Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.
Meerisyadii caloolyowga–Pablo Neruda
WT–Guryasame Cabdi
Caawa waxaan qorayaa meerisyadii ugu caloolyowga badnaa– masalan, waxaan dhahayaa; caawa waa habeen gudcur ah oo ay cirka ku xardhan yihiin xiddigo meel fog ka soo birbiraya. Neecawda habeennimo oo heesaysa ayaa hawada sare leexaysanaysa!
Caawa waxaan qorayaa meerisyadii ugu caloolyowga badnaa– waa aan jeclaay anigu, iyaduna sidoo kale xilliyada qaar waa ay i jeclayd! Cawaysyo badan oo habeenkaan oo kale ah ayaynnu wada caddalooli jirnay; oo ay boggayga ku jiifi jirtay! Allahayoow maxaan cirkaan jiidan hoostiisa marar badan ku hoos dhunkaday! Way i jeclayd, aniguna sidoo kale waan jeclaay xilliyada qaar! Ma nin indhadeeralaydaas arkay oo aan caashaqayn ayaa jira!
Caawa waxaan qorayaa meerisyadii ugu caloolyowga badnaa– oo ay kamid yihiin–sida aan uga murugaysanahay; in aysan haatan i hareer joogin, sida aan u goconayo in aan lumiyay, iyo sida aan u xammili la’ahay habeenkaan i dhibay, ee uu maqnaanshaheedu igu sii dheeraynayo! Tixdu waxay ruuxdayda uga soo maaxanayaan sidii dharab ka da’aya caleemaha dhirta!
Maxay ka macno leedahay haddii jaceylkii aan u qabay ku filnaan waayay in uu baajiyo tegitaankeeda! Waa habeen madoow, ma na ay ila joogto! Warku waa intaas! Qof baa dhul fog ka heesaya, naftaydu u ma riyaaqin in ay lumisay ruuxdaas!
Indhahaygu waxay u basaaseen aragtideeda, qalbigayguna wuxuu u boholyoobay lajirkeeda, inkastoo ay fogaatay! Habeenku waa isla kii, geeduhuna waa isla geedihii, balse innagu ma nihin isla innagii! Hadda, jaceylkeeda waan dhigay, waa hubaal taasi! Alla maxaan jeclaaday! Codkaygu wuxuu gaclooday in ay dabayshu xambaarto si uu maqalkeeda ugu dhaco! Nin kale ayay tiisa noqon doontaa. Geddii ay dhunkashooyinkayga ka horba u ahayd.Codkeeda debecsan, jirkeeda bilicsan iyo indhaheeda dhugashada u roonba waxaa hantiyi doona qof kale!
Ma jecli anigu hadda, waa xaqiiqo taasi, waa se laga yaabaa in aan weli jacelahay! Jaceylku aad buu u gaaban yahay, se in la hilmaamo wakhti dheer ayay qaadataa! Maadaama ay caawa oo kale laabtayda ku jiri jirtay, naftaydu u ma riyaaqin in ay lumisay ruuxdaas,tiiyoo ay jirto in xanuunkaan hadda i damqaya uu noqonayo rafaadkii u danbeeyay ee ay i dhadhansiiso, meerisyadanina ay noqonayaan kuwii u danbeeyay ee aan iyada darteed u qoro!
Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.