Maqaalka waxaa qoray: Maxamed Xaaji Ingiriis
Waxaa tarjumay soona koobay: Cabdullah Shariif
“Soomaaliya waxa ay u jirtaa aragti ahaan, laakiin marka xaqiiqada timaado, waa goob dihan oo aanay cidi maamulin.”
-Maxamed Xaaji Ingiriis
Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa maqaal uu ka daabacay African Studies Association, ciwaanna lagaga dhigay ‘From pre-colonial past to post-colonial present: the contemporary clan-based configurations of statebuilding in Somalia’, wuxuu isku barbardhigayaa marxaladihii laga soo maray dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan ka hor iyo ka dib gumaystaha. Wuxuu maqaalka ciwaan hoosaad kaga dhigayaa “dowlad-dhiska reereysan ee casriga ah”. Doodda ugu weyn ee maqaal-cilmiyeedkani miiska la imaanayo waxa ay tahay; in Soomaalidu uusan ku dhicin isbeddel feker oo xagga dowladnimada ah. Waxa uu tilmaamaaya in xaalka Soomaalida maanta nool uu la mid yahay midkii gumaystaha, ee reer waliba uu deganaa goob gaar ah, sheeganaayay na dowladnimo gaar ah.
Sida lagu hayo daraasaadka akaadeemiga ah, Soomaaliya waxa ay noqotay mid kamida dowladaha ay waqtiga dheer qaadatay in dib loo kiciyo, iyadoo sidoo kala na ay noqotay shaybaarka lagu fiiriyo dowladaha burburay (failed state). Sida uu Ingiriis sheegayo, bilowgii dowladnimadeenna cariga ah oo aan lahayn sal adag (solid foundation), ayaa taliskii millitiriga yimid. Shakigii ka dhex jiray reeraha awgeed, waxaa dowladdii ba loo arkay meel ay hal cid oo qura ay dheefsanayso hashii “Maandeeq”. Waxaa shakigaas ka dheshay jabhado reereed oo ku kacsan taliska, si ay iyaguna u dhacsadaan una maashaan hasha Maandeeq.
Buburkii dowladda ka dib, kalahaad reereed ayaa ka dhacay caasimadda, iyadoo reer waliba uu salka la galay deegannadii ay ku badnaayeen. Arrintaas waxa ay dhashay in aanay mar danbe dib-u-dhalan dowlad dhexe oo isku filan (Westphalian state). Taas cagsigeed, deegaannadii dalka oo dhan waxa ay noqdeen kuwo reeraysan, oo kala qoqoban. Waana waxa uu Ingiriis u bixiyay “Qaraha kala dhanbalan/Wrecked Watermelon”.
Maanta oo aan joogno, dalka waxa uu u kala qeybsanyahay seddex deegaan: Soomaalilaan, Buntilaan, iyo Bartamaha & Koonfurta Soomaaliya. Waxaa taasi sii raacda, in uu samaysmay nidaam federaal ah oo fashilmay, isla markaana reeraysan. Sababta loo leeyahay maamul-goboleedyadu waa ay reeraysan yihiin, ma aha oo kaliya in hal qabiil meeshii shiiqiyay, ee waa in dadka oo dhan ay u arkaan maamulkaas inuu yahay maamul uu hal reer leeyahay. Qoraagua waxa uu eedda dhibaatadaan oo dhan dusha u saarayaa dowladdii millitariga, oo ayadu sii kala daadisay intii yarayd ee ummadda ka dhexeyday. Waxa uu ku doodayaa in xukunkii askartu ay haadaan ka tuureen himiladii “Soomaaliweyn”. Balse tan ka daran waxay tahay, in ay xitaa foolxumeeyeen nidaamka dowlad-dhexe oo wada gaara guud ahaan dalka oo dhan. Qoraaga asiga arrinta foolxumaynta dowlad-dehexe sii dabogalaaya, waxa uu miiska soo saarayaa su’aal u dhigan: sidee dowlad-dhexe oo lagu midaysan yahay loo abuuri karaa, mar haddii iyadii ba loo arkaayo mid halis ah?
Waxaa sidoo kale eedda leh gumaystihii reer Yurub oo kaalin buuxda ku lahaa beddelidda hab-fekerka Soomaalida, iyaga oo Soomaalida ka dhigay kuwo aamina in dantooda ay ku jirto iyagoo aan waxba isku darsan. In Soomalidu ay dib ugu laabanayso marxaladdii gumaysiga, waxa uu tilmaamayaa in kalkaan ay iyadu isu kala qaybinayso deegaan-deegaan (maamull-goboleedyada samaysmay). Haddii markii hora ba uu gumaystaha u yimid hirgelinta Soomaali aan waxba isku darsan islamarkaana kala qaybsan, maanta Soomaalida iyada ayaa isa sii kala qeybiday oo reer waliba waxa uu dhidibada u taagtay maamul-u-gaar-ah.
Maaqaalka waxa uu tilmaamayaa inaysan la yaab ahayn in la arko Soomaali aan waxba ka dhexeyn. Tusaale ahaan, oraahyada ay adeegsadaan bahda saxaafadda ee ah “Dadka af Soomaaliga ku hadla”, sidi inay yihiin dad kala jaad ah oo hal af wada adeegsada, sida ummaddaha ku hadla luuqadda Ingiriisiga ee kala qowmiyadaha ah. Waxaa dib loo danqinayaa boogo mar hore bogsaday, iyadoo dib loo dhalinaayo doodo lagu kala fogaynaayo ummada Soomaaliyeed. Tusaale, dadka qaar waxa ay qabaan in magaca “Soomali” uu asal ahaan ka yimid “Samaale” oo ka kooban Hawiye iyo Dir oo marka danbe isku noqonaayo “Irir Samaale”. Arrintaas waxa ay reeraha kale u keenaysaa in ay ka didaan adeegsiga “Soomaali”, maadaama ay u arki karaan magac aan lawada lahayn. Doodaha kale ee dhawaanahaan taagan waxaa kamid ah, in Soomaalidu aanay isku af ahayn, ee ay kala af tahay (Maay & Maxaa Tiri). Dhammaan doodahaanni waa abuuridda kala qeybsanaan kale oo hor leh, taasoo aysan bulshada xamili karin.
Dhinaca kale, reernimada xoogaysatay waxay dhawaanahaan sii kala fogeeneysaa Soomalida. Haddii marka hore arrinku ahaa; “qarannimiyo, sharafkaan qurgooyada u hurayoo, naf iyo maalba u quuree”, waxay hadda maraysaa; “reernimadayda, sharafkaan qurgooyada u hurayoo, naf iyo maalba u quuree!”Waxaa taas barbar socda hal-haysyada lagu xoojinaayo wax kala lahaanshaha, gaar ahaan tan gobolada ee ah; “danta gobolka xeeriya; xoojiya midnimadiisa”. Waxaase taasi beeninaaya hal-doorka Soomaalida intiisa ka caafimaad qabta reernimada iyo gobalaysiga, sida Cali Sugulle tixdiisa “Dun-Carbeed” oo qayb kamid ah ay burinaysa doodda ah QABIIL & QARAN. Waxa uu leeyahay; “Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee, kala dhowraay”.
Arrinka kale ee halista ah waxa uu yahay, sida Soomalidu isugu aragto shisheeye marka mid ba midka kale uu joogo deegaan uusan u dhalan. Tusaalaha ugu dhow waxaan u soo qaadan karnaa, sida maamulada Soomaalilaan iyo Buntilaan ay beel kamida beelaha Soomaalida ugu arkeen dad ajnabi ah, iyada oo qaarkood laga soo raafay deegaanadaas! Tani waxa ay ka mid tahay qodobada ay soo daliishadaan aqoonyahanka ka soo horjeeda qaadashada nidaaamka federaalka ah. Mwangi S. Kimenyi isaga oo arrinkaasi tibaaxaya waxa uu ku tagay in nooca Federaal ee Soomaaliya ay qaadatay uusan ahayn mid ku habboon. Waxa uu sababta ku sheegay in reer waliba uu rabo in uu u madax-bannaanaado go’aanaddiisa.
Ugu danbayn, waxa uu qoraagu tilmaamayaa in nidaamka federaalka ah uusan ahayn mid hoos-ka-keen ah ama dhalad (bottom-up), taas beddelkeedana uu ahaa fikrad ay wateen dowladaha dariska ah gaar ahaan, Itoobiya (mashruuceedii building-blocks aproach).
