Masallafnimo Akhlaaqeed!

Masallafnimo Akhlaaqeed!

Waxaa qoray: Abdiaziz Mubaarak

Michael Hastings oo ahaa weriye Ameerikaan ah, ayaa waxa uu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Los Angles sanaddii 2013, ka hor inta uusan dhiman waxa uu Micheal qoray buug caan noqday oo uu ugu magac daray “The Operators: The Wild and Terrifying Inside Story of America’s War in Afghanistan.” waxa uu qoray Micheal isaga oo ka sheekaynayo sababta keentay kororka dhimashada askarta Ameerikaanka ah ee lagu dilayo Afghanistan; “Afgaanku ma daawadaan teleefishinnada, mana yaqaanaan filimada “Rambo” iyo “James Bond” noomana arkaan wax aanan ka ahayn gumeeystayaal u yimid in ay dhulkooda qabsadaan, sidaa darteed waxa ay noola dagaallami doonaan si waliba, illaa ay innaga saaraan, saamaynne kuma yeelan doonto dagaalkeenna iyo dacaayaddeenna toona”!.

1993dii markii uu ciidankii Mareykanka ku jabay Soomaaliya, ayay gabar weriye ah oo ka shaqeeyso CNN ay weeydiisay Jeneraal Ameerikraan ah; Maxaad ugu jabteen Soomaaliya?, waxa uu ku jawaabay “Soomaaliya ma joogaan dad aqoonyahan ah!”

Waa sidaas sida ay noo aragto xadaarardda hanti-goosadka “Capitalism” ayna isku dayayaan in ay caqliyadeenna ku shubaan, waa sida ay ku gudbiyaan frarriimaha filimadooda, buugaagta sheeko faneedyada ah iyo warbaahintoodaba, waxaa na loo buunbuuniyaa shakhsiyadda Ameerikaanka ah, waxaa la innoogu muujiyaa askariga aanan jabin iyo awoodda aanan liicin, Maskaxdaada waxaa ku soo dhacayso haddii aad daawatay filim Ameerikaan ah, dhammaadka filinka haddii 7 askari ay u baxaan in ay hawlgal gaar ah ka sameeyaan goob dunida kamid ah, waxa ay soo fulinayaan hawlgalkii iyada oo Askari uusan ka dhiman, illaa ay dhammeeyaan ‘Argagixisadii’ lala dirirayay, markaas ayay diyaaradda Helicopter ka ah imaaneysaa, iyada oo askari dhaawacmay uu xambaarsanyahay mid kale, sidaas ayuuna filinka ku dhammaadaa!. Askariga ameerikaan ka ah ma dhinto, se wuu dhawaacmaa!.

Waxaan daawaday filimaan badan oo laga sameeyay dagaalkii Maraykanka ee Vietnam, (Air America, danger close, Faith of my fathers, Path 2 War, We were soldiers, Rescue down IQK). Waxa aan ka dhex dhadhamiyay dhammaantood falsafad innoogu muujineyso qofka Fiyetnaamiiska ah, beeraleey reer baadiyo cawaan ah, aanan garanayn in ay wax soo saartaan aanan ka ahayn koofiydaha caleenta laga sameeyay iyo beeraha ay tabcadaan, waxa ay u mujinayaan in ay yihiin sharwadayaal aanan naxayn oo si arxan-darro ah u dilayo askarta dalkooda u yimid ‘horumarinta’. Laakiin xaqiiqada waxa ay tahay in loolanku ka dhaxeeyay gumeeysto soo duulay iyo muwaadiniin dalkooda difaacanyo. Xaqiiqada waxa ay tahay in beeralaydaas masaakiinta ah lagu qasbay in ay tuuraan yaambada oo ay ku beddashaan qori si ay u eryadaan gumeeystihii ku soo duulay!.

Caqliyadda is-burinta ee Galbeedka waxaa ku tusinayo sida Mabaadi’da ay sheeganayeen u ololeynteeda ay yihiin iyaga maanta cidda ku tumanayso, waxaa soo baxday xaqiiqada iyo wajiga runta ah ee galbeedka waxaana taas daliil u noqday sida xasuuqa GAZA maanta ka socdo looga indho laabanayo, mayee looga qeyb yahay ciribtirka shacabkaas xorriyaddooda u halgmayo. Balse Ukraine sidee ayaa loola tacaamulay markii uu Ruushka ku soo duulay? Waana tan caanka ku noqotay “Empathy for Ukraine, Apathy for Gaza” Waa qiyam lumid iyo akhlaaq la’aanta galbeedka. Waxaa jiro aqoonyahan badan oo ka weecday wixii ay muxaadarooyinka Jaamacadaha ka sheegayeen, Qiyamkii dimuquraadiyadda, xorriyadda Insaanka iyo Gumeeysi diidnimada waxa ay noqdeen kuwo ku qoran oo kali ah buugaagta. Waxa aan wada xasuusannaa 20kii Nofeembar sida ay gacantaaggeeda ugu codeeysay `Linda Greenfield’ in xasuuqa QASA la sii wado, oo aysan xabbad joojin dhicin, intaasi kahor Maraykanka waxa uu dunida ku wareeriyay isagoo leh waa in xabbad joojin iyo xal-waaro loo helaa bariga dhexe, isla asagii ayaana hor istaagay dhaqangelinta xabbad joojinta iyo xasuuqa maatida.Intaas oo dhan waxa ay inoo muujineysaa, sawir buuxana innaga siinaysaa masalafnimada Akhlaaqeed ee galbeedka iyo harowsigooda caqliyada masaakiinta!.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *