Waxaa qoray: Cabdullahi Sheekh
Mar-la-aragtii Macarri
Suugaanta Carbeed marka la joogo, gaar ahaan ujeeddada suugaaneed ee baroorta (رثاء), maansooyinka xulka ah ee safka hore waxaa ka mid ah maanso uu tiriyay abwaankii faylasuufka ahaa ee la oran jiray Abulcalaa Almacarri. Waa meerisyadeeda ku dhan mug, miisaan, macne iyo murtiba loo wada qiray! Labo iskuma qabsan xigmaddeeda, xalladdeeda, Xeeldheerideeda iyo xarragadeeda suugaaneed. Waxay isku darsatay tacbiir hufan, mala-awaal furan iyo khayaal fasaxan, waxay soo kordhisay fikirado curdan ah oo aan hore suugaanta carbeed miiskeeda loo soo saarin. Waxaa intaa u dheer suugaameynta fikrado falsafadeed, oo si heer sare ah uu Abwaanku gabay ugu sarrifayo. Ciwaan ahaan: waxa ay mar ku caan tahay {تأملات في الحياة والموت} waa “Dhugashada nolosha iyo geerida”. Mar kale waxa ay ku caan tahay meeris meerisyadeeda kuwa ugu macnaha culus ka mid ah, oo waxaa loogu yeeraa تعب كلها الحياة}} “nolosha oo dhani waa iska howl”. Suugaantii farshaxan gaar ah yeelata, waxa ay noqotaa “Naadir”, markii wax la cayn ah aan hore iyo dib ba loo soo saarin na waxa ay noqotaa “Mar-la-arag”, oo ay mar qurah ishu qabatay dibna aan misaalkeeda loo arag. Macarri maansadiisaani waa Mar-la-arag.
Waa kuma Macarri?
Macarri waa Axmad Cabdullaahi Suleymaan, oo ku caan ah kunyadiisa Abulcalaa iyo magaca kale ee ugu baxay magaaladii uu ka soo jeeday ee Macarratu-Nucmaan (waa Macarriye), wuxuu kaloo caan ku ahaa naaneysta: {رهين المحبسين} Laba-xabsi-yaal, maadaama uu camoole ahaa, wakhtigiisii danbana uu gurigiisa isku soo xiray, indha-la’aanta oo xabsi ah iyo guriga oo xabsi kale ah baa isu raacay, sidaas ayeyna naaneystu ugu baxday. Taariikhda hijrigu marka ay mareysay 363 oo qiyaastii ku beegan 973-dii miilaadiyada ayuu Macarri dhashay. Wuxuu ka dhashay qoys ehelucilmi ah, oo qaar badan oo ka mid ahi ay qaalliyaal deegaanka ka noqdeen. Cudur baa ku dhacay asagoo yar, sababna u noqday in uu labadiisa indhood beelo! Wuxuu ahaa nin maskax badan. Waxaa la sheegaa gabaygiisii ugu horeeyay in uu tiriyay isaga oo 11 jir ah. Wuxuu qoray buugaag falsafad iyo suugaan isugu jira. Waxaa ka mid ah Saqdussand oo (sida la sheego) ahaa diiwaan uu qoray xilligii uu dhalinyarada ahaa, waana diiwaanka maansadeenaani ay ku qorantahay. Wuxuu ku dhaqnaa deegaankiisii Macarratu-Nucmaan oo haatan ku taal dalka Siiriya. Wuxuu mar tagay Baqdaad oo waagaas eheyd caasimadda muslimiinta iyo saldhiggii khilaafada, (hadda na ah caasimada dalka Ciraaq), laakiin kuma daahin oo waa laga soo saaray, ka dib markii lugu helay hadallo dhiirran oo uu diinta ku durayo. Macarri (caqiido ahaan) wuxuu ku eedeesanyahay diin la’aan iyo ilxaad, maadaama laga hayo hadallo tix iyo tiraabba leh oo uu ku diiddanyahay diimaha iyo saxnaantooda. Ma se la isku raacin taas, oo rag baa qaba in uu ka soo laabtay aragtiyadaas, halka qaar kale ay qabaan in uusan awalba waxaas aaminsaneyn oo aysan afkiisa dhaafsiisneyn! Waxaa la sheegaa 45 gu’ in uusan cunin wax hilib ah, maadaama uu diiddanaa in xoolaha la wax yeelleeyo (vegetarian buu ahaa). Siddeetan iyo dhowr gu’ ka dib, sanadkii 449aad ee hijriga oo qiyaastii ku beegan sanadkii 1057 ee miilaadiga ayuu Macarri ku geeriyooday Macarratu-Nucmaan, Wuxuu ka dardaarmay in qabrigiisa lugu dul qoro meeriskaan:
“هَذَا جَنَاهُ أَبِي عَلَيَّ وَمَا جَنَيتُ عَلَى أَحَدْ”
“Waxaan aabehey baa ka danbeeyay, ee anigu cidna wax kama bi’in” oo uu kolba kala jeeday dunidaan in aan imaado odaga ayaa sabab u ahaa, ee anigu ikhtiyaarkeyga intixaan kuma soo doonan! Waxaa kaloo la sheegaa: in abwaaniin badani ay ka soo qeyb galeen aaskiisa, oo qabrigiisa laga dul akhriyay illaa iyo 70 maanso oo baroor ah, ka badanna waa la sheegaa.
Wuxuu maansadaan u tirinayaa Sheekh Fiqi ahaa oo qaalli ka ahaa magaalada Manbij ee (iyaduna) hadda ku taalla dalka Siiriya, Sheekhaas oo lugu magacaabi jiray Xasan Cabdullaahi Maxamad, loona garan ogaa Abuu Xamsa Attanuukhi.
Ujeeddada Baroorta iyo Ararteeda
Maansooyinka baroorta ah sida caadada ah waxaa lugu arartaa meerisyo lugu muujinayo murugo, ciil, caro iyo caloolyow. Waa tii uu Raage Ugaas intaas oo tusaale is daba dhigayay si uu muuqaal uga soo gudbiyo cabaadkiisii ay darisku ka seexan waayeen cawadii uu ooridiisii waayay, waa tii uu ku furfuri jiray:
“Sida koorta yucub oo la suray korommo buubaal ah…”
Waana isla sida loo cabbiro naxdinta iyo dhaawaca ay geeridu reebto, Khansaa’ oo ahayd hooyadii baroorta suugaanta carbeed marka ay araraneyso wexey tiraahdaa:
“قَذًى بِعَينِكِ أَم بِالعَينِ عُوَّارُ – أَم ذَرَّفَت إِذ خَلَت مِن أَهلِها الدارُ”
“Ma wax baa indhaha kaa galay? Mise cudur baa kaaga dhacay, mase barrinka oo cidloobay aawadii bey ilmadu la gobo’leysay?” hurdo la’aan iyo ilin aan joogsaneyn bey ka sheeganeysaa.
Waxaa kaloo lugu cabbiraa qaab ay quus ku jirto, qaab is adadkeyn iyo sabar laga dheehanayo, balse xanuunkiisa wata, waxaa tusaale u ah maansadii Abuu Du’ayb Alhudali ee uu ku arartay:
“أَمِنَ المَنونِ وَريبِها تَتَوَجَّعُ – وَالدَهرُ لَيسَ بِمُعتِبٍ مِن يَجزَعُ”
“Ma waxaad la xanuunsaneysaa geerida iyo wareegtadeeda? Illeen waayuhu qof naxsan canaan kama dhageystaan e!” Qof naxsan canaantiisa iyo cabaadkiisa cidina maqli meyso, teeda kale geerida miyaa wax cusub ah? Maxaa ku haya? Ayuu is leeyahay! Hade waa nin shan wiil oo uu dhalay ay hal mar ah wada go’een, Magan Allah.
Suugaanta carbeed ee casriga ah hadii aan hal iyo labo ka soo qaadanno: jawigu waa isla jawigii, dareenku waa isla kii, erayada oo kaliya baa kala duwan, Axmad Shawqi oo maanso baroor ah tirinaya sidaan buu u araranayaa:
“كُلُّ حَيٍّ عَلَى المَنِيَّةِ غَادِي – تَتَوالَى الرِّكَابُ وَالمَوتُ حَادِي”
“Noole kastaahi geeri buu ku socdaa, hayaanku waa is daba-joog, geerida ayaana wada kexeeneysaa(oo u heeseeseysa sida geela). Markii hayaan dheer la galo, gaadiidkuna uusan baabuur ahayn ee uu noole yahay sida geela, waa loo heesaa, luuqdaas ayaa shidaal u ah. Showqi isla wadadii quusta asagoo maraya ayuu qiranayaa in aan awalba cidina joogeyn, nafle oo dhani waa wada hayaan, geerida ayaana gadaal ka wada kexeeneysa oo luuqda u heysa.
Jubraan Khaliil Jubraan oo ay asagana u joogto “waxba la iima hanbeyn” baa markiisa sidaan ku araranaya:
“هَل فِي الرَّثَاءُ لِقَائِلِيهِ جَدِيدٌ – وَالمَوتُ يُلقِي الدَّرسَ ثُمَّ يُعِيدُ”
“Wax cusub oo uu qof barooranayaahi sheego ma jiraan? Geeriduna waatan wili casharkii dhigeysa misana naqdiimineysa e” wuxuu leeyahay: casharradu geerida kama dhamaadaan, hadba mid cusub ayey dhigeysaa, annaga amey baroortu naga dhamaatay, wax cusub ma heynaa? Bal adba.
Habka uu Macarri u Arartay
Macarri waxaad mooddaa, waxaas oo dhan in uu ka noogay in uu ka soo jeestay, in uu meel ka shisheysa shiishka saaray! Wuxuu is weydiinayaa waxa uu cabaadku taro iyo waxa uu alalaaska uga duwanyahay, kama uu noogin baroorta oo kaliya, sidoo kale waxa uu ka noogay dabbaaldagga, waxa uu leeyahay: Shalay waad qeylineyseen, maantana waad qeylineysaan, maxaad baddasheen? Sowtan farxaddii iyo murugadii ay isku cod noqdeen? In ay aad u kala duwanaadaan sooma ahayn? Dhawaqiinii waxa uu la mid noqday dhawaqa haadda, lama kala saari karo in ay murugeysantahay oo ay cabaadeyso, iyo in ay iska heeseyso oo aysan ka qasneyn! Codku waa isla codkii.
Wuxuu kaloo quus halkii ugu fogeyd ka taaganyahay ciidda qaad weynideeda iyo geerida aan waligeed hamuun beeleyn! Maalin kasta dad baa xabaalaha lugu gurayaa! Dhulku ma buuxsamo miyaa? Qaadweynaa? Qarniyadaan danbe oo aan ka warheyno ayeyba balaayiin dad ahi le’deen, wexey eheed dhulka la dago in uu buux dhaafo! Hadiise uu intaan ku filnaaday, aawaye dadkii hore? Reer Caad iyo dadkii ku sabanka ahaa meeye? Jawaabtu waa: in uu dhulku mar hore buux dhaafay! Hadane mar labaad la buuxiyay_kuwii hore oo haraadigoodii wili yaallo! Hadana mar kale… heer ciidda aan ku dul socono ay noqotay dad carunkoodii iyo budada jirkoodii. Dulucda hadalkiisu waa: “Geeriyeey, goormaad naga hamuun beeleysaa? Dhulow, goormaad bis na leedahay?” Show waa na heerkii quusta ugu danbeeyay. Wuxuu yiri:
Meeris iyo Macne.
“غَيرُ مُجْدٍ فِي مِلَّتِي وَاعْتِقَادِي – نَوحُ بَاكٍ وَلَا تَرَنُّمُ شَادِ”
“Sida aan aaminsanahay, qofka booyaya cabaadkiisa iyo kan heesaya luuqdiisuba wax ay taraan ma leh.” Qeylada murugadu keentay waxba ma baddasho. Meyd soo ma nooleyso, cudur ma qaaddo, qalbina ma dajiso, Waa qeylo kaliya. Sidaas si la mid ah, qeylada farxadda ku timaadda waxba ma badasho. Dhallaan ma keento, hanti ma bullaaliso, dareenna ma wanaajiso. Iyana waa qeylo kaliya.
“Burukiyo baroortuba Ragow, shey ma badalaane
Baabkeygu sida uu dhigana waysla sowd baxaye”
* * *
“وَشَبِيهٌ صَوتُ النَّعِيِّ إِذَا قِيـ – ـسَ بصَوتِ البَشِيرِ فِي كُلِّ نَادِ”
“Meel kasta oo la joogaba, ninka bishaarada sida iyo kan waxa daran sheega, codkooda lama kala yaqaan” Waxay ka simanyihiin iney qeylinayaan, midna dareen xamaasadeed baa wata, midna dareen murugo baa heysta. Wuxuu abwaanku leeyahay: codadkii qeylada waan kala saari la’ahay, ma aqaan waxa ay ku kala duwanyihiin labo cod oo qeylo wada ah.
“Nin bishaaro keeniyo midkii ba’ iyo hoog sheegay
Sowdkoodu -belad aan tagaba- bar isma doorshaane”
* * *
“أَبَكَت تِلكُمُ الحَمَامَةُ أَمْ غَنَّـ – ـتْ عَلَى فَرعِ غُصنِهَا المَيَّادِ”
“Qoolleydaas laanta toosan dusha ka saaran, bal ii sheega: miyey booyeysaa mase waa ay heeseysaa?” Wuxuu isi sii weydiinayaa codadka isku eg sida lugu kala saari karo, wuxuu leeyahay: haaddaas shanqarteeda oo kaliya aan maqalno, tolow saaka ma nugu dareen baa? May nala booyeysaa? Mise kamaba qasna oo waa ay iska heeseysaa!
“Qoolleyda saqafkaa barqada luqunta booreysa
Balwo iyo ma hees bey la ciyi amase wey booyi?”
* * *
“صَاحِ هَذِي قُبُورُنَا تَملَأُ الرَّحـ – ـبَ فأَينَ القُبُورُ مِن عَهدِ عَادِ”
“War heedhe, anaga xabaaleheennii baa ba dhulka buux dhaafiyay, ee meeye dadkii hore xabaalohoodii?” Waa quus, wuxuu la yaabbanyahay dadka dhulka ka hoos maray sida ay uga badanyihiin kuwa dul jooga! Inta uu noolaa maalin walba boqolaal ama kumanaan baa dhimanaysay, hadii mid kasta god la galiyo maxaa dhulka ka soo haraya? Hadaba weydiintu wexey tahay: kumanaan sano ka hor dadkii dhintay halkaa lugu aasay? Ma isla dhulkaan aan dagannahay? Ma isla xabaalahaan aan u maleyno in aan (ugu horeyn) anagu qodnay? Lama oga, balse dhan u badi.
“Bilyamaad hadaan iil dhignoo carrigu buux dhaafay
Basharkii horreeyana tolow, meeyay bedenkoodu?”
* * *
“خَفِّفِ الوَطءَ مَا أَظُنُّ أَدِيمَ الأَرضِ إِلَّا مِن هَذِهِ الأَجسَادِ”
“War, saanta aayar, dhulka oogadiisu dubkoodii mooyee wax kale in ay tahay u maleyn maayo e!” Dhan ayuu u badiyay, waxaa hubaal ula ekaatay in ay carrada dhani xabaalo wada tahay, in uu dhulku dad ka dhargay, in aysan jirin taako dhulka ka mid ah oo aan hore qof loogu aasin! Carradii baa carun la noqotay! Saaxiibkiis buu ceshanayaa, wuxuu ku leeyahay: war, dad baad ku dul socotaa, kolba dhulka meel aan ahayn oo la maro ma jirto e, ugu yaraan socodka tartiibi, waxa aad ku dul socoto ciid iyo carro ha moodin, waa dadkii le’day budadoodiiye.
“Bi’i waaye, saantaada daji aadna ha u boodin
Berrigaad dul socotaahi waa meyto budadood e”
* * *
“وَقَبِيحٌ بِنَا وَإِن قَدُمَ العَهـ – ـدُ هَوَانُ الآبَآءِ وَالأَجدَادِ”
“Si kasta oo uu xilligu u fogaado, waa inagu qaabdarro in aan duqowdeenii iyo odayadeenii bahdilno (ku tutumano)” hadii uu awal sawirtay in ay carradu dad carunkoodii tahay, hadda tu kale ayuu ku darsaday, wuxuu leeyahay: dhulka hadii aan isla anagu ka ab iyo ka ab dagi jirnay, hadaba waxa aan ku dul soconno cid kale ma ahan ee waa ehelkeenii hore, awoowayaasheenii, iyo aabayaaasheenii. Nama qabato si kasta oo uu xilligu u fogaado, in aan waalidkeenii kabaha la dul marno. War yaa tanoo kale. Dee halkeynu marnaa? Mooji.
“Boqollaal kunoo sano walow baarka laga gooyo
Bahdilaadda awgaagu waa waxan bannaaneyn e”
* * *
“سِر إِنِ اسطَعتَ فِي الهَوَاءِ رُوَيداً – لَا اختِيَالاً عَلَى رُفَاتِ العِبَادِ”
“Aayar hawada iska mar, hadii aad mari karto. Ee ha ku dul xarragoon dadka budadooda” hadii uu dhulkii wada noqday meyto budadeeda, oo meyto ma wada sinnee, hadii ay soo baxday in aan ku dul soconno awoowayaasheena, hadii aan isla oggolaanay in awoowayaal lugu tunto in ay ceeb tahay, hadaba xalku waa in aad cirka marto, waase hadii aad mari karto. Kolba isaga ayaa quus jooga, adigana quus ayuu ku geynayaa, meel uu istaago ayuu la’yahay, waa in aad adiguna la mid noqotid, oo meel aad istaagto aad weysid.
Beerlaawe, oogada dadow ma laha baashaale
Bal hawada baraawee inaad marin ka baarbaarto
* * *
“رُبَّ لَحدٍ قَد صَارَ لَحداً مِرَاراً – ضَاحِكٍ مِن تَزَاحُمِ الأَضدَادِ”
“Maxaa dhowr meyd hal iil la dhigay! Heer uu iilkii la yaabay dadka kala duwan ee isku dhex buuraya” Waxaa jira dad aan lays tusin, waa sida dab iyo baasiin, nolosha hadey isku arkaan ama isku soo gaaraan, waa in ay nafta is dhaafiyaan, waa in ay iil is geeyaan, lid bey isku yihiin, waxba iskuma raacsana. Kuwii baa iilka isku arkay, hadba boqollaal sano ka dib, baa isla iilkii waxaa la dhigaa dad isku lid ah! Soo la yaab ma aha? Iilka naftiisa ayeyba la-yaab ku noqotay oo ma yara waxa iil qoslaya oo la yaaban dadka gudihiisa la isugu keenay.
“Badanaa xabaalaha Allow la isku buuraayo(o)
Waxa duul is baal yaalla uu beerku la cassaaday!”
* * *
“وَدَفِينٍ عَلَى بَقَايَا دَفِينٍ – فِي طَوِيلِ الأَزمَانِ وَالآبـآدِ”
“Maxaa meyd meyd kale la dul saaray wixii xilli iyo sabano la soo maray!” in kastoo ay ciiddu dadka cunto, hadana waxbaa ka hara. Wixii oo meesha ku harsan baa laga yaabaa in xabaashii mar labaad loo baahdo, meydkaan cusub waxaa lugu dul duugayaa meydkii hore haraadigiisii! Bal ka waran imisaa meyd baa la dul dhigay meyd kale hadaadigiisa? Ma yara!
“Badanaa qalfoof baaliyoo booska lala yeeshay!”
* * *
Gunaanad
Intaasi waa tuducyada hore ee uu abwaanku ku arartay, maansadu waxa ay gaareysaa illaa iyo 64 meeris ama beyd oo wada mug iyo miisaan leh, annaga oo aan intaan u dhaafeyn, bal aan ka daba tuurno qaar kale oo ka mid ah meerisyada kale ee ashqaraarka wada leh, sida:
“تَعَبٌ كُلُّهَا الْحَيَاةُ فَمَا أَعْـ – ـجَبُ إِلَّا مِنْ رَاغِبٍ فِي ازْدِيَادِ”
“Noloshoo dhanba waa iska howl, ninka sii kororso is leh baan la yaabanahay!” waxaad mooddaa in uu u jawaabayo weydiin gudihiisa ka imaanaysa oo leh: qofka dhimanaya in uu sii noolaado soo ma wacneyn? Wuxuu isugu war celinayaa: in uuba nasiino joogo, in howlihii nolasha uu ka reystay! In uusan isaguba haddeer jeclaan lahayn in dib loo soo celiyo.
“إِنَّ حُزناً فِي سَاعَةِ المَوتِ أَضعَـ – ـافُ سُرُورٍ فِي سَاعَةِ المِيلَادِ”
“Halka murugo ee xilliga geerida taalla wexey dhowr jeer ku jibbaarantaa farxadda dhalashada” Markii uu lahaa “qeyladu waa isla qeyladii” ma kugu soo dhacday su’aal ah: qeylada isku mid maxaa ka dhigaya? Dareenka ka danbeeya baa lugu kala garan karaaye! Ma mooddaa in uu isla weydiintaas ka war celinayo, labada qeylo waa isku jin, way isu dhigmaan, balse labada dareen marnaba isuma dhigmaan! Farxadda hore lama sinna murugada danbe.
“وَالَّذِي حَارَتِ الْبَرِيَّةُ فِيهِ – حَيَوانٌ مُسْتَحْدَثٌ مِنْ جَمَادِ”
Gabagabadii wuxuu ku soo hoorinayaa masiirka koonka iyo dadka xabaalaha galayba ay ku danbeeyaan, waa aragtida lugu kala tagay ee Dib-usoo-noolaanshaha (البعث). Wuxuu leeyahay: “Uunku waxa ay ku wareersanyihiin, waa noole manoole laga soo dhex saarayo” Aadanahu markii horeba biyo (manoole ah) ayuu ka unkamay, cidina lama yaabin, haddase waxaa la qaadan la’yahay oo lala yaabanyahay waa in carro iyo budo (oo manoole ah) laga soo dhex saaro! Uunku waxa uu fahmi la’yahay, waa: sidee baa wax aan nooleyn dhexdooda looga soo saari karaa wax nool?
Jawaabtu ma foga, waa sidii markii horeba looga soo dhex saaray.
