
W/Q: Kablallax Dhagacadde
Muxyadiin Shiikh Muumin, oo loo garan og yahay Jiim Shiikh Muumin, gugii (1940) ayuu ku dhashay magaalada Buulaburde, oo ku suntan in ay tahay magaalo ay ka soo baxeen hooballo iyo hibooleyaal fanka casriga ee Soomaalida raad weyn ku yeeshay. Magaalada Buuloburde waa hooyo soo naasnuujisay mulaxannada codeeyey heesaha Soomaalida badankooda haddii aynu saddex meelood u qeybin lahayn heesaha, waxa aan qabaa in ay laba meelood laxammeeyeen laxanyaqaanka ka soo baxay degmadaan iyo gobolweynaha Hiiraan sida Saalax Qaasin, Aweys Goobbe, Axmed Nuur Jaangow iqk.
Jiim magaaladii uu ku dhashay ayuu ku qaatay noloshiisa bilawgeedii iyo waxbarashadiisiiba, degmada uu ku barbaaray oo ahayd magaalo kulmisay dad kala duwan oo ajaanib iyo soomaaliba leh, waxa ay markaas ahayd meelaha ugu ilbaxsan deegaannada Soomaalida kuwaas oo dawladnimaddii ka hor ay yarayd meel muusig iyo wax u dhaw toonna laga maqlo dhawr magaalo oo waaweyn mooyaane kuwaas oo faro-kutiris ah. Mullaxan Jiim, meeshaa bulshada kala duwan kulmisay ee ilbaxnimadu taallo ayaa jeclaysiisay inuu aad u xiiseeyo agabka muusigga laga tumo iyo badweynta fankaba. Meel giitaarka lagu barto ayay mar wada bilaabeen isaga iyo mullaxan Jaangow oo isna fanka meel sare ka jooga. Akadeemiyaddii uu muusigga ka baran jiray Jiim waxaa macallimad ka ahayd gabadh Talyaani ah waana macallimadda u bixisay naanaysta uu caanka ku yahay ee (Jiim) taas oo hadda magaciisaba ka weyn kana gudubtay inay naanays noqoto oo ahba magaciisa kooowaad.
Sida ku dhici jirtay dhallinyaradii fanka ku soo biiri jirtay ee dhanka waalidkoodii asalraaca ahaa caqabahadda kala kulmi jiray, kuma aysan dhicin Jiim oo waxaa fanka aad ugu dhiirrigaliyey adeerkii aabbihii la dhashay waxayna tallaabadaas Jiim sii gelisay yiddidiilo weyn iyo in lagu cariyey dareenkii iyo xiisihii uu u hayay fanka. Kolkii ay gacantu u fadhiisatay ee uu giitaarka iyo kabankaba si heer sare ah u tumay waxa uu isku dayay inuu laxan sameeyo oo uu tijaabiyo dareenka hibeed ee ka dhex guuxaya uurkiisa,1964 ayuu laxameeyay heestii ugu horaysay. Taas oo sida uu mullaxanku ka warramay inta uu la tegay wabiga jiinkiisa uu goobtaa shanqadha ka fog uu cod ugu sameeyay, heestaas oo ahayd “dhallinyarooy” markii ay soo baxday heestaas wuxuu garwaaqsaday in uu hibo codsamayn leeyahay. Safar ayuu ka galay magaaladii noloshiisa soo dhistay oo dhanka waqooyi-galbeed ee dalka ayuu u hayaamay. Magaalada Burco ee gobolka Todhgeer ayuu gaadhay halkaasna waxay isku barteen abwaan Aadan Tarabi Jaamac. Magaalada Burco ayuu Aadan Tarabi ugu dhiibay laba riwaayadood oo noqday ruwaayadihii ugu horeeyey ee Jiim lagu aamino laxankooda. Labadaas riwaayadahaa ayaa kala ahaa Xaajaba La yaab lehe Aan qodo xabaalaha iyo Dakharada jacaylka. Si loo riyaaqay ayuu uga soo dhalaalay labadii ruwaayadoodba laxankoodii iyada oo aan loogu tagin,tabantaaba kalaba ha joogtee.
1972, ayuu Jiim mar kale dib ugu laabtay koonfurta dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho ayuu u soo digarogtay. Waxaa waayadaa la aasaasayey oo dhidibbada loo taagayey kooxdii ciidanka asluubta ee Onkod oo uu ka mid noqday dadkii bilawgii kooxdaa galay. Jiim hobollada Onkod waxaa uu ka noqday mullaxanka iyo kabaniistaha koowaad ee kooxda, waxa uu laxannadooda lahaa badi ruwaayadihii ay dhigeen fannaaniintii Onkod ruwaayadahaas oo kala ahaa “Wajiyaal is xasuusta” oo ay wada sameeyeen Axmed Saleebaan Bidde iyo Maxammed M. Qaaqay “Gar jacayl hala qaado” oo Qaaqay hal-abuuray, Jiim marka laga yimaado hibadiisii laxansamaynta waxa uu noqday cadceed u soo baxday muusigga soomaalida oo kabanka kolka uu gacanta saaro wuu xarrago tumi jiray, dhawaaq iyo dhadhan gaar ah oo lagu baadisooco oo aan kabanka soomaalida lagu dhex arag ayuu la gole yimid. Waxaa uu wax badan kusoo kordhiyay habtumista kabanka soomaalida, waxaan muran ka taagnayn inuu ahaa qof Soomaali ah oo kaban tumay kii ugu farshaxansanaa ee abid soo maray muusigga soomaalida.
Jiim Sheekh Muumin waxa uu noqday dugsiga ugu weyn ee soo saaray arday si la wada majeertay kabanka u tunta oo summaddii Jiim ku saxeexan tahay gacantooda, raggaas uu wax baray waxaa ka mid ah: Daa’uud Cali Masxaf–kol haddii aan Daa’uud xusay halkaas ka garo waxsoosaarkii weynaa ee Jiim iyo aqoontii qotada dheerayd ee uu u lahaa muusigga–Shamuuri, Kooshin-yare,Muqbil,Cabdullaahi-yaroow, Cabdicasiis-Jarmal iyo qaar kale oo badan. Waa koox kale oo ka mid ah ardaydii ka aflaxday dugsigii Jiim Sheekh Muumin, Jiim la’aantii lama dhadhansadeen kabanka soomaalida oo mid kala dhiman ayuu ahaan lahaa xilli san ayuu ilaahay ugu gargaaray oo shinbir uga dhigay Muxyadiin-Jiim.
Dhammaadkii qarnigii tegay billaawgii (1991) markii uu dalka ka dhacay burburku, Jiim waxaa uu ku negaaday Xamar oo halkaas ayaa isaga iyo rag waaweyn oo tiirarkii fanka iyo suugaanta ahaa wedka ku sugeen. Waayo danbe markii ay xabashidu soo gashay caasimaddii dalka, Jiim waxa uu u guuray magaalada Afgooye halkaas ayuu ku sugnaa in badan oo hal maalin dhanna uma dhaafin Xamarna kuma uusan soo noqon ilaa taangigii xabashidu ka huleelay caasimadda dalka.
Sanadihii danbe mullaxan Jiim waxa uu u wareegey Hargaysa halkaas ayuu muddo joogay. Mar dhexe arrin si shil ah ku timid awgeed mullaxanku jeel ayuu galay. Fannaaniin badan iyo abwaan u gurmaday yaa kasoo saaray xabsigii igasa oo markaa dhawr sanno ku xidhan, maalintii jeelka laga soo daynayey waxaa jeelka kadinkiisa taagnaa oo soo daayey hooballo badan oo ay ka mid ahaayeen, fannaanad Khadra Daahir, Abwaan Dacar iyo Ruun Xaddi oo uu gurigeeda degganaa intii uu joogay magaalada Hargaysa.
Mar kale ayuu dib ugu laabtay magaalada Xamar ustaad Muxyaddiin-Jiim, oo maalmihii u danbeeyay ee noloshiisa waxa uu ku qaatay caasimadda dalka. Sanadkii (2020) ayaa Muqdisho loogu sameeyay habeen si weyn loogu maammuusay, islamarkaana lagu xusay waxqabadkiisii faneed ee maguuraanka noqday. Waxaa madashaas lagu guddoonsiiyay billad sharaf loogu mahad-celinayo dedaalkii badnaa ee uu gashaday fanka iyo muusigga Soomaaliyeed. Sanad iyo dhawr bilood ka gadaal habeenkaa ayuu ku galbaday Muqdisho, 24 Noofeembar 2021, halkaas waxaa innooga qarsoontay bidhaantii Jiim hase ahaatee Jiim wuxuu ku waarayaa baalasha taariikhda iyo xasuusta bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan inta xargaha kabanku kashooda gilgilo. Qoraalkaan intiisa danbe waxaan kusoo aruuriyey heesihii badnaa ee uu laxanka u sameeyey mullaxanku intii aan haleeli karayay, waana sida soo socota.
1.Heesta “Caashaqa ma baran wali”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Kinsi X. Aadan iyo Cabdillaahi C. Xarago
2.Heesta “Barashooy kuma waayo”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Kinsi X. Aadan iyo Cabdillaahi C. Carrago
3.Heesta “Dawoow dawo caafimaadeey”
Ereyada: Maxammed Cali Kaariye
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Xasan Aadan iyo Sahra Daawo
4.Heesta “Yufle”
Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan
5.Heesta “Dul lahaw adduunyada”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan
6.Heesta “Wajiyaal is xasuusta”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Kinsi X. Aadan iyo Cabdillaahi C. Xarrago
7.Heesta “Halkuu nabarka caashaqu”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan
8.Heesta “Iga maqan”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Cabdillaahi C. Xarrago iyo Kinsi X. Aadan
9.Heesta “Gacan gacan”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Cabdillaahi C. Xarrago iyo Kinsi X. Aadan
10.Heesta “Agagaarka Jubba”
Ereyada: Maxamed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Cabdillaahi Cumar Xarrago
11.Heesta “Markay doontu degayso”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Maxammed A. Kuluc iyo Kinsi X. Aadan
12.Heesta “Dabaylaha”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan
13.Heesta “Halbowlahaygaay”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Kinsi X. Aadan iyo Cabdillaahi C. Xarrago
14.Heesta “Miyaan kaa bogsanayaa”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Muuse I. Qalinle iyo Sahra Mire
15.Heesta “Af gobaadsi”
Ereyada:
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Cabdillaahi Cumar Xarrago
16.Heesta “Saldhigo”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh
Codadka: Sahra Mire iyo Muuse I. Qaline
17.Heesta “Guryasamiyo”
Ereyada: Jaamac Cabdi Seed
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Kinsi Xaaji Aadan iyo Axmed Inshaar
18.Heesta “Masalaha kusoo bood”
Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Marwo Cabdi
19.Heesta “Gobolada dalka”
Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Haybe Cagjar iyo Faadumo
20.Heesta “Xaajaba la yaab leh”
Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Haybe Warsame Cagjar
21.Heesta “Dakharadda jacaylka”
Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Caasha Jaamac
22.Heesta “Nafba waa ayaankeed”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan
23.Heesta “Sida curad aan socod baran”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan
24.Heesta “Ninba dahab lumay si u doondoon”
Ereyada: Cabdulqaadir Dheere
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Siciid Toon
25.Heesta “Horta bilisi waa maxay”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Cabdillaahi Cumar Xarrago
26.Heesta “Anbiya”
Ereyada: Jiim Sheekh Muumin
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Axmed G. Qarboosh
27.Heesta “Ilma caashaq”
Erayada: Aadan Tarabi Jaamac
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Faadumo Gaheydh
28.Heesta “Qalbiga ruxmayow idaa”
Ereyada:
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Layla Cumar Dhuule
29.Heesta “Haadba haad kici”
Ereyada: Xasan Ganey
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
30.Heesta “Sidii Markabkii Shawaal”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Khadra Daahir Cigge
31.Heesta “Caashaqa shilkii helay”
Ereyada: Xasan Kuuriya
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Sahra Mire Weheliye
32.Heesta “Gayaan”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Sahra Mire Iyo Qalinle
33.Heesta “Galbis”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Cabdi Baadil iyo Sahra Mire
34.Heesta “Calafka wax kamaan qabo”
Ereyada: Xasan Kuuriya
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Sahra Mire
35.Heesta “Diinkii dhoolka raacay”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuda: Cabdillaahi Cumar Xarrago
36.Heesta “Boholaha jaceyl”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan
37.Heesta “Hadii aanan dhulkaygow”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle
38.Heesta “Haday boogi kugu taal”
Ereyada: Bashiir Farey
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Xaawo Jeesto
39.Heesta “Maxamed maxamed magooleey”
Ereyada: Axmee Saleebaan Bidde
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Xaliimo Kh. Magool iyo Maxmmed Mooge
40.Heesta “Sideebaan waxyeelaa”
Ereyada: maxamuud garcadde
Laxanka: jiim sh muumin
Luuqda: Muxyadiin Amiin Mugaani
41.Heesta “Ramaas”
Ereyada: Bedal dheere
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Jiim Sheekh Muumin
42.Heesta “Horweyn dhalay la arag”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Muuse I. Qalinle iyo Kinsi X. Aadan
43.Heesta “Naxli “
Ereyada:
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Shamso Daadsan
44.Heesta “Gabogabo colaadeed”
Ereyada: Maxammed M. Qaaqay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Cabdillaahi Cumar Xarrago
45.Heesta “Dhulkiina u dhiidhiiya”
Ereyada: Prof axmed nuur yaasiin
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Jiibta: kooxdii Onkod
46.Heesta “Dakharada jaceyl “
Ereyada: Aadan Tarabi
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Samsam Yuusuf
47.Heesta “Gacan seydh”
Ereyada: Aadan tarabi Jaamac
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Marwo Maxammed
48.Heesta “Laydh caashaq”
Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Samsam Foolge
49.Heesta “Nabsi”
Ereyada: Xasan Genay
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Luuqda: Shamso Cumar
50.Heesta “Dhadhab”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Jiim Sheekh Muumin
Talantaali: Muuse I. Qalinle iyo Kinsi X. Aadan
