
Mucaashaqii dubkiisa jacaylku feentay: Abwaan Sulub Cumar Axmed
W/Q: Kablallax Dhagacadde
Waa maqaal kooban. Waa maqaal aan in yar ku dul hakan doono suugaanta iyo taariikhda mucaashaq jacaylku feentay oo dubka iyo lafaha kala dhilay. Mucaashaq jacaylku tummaatiyay oo inta uu wadnihiisa hujuumay si daran lubigiisa iskugu qotomiyay oo iskaga likeeyay. Mucaashaq dareenwadeyaasha, arooreyaasha iyo halbowleyaasha dhiigga qaybiya jacaylku raacay, oo inta uu sida feeraska ugu baahay, ugu danbayntiina iilka ku hubsaday. Waxaan rabaa in aan wax yar ka baro qofka doonaya ee danaynaya waayihiisii sooyaal, iyo leeleelkii uu jacaylku ka mutay. Taa macnaheedu ma aha in aan qaadaadhigayo ama gorfaynayo guud ahaan noloshiisa, taariikhdiisa iyo fankiisaba. Marnaba sidaa ha moodin. Waayo wax laga gayoon karo oo inta qalin loo qaato maalin iyo lababa lagaga dhammaan karo ma aha. Ma aha wax bog iyo laba toonna lagaga bixi karo; ruuxa sidaa qabaana waxa uu la mid yahay qof inta uu badda tegay yidhi irbad baan ku dhurayaa! Mid baynu se samayn karnaa. Haa, in aan waayihiisii jacayl, nololeed iyo sooyaalkiisii suugaaneedba korkaxaadino ayaynu samayn karnaa; waana qodobka aan rabo in aan ka duulo.
Jacaylka waa loo dhinta iyo looma dhinto, waa dood ay in badan qabi karaan cid walba oo aan wax taariikh ah ka hayn raggii uu jacaylku noloshooda galaaftay. Cudurka caashaqu sida uu u jiro marnaba Soomaalidu uguma baraarugsana ama waa arrin ay dhayalsadaan. Sidoo kale, qofka jacayl iyo wixii la mid ah la gole yimaadda waa la qariibsan jiray ama wax waalli ah ayaa loo arki jiray. Maadaama oo ay Soomaalidu ahayd dad reerguura ah oo dhaqan adag lagu soo barbaariyay jacayku agtooda wax micne ah kama lahayn ama waxa ay u arkayeenba jilicsanaan aysan gayin. Waana dhaqan ilaa hadda sii jira si kasta oo loo furfurmay oo loo magaaloobay. Haddana iyada oo ay sidaas tahay, sheegashada dareenka jacaylka ah waxaa jiray rag cod dheer ku soo gudbiyay oo sida ugu xeesha dheer uga maansooday. Waxa jiray rag ay nolosha isku seegeen jacaylka awgii oo oonta ka soomay. Rag ammaanta bilcanta ay janteen indho iyo dhego tirtay oo curinta heesaha catowga ah laasimay. Rag jacaylku majaraha u qabtay, oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay u heli lahaayeen ciddii ay naftoodu gacalootay ee uu qalbigoodu raacay.
Raggaa waxaa ka mid ahaa nin si weyn warkiisu u faafay oo ruuxii magaciisa maqla, isla jeerkaasba maskaxdiisu ay soo tufayso “Caashaq.” Waa nin ilaa waayihiisii dhallinyaranimo iyo intii uu ka dhimanayeyba, jacaylku jarar iyo buuro dhaadheer ka kala baxay oo isaga oo doontii cishqiga sidii u saaranna ku iishay. Noloshiisa waxa uu u hibeeyey gabadhii u jeclaa, goob iyo gole kasta oo uu fadhiyona waxa uu tix iyo tiraabba ku sheegayey laxowga iyo baahida uu u qabo tii naftiisu gacalootay ee wadnihiisa ku taallay. Waxa badan ayuu ku taamay in uu la jaalo oo uu adduunka kaligeed ka eegto. Wax badan ayuu ku taamay in aanu gabadh aynigeed ah hawaysan ama uusan dhinac joojin. Geeddi dheer iyo baadigoob dhan walba ah ayuu u galay sidii uu ku soo xero gelin lahaa; qofta qalbigiisa xadday ee sida falaadh wadnihiisa ka lulatay guyaalka badan.
Ninka aynnu ka hadlaynaa waa Abwaan Sulub Cumar Axmed. Maansoyahan Sulub, sannadkii uu dhashay cid si cad u sheegi karta ma jirto, se waxaa la wariyaa in uu magaalada caanka ah ee “Reydab-khaatumo” ee gobolka Togdheer hoos tagta uu ku dhashay hilaaddii 1920-meeyadii. Bilowgii noloshiisa waxa uu ku soo qaatay miyaga, oo nolol reer guuraanimo ah ayuu ku soo kacaamay. Sannado badan ka dib ayuu magaaladii uu ku dhashay ee “Raydab-Khaatumo” ka furtay maqaaxi shaaha lagu iibiyo; oo shaqadaas ganacsiga ah ayuu in badan ka hayay magaaladaas. Halkaas ayay ka soo bilaabatay in uu suugaan curiyo oo dadka shaaha ka iibsanaya ayuu heellooyin u marin jiray, kuwaas oo kaftan iyo waayo adduunba iskugu jiray.
Hayaankii caadada u ahayd Soomaalida darteed, abwaan Sulub Cumar waxa uu u wareegay tuullada “Laanmullaaxo” oo halkaas ayuu degganaa in muddo ah. Waxa ay maalmuhu bareen gabadh uu jacayl ba’an u qaaday. Gabadhaas ayaa noloshiisa oo dhan ku soohdayd oo meel weyn kaga taallay ilaa ay godka ku hubsatay. Sida aynnu kala dhex baxi karno dhammaan heesihiisii waxa uu kaga war bixinayaa ilaa iyo heerka uu jacaylkiisu gaadhsiisnaa. Sida qof harraad taqajilan la ah oo hogol biyo sidda oo aan weli curani ay dushiisa hadhaysay ayuu naftiisa bardhigayaa oo ku masaalayaa. Sida qofkaa oomani kolka uu darruurtaas biyaysan dhankeeda daymoodaba, ay sakatiga ugu beerto ayaad laxow igu abuurtaa ayuu leeyahay. Hummaag tabtaa u dhigan ayuu gabadha ku tilmaamayaa, oo dharaartii aan halacsaday ayay huq iyo xanuun igu abuurtay ayuu abwaanku ereyadan ku leeyahay:
“Sida hogol bislaatayoo
Adiga oo haraad qaba
Dusha kaa hadhaysayoo
Weli heego dhicin baa
Markii aan ku halacsaday
Hinif layla tidhiyoo
Huq baa igu abuurtee.”
Culimada caashaqu waxa ay qabaan in uu jacaylku yahay cudurka ugu dilaasan kolka uu dhinac keliya jiro ama la isku wacadfuro. Sulub, jirradaas ayuu la ildaranyahay oo uu la keliyoobay, goonnina ku yahay . Iyada oo ay bilistii uu jantay ku gacansaydhay, wanaaggii iyo samihii uu wadayna baylahisay ayay abaar dhaharatay ka dhacday deegaankii Laanmullaaxo. Ooshii tuulada taallayna qoys kasta walba ka mid ahi halkii saac ka muuqday ayay geeddiga afka u saareen oo hayaan baa la galay. Sulub, cadraddii laxowga kashiisa ku beertay qoyskoodii waa ka guuray tuuladii, oo degmada Reydab-Khaatumo meel u dhaw oo roob ka da’ay ayay degeen. Sulub waxba yaysan u gargaarin middii uu gacalooday ee waxa naruuro u ahaa arrageeda iyo in uu wajigeeda meelahaa ka halacsado, oo intaas ayaa sed weyn u ahayd.
Kolkii uu xaal sidaa noqday magaaladii ayuu ku keliyoobay oo muuqii inantii uu jeclaa ayuu aad uga fogaaday. Dabadeed isaga oo dareenkaasi laabtiisa yaallo ayuu suugaan ku cabbiraya oo uu jeclaysanayaa in ay arladu abaar iska sii ahaato; roobkii kala guurka sababayna hiifayaa. Waxa uu uu tilmaamayaa in aan roobkaa lagu raynin ama loo aayin oo uu noqday sababta kowaad ee iswaagooda. Catow iyo calaacal ayuu bilaabayaa oo waxa uu odhanayaa:
“Roobkii helay Reydab-Khaatumo
Laguma reeyaan wuu na kala raray.”
1940-meeyadii markii dhaqdhaqaaqa fanku ka bilaabmay Boorama iyo Hargeysa, Sulub waxa uu u wareegay Hargaysa, oo waxa uu ka mid noqday abwaannadii fanka seeska u ahaa. Heesihii ay kooxdii “Walaala Hargaysa” qaadi jireen oo u badnaa laxannada Qaraamka, ereyada caashaqa iyo galgacaylkuba ka buuxo ee fannaaniintu ku luuqayn jireen; intii ugu badnaa waxaa lahaa abwaan Sulub. Jaad ka gooni ah heellada kale oo summad gaar ah leh ayay ahayd Suugaantii catowga ahayd ee Sulub Cumar kaga maansoon jiray jacaylka korkiisa dubay ee dhuuxiisa feentay. Waxa ku dhacay dhiigbax jacayl oo sida geed xar galay ama dudumo aboor ku baxay ayuu u solmay.
Sulub, heeso iyo riwaayado dhinacyo badan taabanaya ayuu fanka ku dhex leeyahay. Iyada oo ay aad badan tahay suugaanta uu curiyay, haddana maansooyinkiisu waxa ay u badnaayeen dhanka jacaylka. Jacaylku waxba uma hanbaysan oo si arxandaran ayuu xabsi oogada ka furan ugu hubsaday. Dabadeed waxa uu weheheshaday heellooyinka jacaylka oo uu la jaal noqday. Sulub, maamuus weyn ayuu ku dhex lahaa bahweyntii fanka; in uu nin oday ah oo badi fannaaniinta waalid ugu beegan ahaa ka sokow, waxa uu ka mid ahaa raggii tacabka badan galiyey kooxdii kartid abadnayd ee “Walaalaha Hargaysa” kuwaas oo in uu fanku heerkan soo gaadho qayb weyn ka ahaa.
Abwaan Sulub, gabadhii uu jeclaa qaab walba oo qof wax loogu sheego karo ayuu ugu sheegay oo suugaantiisa ku soo tebiyay. Kor ayuu u dhawaaqayaa isaga oo sheegaya in uu xaalad geeri u eeg ku suganyahay; waxa kaliya ee dawadiisa ahna ay Caasha-Ruun tahay. Caasha-Ruun waa qofta uu caashaqay. Waa qofta uu hadal kala daalay ee jacaylkiisii garowsan waday. Waa qofta uu darteed waxaas oo kadeed ah u mutay. Waa qofta sababtay in uu warkiisu bari iyo bogax iskaga kala gudbo, oo uu heellooyin beerqaad leh uumiyaha kula dhex dhaco. Kolka qofka aadamaha ah Mawdku soo korjoogsado ee jirjircadka ama jeedada loo dhigo; nooshana in ay kala jiciirteen loo badiyo, xaalad u muuq eeg in uu ku suganyahay ayuu tilmaamayaa. Waxa uu tilmaamayaa in ay oontii is daayeen oo uu iyada awgeed jeegada u yaaallo, nafna kala quusteen. Waxa uu ku halaanhalayaa heesta uu Cabdi-Tahliil qaado oo meerisyadan soo socda ayuu kor ugu dhawaaqayaa:
“Jirjirkiyo dartaa baan
Jeegada u aallaa
Jalka qaadan waayaye!”
Kaymaha baadka iyo dhirta kala jaadka ahi ka baxdo, haddii ay roob waayaan waxa ay noqdaan wax aysan daymadu ku hakan oo indhahaa ku basaasa. Sidoo kale, dhirtu waxa ay noqotaa wax soogsoogan oo qalqallalan oo aan nacfi lahayn. Sulub, jacaylku waxa uu ka dhigay sida geed nabaad guuray oo laamiihiisii inta ay engageen dhulka daadsan yihiin ama se xar galay. Waxa uu noqday laf iyo dub isku dhiggan oo caday waa uu ka dhuubtay. Waxa uu u dhuubtay sida ulaha dhebiga oo dhexdiisa surwaalkii waa uu qaban waayey. Waayaha jacaylku sida ay muuqiisa ka dhigeen, waa arrin dadkii qayaannay iyo suugaantiisuba ka maragkaceen. Waa kan isaga oo meerisyadan tilmaan waafiya kaga bixinaya waayaha jacaylku baday in leh:
“U dhuubtay sidii ulaha dhebigoo
Dhexdayda surwaalkii wuu ka dhacee
Dhan kale sow tan ii la dheelliday.”
Sida Sulub jacaylku eebada ugu noqday waa arrin uu suuraysan karo qof kasta suugaantiisa ama heesihiisa u dhuun daloola ama meel ka dhegaystay amba se meel uun ka akhriyay. Qof kastaa waxa uu is waydiinayaa ruuxu kolka uu ul ka dhuubto sida uu xaalkiisu noqon karo! Waa arrin cid kasta caloolyow iyo laxow ku abuuri karta. Sidoo kale, qofku kolka uu ugu roonyahay booskiisa ayuu is dhigi karaa oo qalbiga ayuu ka dareemi karaa wixii uu jirrab soo maray. Waxaad is waydiin kartaa Sulub kadeedkii uu jacaylka ka mutay oo dhiigbax dareen ayaad gudaha ka dareemi kartaa. Damiirkaaga ayaa ku canaanan kara oo jacaylka iyo in wax la jeclaadoba waad nacdali kartaa. Sulub, dhibaato kasta oo uu jacaylka ka soo maray, marna isma uu dhiibin oo ma quusan. Cid kasta oo kula soo dhiirrata in uu ka samro ama uu ka quusto qoftii uu gacaloodayna waxa uu ugu halcelinayay:
“Yartaan u qallalay sidii qori
Ka quuso miyay i qabataa?”
Suugaantii badnayd ee uu Abwaanku ugu calaacalayey Caasha, waxaa barbarsocotay mid kale oo uu ku ammaanayo quruxdeeda iyo qaayaha uu ku doortay ee rabbi ku ebyay. Waxa uu quruxdeeda ku masaalayaa xuuralcayn ifka u soo xagaa baxday ama waxyaabaha qaayaha leh ee quraanka lagu sheegay. Sidoo kale, waxa uu qaayaheeda ku tilmaamayaa qorrax ifka u soo baxday oo mugdiga habeenkii sii carraabisay. Mar kalena haddii ay ubax ahaan lahayd in ay iyadu ka udgoon badnaan lahayd ayuu ammaan ugu gacalmiisayaa:
- “Quraankuba sheeg wixii quruxle
Qaniyeey qorrax soo baxdaad tahay!” - “Haddaad ubax tahay mid aad u uroo
Udgoon badan baad ahaan layd!”
Mucaashaq Sulub Cumar Axmed, noloshiisa intii danbe waxa uu ku noolaa magaalada Muqdisho; halkaas ayuuna degganaa intii uusan dalka qaxa iyo burburku ka dhicin. Isaga oo sidii caashaq u hayo in uu gabadh kale guursadana dhaarka ka maray, ayuu maansayahan Sulub 22-6-1992 ku geeryooday Hargeysa. Ilaahay jannadiisa hadh qabow oo aan waligii guurahayn ha ka geeyo abwaan Sulub Cumar, sidii uu adduunka dhibaatada ugu marayna, raaxo ka weyn in uu ku abaaliyo ayaynu waydiinaynaa. Sidoo kale, waxaad maanka ku haysaa qoraalkani uu yahay guudmar aad u kooban oo uusan ahayn mid u qalma taariikhdii iyo suugaantii Sulub Cumar. Waa arrin aan ugu talogalay in aan iskaga rido xil akhlaaqiya oo iga saaran qof walba oo fankeena maamuus iyo magacba ku leh.
