muhiim ugu ahayd isku xirka ganacsiga caalamka, buugga wuxuu tilmaamayaa in Marka ay ahayd magaalo ay ku wada noolaayeen Soomaalida, ganacsatada Carabta iyo bulshooyin kale oo u yimid ganacsi. Wuxuu bulshadu ku sifeeyay inay ahayd bulsho ku dhaqanta shareecada Islaamka iyo dhaqanka deeganka oo ku saleysan wadajirka qabiilka iyo xeerarka dhaqanka.
Magaca magaalada ayaa taariikhdii hore loo yaqaanay “Nicon” sida ku cad qoraal laga helay safarradii ganacsiga ee ka socday Badweynta Hindiya. Markii ugu horreysay magaca “Marka” waxaa laga arkay qoraalka “ description of africa and spain al idrisi ”ee uu qoray juqraafarkerkii Carabta ee Al-idirsi sanadkii 1154. Al-idiriisi wuxuu magaalada magaceeda u qoray “Marka” taas oo ilaa hadda yaqaano [1910]. Sidoo kale wuxuu xusay in wabiga Shabeelle uu dhaw yahay magaalada Marka, wuxuuna yiri “Waa meel hodan ku ah dhul beereedka.” Qoraallada kale ee Carabta ee xilligaas waxay sidoo kale ka hadleen xeebaha Banaadir, waxaana ka mid ah Ibnu Al-Saciid oo qarnigii 13aad u magacaabay “Meurka” isagoo ku tilmaamay meeshii ay ku taallay.
Intii u dhaxaysay bilowgii qarnigii 16aad iyo bartamihii qarnigii 17aad, maraakiibta reer Bortuqiis ay ku soo xiran jireen xeebaha Banaadir, si ay u helaan calaamad muujinaysa xukunka ay hoos yimaadeen. Magaalada Marka 700 sano ka hor ma jirin. Hareeraha wabiga waxa ku noolaa toddoba qabiil oo kala ah: Siraf, Daile, Dauadi, Daramai, Dauali, Uallum iyo Rer Meder, kuwaasoo kasoo guuray dhulka Carabta lama oga xiligii ay yimaadeen—waxayna u badan tahay inay muddo qarniyo ah kahor ay soo degeen.
Qiyaastii 600 sanno ee taariikhda miilaadiga (kuna beegan 1200 taariikhda hijriyada), doon ay saarnaayeen dad Carab ah ayaa shil ku gashay xeebta, Dadkii saarnaa way badbaadeen, waxaana ka mid ahaa Sheekh Jacop iyo qoyskiisa.
Sheekh Jacop wuxuu halkaas ka dhisay buul yar oo loo yaqaan “Abbal” iyo masjidka yar oo Abaal ah, waxaana markii dambe loo bixiyay Aw-baalle. Qabiilo ka yimid wadmada Carabta ayaa ku soo biiray Sheekh Jacop, iyaga oo noqday asaasayaashii ugu horreeyay ee magaalada. Qabiiladaas waxaa ka mid ahaa Siraf, Daile iyo Rer Meder. Qoyska Sheekh Jacop ayaa ka aasaasay qabiilka loo yaqaan Dalu-badci oo markii dambe loo bixiyay Rer Catib.
Qoraagu wuxuu ka hadalay dhaqanka maagalada sida guurka iyo dharka gacan lagu sameeyo ee loo yaqaanno “Aliindiga”. Sida uu leeyahay Pantano magaalada waxaa lagu soo rogay cunaqabateyn ayna ku soo rogeen ciidankii Biimaal ee la dagaalamaayay Talyaaniga, cunaqabateyntaas waxaa ka dhalatay gaajo, barkac iyo dhimasho.
Buugga waa dukumeenti muhiim ah oo xagga taariikhda, dhaqanka iyo cilmiga bulshada ah. Waxa uu iftiiminayaa isku dhacyadii gumeysiga la dirirka, adkeysiga bulshada maxalliga ah, iyo kala-duwanaanshaha dhaqamada gobolka Benadir. Waana dhigane ku dhigan luqadda Talyaani, wuxuu ka kooban yahay 160 bog, sannadkii 1967 ayaa lagu faafiyay Maktabada Jaamacada Northwest University library.
