Israel waxay burburisay jaamacaddeyda, balse igama hor istaagin rabitaankayga waxbarashada

Waxaa qoray: Aya Hellis, arday jaamaceed oo reer Gaza
Waxaa tarjumay: Axmed Dhubow

“In muddo sannad ah, waxaan dadaal badan ku bixiyay inaan sii wato daraasaddayda jaamacadeed ee Gaza si aan naftayda u siiyo dareen macno leh.”

Sanadkii 2021 waxaan jaamacadda Islaamiga ee Gaza ka bilaaday darajada koowaad ee jaamacadda gaar ahaan Injineeriyadda Architectural ka. Aad ayay ii farxad galinaysay inaan ka dhabeeyay riyadeydii aheyd inaan barto takhasuskaan, kaas oo aan mar walbo doonayay inaan barto.

Waxa ay nolosheyda u muuqatay, shanta sano ee soo socoto, mid aad u hagaagsan. Qorshuhu waxa uu ahaa; inaan si adag wax u barto, imtixaannada kaga gudbo darajo aad u sarreyso, leylishaqo aan ka helo shirkad caan ah, kadibna aan bilaabo darajada labaad ee master.

Wax walbo waxa ay ahaayeen sida uu qorshuhu ahaa ilaa ay ka timaado 7 oktoober ee sanadka tagay. Maalintaas waxaa la iga sugaayay inaan gudbiyo mashruuc aan waqti badan u hurdo seegay. Duqeynta waxay bilaabatay subaxii, laakiin wax daneyn ah ma aan siinin, waxaana sii watay dhameystirka mashruuca la iga sugaayo. Waayo, waxaan waaya badan u soo joogay weerarada Israel ee Qaza, waxaana kasoo gudbay lix kamid ah weeraradaas.

Intaa kadib, waxa isoo gaaray war, dhiilo leh, sheegayo in jaamacaddeydii la duqeeyay. Mar kale, waxaan u qaatay in wax walbo ay xaalad caadi ah kusoo noqon doonaan, sidaas dateed, waxaan dhameystiray mashruucii waana diray, dhankeyga.

Maalinta xigta, 8da oktoober, waxaan filaayay in leyliga aan kala niqaasho saddex arday oo fasalka. Waxaan u qorsheynay inuu kulankaani noqdo doodii u danbeysay ee aan ka yeelanno mashruuceena, kahor inta aan gudbinin 10-ka oktoober. Halka aan kala hadli lahaa ardayda kale, waxaan helay war sheegaya in mid kamid ah, saaxiibkeyga qaaliga Alaa, lagu dilay duqeyn ay geysteen ciidanka cirka ee Israel. Waxaan u baroortay saaxiibkeey, halka aan leyliga jaamacadda soo gabagabeyn lahaa.

14 Oktoober, waxaa aniga, waalidkay, iyo walaalahay kasoo qaxnay gurineegii magaalada Gaza waxaana u qaxnay Khan Younis, annaga oo rejaynayna inaan halkaas ku ammaan heli doonno. Waxaan kasoo tagay laabtoobkaygii, mashaariicdii, buugaagta, iyo wax walbo oo la xiriira waxbarashadayda.

Gudaha Khan Younis, waxaan naawilay inaan dib ugu laabto jaamacaddeyda, ugu danbeyntii waan ku laabtay balse markaan ma ahayn inaan wax barto. Bisha Desember, masjid kasoo horjeedo dhismaha aan deganeyn ayay ciidanka Israel duqeeyeen. Waxaan dareennay welwel badan, waxaana u cararnay jaamacadda al-Aqsa oo inoo dhaweyd si aan u helno gabbaad, annaga oo faro maran. Habeenkaasi, waxaa la duqeeyay lana burburiyay dhismaha aan kasoo qaxnay. Waxa ay danta na biday inaan burburka dhismaha ka dhex baarno kana soo dhex baxsanno waxii hanti ee aan ka heli karno.

Qoraaga, Aya Hellis, oo ku sugan burburka dhismayaasha ee Khan Younis.

Waxa aan Khan Younis ku sugneen bil iyo bar. Waxaan aad ugu baqaayay inaan galo internet-ka, iskaba daa inaan raadiyo ardayda fasalka iyo saaxiibadeey. Kaliya inaan hubiyo WhatsApp-kayga waxay aheyd riyo cabsi badan. Aad ayaan ugu baqan jiray inaan ogaado dhimashada dadka aan garanaayo! Bisha Desember waxaa isoo gaaray war sheegayo in ciidanks Israel ay dileen arday fasalka ah, Fatima, aabaheed iyo walaalahed.

Bisha January, ciidanka Israel waxay kordhiyeen duqeynta, waxayna Khan Younis ku xasuuqeen boqolaal, kadibna waxay qabsadeen isbitaalka Alkheyr oo inuu dhawaa. Waxaan u cararnay Rafah halkaas oo aan waddada dhexdeeda ka dhisannay teendho. Dhab ahaantii noloshu waxay aheyd mid quus ah.

Balse xilliyada qaar marka ay ugu fogtahay filashadu, ayay rejadu kugu imaanaysaa si lamafilaan ah. Bisha March, waxaa soo baxay qorsha ardayda loogu ogolaanaayo inay ku biiraan jaamacadaha Daanta Galbeed, ayada oo duruusta lagu qaadanaayo hab fogaan ah. Waxay taasi aheyd dhiig joojin, waxaana dareenay inaan waqti kale nolosheyda kasii lumin doonin. Waxaan iska qoray barnaamijkii, waxaana sugay inaan helo mid kamid ah jaamacadaha.

Markii ay ila soo xiriirtay jaamacadda Birzeit (BZU), waxaan dareemay in nasiibku ii hiiliyay. Waxaan iska dalbaday tirada ugu badan ee kooris ee la i ogol yahay, waxaana si farxad leh ku sugay inaan mar kale daraasadda bilaabo. Waxayse yadadiiladeydii noqotay dhalanteed. Kaliya 5 maalin, kadib markii 7da bisha May aan bilaalay semester-ka, waxaa aniga iyo dhammaan qoyska aan ka cararnay ciidamada Israel oo nagu soo wajahnaa. Rafah waxay aheyd bartilmaameed, waxayna noqotay inaan mar kale u qaxno Khan Younis.

Weerarada ciidamada Israel ay ka geysteen Khan Younis, waxay dhaxalsiiyeen inay magaalada u muuqato sida tuulo reer aakhiraad. Wax halkaa ku haray ma lahan. Guud ahaan dhismaha iyo kaabayaasha ayaa si dhameystiran loo burburiyay. Waxay aheyd goob aan ku habbooneen nolol, laakiin ma haysanno doorasho kale. In ka badan hal malyan ayaa naga la soo qaxay Rahaf, waxaana la buux dhaafiyay kaamamka barakacayaasha, iyo goobo kale sida Dier el-Balah.

Barakaca waxa uu dhaliyay inaan sii wadi karin waxbarashadayda jaamacadda Birzeit. Inkastoo nolosha teendhooyinka bartamaha waddada ee Rafah ay aheyd mid adag, haddana internet ka intiisa badan waa uu shaqaynaayay. Balse, Khan Younis wax internet ah oo ka shaqeynaayo ma lahan, halka ugu dhaw ee aan internet ka heli karana waxay aheyd al-Mawasi oo inoo jirta todobo kilometers (afar mile).

Waxay dantu qasbaysaa inaan masaafadaasi lugeeyo aniga oo murugo badan qalbiga ka dareemaayo, si aan jaamacadda Birzeit ugu diro email uguna wargaliyo hakinta daraasaddeyda jaamacadda!

Bisha June, waxaan helay warbixin sheegayso in jaamacaddaydii hore, Jaamacadda Islaamiga ee Gaza, qorshe cusub la timid, kaas oo ardayda u ogolaanaayo inay daraasaddooda qaab fogaan ah ku dhameystirtaan, ayada oo la isku kaabaaya wax-is-barid iyo hagid.

Semester-ka aan billownay bisha oktoober, 2023, waxay jaamacadda u kala qeybisay labo. Bil waxay na siinayaan inaan baranno maadooyinka, sida caadiga ah qaadan lahaa bilooyin, inta aan la gelin imtixaanka ee qaybta hore, kadib waa inaan qeybta kale aan sameyno si lamid ah tan hore.

Waxaa caqabad aheyd in kooris walbo loo helo macallin. Barefasoore badan waa la dila y, qaar kale waa ay barakaceen ayaga oo ku jiro xaalado adag, lana daaladhacaayo inay qoyskooda u helaan cunta iyo biyo. Taasi waxay dhalisay in hal macallin uu in ku dhaw 800 arday uu kooris u dhigo.

Waxaan iska qoray labo kooris. Waxa aan maalin walbo todobo kilometers (7km) u socdaalaa al-Mawasi, aniga oo ku socdaalaayo qoraxda oo kulul, kana sii gudbaayo burbur, qashin, iyo biyaha bulaacadda, kaliya si aan u soo degsado casharada, sidoo kalena aan si dhaw ula socda jaamacadda.

Runtii aad ayaan ugu qanacsanaa, marka la barbardhigo, dhex fadhinta teendho kulul iyo rejobeel.

Joogtaynta waxbarashada fog, waxay aheyd caqabad. Islamarkii aan bilaabay daraasadda, ciidanka Israel waxay weerareen al-Mawasi, iyaga oo sideed bam kusoo tuuray kaamka, sidoo kalena dilay ugu yaraan 90 qof iyo 300 oo dhaawac.

Meel walbo waxaa ka taagan cabsi iyo jahawareer. Waxaan ka baqay inaan aado goobaha loogu yeero goobta nabdoon “safe zone”.

Muddo todobaad ah ma haleelin online ka. Ciidanka Israel na waxay duqeeyeen kaabayaasha isgaarsiinta. Markii aan isku dayay inaa helo internet, waxa uu qadka ahaa mid aad daciif ah. Labo maalin ayay igu qaadatay inaan lasoo dego kaliya hal buug!

Waan ku guuleystay inaan dib ugu laabto waxbarashada, laakiin mar kale waa la iga carqaladeeyay. Amarro cusub oo ay soo saareen ciidamada Israa’iil ayaa ku khasbay kumanaan qof inay u qaxaan aagga cidla ah ee aan degannahay. Waxay noqotay meel aad u buux dhaafsan oo buuq badan, taasoo caqabad ku noqotay inaan daraasadda muddo badan diiradda saaro.

Inaan taleefankayga u helo jaajaro, waxay aheyd caqabad kale. Labo maalin kasta, waa inaan dhiibo subaxii si loo soo jaajareeyo kadibna aan sugto ilaa fiidka, sidaasna maalintaas igaga khasaarto.

Ugu danbeyn bisha August ayay imtixaanaadka imaadeen. Waxaan ku qasbanaaday inaan helo internet, markii aan helayna, waxay noqotay inaan bixiyo qarashaad badan si aan u isticmaalo kaliya hal sac. Waxaan sameeyay wax walbo oo karaankeyga ah oo igaga aaddan imtixaanka.

Saddex todobaad kadib waxaan helay natiijadii, taas oo aheyd, A+ labada imtixaan. Maalintaasi oo dhan ayaan aad u faraxsanaa.

Intaa kadib, waxaan bilaabay daraasadda qeybta labaad ee semester-ka iyo samaynta saddexda imtixaan, kuwaas oo aan galay bisha September.

Ugu danneyn, sanad kadib tan iyo billowga dagaalka, waxaan soo gabagabeeyay semester-ka ay duruufta qaabaysay. Waxa uu ahaa sanad ay ku dhan yihiin; barakac, khasaare, nolol teendho, riyoooyin naxdin leh, iyo qaraxyo joogta ah. Intii aan la halgamayay waxbarashada, waxaan garwaaqsaday xaddiga inta aan u xiisay raaxadii yarayd ee noloshayda hore; sida miiskayga, sariirtayda, qolkeyga, shaahayga iyo shukulaatada.

Labadaan bil ee barashada imtixaanada waxay ahaayeen mashquul yar oo iga dhex saaraayo dareemihii xanuunka badnaa ee quusta iyo niyadjabka inta lagu jiray xasuuqaan socda. Waxaan dareemay sida cirbad suuxdin taas oo iga caawisay inaan muddo kooban hilmaamo xanuunka nolosheydii murugada iyo naxdinta laheyd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *