W/Q: Cabdiraxmaan Caqiil

Noloshii xabsiga ee Cali Cizet
Markii ay bilaabatay maxkamadaynta Cali Cizet, waxaa hoolka maxkamadda ku sugnaa ehellada eedaysanayaasha, xeer ilaaliyeyaal, iyo dad kale oo lagu casuumay. kolkii la soo taagay goobtii maxkamadayntu ka socotay waxaa hoolkii laga dareemay degganaansho iyo aamusnaan, qof kasta wuxuu u dheg-raaricinayay hadallada miisaaman ee Cali, weer kasta oo uu ku hadlaana barteeda ayuu dhigi jiray.
Garsoorihii maxkamadda ayaa u fasaxay Cali in uu hadalka bilaabo;“Adinkoo si khaldan ii arag, fadlan wax siyaasad khuseeya yaan lagaga hadal goobtan” ayuu sii raaciyay qaadiga.
“Noloshayda waxaan geliyay in aan u adeego islaamka” ayuu ku bilaabay Cali hadalkiisa, qaadigii oo hadalka ka boobaya ayaa yiri: Ma aragtaan? War qaabkas yaan loo hadlin. “Hagaag, uma laabanayo” ayuu Cali ku warceliyay.
Kalmaddii labaad ee la wada sugayay Calina uu ku hadlo waxa ay noqotay;“Wax kasta oo aan haysto waxaan u huray jacaylka aan islaamka u qabo”. Qaadigii ayaa markan kasii xumaaday arrinta, waxa uu garan kari waayay waxa uu sameeyo. Kalmadda[Wax kasta oo aan haysto waxaan u huray jacaylka aan islaamka u qabo] waxay gashay guri kasta oo Muslim oo ku yaalla Boosniya. Markasta oo uu bato cadaadiskii nidaamka Shuuciga ee fashiistaha ahaa, Cali waxa uu kasii heli jiray magac iyo maamuus.
TAARIIKH KOOBAN
Cali Cizet Begovij, waxa uu yaraantiisa kusoo koray dhul uu ka talinayay nidaam shuuci ah oo xir-xiran, nidaam aan oggolayn diin, thaqaafo, dood, fan, iyo xadaarad. Intii uu Cali ku jiray da’da dhallinyarnimo waxay isbarteen dhallinyaro ku jirtay Jaamacadda Zagrib, iyo Jaamacadda Belgaraad, waxay marar badan ka doodi jireen caqiidadooda islaamka iyo sida ay uga horimanayso nidaamka maadada(Materialism) ku dhisan.
Muddo kaddib waxay samaysteen gole-dhallinyaro oo lagu magacaabo Jimciyadda Dhallinyarada Muslimiinta, waxayna gudagaleen sidii loo diiwaangelin lahaa ururkooda si lamid ah ururada kale ee dalka ka jiray. Bishii abriil 1941 kii ayuu Cali Cizet ku biiray ururkani, waxaana xilligaasi Yuguslaafiya duullaan ku ahaa ciidankii Naasiga Jarmalka. Aragtida guud ee ururka waxay ahayd in ummadu lagu baraarujiyo qiyamka islaamka ee suuban, iyo in laga horyimaado Fikirka Ilxaadka(Alle-diidnimada) ku dhisan ee Shuuciyadda, sidaa ayuu Cali ku bilaabay shaqadiisii ugu horraysay ee islaamka.
Marka uu tilmaamayo Cali Cizet waxyaabihii keenay in dhidibada loo taago ururka waxa uu leeyahay; kolkii uu soo muuqday dhaqdhaqaaqa dhallinyarada muslimiinta horraantii afartameeyadii caalamka islaamka wuxuu ku jiray xaalad quus ah, dalalka muslimiinta waxay ku hoos jireen gumeysi ciidan iyo mid dhaqaaleba, innaguna waxaan dareemaynay in xaalka muslimiinta sidan loo dhaamo. Muddo markii ay kasoo wareegatay asaaska ururka waxa uu ku sii faafay dugsiyada, jaamacadaha, iyo macaahida kala duwan, waxa ayna taageerayaal ku yeesheen magaalooyinka Boosniya.
Isku dhacyadii ururka iyo taliskii fashiistaha ahaa ee shuuciga.
Sannadkii 1945 waxaa billowday isku dayo lagu doonayo in ururka loo jiheeyo afkaarta Shuuciga ah, waxaa lagu billaabay weeraro loogu been abuuranayo dhallintii hoggaanka u ahayd ururka, iyo diinta islaamkaba. Cali Cizet xusuus-qorkiisa wuxuu ku leeyahay: Waxaa lagama maarmaan noqotay in aynu u kacno difaacidda ururka iyo islaamkii lagu been-abuurtay, waxaan kaga jawaabi jirnay doodda shuuciyiinta xujooyin cadcad, dood aad u kulul ayaynu kala hortagnay shuuciyiintii mulxidiinta ahaa, waanu ka guuleysannay, waxaana sacab iyo bogaadin inoo miisay jamaahiirtii daawanaysay doodda, falcelintii taliska shuucigana waxay noqotay in la xiro inteenii goobta fadhiday ee doodda ka qaybgashay.
Maalinkii xigay ayaa xabsiga na laga soo daayay, balse taliskii fashiistaha ahaa waxaa uu u arkay in Islaamka la difaaco sida in taliska laga horyimid, waxaana la duldhigay dhallinyarada ilaalo gaar ah iyo kor joogtayn.
Bishii Maarso 1946-kii waxaa xabsiga loo dhaadhiciyay Cali Cizet iyo afar saaxiibadiisa ahayd, waxaana lagu xukumay 3 sanno oo xarig iyo shaqo adag ah.
Si kastoo ay xaaladdu u adkayd dhallintii waa ay sii wadeen hawshii ururka, waxayna taageero hor leh kasii heleen bulshadii Boshnaaqa, waxaa sannadkii 1947dii gacanta lagu dhigay koox labaad oo ka tirsanayd isla ururka, sannadkii xigaynay koox 3aad ayaa xabsiga la dhigay.
Waxaa jirtay in 1949-kii Istaaliin ninkii ahaa uu weeraray Yuguslaafiya, waxaa tiro beel noqotay dadkii la xirayay, waxaa waayadaas dadka lagu eedayn jiray dib u socodnimo iyo in ay ka horyimaadeen kacaanka shuuciga ah.
Markale Cali Cizet iyo xusuusqorkiisa aan u laabano;
“Saaxiibadeenna qaarkood waxaa lagu xukumay in la daldalo, waxaa u weynaa dadkii la daldalay Xasan Biibar oo 27 sano jir ahaa, waxaana u yaraa Nasrat oo aan 20 sano gaarin, …eedeymihii la sheegay wuxuu ahaa xagjirnimo, waana wax aan waligeen samayn, qof naga mid ah oo gacan kahadal sameeyay lama sheegin, xitaa mudaharaad ma aynan samayn.”
XABSIGII 1AAD
Cali Cizet Begovij waxa uu 3 sanno ku qaatay xabsi ciidan oo cunto yari ay ka jirto, waxaana lagu xiray qol ay ku jireen dilaayada la soo xiray, intii uu xirnaa waxaa la toogtay saaxiibo ay ka wada tirsanaayeen Jimciyadda Dhallinyarada Muslimiinta, waxa uu ka shaqayn jiray jarista cawska intii uu xirnaa.
“Kolkii ay dhamaatay muddadii xabsiga la igu xukumay waxaan ahaa 24 jir. Aniga oo badqaba kolkii aan soo baxay reerkayga oo farxad ka muuqato ayaan la kulmay, ma aysan filaynin in aan caafimaad qab uga soo bixi doono xabsiga”. Ayuu Cali ku qoray buugga xusuus-qorkiisa.
Buuggiisa xusuus-qorka
Sannadkii 1980kii waxaa geeriyooday Tiitoo hoggaamiyihii Yuguslaafiya, waxaana billowday marxalad cusub, waxaa hay’adihii dowladda ee huwanaa magaca hantiwadaagga shuuciga gacanta ku dhigay Seerbiyiinta, Tiitoo inta uusan dhiman waxaa lagu helay eedeymo tiro badan, sida in uu xiriir saaxiibtinimo la yeeshay dowlado carab iyo muslimba leh, taas oo shuuciyiintu ku tilmaameen dambi in la la xiriiro dowlado dib u socod ah, waxaa kaloo lagu eedeeyay in uu magaalada Belgaraad ka dhisay masjid iyo iskuulo islaami ah oo uu ka dhisay Sarayeefo.
Waqti ay meel sare gaartay cunsuriyadda iyo nacaybka islaamka loo qabay, waxay keentay in dad badan la xirxro, Cali Cizet waxa uu markale xabsiga galay 1983dii isaga iyo aqoonyahanno Boosniyiin ah ayaa xabsiga loo taxaabay, cadeymaha kaliya ee lagu helay wuxuu ahaa buugga“Bayaanka Islaamiga”.
Ma jirto meel ay kaga qornayd Yuguslaafiya ama Boosniya buuggan dartii loo xiray, buuggu wuxuu ka warramay si guud Fikirka Islaamiga ah, wuxuuna ku taxay xalka dhibaatada haysata muslimiinta. Sidaas oo ay tahay maxkamaddu waxay u aragtay in uu ku kacsan yahay dowladda mu’aamaradna uu maleegayo. Cali iyo saaxiibadii si qumman ayay isaga difaaceen eedahaasi, waxayna la yimaadeen wax kasta oo lagu sii dayn lahaa, laakiin xukunka maxkamadda goor hore ayuu sii diyaarsanaa, ujeedkana waxa uu ahaa in laga ciribtiro wax islaam sheegta ee Boosniya jooga.
XABSIGII 2AAD
Sannadkii 1983dii waxay ciidamadu soo xireen Cali Cizet iyo 13 nin oo kamid ahaa aqoonyahankii muslimiinta iyo mufakiriintoodaba, waxaa lagu eedeeyay in ay wadeen qorshe ay ku dhisayeen dolwad islaamku sees u yahay.
Kitaabka “Bayaanka Islaamiga” waxaa uu ahaa cadeymaha kaliya ee loo hayay xarigooda, kitaabkuna kuma cusbayn dalka, toddobaatanaadkii ayaa maqaallo lagu qori jiray wargeys ay muslimiintu lahaayeen, taliskii shuucigana waa uu ka warhayay arrinkaas, wax culeys ahna uma arki jirin; maqaalladaas la uruuriyay ayuuna ka koobnaa buugga Bayaanka Islaamiga.
Maxkamaddu waayadaas waxay noqotay goob lagu maadeysto. Gabar la soo xiray eedo culusna lagu tuhmay ayaa qaadiga la hadashay; mudane ma i ilaalinaysaa haddii aan runta ka hadlo oo aan qirto? Dabcan waan ku ilaalinaynaa ayuu ku jawaabay. Waxa ay ku tiri; “Waxa kasta oo aan saxiixay intii ay baaristu socotay waa hadal haba yaraatee aanan anigu dhihin, waxaa iska qortay askarigii baaristu waday, anigoo cadaadis i saaranyahay baa la i faray inaan saxiixo waana saxiixay.”
MAXKAMADAYNTII CALI CIZET
Kolkii la soo gaaray in uu iska difaaaco eedeymihii lagu soo oogay Cali, waxa uu yiri;
Anigu waan jeclahay Yuguslaafiya, balse nidaamka maamul ee ka jira ayaanan jeclayn, jacaylkayga oo dhan waxaan u gaar yeelay xorriyada, wax aan xukun ku jeclaado iima soo harinba. Iyadoo aan ka duulayo arrinkaasi waxaan qirayaa in aan ahay ahaan doonana Muslim. Waxaan isku tiriyaa in aan ahay qof ka hadla qaddiyadaha islaamka ee dunida, waana sii ahaan doonaa sidaas, sababtoo ah islaamku wuxuu iiga dhiganyahay wax kastoo qurux badan, waana tusaalaha u habboon ee ballanta, iyo rajada mustaabalka shacabka dunida ugu wanaagsan ee muslimka ah. Waxa ay muslimiintu xaq u leeyihiin in ay ku noolaadaan xorriyad iyo karaamo. Islaamku aragtidayda waa kalmad xambaarsan micno kasta oo weyn, taas oo qof kasta mudanyahay in uu darteeda u noolaado.
Xukunkii maxkamaddu waxa uu noqday in Cali lagu xukumo 14 sanno, Cumar Behmen 15 sanno, Maliika Saalax Begovij 5 sanno, sidoo kale raggii kale waxaa lagu xukumay xabsi u dhaxeeyay 16 sanno ilaa 6 bilood, maxkamaddii sare ayaa iyana laba sanno Ka jartay muddadii xabsiga Cali sidaas ayaana 12 sanno looga dhigay muddada xarigiisa.
Cali Cizet buuggiisa xusuusqorka wuxuu ku tilmaamayaa in uu si aayar ah u la qabsaday nolosha xabsiga. Maxaabiista caadiga ah ee dambiyada galay waa loo ogolaa in xabsiga dibaddiisa u soo baxaan, balse maxaabiista siyaasadda u xiran marna looma oggolayn in ay soo baxaan. Intii uu ku jiray xabsiga wuxuu bilaabay in uu wax ka qoro nolosha, diinta, siyaasadda, buugtii uu akhriyay iyo qorayaashooda, iyo wax kasta oo ku soo dhici karay maskaxda maxbuus u fiirsaday adduunka.
Intii uu xabsiga ku jiray wuxuu si qarsoodi ah u heli jiray warqado uu ku qori jiray qormooyin kooban, oo markii dambe u beddelay buuggiisa Hayaankaygii Xorriyada (هروبي الي الحرية).
TIXRAAC:
1. Xusuu-qorka Cali Cizet Begovij.
2. Taariikhda Cali Cizet ee xabsiga: Documentary Al-Jazeera Arabic
