W/Q: Cumar Dheemow
Marka aad maqasho kaankaro ama kansar maxaa kugu soo dhaco? maxaadse isla markiiba garanaysaa oo aad Kansar kaga saari kartaa cudurrada kale ee dadka ku dhaco? Maqaalkaan waxaan ku soo koobayaa fahan guud oo kaankarada ku saabsan, inta karaankayga ah.
____________
Kaankaradu waa is baddel ma-soo-noqde (Irreversible) ah oo ka dhasha marka unugyada jirku ka baxsadaan duljoogtaynta korriimada unugyada, awooda korriimaduna unugyadaas la wareegaan. Jirka bani-aadamka wuxuu Eebbe u sameeyay samaysan ama habdhisyo isku habaysan oo midba door leeyahay. Korriimada unugyadu waxay ka shaqeeyaan in la siyaadiyo tirada unugyada ama xajmigooda si looga falceliyo baahida jirka. Mararka qaar is baddelo cuduro, deegaanka ama si caadi ah u dhaco ayaa keena in korriimada laga siyaadiyo sida caadiga ah ee la yaqaanay.
Tusaale cudur; haddii qofku waayo shaqada mid ka mid killiyihiisa sababo in killidu hawsha gabtay (Kidney Failure) ama in aanu qofka u dhalan killidaas (Renal Agenesis), waxay killida hartay isku dayaysaa in ay buuxiso booska killida maqan, waxaana markaa kordhaya xajmigeeda oo way ka waynaanaysaa intii loogu talagalay. Sidoo kale Xilliyada uur jiro, caadi ahaanta (physiological) minka ama ilmo-galeenka wuxuu ka waynaada xajmi ahaan sidii uu ahaa (endometrial hypertrophy) iyada oo laga falcelinayo in deegaan loo sameeyo uur-ku-jirta. Mar kale, dadka caba sigaarka sambabadoodu waxay ka falceliyaan halista kiimiko ee bannaanka kaga imaanayso iyaga oo baddela unugyada caadiga ah ee lagu yaqaan kuna baddelaayo unugyo ka yara adag oo u adkaysan karo kiimikada sigaarka marka loo fiiriyo unugyadii caadiga ahaa ee sambabku lahaa (Squamous metaplasia), waxayna siyaadiyaan fursada in kansar sambabada ah dhaco.
Is baddeladaan iyo kuwo kaleba, waa is baddelo laga soo noqon karo(reversible) balse qaarkood ay kordhiyaan fursadda in kansar uu billlwdo. Is baddeladaan marka ay jiraan jirku weli wuxuu awoodaa in uu duljoogteeyo korriimada unugyada isaga oo joojin kara is baddelada aan caadi ahayn ama u shirqoolayo dil si aanu isugu baddelin kaankaro. Marka jirku arko is baddeladaan kuwooda aan caadiga ahayn wuxuu kaga falceliyaa in korriimadaas xad-dhaafka ah la joojiyo oo dib loogu soo celiyo gacan ku haynta, haddii wax laga qaban waayana unuga waa laga takhlusaa oo waa la dilaa (Apoptosis¹).
Waxaa shaqadaan loo igmaday oo qabto hidde-wadeyaal burooyinka ka hortaga (Tumor Suppressor Genes), haddii hidde-wadeyaashaan wax ka qaldamo oo miyuuteeshan (Mutation²) ku dhaco waxaa meesha ka baxo duljoogtaynta korriimada (cell division control) sida badana kansarada waxay ka yimaadaan mutation ku dhacay hidde-sideyaashaan mid hidde ah oo la dhaxlay ama mutation uu sababay kansar-sababe (Carcinogen). Unugyada kansarka noqda, ee ka baxsada awoodaas jirku leeyahay waxay sameeyaan gooni-u-goosad, waxayna u koraan si xad-dhaaf oo ay awooda korriimadu iyagu maamulayaan.
Marka ay unugyada meel ka mid ah jirka aad u korto, waxaa ka samaysma buro. Burooyinku waxay kala noqdaan kuwo kansar ah (milignant) iyo kuwo aan kansar ahayn (benign). Kuwa aan kansarka ahayn (benign tumors) way ka halis yaryihiin kuwa kansarka ah, sababta oo ah awoodahooda ayaa kala gedisan. Kuwa aan kansarka ahayn meesha ay ka bilaawdaan kama safraan, oo unugyada iyo xubnaha deriska la ah kuma faafaan, halka burooyinka kansarka ah faafaan oo ay weeraraan deriskooda. Burooyinka aan kansarka ahayn, halistooda waxaa jaangooya halka ay ku yaalaan, haddii ay xubin ka mid ah kuwa jirku ku taaganyahay ka soo baxaan waxay halis ku noqdaan nafta qofka, sida haddii ay maskaxda ka soo baxaan balse inta badan dhibaatooyinkoodu ma gaarsiisna tan kansarku leeyahay.
Sida badan Kansar walbo waa buro, buro walbo se kansar maaha. Unugyada kansarka noqda, waxay helaan awood aan loo baabac dhigi karin iyaga oo ku faafa xubnaha la deriska ah iyo kuwa ka fogba. Marka la joogo caalamka dhaqtarnimada iyo midka caadiga ahba; burooyinka kansarka ah waxaa loo sameeyaa heerar ay ka simanyihiin dhammaan kansarka meel walba oo jirka ka mid ah ka soo baxa. Marxaladahaan waxaa ku xeran dawaynta (Treatment) iyo natiijada wax ka qabashada kansarka (prognosis).
TNM SYSTEM waa habka ugu badan ee loo fiiriyo marxaladaha kansarka. Waxaan laga fiiriyaa oo ay TNM u taaganyihiin;
- Xajmiga burada (Tumor Size)
 - Tirada qanjirada difaaca ah oo ay ku gaareen (Number of Lymph Nodes)
 - In ay faaftay oo ay gaartay xubin kale oo aan ahayn tii ay ka bilaabatay (Metastasis).
 
Marxaladayntaan waxaa uu kansarka u kala qaadaa afar heerar, mid ba kan ay ka dambayso waa ka daawayn xuntahay (poor prognosis). Heerka afaraad ayaa ugu xun oo aan inta badan la daawaynin, waana marka M-tu noqoto M1 oo ka dhigan in kansarku faafay oo gaaray xubin kale oo aan ahayn tii uu ka bilawday.
Inkasta oo kansarku ka koriimo badanyahay unugyada kale ee la mid ah ee xubinta kula yaala maadaama awooda korriimadu isagu maamulanayo, haddana xubnaha jirku waa ku kala gedisanyihiin aminta ay qaadanayso in kansarku faafo, waase hubaal in kansarku haddaan xilli hore la ogaanin la na dawaynin faafayo. Kansarada qaar waa kansaro shibaneyaal ah oo un xanuunkooda lagu baraarugo kolka ay faraha ka baxaan, sida kansarka ku dhaco mid ka mid qanjirada taranka ragga (Prostate Gland) oo meesha uu ka soo bilaawdo ayaa ka yar fog kaadihaysta(Bladder), marka buradu waynaato oo ka dhiga marxalada dambe (late stage) ayaa la arkaa kaadida oo soo bixisteeda oo adkaata, xanuun daran iyo waxyaabo kale.
Haddaba, kansar maxaa keeno? Kansarka ma laga hortagi karaa? Ma la daawayn karaa? Ciyoow in la qabto maxaa ay u baahantahay?
In mudo ah ayay kansaradu ahaayeen cudurada aduunku isku si’ u la dagaalay, ilaa haddana aan si dhammaystiran loo xalinin. Dedaalado kala gedisan iyo cilmi baarisyo mudo socday ka dib, horumar balaaran se aan dhammaystirnayn ayaa laga gaaray, ka hortaga (Prevention), ogaanshiyaha xili hore (Early Diagnosis), dawaynta (Treatment) iyo badbaadada dadka kansarku ku dhacay (Survival Rate) waloow weli uu ka mid yahay cudurada hoggaanka u haya dhimashada cudurada aduunka oo dhan.
Kansar waxaa sababo ama ay ka dhalataa isugaynta ama iskutaga deegaanka iyo hiddaha qofka. Qofku wuxuu ka askumay iskutaga hidde-sideyaasha Hooyo iyo aabo.
Inta badan kansaradu waxay xiriir la leeyihiin oo siyaadiya fursadahooda (risk factor)  sooyaalka qoys(Family History). Haddii waalidiintaada, walaaladaada ama qaraabada kuugu dhaw kansar ku dhacay, feejigni badan baa ku faran. Sidoo kale deegaanka walxaha ka yimaada ee kansarka la la xiriiriyo waxay noqon karaan iyada oo loo fiirinaaya halka ay ku abtirsadaan;
1. Kansar-sababe jireed (Physical Carcinogens). waxaa ka mid ah, Shucaacyada Qoraxda (Ultraviolet Radiation).
- Kansar-sababe kiimikeed (Chemical Carcinogens). waxaa iyana ka mid ah; Kiimikada sigaarka, cuntooyinka sumaysan, alkolada.
 - Kansar-sababe Biyoolijiyeed (Biological Carcinogens). Noolayaasha il-ma’aragtada ah ee cudurrada infekshanka ah jirka ku sababo qaar ayaa waxa ay leeyihiin awood ay Kansar-sababeyaal ku noqdaan iyaga oo naf ahaantooda kansar-sababayaal noqonaya ama hoos u dhigaya difaaca jirku isaga celin lahaa in unugyadii qaribmay ka takhlusaan, kansar-sababeyaashaan waa kuwo biyoolijiyeed.
 
Dedaaladaas aduunku sameeyay waxaa laga dhaxlay in la helay baaritaano dadku sameeyaan si loo ogaada is baddelka unugyada inta aanay kansar noqon, markaasna laga takhalluso ama la ogaado billowga kansarka. Kansarada naasaha, kuwa afka ilmo-galeenka (Cervical Cancer), kansarka qanjirka taranka ragga (Prostate Cancer) waxa ay ka mid yihiin kansarada baaritaanadaas loo helay oo lagu taliyo ragga iyo dumarka in ay si joogto ah sannadkii ama dhawrkii sannaba mar sameeyaan.
Ciyoow in la qabtana kansarka waxa ay u baahantahay in dadku baaritaanadaan sameeyaan iyaga oo la tashanaya dhakhaatiirtooda. Sidoo kale in qofku ka warqabka siyaadiyo haddii sooyaal qoys oo kansar ah leeyahay. Waxaa Eebbe mahadiis ah 10 sano ka hor wadanku xitaa ma lahayn hal xaruun baariska kansarka ah, halka hadda in ka badan 6 xaruumood oo baaritaanka cudurada ah Muqdisho ka furanyihiin, welise kuma filna oo ma wada buuxin baahida baaritaan maadaama qalabyada qaar wadanka oolin ama aan la keeni karin.
Ugu dambayn, mudooyinkii dambe kiisas badan oo kansar ah ayaa la soo tabinayay walow aan tirrada sax ah iyo kansarada ugu badan aan la wada haynin. Kiis aruurin iyo cilmaarisyo gaar ah oo ay iska kaashadeen dhaqtarka kaliya ee kansar ku takhasusay ee Soomaaliya ka hawlgala Dr. Xuseen Abshir, Isbitaalka jaamacadda Soomaaliya (Uniso) iyo Dr Bas oo isna ka hawlgala isbitaalka Digfeer waxa ay ku soo tabiyeen in 2018 kansarada cusub ee la ogaaday (diagnosed) nambar ahaan yihiin 9942 qof, halka 8198 kale ay kansar u dhimatay isla sannadkaas. Waxa ay sidoo kale ku sheegeen in kansarka ugu badan Soomaaliya yahay Kansarka Cuno-mareenka (Esophageal Carcinoma).
Ma jiro baraarug wayn oo kansarka ku wajahan, dawlad Soomaaliyeed mid hore iyo mid timidba ma jirto weli siyaasad caafimaad oo kansarka ku wajahan. Wadanku weli ma yeelan xaruumo kansarka u gaar, kuwo kansarka lagu daaweeyo iyo kuwa lagu diiwaangeliyabo. Sidoo kale ma jirto baraarug bulsho oo haddii xitaa la soo dhammaystiro baahiyaha kansarka Soomaaliya wajahaayo dadka qaar ka mid ah ayaa aminsan in kansarku daawo lahayn iyo in la kala qaado. In baraarugaas la siyaadiyo, dadkana la waxbaro oo la dhiirogeliyo barashada kansarka wax wayn ayay ka tari kartaa dhibaatada kansarka ee uu bulshadeenna ku hayo.
________________
¹Apoptosis: jirka labo qaab ayuu unugyada uga takhlusaa. Mar waa markaan oo si caadi ah oo laga warqabo ayaa loo dilaa unugyada jirku u baahnayn iyo kuwa aan caadiga ahayn. Mar na waa marka cudur jiro sababo dhimashada unugyo, waxaana la dhahaa Necrosis.
²Mutation: si fudud waa qalad walbo oo ku dhaco habka xiriirsan ee DNA-da qofka u samaysantahay.
Tixraac:
- Fundamentals of Pathology, CH:3 Neoplasia. DR. HUSSAIN A. SATTAR
 - Cancer, WHO, February, 2022
 - Cancer in Arab world, CH: 15 General Oncology Care in Somalia. Dr. Hussein Abshir Mohamed, Drs. Ikram Abdikarim, Dr. Nur Yasin and Dr. Amin.
 
- Nimcadda Nacladaysan iyo Qaaradda Afrika
 - Afmaldaha iyo Qur’aanka
 - Haka Harin Hirka AI
 - Farrintii ay Dr. Jane Goodall u reebtay adduunka
 - Soomaaliya: Maxay yihiin hababka maamul-daadejinta?
 

Waa qormo caafimaad oo qiima u leh qofka kasta oo afka Soomaaliga wax ku akhrin karo ,kuna talin lahaa inuu akhriyo haddii rabo inuu cudurka kansarka wax uun uu ka fahmo.
Mahadsanid ,Dheemow