Loollanka Juqraafi ee Geeska Afrika | Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir

HORDHAC

Barnaamijkan wareysiga ah oo hawada soo galay muddo aan sidaa u dheerayn, waxaa lagu casuumay Sheekh Cabdiraxman Bashiir oo ah aqoonyahan, mufakir iyo falanqeeye ka faallooda arrimaha caalamka gaar ahaan Geeska Afrika. Su’aalo dhowr ah ayuu Ustaad Cabdiraxmaan Bashiir kaga jawaabay wareysiga, waxaana ugu mudan: Maxay tahay sababta keentay in quwadaha dunida ah isku hirdiyaan Geeska Afrika? Maxaa ku hoos duugan? Islaamka iyo Geeska Afrika, saxwada Islaamiga iyo kaalinteeda, maxaa hortaagan dowladnimda dadyowga Geeska Afrika? Iyo qaybta dambaysa oo aan u arkay qaybta ugu mudan uguna muhiimsan barnaamijka.

Geeska Afrika waxa uu dhacaa mandiqad aad muhiim ugu ah dunida, waxaana ku yaalla marin-biyoodka Baabul-Mandab oo la sheego in ay maraan 30% ganacsiga shidaalka ee dunida, sidaa awgeed waxay dunida u aragtaa goob istaraatiiji ah oo muhiimaddeedu ballaarantahay, waana tan keentay in quwadihii dunida ay dadaal ku bixiyaan in ay meel cagta la dhigo ka helaan. Tan labaad gobolka geeska Afrika waa daanta kale ee Gacanka Carbeed, ama si kale waxa uu ku dhowyahay Jasiiradda Carabta oo iyaduna muhiimaddeeda gaarka ah leh marka laga fiiriyo shidaalka iyo xadaaradda aadka u weyn ee dhulkaasi. Isu dhowaanshaha gobolka geeska Afrika iyo jasiiradda Carbeed waxaa laga garan karaa in mar lagu fekeray dhismaha buundo isku xirta dalalka Jabuuti iyo Yemen. Waxaa intaasi dheer in kolkii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa mar kaliya lagu baraarugay gilgilan dhanka badda ah oo ay sababeen burcad-badeedda.

Loollanka Shiinaha iyo Mareykan

Mareykanku waa awood muddo soo jirtay oo meelo badan faro kula jirta, mana ogola quwad kale in ay soo baxdo oo ay la baratanto. Shiinaha waa quwad iyaduna in muddo ahba isku dayaysa in ay soo baxdo, wax kastana waa ay u huraysaa si ay u soo baxdo oo ay awood u yeelato, haddaba dagaalkaasi waxaa loo soo raray geeska Afrika, si gaar ah Jabuuti oo talisyo badan oo ciidan laga dhistay. Dowladaha ku jira loollankan waxaa kamid ah Turkiga oo saldhig weyn ku leh Soomaaliya, sidoo kalena maalgashi weyn ku leh Itoobiya. Israa’iil oo iyaduna si dadban ku joogta Itoobiya iyo Eritariya ayaa isku dayaysa in ay saamayn ku yeelato BaddaCas iyo geeska Afrika.

Diinta islaamka oo waqti hore soo gaartay geeska Afrika ayaa loo tixgeliyaa in dadka ugu badan ay rumaysanyihiin Islaamka. Isku dhacyada iyo dagaallada gudaha dalalka geeska Afrika waxa ay inta badan salka ku haysaa is-cirbin qowmiyadeed gaar ahaan qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya oo isku hirdinaya kolba xukunka dalkaas. Dowladaha geeska Afrika waxaa lagu sifeyn karaa kaliy labo nooc; dowlado dumay iyo kuwo qarka u saaran in ay burburaan oo aan sal adag ku taagnayn, inkastoo ay jiraan dowlado lagu taageero in aanay dumin, waana sida uu gumeystaha galbeedka ugu talagalay.

Maxaa ka hortaagan dowladaha geeska in cagahooda ay ku istaagaan?

Geeska Afrika kolka laga warramayo waxaa jirta in bulshada caadiga ah ay nolosha asaasiga ku mashquulsanyihiin, wixii talo iyo siyaasad ahaana waxaa loo daayey dad gaar ah, taas oo meesha ka saartay, habayaraato, inuu wax isbeddel ah dhaco.

Caqliyadda hoggaamiye wax dhisa waxay ila tahay in ay naga maqantahay, waxaynu u baahannahay in aynu wax ka barano tijaabadii Mahatiir uu ku dhisay Malaysia. Isticmaarku wuxuu dadaal ku bixiyay in uu bulshayowga Afrika u dhiso mufakiriin xambaarsan aragtiyihiisa. Halka jaamacadaha Suudaan ay martigeliyeen dhisidda hoggaan iyo waxgarad Afrika feynuus u noqday. Islaamku waa diin ballaaran oo dhinacyo badan oo nolosha ah koobsanaysa, waa mashruuc horumarineed, dhisidda iyo camiraadda arladana maamul iyo cibaado intuba waa uu iftiimiyey sida uu Alle ku tilmaamay Al baqara (30), suuradda Huud (61) iyo suuradda al-Daariyaat(56), waana sida uu tilmaamay Raaqib al-Asfahaan oo yiri; “waa saddexda shaqo ee dunida la inoo keenay”.  Aayadaha tirada badan ee Qur’aanka waxa ay u baahanyihiin faham qotodheer iyo u fiirsasho, balse, Fiqhul Cibaada inta aynu isku koobnay ayaan illownay Fiqhu Xayaat.

Baraaruggii Islaamiyiinta ee geeska Afrika

Bartamihii lixdamaadka waxaa gobolka soo gaaray qaar kamid ah ardaydii wax ka baratay jaamacadda Azhar iyo jaamacadaha Sucuudiga. Sheekh mMxamed Macallin ayaa lagu tilmaamaa in uu hormuud u ahaa culimada saxwada isagoo tafsiir ka akhrin jiray masaajidda. Waxaa sidoo kale jiray arday wax ka soo baratay Pakistan iyo Hindiya oo iyaguna raadeeyay aragtiyaha Sheekh Mawduudi iyo Sheekh Nadawi, iyada oo jamaacada tabliiqa soo shaacbaxday oo geeska Afrika aad looga yaqaano. Baraarugga ama saxwada waxay dhalisay in masaajidda, cibaadada iyo diintaba ay dadku u sinnaadaan, halka markii hore masaajiddu u badnaayeen dad odayaal ah iyadoo da’yartu ku yarayd.

Baraarugga Islaamiyiinta waxay ku guuleysteen 3 arrimood:

1. Sare u kac ku yimid wacyiga iyo ogaalka bulshada ee dhinaca diinta.

2. Waxay tamar badan geliyeen dhinacyada ganacsiga.

3. Waxbarashada ayay wax badan ka geysteen.

Dhinaca siyaasadda waxaa la dhihi karaa way ku fashilmeen marka loo eego qodobadan:

1. In aanay markii horeba sii diyaarsan mashruucii ay ku shaqayn lahaayeen.

2. Qabyaalad iyo reeraysi ragaadiyay Geeska Afrika.

3. Kooxaysi iyo aqbalaad la’aanta kala duwanaanta .

Waxaa jirta 2 marxaladood oo ay soo mareen Islaamiyiinta mucaasirka ah:

Marxaladda koowaad oo ahayd weydiin iyo warsasho la xiriirta kawnka iyo xaalka ummadda, sidoo kale waxyaabihii sababay dib u dhaca maanta ummada ka muuqata, marxaladdaasi waxaa hormuud ka ahaa aqoonyahano ay kamid ahaayeen Maalik bin Nebi, Maxamed Cabdu iyo aqoonyahano kale. Marxaladda laad waxay daba socotay tii hore, waxaana marxaladdani udub dhexaad u ahaa kacdoono ay dhalinyaro hor-kacayaan, sida Tuunis iyo Bangaladhesh.

Maxaa la gudboon bulshada Geeska Afrika?

Bulsho ahaan kaalintii mufakirkeenna aad ayaa loo liiday, si ka duwan bulshada galbeedka oo qiimo weyn siiyay kuwooda indheergaradka ah oo fekera. Ilbaxnimada galbeedka labo muuqaal ayay inta badan leedahay. Mid waa dhinaca farsamo, tignoolajiyad, iyo dhinac cilmi, balse waxaa jira waji kale oo daahsoon oo ay ilbaxnimada galbeedku leedahay, taaso ah mashruuc feker. Bulshada Geeska Afrika maadaama ay Muslimiin yihiin badankooda waxaa muhiim ah in la helo dugsiyo diinta laga barto oo ka duwan kuwa maanta jira, dugsiyo kulansanaya Madaahibta kaladuwan ee fiqhiga, iyo in la baro jiilka sida loo fekero.

Talada dhallinyarada aan siinayo:

Da’yartu waa tiir-dhexaadka iyo mustaqbalka ummadda, waxaana dhihi lahaa sidii Dr Jaasim Suldaan iyo Dr Daariq Suweydaan ay dhaheenn; Ogaalka ay leeyihiin Jiilka maanta ayaa ka sarreeya midka jiilashii kahoreeyay. addex qodob baan kula talinayaa dhallinta:

1.Doonistiinnu ha xooganaato. Qur’aanka waxa uu isku xiray doonista iyo haleelidda guusha ama towfiiqda aayadda 88 ee suuratu Huud. Doonista iyo waafajinta Rabbi ayaa isku xiran, doonis xooggan oo wax baddalaysa ayaa muhiim ah.

2. Waa in aynu garanno hawlaha muhiimka ah in si wadajir ah loo qabto, halka shakhsiga looga baahanyahay in uu si madaxbannaan uu fekero. Waxaa jirta qaacido galbeedka laba isticmaalo oo tiraahda: Fekerkaaga xor u ahaw, hawluhuna wadajir ha ahaadaan.

3. Quusta waxa loo yaqaan qaamuuskiina ka saara, kolka isbeddel uu dhacayo waxaa mahuraan ah in waxyaabo badan ay dhacaan, qofka muslimka ah waa inuusan marnaba ka walwalin mustaqbalka isagoo og in uu Alle ku manaystay waxyaabo badan oo aan ummadaha kale haysan, deegaan juqraafiyeed dhaca bartamaha adduunka, iyo meelihii dunida ugu mudnaa.

Tixraac

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *