W/Q: Mohamed. A. Abdulle (Mohamed Daacad)
HORDHAC
Kenya waa dal leh taariikh qani ah oo ku suntan halgan iyo kacdoon shacab kuwaas oo horseeday dimuquraadiyad, xorriyad, iyo nidaam sharci oo dhaliyay isbeddel. Jiilal kala duwan ayaa hadba marxalado ku hoggaamiyay kacdoon, mid walbana wuxuu lahaa ujeeddo gaar ah iyo saameyn qaran. Laga bilaabo kacdoonkii xornimo-doonka ahaa ee Mawmaw sanadkii 1952, ilaa kacdoonka dhijitaalka ah ee Gen Z sanadkii 2024, waxay dhallinyarada Kenya ahaayeen udub dhexaadka dhaqdhaqaaqyada isbeddel raadiska ah.
Qormadani waxay dib u milicsanaysaa dhacdooyinka taariikheed ee waaweyn ee Kenya, iyadoo dhacdo kasta si cilmiyaysan loo eegayo ujeeddada ay xambaarsanayd, natiijada laga gaaray, iyo saameynta ku hartay bulshada. Waxa kale oo lagu falanqeynayaa kacdoonka dhallinyarada Gen Z, iyadoo diiradda la saarayo arrimo muhiim ah sida musuqmaasuqa, shaqo la’aanta, iyo hoggaan la’aanta, waxaana la eegi doonaa waxa dhallinyarada Soomaaliyeed ka baran karaan dhacdooyinkan.
Mawmaw: Kacdoonkii Xorriyad Raadiska (1952–1960)
Sanadkii 1952dii, waxaa Kenya ka curtay kacdoon hubeysan oo ay horkacayeen beelaha Kikuyu, Embu, iyo Meru, kuwaas oo si adag uga horyimid gumeystihii Ingiriiska. Kacdoonkaasi oo loo yaqaanno Mawmaw wuxuu ahaa halgan lagu doonayo in dib loo helo dhulka lala wareegay, lana ciribtiro cadaadiska gumeysiga. Ujeeddada kacdoonkaasi waxay ahayd in la gaaro madax-bannaani, in shacabka laga dulqaado culayska iyo sharciyada gumeystaha, laguna soo celiyo maamul dadkiisu leeyahay.
Inkasta oo kacdoonka Mawmaw lagu waayay kumannaan qof, haddana wuxuu sare u qaaday wacyiga shacabka reer Kenya. Ugu dambeyn, halgankaasi wuxuu horseeday in Kenya hesho madaxbannaanideeda 12-kii December 1963.
Saba Saba: Dhaqdhaqaaqii Dimoqraadiyadda (7-da July 1990)
Bishii July sanadkii 1990, Kenya waxay markale gashay marxalad isbeddel doon ah, iyadoo la abaabulay kacdoon weyn oo lagu magacaabay Saba Saba. Mucaaradkii waagaas, hormuud u ahaa Oginga Odinga iyo Kenneth Matiba, waxay ka horyimaadeen nidaamka xisbiga keliya ah ee KANU, kaasoo uu madax ka ahaa Daniel Arap Moi. Waxay shacabku dalbanaayeen in la helo nidaam xisbiyo badan ah, xorriyadda hadalka, iyo doorashooyin hufan oo xor ah. Inkasta oo dowladdii xilligaas si xoog leh u caburisay kacdoonka, haddana cadaadiska gudaha iyo kan caalamiga ah ayaa sababay in sanadkii xiga ee 1991 inay dowladda Kenya ku dhawaaqdo oggolaanshaha nidaamka xisbiyada badan. Kacdoonkaasi wuxuu noqonayaa midka dhidibada u taagay dimuqraadiyadda casriga ah ee Kenya.
Rabshadihii Doorashada ee 2007–2008: Caddaalad-Darro iyo Qaran Jab Siyaasadeed
Doorashadii Madaxtinimada ee dhacday 27-kii December 2007 ayaa sababtay mid kamid ah qalalaasihii ugu weynaa ee ka dhaco gudaha Kenya taniyo xornimadii dalka. Muranka u dhexeeyay labada musharax, Mwai Kibaki iyo Raila Odinga, ayaa sababay kacdoonno ballaaran, iyadoo taageerayaashu ay rumeysnaayeen in doorashada la musuqmaasuqay.
Kadib markii Mwai Kibaki si degdeg ah loogu dhaariyay xilka madaxweynaha, rabshado salka ku haya qabiil iyo siyaasad ayaa qarxay, taasoo keentay dhimashada in ka badan 1,100 qof iyo barakaca in ka badan nus milyan.
Ugu dambeyntii, waxaa la gaaray heshiis siyaasadeed bishii February 2008, waxaana la dhisay nidaam Dowlad-Wadaag ah, taas oo horseedday in la bilaabo dib-u-eegis lagu sameeynayo dastuurka si loo xakameeyo awoodda madaxweynaha, loona dejiyo nidaam siyaasadeed oo ka turjumaya danaha shacabka.
Dastuurka 2010: Seeska Dimuquraadiyadda Cusub
Ka dib rabshadihii 2007–2008, dadaallo ballaaran ayaa la sameeyay si loo dajiyo dastuur cusub oo ka turjuma baahida shacabka. Dastuurkan oo si rasmi ah loo ansixiyay 4-tii August 2010, kana dhaqan galay 27-kii August ee isla sanadkaas. Waxa uu horseeday nidaam siyaasadeed oo daah-furan, cadaalad leh, isla markaana awoodda u kala qaybiya hay’adaha dowladda.
Ujeeddada dastuurkan cusub waxay ahayd in la sameeyo dowlad-deegaan (devolution) awood leh, in la xoojiyo garsoorka madax-bannaan, iyo in la yareeyo awoodaha madaxda sare, si looga hortago musuqmaasuqa iyo kali-talisnimo. Dastuurka 2010 wuxuu noqday mid ay Kenya ku faanto, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray xasillinta nidaamka dowladnimo.
Gen Z 2024: Kacdoonka Dhallinyarada Dhijitaalka
Markii la shaaciyay miisaaniyadda dowladda 2024–2025 ee bishii June 2024, caro iyo kacdoon cusub ayaa ka dhashay gudaha Kenya. Dhallinyarada Jiilka Z (Gen Z) oo u badan kuwa dhashay intii u dhaxeysay 1996 iyo 2010, ayaa si ba’an uga dhiidhiyay canshuuraha la kordhiyay, kuwaas oo saameeyay adeegyada aasaasiga ah iyo noloshooda maalinlaha ah.
Dhallinyaradu waxay si toos ah uga horyimaadeen:
-Musuqmaasuqa hay’adaha dowladda, halka canshuurta laga qaado aan lagu maalgelin adeegyo caafimaad, waxbarasho, ama horumar shaqo-abuur.
-Shaqo la’aanta baahsan, iyadoo ay jiraan kumannaan dhallinyaro jaamacad kasoo baxay oo aan helin fursad shaqo, halka la arko in fursadaha loo qoondeeyo dad xiriir gaar ah leh.
-Hoggaan la’aanta matalaada danta dhallinyarada, taasoo ka dhigtay kacdoonkan mid aan lahayn hal hoggaamiye balse leh cod mideysan oo xoog leh.
-Caburinta codka shacabka iyo internet-ka, iyadoo dowladdu marar badan xayirtay baraha bulshada si ay u hor istaagto abaabulka.
Bannaanbaxyada oo si nabad ah ku billowday, ayaa isu beddelay rabshado kadib markii ciidamada ammaanku rasaas toos ah ku fureen dadka bannaanbaxayay, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 20 qof. Madaxweyne William Ruto wuxuu qiray cabashada dhallinyarada isagoo dib uga laabtay qaar kamid ah canshuuraha kacdoonka horseeday.
Si kastaba, kalsoonidii shacabka ayuu si weyn u waayay, waxaana kacdoonka Jiilka Z uu noqday mid dhallinyarada Afrika oo dhan ay ku dayanayaan, iyagoo arkay awoodda aaladaha dhijitaalka sida TikTok, Twitter (X), iyo YouTube oo si weyn loogu abaabulay.
Hoggaan La’aanta Gen Z: Dhibaato mise Dheef?
Kacdoonka Gen Z ee aan lahayn hal hoggaan rasmi ah wuxuu yeeshay saameyn labo dhinac ah. Dhinaca togan, wuxuu u suurtageliyay in kacdoonka aan la caburin ama la beegsado hoggaankooda si fudud. Waxaa sidoo kale kor u kacay dareenka in dhallinyaradu si siman uga qaybqaataan abaabulka iyo cabashada. Dhanka kale, hoggaan la’aantu waxay keentay caqabado badan oo ay kamid yihiin: In aysan jirin cid matasha codka dhallinyarada oo si rasmi ah ula xaajoota dowladda; in ay sahashay in siyaasiyiin hore ay isku dayaan in ay ka faa’iideystaan firaaqada hoggaamineed; iyo in kacdoonku u nuglaado inuu saqiiro madaama aanu laheyn hoggaamiye dhab ah oo aragtidooda xambaarsan.
Farriinta Gen Z iyo Mustaqbalka Xukuumadda Ruto
Kacdoonka Gen Z wuxuu fariin cad u diray dowladda Ruto taasoo ah in shacabku aysan u dulqaadan karin culays dhaqaale, adeeg la’aan, iyo musuqmaasuq joogto ah. Haddii dowladdu si dhab ah uga falcelin weydo cabashadaas, waxaa sii wiiqmi doona kalsoonida dadweynaha, dhaqaalaha iyo maalgashiga dibedda, sidoo kale waxaa jiri doona inay kacdoonada sii xoogeystaan, taasoo dhalin karto guuldarro doorashada 2027 ee xisbiga Madaxweyne Ruto. Dhanka kale, haddii fursaddan loo adeegsado dib-u-habayn dhab ah, waxaa suurtagal ah in dowladdu dib usoo ceshato kalsoonida shacabka oo ay horumarin ku samayso xiriirka kala dhexeeya jiilka cusub.
Waa Maxay Fursadaha Jiilka Z ee Soomaaliya?
Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah tiro aad u badan, kuna soo koray xaalad dowlad la’aan, shaqo la’aan iyo fursad xumo, waxay wax badan ka baran karaan kacdoonka Gen Z ee Kenya, oo ay ugu waaweyn yihiin: In la mideeyo codka jiilka cusub, lagana fogaado kala qeybsanaan qabiil ama dano gaar ah; in baraha bulshada loo adeegsado abaabul iyo wacyigelin, halkii loogu isticmaali lahaa madadaalo aan micne lahayn; in la sameeyo hoggaan cusub oo matalo danaha dhallinyarada, isla markaana leh hufnaan, aragti fog, iyo daacadnimo siyaasadeed; iyo ugu danbeyn in la barto awoodda muwaadinimo iyo ficilka nabadeed, si loo gaaro xaqiijiyo waara.
GUNAANAD
Kacdoonnada Kenya ee taariikhiga ah waxay mar walba ka dhashayn baahi bulsho oo dhab ah, mid xornimo, mid dimoqraadiyad, mid caddaalad, iyo mid cadaadis looga baxay. Kacdoonka Gen Z ee 2024 wuxuu astaan u yahay awoodda dhallinyarada casriga ah, kuwaasoo leh hal-abuur, wacyi, iyo dhiiranaan aan la hor istaagi karin.
Soomaaliya oo maanta baahi weyn u qabta isbeddel, waxay u baahan tahay in jiilkeeda cusub uu barto casharrada Gen Z ee Kenya — kuwaas oo codkooda kusoo muujiyay dhijitaalka hab madani oo miisaan. Waxaana xusid mudan in isbeddelka dal walba uu ka billowda maskaxda iyo ficilka jiilkiisa cusub.
