Ismuujinta iyo Dhaqaale Xumada: Sida Tartanka Muuqaalku uu u Dumiyo Mustaqbalkaaga, Maxaase keena in aan mar kasta dareeno culeysyo dhaqaale?
Waxaa qoray: Cali Qoorcase
Ma isweydiisay waligaa sababta dad badan ay u dareemaan inay faqiir yihiin ama noloshoodu liidato, inkasta oo ay dhab ahaantii sidaas ahayn? Run ahaantii, waa dad dakhliga ay helaan uu sarreeyo. Si kastaba ha ahaatee, haddana waxay dareemaan inaysan lacagtoodu ku filneyn, ayna u baahan yihiin lacag dheeraad ah si ay u noqdaan kuwo faraxsan oo nolol raaxo leh ku noolaada.
Haddii aad mid ka mid ah dadkaas weydiiso sababta — kuwa aad isleedahay inay “jeeb buuranyihiin” marka laga eego dakhliga — waxa laga yaabaa inuu ku yiraahdo: “biilasheyda ayaa badan.” Laakiin taas ma aha jawaab sax ah, si loo ogaado inuu khaldan yahay iyo in kale. Dhab ahaantii, qayb weyn oo ka mid ah dareenkaas xun ee la xiriira lacag la’aanta waxa sababa guuldarrada maareynta dhaqaaleheena, iyo daciifnimada nafteena marka aan wajahno cudurrada bulshada ku baahsan, kuwaas oo ugu weyn yahay “jeceylka is-muujinta iyo faanka.”
Masiibada ugu weyn ayaa ah in mararka qaar aynaan xitaa haysan lacag aan isku muujinno, sidaas darteed waxaan u leexannaa amaah, ama wax ku iibsan qaab deyn ah oo aan si yaryar u bixino, si aan isaga dhisno dadka nagu xeeran ama aan ula jaanqaadno qaab nololeedkooda, gaar ahaan haddii heerkooda dhaqaale ka sarreeyo keena. Natiijadu maxay noqotaa? Faqiirnimo, qalbi jab, lacag lumin, dhibaatooyin bulsheed, iyo burbur ku yimaada fursad kasta oo aynu ku dhisan lahayn hanti mustaqbalka.
Markaa maxaynu u faanaa oo aynu isu ekaysiinnaa wax aynaan ahayn? Sidee buu jeceylkaas faanka dib inoogu celin? Maxaana ka dhigaya mid aan suurtagal aheyn in aad hanti yeelato, ama xitaa u dhowaato, inta aad ku jirto cudurka “ismuujinta”? Maxaa qof weyn, oo caqli leh ku khasbaya inuu ku kharash gareeyo lacagtiisa wax uusan u baahnayn? Maxay dadka qaar mushaarkoodu uusan ugu filnayn, xitaa haddii uu sareeyo? Halka qaar kalena ay si farxad leh ku noolyihiin iyaga oo mushaar dhexdhexaad ah hela, oo aaney heyn walwal ama cabsi dhaqaale? Maxaa qof aan waxba haysan ku riixaya inuu iibsado wax qaali ah oo aan la jaanqaadi karin xaaladiisa dhaqaale? Sideen isaga daweynaa cudurka ismuujinta iyo muuqaalka been-abuurka ah? Su’aasha ugu weynna waa: maxaynu uga dhuumaneynaa in aan ku noolaano sida ay u noolaayeen aabbayaasheen iyo ehelkeen?
Sanadkii 1986, hay’ad Maraykan ah oo lagu magacaabo Roper oo ku takhasustay cilmi-baarista ra’yiga dadweynaha, waxay sameysay sahan xiiso leh, waxayna dad Maraykan ah weydiisay su’aal cajiib ah, taas oo ahayd su’aasha si fudud dadka loo weydiiyay: “Adiga oo eegaya noloshaada, immisa dakhli sannadeed ayaad u baahan tahay si aad u gaarto riyooyinkaaga oo aad ugu noolaato nolol farxad leh?”
Inta badan dadka la wareystay waxay ku jawaabeen in ay u baahan yihiin oo keliya $50,000 sanadkii si ay taas u gaaraan noloshaas. Ma aysan dalban wax ka badan tiradaas. Laakiin sannado kadib, 1994, sideed sano kadib, markii isla su’aashii dib loogu celiyay isla dadkii, jawaabuhu aad bay u kala duwanaayeen. Celcelis ahaan waxay sheegeen inay hadda u baahan yihiin $102,000 si ay u dareemaan farxad. Waxaa muuqata in $50,000 aanay mar dambe ku filneyn! Halkaas ayaa qofku la yaabayaa. Maxaa is beddelay? Maxaa sababay in tiradii hore labo-jibaaranto? Miyaanay horay u sheegin in $50,000 ku filan tahay? Qaar waxay dhihi karaan: “Waa wax iska dabiici ah, sicir barar baa dhacay, baahiduna way kordhaysaa.” Laakiin runta ayaa ah in sicir bararku uusan si buuxda u sharraxi karin kororkaas weyn ee dhacay muddo kooban gudaheed. Tusaale ahaan, bisha Janaayo 1986, awoodda wax iibsiga ee $10 waxay u dhigantay $9.47 ee sanadkii 1994. Taas macnaheedu waa in awoodda wax iibsiga aysan hoos u dhicin xitaa wax yar ayay korodhay. Sidaa darteed, sicir bararku ma ahan sababta dhabta ah.
Haddaba waa maxay sababtu? Sababtu waxay tahay in dadka badankoodu marka uu dakhligoodu kordho, uu sidoo kale kordho dareenkooda qanacsanaan la’aanta, sababtoo ah rajadooda nololeed iyo rabitaankooda ayaa si joogto ah u sii fidaya. Baahiyaha aasaasiga ah badanaa ma isbeddelaan, laakiin rabitaannada ayaa isbeddela.
Juliet Schor, oo ah bare sare oo ka tirsan jaamacadda Boston, kana tirsan bahda cilmiga dhaqaalaha iyo bulshada, waxay sameysay sahamin lagu baarayo maskaxda dadka dakhligoodu kordho marka ay rabitaankooduna kordhaan. Natiijooyinku waxay muujiyeen in:
- Laba saddex meelood dadka dakhligoodu ka badanyahay $75,000 sanadkii waxay sheegeen inay u baahan yihiin in dakhligaasi kordho ugu yaraan 50–100% si ay u dareemaan qanacsanaan.
- Halka kuwa dakhligoodu ka yar yahay $30,000 ay kaliya 20% ka mid ah sheegeen in ay doonayaan koror la mid ah si ay u helaan dareen raalli ahaansho.
Markaas waxaa is waydiin leh: maxaa qofka $30,000 hela ka dhigay mid faraxsan, halka qof $75,000 hela uu wali dareemayo inaanay lacagtu ku filneyn? Jawaabta si fudud waana habka kharashaadka. Dadka waxa ay lacagtooda u bixiyaan labo waxyaalood:
- Baahiyaha aasaasiga ah: sida cunnada, cabbitaanka, hoyga, waxbarashada, iyo caafimaadka.
- Rabitaanka: kuwaasna waa aan dhammaad lahayn – waana halka sartu ka qudhuntey.
Waagii hore, fikradda “nolol wanaagsan” waxay la xiriirtay waxyaabo fudud sida: Guur farxad leh, carruur, shaqo la ixtiraamo oo dakhli wanaagsan leh. Laakiin maanta aragtida dadka way is beddeshay. Haddii aad qof maanta weydiiso waxa uu ku tilmaamayo “nolol wanaagsan”, waxaad maqleysaa liis dheer oo ay ka mid yihiin:
- Guri in uu leeyahay
- Villa ama shalle xeebta ah
- Barkadda dabaasha
- Telefishin qol kasta yaalla
- Dharka noocyadooda caalamiga ah
- Gaari — mararka qaarna laba, mid isaga iyo mid xaaskiisa
- Dalxiis dibadda ah
- Mushaar tiro badan
- Akoon bangi oo buuxa
Laakiin yaabka ayaa ah in dadka badankoodu aysan haysan waxaas oo dhan, haddana way nool yihiin, balse weligood ma qanacsanaan doonaan, waxayna mar walba dareemaan in wax la’yihiin.
Qanacsanaantu waxay noqotay arrin dhif ah, sababtuna waa hababka aan wax u aragno ee ku saleysan tartan, muuqaallo been-abuur ah, iyo aragtiyo gaagaaban. Waxaan mar walba rabnaa in aan “ka sarreyno dadka kale”, in aan iska dhigno kuwo ka wanaagsan sida runta ah, taasoo noo horseedaysa arrinta ugu muhiimsan ee qaybtaan: isticmaalka faanka ku saleysan – Conspicuous Consumption.
Fikraddan waxa keenay dhaqaaleyahanka Maraykanka ah Thorstein Veblen buuggiisii caan baxay ee “The Theory of the Leisure Class” oo la daabacay sanadkii 1899. Veblen wuxuu leeyahay: dadka waxay marar badan iibsadaan alaabo qaali ah ama wax aysan u baahnayn keliya si ay uga muuqdaan kuwo ka sarreeya kuwa kale, ama si ay uga muuqdaan bulshada heer ka sareeya midda ay dhab ahaantii ka tirsan yihiin. Mararka badankood, ma kharash gareyno lacagta aan haysano si aan u daboolno baahiyo dhab ah, balse si aan ula jaanqaadno kuwa nagu xeeran ama aan ula tartanno qaabka ay wax u arkaan. Tani waxay ka dhigaysaa inta badan waxyaabaha aan iibsanno in loo adeegsado sidii qalab lagu gaaro sumcad bulsheed, halkii ay ka ahaan lahaayeen waxyaabo lagama maarmaan u ah nolosha.
Tusaale ahaan: saaxiibkaa wuxuu iibsaday nooca ugu dambeeya ee iPhone-ka, oo aan weli suuqa gudaha lagu sii deyn. Wuxuu ka keensaday dibadda si uu ugu faano. Adigu ma aamusaysaa? Dabcan maya! Isagu kaama fiicna, in kasta oo dakhligu kuu saamixi karin inaad telefoonkaas iibsato, iyo inkasta oo aadan dhab ahaantii u baahnayn, maadaama telefoonkaaga hadda si fiican u shaqaynayo. Haddana waad iibsan doontaa iPhone-ka — xitaa haddii aad ku khasbanaato inaad deyn qaadato ama wax ku iibsato dayn — kaliya si aad ula mid noqoto isaga: inaan haysanno isla telefoonka, fasaxyada ku qaadanno meelo isku mid ah, gaari isku nooca ah aan wadanno, xaafadd isku midka ah aan ku noolaano, isku maqaaxi aan ka shaahno, iyo carruurteenna isku dugsi dhigtaan.
Haddii kale? Waxaan dareemeynaa inaan “nolosha ka dhacney,” iyo in “wax badan naga dhiman yihiin.” Sidaas ayay dabinnadu ku sii soconayaan: Qof baa is muujinaya, mid kale ayaa ku dayan, mid saddexaad ayaa labadaba u faanaya, mid kale ayaa kaas dusha kasii marya, sidaas ayeyna ku soconeysaa waligeed
Natiijadu waa maxay? Kharash dheeraad ah, dakhli aan ku filneyn, raalli ahaansho la’aan, iyo u arkidda waxyaabaha raaxada ah inay yihiin baahiyo nololeed.
Waxaan hadda u aragnaa microwave-ka, qalabka (air fryer), tablet-ka, qaboojiyaha kaydka ah (deep freezer), iyo kafeega Starbucks — “baahiyo maalinle ah.” Inkastoo waxyaabahan aysan xitaa jirin 20–30 sano kahor, dadkuna si caadi ah ayay ugu noolaayeen noloshooda iyaga oo aan dareemin in wax ka maqan yihiin.
Dhibaatada ugu weyn ee ku jirta isticmaalka ku dhisan faanka waa in uu salka ku hayo isku ekaansho iyo isbarbardhig. Qofku noloshiisa kuma qiimeeyo baahiyo dhab ah, balse waxa uu isku eegiyaa waxa dadka kale haystaan. Sida uu sheegay dhaqaaleyahanka Veblen, dadku inta badan waxay isbarbardhigaan kuwa ka sarreeya, ee maahan kuwa ka hooseeya — taasi waxay ku caan baxday cilmiga bulshada lagu magacaabo (Reference Group). Kooxdaas tixraaca waxay noqon karaan:
- Saaxiibadaada shaqada
- Dariskaaga
- Qaraabada xaaskaaga
- Ama asxaabtaada.
Haddii aad mushahar ahaan u heshid $30,000 sanadkii, kooxdaada tixraacana ay la mid yihiin, balse aad isku daydo inaad la jaanqaaddo qaab nololeedkooda , sida safarrada, gawaarida, dugsiyada, maqaayadaha, naadiyada waxaad mar walba dareemi doontaa walwal iyo in dakhligu kaa yaraaday. Sidaas ayuu mushaarkii $30,000 ahaa, mid aad mar walba ku riyoon jirtay, isugu beddelaa ilo caro iyo niyad jab ah, maxaa yeelay waxaad isku dayaysaa inaad ku noolaato nolol aan la jaanqaadi karin xaqiiqadaada dhaqaale ee adiga kusoo gala.
Dhanka kale, waxaa laga yaabaa inaad aragto qof kale oo isla mushaarkaas hela, isla xilalkaas haysta, balse si xasilloon u nool, xitaa wax kaydsada, sababtoo ah ma cadaadinayo naftiisa, mana isku dayayo inuu la tartamo kuwa kale. Waana ka sii daran tahay marka habkan faanka ku dhisan uu cadaadis saarayo dhalinyarada aan shaqeyn, kuwaasoo ku khasbaya waalidiintooda kharashaad xad dhaaf ah, kaliya si ay ula jaanqaadaan “asxaabtooda.” Waxaa laga yaabaa inaad aragto wiil dhalinyaro ah oo si adag ugu dheggan inuu fasaxa ku qaato meel raaxo leh, sababtoo ah saaxiibadiis baa halkaa ku dalxiisey. Haddii aad waydiiso sababta, wuxuu oranayaa: “waxaan rabaa in aan ku raaxeysto!” Laakiin xaqiiqdu waxay tahay, meelahaas qaaliga ah ma bixiyaan raaxo gaar ah mar walba. Ujeedka dhabta ah waa labo arrimood:
- Inaad ka muuqato heer bulsho gaar ah (Social Status) — si loo tuso inaad ka tirsan tahay dabaqad sare.
- Inaad hesho oggolaansho bulsheed (Social Acceptance) — in dadka kugu hareeraysan kuu arkaan qof “guuleystay”.
Haddii aysan jirin baraha bulshada aan sawirrada ku faafino, ama asxaabta aan isugu faano, lacag badan uma bixin lahayn meelaha qaali ah. Sidaas darteed, waxa aan kharash gareynaa waa si dadka u arkaan sida aan u kharash gareynay , si ay maskax ahaan uga helaan sawir sheegaya xaaladdeena dhaqaale iyo bulsho. Tani waxay inoo qeexeysa cilmi-baaris muhiim ah oo ay sameysay Jaamacadda Cornell bishii November 2011 cinwaankeeduna ahaa: “Imtixaanka Isticmaalka Faanka: Aragti iyo Heer Dakhli”
Daraasaddan waxay muujisay in dadka ay aad u badan tahay inay si xad dhaaf ah u kharash gareeyaan waxyaabaha ay dadka kale arki karaan, sida dahabka, baabuurta, dharka qaali ah, iyo sigaarka — halka ay si yar u kharash gareeyaan waxyaabaha aysan dadka kale arki karin, sida dharka hoose, dharka hurdada, adeega taleefanka, ama lacagta lagu bixiyo waxbarshada ama farsamayaqaannada.
Sidaas darteed, ha la yaabin haddii aad aragto qof haysta iPhone cusub oo aad u casri ah, halka aaney ugu jirin lacag wicitaan uu ku sameyn karo! Sababtoo ah mid waa la arkaa, midna lama arko, markaa ma jirto sabab uu ugu faano. Laakiin, su’aasha ah: dadku lacag ma ku bixiyaan waxyaalahan si keliya ay u helaan ammaan iyo in la qaddariyo? Mararka qaar haa. Laakiin marar kale sababtu way ka qoto dheer tahay. Daraasad lagu daabacay joornaalka “Experimental Social Psychology” bishii May 2010, cinwaankeeduna ahaa: “Is-difaaca nafsadda iyada oo loo marayo isticmaalka”
Baarayaal lagu kala magacaabo Niro Sivanathan oo ka tirsan London Business School iyo Nathan Pettit oo ka socda Jaamacadda New York, waxay muujiyeen in dadku marmar lacag badan ku bixiyaan alaab qaali ah si aysan u dareemin nuglaansho nafsadeed. Dadku waxay si xad dhaaf ah u kharash gareeyaan si ay u ilaashadaan sawirkooda nafsadeed, ama u buuxiyaan dareen hoose oo ah in aysan ku u qalmin ama laga takooray bulshada. Marka uu qofku dareemo in sumcaddiisa nafsadeed ama isla-weynaantiisu ay khatar ku jirto, waxa laga yaabaa inuu ku kaco fal-celin difaac nafsi ah oo yaab leh — sida in uu iibsado alaabo raaxo leh oo aad u qaali ah, inkastoo uusan si dhab ah ugu baahnayn. Tani maaha baahi dhab ah, balse waa jawaab nafsiyeed oo ka timaadda dhaawaca uu naftiisa ku dareemay.
Tusaale ahaan: Shaqaale si joogto ah loogu canaanto goobta shaqada, ama hadal liidasho badan uga yimaadda qof kale, hadalladaas waxay dhaawacaan qiimihiisa nafsadeed. Maxuu sameeynaa markaa?Isla markiiba wuxuu u leexdaa iibsashada waxyaabo qaali ah, saacad, baabuur, telefoon, ama dhar, si uu dib ugu dareemo qiimo. Xaaladdan, isticmaalka faanka ku dhisan wuxuu noqdaa gaashaan nafsiyeed, sida uu tilmaamay cilmi-baare “Sidantahan”.
Laakiin hadda waxa ina horyaalla su’aal asaas ah: Maxaa xal u ah cudurka loo yaqaan “faanka” (ama sida dadku u yaqaanno: ismuujinta), kaasoo dad badan burburiyay, deyn geliyay, oo walbahaar nafsi ah dul dhigay? Aniga oo aragtideyda ku hadlayo, qofkii ugu jawaabta macquulsanaa wuxuu ahaa qoraaga Mareykanka ah ee caanka ah Thomas Stanley, oo qoray buugga caanka ah: “The Millionaire Next Door” – Milyaneerka Dhinacaaga Degan
Buuggan wuxuu ku bixinayaa xal fudud oo kooban labo eray: ‘Social Indifference goonidaaqnimada bulsheed’ micnaheedu waa inaad si buuxda uga baxdo daba-galka nolosha dadka kale. Ha ka welwelin meesha ay wax ka iibsadaan, waxa ay wataan, meelaha ay aadaan, dakhligooda, ama sida ay u noolyihiin; Isku mashquuli noloshaada.
Saaxiibkaa wuxuu tegay makhaayad qaali ah?
— “Ilaah ha barakeeyo. Aniga iima khuseyso. Mana dareemayo inaan wax iga maqanayihiin.” Saaxiibaddaa ayaa la safartay seygeeda Jasiiradaha Maldives?
— “Ilaah ha farxad geliyo. Ma dareemayo hinaaso. Mana u baahni inaan tago Maldives si aan farxad u dareemo.”
Maxaa faa’iido ah haddii aad xaflad maldives ku qasabto oo aad ku khasabanaataan deyn, kaliya si aad u muujisid inaadan ka liidinin saaxiibtaa?
— Markaad timaaddaan, waxa haray waa deynta iyo walbahaarka aan jirin markii hore, oo aan jirin haddii aad iskaga sabri lahayd isbarbardhigga aan micnaha lahayn.
Ilmahaagu wuxuu ku leeyahay: “Saaxiibkay iskulka wuxuu haystaa iPad cusub — anigana mid baan rabaa!” Adigana waxaad si toos ah u iibisaa mid, si uusan u dareemin inuu ka liito. Waa ciyaar aan macno lahayn, isticmaal arxan-darro ah. Waa in aan nafteena iyo carruurteena barnaa qanaacada; in aan ka maaranno waxa aanan haysan, in qiimaha qofnimadeena aanu ku xirneyn waxa dadka kale haystaan.
Thomas Stanley, buuggiisa wuxuu ku falanqeeyay dabeecadda milyaneerada Mareykanka.
Isaga oo raadinaya jawaabta su’aal fudud: Sidee bay ku noqdeen milyaneerro?
Mid ka mid ah natiijooyinkii ugu weynaa ee uu gaaray waxay ahayd:
dadka leh heer sare oo goonimar bulsheed ah waa kuwa ugu awoodda badan ee dhista hanti dhab ah.
Qofka mar kasta dadka kale daba socda, oo ku dayda wax walba oo ay sameeyaan — marnaba hanti ma dhisan karo. Sababtoo ah mar walba waxaa jiri doona qof ka lacag badan, ka dhar fiican, ka safar badan. Waa silsilad aan dhammaad lahayn. Sidaas darteed, tallaabada ugu horreysa ee xagga: Madaxbannaanida dhaqaale, Bisaylka nafsiyeed Iyo degenaanshaha maskaxeedba Waxay ku bilaabataa kalsoonida fikirka ah ee oranaysa: “Anigu kama liito cidna. Mana u baahni inaan nolosha dadka kale ku noolaado si aan qiime u yeesho.”
Ugu dambeyntii, aan ku soo xirno su’aashan: Ka warran adiga oo waalid ah, oo ilmihii yaraa kuu yimaado isagoo leh: ‘Saaxiibkay kabaha ciyaarta ayuu haystaa, markuu socdana wuu iftiimaa, anigana mid baan rabaa!’
Maxaad ka jawaabi lahayd? Haddii aad u iibiso, maxaa kuu sabab ah? Haddii aad diido, sidee baad u qancin lahayd?
Tixraacyo
- https://www.goodreads.com/book/show/164019.The_Theory_of_the_Leisure_Class
- https://www.goodreads.com/book/show/998.The_Millionaire_Next_Door
- https://www.sciencedirect.com/science/article/abs/pii/S0022103110000247
- https://archive.nytimes.com/www.nytimes.com/books/first/s/schor-overspent.html?_r=1
- https://www.nytimes.com/2008/11/16/fashion/16consumption.html
