Ilbaxnimada islaamka iyo fahamka falsafadda waqtiga

Ilbaxnimada islaamka iyo fahamka Falsafadda waqtiga: Waqtigu waa sida seefta

W/Q: Nahaad Saki

Turjumid: Cabdiraxmaan Caqiil

Maanta oo aynu joogno waxaan faham cad ka haysanaa waqtiga, iyo in uu markasta sii socdo, sidoo kalena uu leeyahay tagto, taagan,iyo timaado; sidoo kale reer Yurub waa ay qabaan aragtidaasi, waxaase lagu Kala duwanyahay, xadaaraduhuna aanay ka sinnayn fahamka guud ee samanka, iyo sida uu u shaqeeyo, ilbaxnimo kasta waxa ay degsatay tirsi iyada ugaar ah, oo ay ku kala jajabiso maalmaha, bilaha, iyo sannadaha si loogu jaangooyo gooraynta iyo hawlaha kaleba.

Ilbaxnimada Islaamka waxa ay kamid ahayd xadaaradihii sida weyn uga soo dhalaalay cilmiga ‘’gooraynta’’. Waxa ay aad u daneeyeen in saacadaha maalintii la qaybiyo laguna jaangooyo waqtiyada salaadda, waana sababtii muslimiinta u suurtagelisay in ay daneeyaan Cilmiga Xiddigiska(Falag) waayihii koowaad ee cabbaasiyiinta, waxay sidoo kale muslimiintu Samaysteen tirsi taariikheed oo iyaga u gaar ah, kaas oo laga soo bilaabo hijradii nabiga SCW uu Ku tegay magaalada Madiina(Yathrib).

Muslimiintu waxa ay in muddo ah u noolaayeen qaab iyaga u gaar ah, Waxa uu Quraanku nagu booriyay muhiimadda ay leedahay in si qumman looga faa’idaysto waqtiga, dib u dhigashadana looga fogaado, qofka muslimka ah waxa uu ka faa’idaystaa waqtiga uu hadda joogo (taagan) isaga oo og in waqtiga uu ka qaalisanyahay wax kasta, sababtoo ah waqti tegay dib dambe uma soo laabanayo, halkaas ayay Ka dhisantay fahamka ay muslimiintu Ka haystaan waqtiga.

« Waqtigu waa sida seefta » sida ay muslimiintu u la falgaleen waqtiga.

Waxaa laga yaabaa in aan marar badan maqalnay oraahdan ah « Waqtigu waa sida seefta oo kale, haddii aadan goyn wuu Ku goyn», waxaa isweydiin mudan sida ay ku gaartay heer la falgalidda waqtiga la la meeldhigo seef si fudud wax ku goyn karta, oraah taa u dhow oo ibn abii Jamra ku qoray kitaabkiisa «Bahja Alnufuus» waxa uu leeyahay: « Waqtiga shaqo/hawl Ku goo, Inta uusan dib u dhigid kugu goyn, taa oo micnaheedu yahay Haddaadan u soo jeedin ka faa’idaysiga waqtiga, waad hoogtay, wuuna ku jaray, taas waxa ay tibaaxaysa qiimaha weyn ee muslimku siiyay waqtiga».

Sidaa awgeed, erayga (Saman) waxaa marar badan lagu sheegay buugta ay qoreen culimada iyo taariikhyahannada muslimiinta; waxaa kaloo xusid mudan in qiimaha waqtiga marar badan lagu sheegay aayadaha Quraanka ee kalaamka Eebbaha iska leh samanka iyo goobta, sidoo kale dhiganaha Qiimaha waqtiga iyo sida ay culimada u arkaan (قيمة اللزمن عند العلماء ) oo uu qoray Cabdifataax Abuu Ghada in badan ayuu kala dhigdhigay arrintani. Aayadda 13aad ee suuradda Al ancaam oo Alle Ku yiri: «وَلَهُ مَا سَكَنَ فِي اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ ۚ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ» Eebbe waxaa u sugnaaday waxa xasila habeenka iyo maalinta waana maqle oge ah.

Sidoo kale Qur’aanka waxa uu aadanaha Ku booriyay in aysan lumin cimrigooda, cimrigana uu yahay waqtiga uu qofku noolyahay, sidoo kale waxa uu Ku booriyay In ay waqtiga Ku xisaabtamaan, waxna Ka qaataan sida uu Alle Ku yiri suuradda Al israa: «وجَعَلْنا اللَّيْلَ والنَّهارَ آيَتَيْنِ فَمَحَوْنا آيَةَ اللَّيْلِ وجَعَلْنا آيَةَ النَّهارِ مُبْصِرَةً لِتَبْتَغُوا فَضْلًا مِن رَبِّكم ولِتَعْلَمُوا عَدَدَ السِّنِينَ والحِسابَ» Alle wuxuu yiri: « Waxaanu ka yeelnay habeenkii iyo maalintii laba aayadood oo awoodeenna muujinaya, Waxaanu tirtirnay habeenka tusmadiisa/calaamaddiisa(mugdiga), Waxaanu Ka yeelnay maalinka calaamaddiisa(iftiink),mid wax lagu arko si aad u dalabtaan fadliga Eebbe(kasab iyo shaqo) iyo inaad ogaataan sannooyinka tiradooda iyo xisaabta, wax kastana waanu kala dhigdhignay kala dhigdhigid».

Sidoo kale dhowr goor ayuu ku dhaartay Alle weyne waqtiga, waxa uu yiri:«وَاللَّيْلِ إِذَا يَغْشَى (1) وَالنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّى (2)» Sidoo kale waxa uu Alle Ku yiri suuradda Al inshiqaaq: «فَلا أُقْسِمُ بِالشَّفَقِ *وَاللَّيلِ وَما وَسَقَ *

Cabdifataax Ghada waxa uu leeyahay in wax kasta oo Alle uu Ku dhaarto ay yihiin wax qiima badan, waqtiguna uu ka mid yahay, halkaas waxaan ka garan karnaa qiimaha ay muslimiintu siiyaan waqtiga oo uga dhigan Shay muqaddas ah oo haddii uu tago aan dib u soo laabanayn, qofka muslimka ahna looga baahanyahay in hawl kaata uu waqtigeeda ku qabto, inta uusan ku dhicin dabinka qoomamaynta.

Mufasirkii weynaa ee Fakhradiin Al-raazi waxa uu tafsiirkiisa Ku ifiyay, in habeen iyo maalin ay yihiin fursad ay dadku lumiyaan, waqtigana uu yahay nimco gaar ah oo ay dadka qaar uga faa’idaystaan wanaagga iyo adeecidda Alle, halka dadka qaar ay si khaldan u adeegsadaan, waxaynu garan karnaa qiimaha iyo mudnaanta ay muslimiintu siiyaan waqtiga kolka aan eegno inay ku dadaalaan ilaalinta ballamaha, iyo sida loo dhaleeceeyo dib u dhigashada.

Cilmibaare Maxamed sharshaabi waxa uu buuggiisa la yiraahdo Jihaynta Akhlaaqeed ee dhaqaalaha islaamiga «التوجيه الأخلاقي في الاقتصاد الإسلامي» Ku tibaaxay in Islaamka uu la yimid aragti hagaagsan oo looga faa’idaysan karo waqtiga, waxa uu Islaamku ku dadaalay gooraynta waqtiyada qofka muslimka, haddii ay noqoto waqtiyada salaadda maalintii, isbuucii, iyo xilli kastaba, sidaas ayuu u qaybsanyahay waqtiga muslimka uu haysto, Su’aasha aynu rabno in aan isweydiino ayaa ah, sidee ayay u arki jireen carabta samanka islaamka hortii?

BULSHADA CARBEED IYO WAATIGA – ISLAAMKA HORTII

Haddii la rabo in la garto samanka iyo sida ay u arki jireen carabtii hore, waxaa lagama maarmaan ah in aynu u laabano nolosha carbta islaamka kahor, taa oo ku tiirsanayd Dayaxa iyo Lama-deegaanka, sababtoo ah, labadooduba waxay u ahaayeen wehelkooda kolka ay safrayaan. Ninka carbeed habeenkii oo idil waa uu guurayn jiray, maalintiina waxa uu ka nasan jiray kulka qorraxda, sidaa awgeed waxaa la sheegaa in tirsigooda uu Ku xirnaa dayaxa. Arrintaasi waxaa caddaynaya, hab-nololeedka maanta ee reer miyiga carbeed Ku noolyahay, kaas oo wax badan Ka shabaha kii carabtii hore.

Carabtii degganayd jasiirad u ekaha carbeed, waxa ay Ku noolaayeen nolol u dhow tan reer miyiga; deegaanka ay degganaayeen oo Lama-deegaan ahaa, waxay dantu bidday in ay safarro badan galaan, habeenkiina ay u doortaan goorta ugu mudan ee la guurayn/safri karo, si la iskaga ilaaliyo kulka qorraxda, sidoo kale waxa ay jid-mareen ka dhugteen samada iyo xiddigaheedaba, carabtu waxa ay waayadii hore ogaadeen in xiddiguhu kasoo muuqdaan bari, samadana ay ku kor noqdaan, galbeedna ay u sii dhacaan, waxay sidoo kale yaqaaneen halka uu kasoo muuqdo xiddiga «Burj Aljuddii» oo safarradooda ku wehlin jiray.

Waxay sidoo kale u adeegsan jireen in ay xaddidaan goobaha beerashada Ku habboon, iyo in ay Ku gartaan cimilada iyo xilliyada qaboobaha ah ee xagaaga. Cilmiga Xiddigiska ama Falagga ee carabtu taqaanay waxa uu sees u ahaa cilmi kale oo la yiraahdo (Cilm Al anwaa’) – oo ah cilmi lagu garto xaaladda jawiga meeleed ee sannadka iyada oo la ictimaadayo soo bixidda xiddigaha iyo dhicitaankooda, cilmiga Al anwaa’ waxa uu u taagnaa cilmiga saadaasha hawada ee maanta la yaqaano, inkastoo la kala agab duwanyahay.

Waxa ay sidoo kale carabtu adeegsan jirtay tirsiga dayaxeed oo ku tiirsan dayaxa iyo hadba halka ay joogto, bilowga bisha cusub waxaa lagu ogaan jiray soo muuqaashada dayaxa oo galbeed laga arko kolka ay qorraxdu dhacdo, waana arrin ilaa maanta la adeegsado.

Iyadoo ay sidaa tahay, bulshada carbeed ma aysan lahayn tirsi iyaga u gaar ah oo ay Ku weriyaan dhacdooyinkii Kala geddisnaa ee soo maray dhulkooda, taa beddelkeeda waxa ay adeegsan jireen dhacdooyinka waaweyn inay ku xaddidaan taariikhda iyo wixii dhacay, sida uu leeyahay Al tabari “Carabtii ku sugnayd xiirah waxa ay lahaayeen meelo ay Ku qortaan warkooda, abtirsiimadooda, iyo sooyaalka madaxdooda; carabtii hore oo ay ku jiraan kuwa woqooyiga degganaa — waxa ay cuskanayeen qoraalladaasi lagu kaydiyay dbacdooyin waaweyn oo ay ku qotomiyeen billowga dhacdooyin, sida dhacdada «Sannadkii maroodiga», iyo sannadkii uu geeriyooday Qusay ibnu kilaab oo kamid ahaa odayaashii Quraysh ugu magac dheeraa.Taa micnaheedu waxay tahay “ tirsiga taariikheed ee carabtu waxa ay Ku xirnaa dhacdooyin shaacbacay”.

SIDA AY CARABTU U ARAGTO «MAALINTA,BISHA,ISBUUCA,IYO SANNADKA»

Carabtu waxa ay waqtiyada caadiga ah la qabaan bulshooyinka kale, saacaduhu waxay u Kala go’anyihiin habeen iyo maalin, xilliyada xagaaga waxaa dheeraada saacadaha habeenkii, jiilaalkiina waxaa dheeraada saacadaha habeenkii, saacad kasta waxay u leedahay magac u gaar ah, sida: (الشروق والبكور والغدوة والضحى، والعصر والفجر والصبح ) Waaberi,aroor,barqo,galab, fajir, iyo subax.

Maadaama carabtu tirsigooda la xiriiray dayaxa, maalinta cusubi waxa ay U bilaaban jirtay Isla habeenka, kolka ay dayaxa arkaan ayaa maalin kale u bilaaban jiray.

Islaamka kahor bulshada carbeed waxay maalmaha toddobaadka u la baxeen magacyo ay kasoo dheegteen waayihii abuurista khalqiga, sida: Axad oo ah maalinta koowaad, Isniin oo ah maalin labaad,Talaado oo ah maalin saddexaad, Arbaco oo ah maalinta afaraad,Khamiisna maalinta shanaad, Jimco ayaa iyana ah maalinta la wada kulmayo, Sabtina maalintii toddobaad ee la dhameeyay abuurista—sida ay rumaysnaayeen. Ereyga “Shahr” ama bil waxay uga dhigantahay shaacsanaan, ama wax cad sida dayaxa oo kale.

Waxa kaloo jirtay in meerayaasha hadba laga dhigan jiray qayb waqtiga lagu xaddido loona qaybsado, maalmaha isbuuca toddobada ah waxay dad badan qabaan inay ka yimaadeen toddobada meere ee carabtu taqiinay oo kala ah: Cudaarid,Suxal,Mushtara,Mariikh,Suhra,Dayaxa iyo qorraxda. Sidaa si lamid ah xadaaradda galbeedka waxay maalmaha qaar ee toddobaadka Ku magacawday qaar kamid ah meerayaasha. Muslimiintu waxay Ka shaqeeyeen inay soo saaraan jadwallo kulminaya waqtiyada saacadaha iyo maalmaha, sida ay muujinayaan qoraalladii hore ee cilmul Falagga laga diyaariyay.

MAXAY MUSLIMIINTU U DANEEYEEN XISAABINTA WAQTIGA?

Erayga “taariikh” waxa ay carabtu markii ugu horraysay u garan ogayd goorayn, ama tirsi. Khaliifkii labaad ee muslimiinta Cumar bin khadaab RC ayaa tirsiga Hijriyada u cayimay tirsi u gaar ah muslimiinta, iyadoo ay Ku beegantahay munaasabad sooyaalka muslimiinta wax weyn u ah, waana hijradii nabi Muxammad (NNKH) uu kasoo hijrooday magaalada Maka, kuna tegay Madiina.

Isla waqtigaa taariikhda dowladda islaamka curdanka ahayd, waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo tirsi ugaar ah muslimiinta, oo lagu la macaamilo dowladaha kale, sidoo kale lagu xoojiyo xiriirka khaliifka muslimiinta, madaxda gobollada iyo hoggaankii ciidanka ee waday furashooyinka. Helidda tirsi gaar ah waxay muhiim u ahayd nidaamka maamul ee muslimiinta, iyo la falgalidda dhaqamada kale,17kii Luulyo 622 miilaadiga ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay tirsiga hijriga ee muslimiinta, iyadoo intaa kahor la adeegsan jiray tirsigii Giriigga.

Sidaa oo kale muslimiinta ayaa buugtooda taariikhda waxay Ku xuseen dhacdooyin waaweyn oo dunida soo maray, waxayna mar isticmaali jireen “ Akhbaar” oo ay u la jeedeen sooyaal, sida laga dheehan Karo kutubta taariikh-yahannadii hore, sida Al-Dabari oo cinwaanada uu adeegsado uu ku bilaabo sheegidda dhacdo dhacday waqti go’an oo taariikhdeeda la hayo.

In la helo tirsiga Hijriga waxa ay fududeysay in uu hagaago xiriirka muslimiinta iyo saqaafadii waqtigaa jirtay, mar dambe waxay muslimiintu si weyn u daneeyeen barashada iyo waqtiga iyo gooraynta si loo asteeyo waqtiyada salaadda gobollo Kala duwan oo ay muslimiintu joogeen, waana sababtii dhalisay in xil la iska saaro cilmiga Xiddigiska(Falag).

Xilligaa hortii waqtiyada salaadda, iyo xaddiditaankooda waxaa lahaa mu’addinka masjidka, ilaa mar dambe oo horumar weyn laga gaaray cilmiga Xiddigiska “Waayihii Cabbaasiyiinta” oo ahayd kolkii ay culimada Xiddigiska dejiyeen jadwallo u gaar ah waqtiyada salaadaha. Waxaaana magaalada Faas ee Maqribul carabi halka loo yaqaano ku taalla ku kulmay tiro aqoonyahano ah oo cilmiga Xiddigiska aqoon durugsan u leh.

Muddo Ku Siman boqol sanno ayay muslimiintu Ku tiirsanaayeen «cilmul Anwaa’» ilaa laga soo gaaro furashadii Analdalus oo muslimiintu waxbadan Ka barteen “cilmiga gooraynta”, waxayna halkaa ka heleen waxbadan oo kamid ahaa aqoontii Giriigga iyo Roomaanka ee Cilmiga Xiddigiska.

In Ka badan 5000 oo buug oo cilmiga Xiddigiska ayaa maktabadaha dunida Ku Kala filiqsan, kuwaas oo dhammaan ay leeyihiin Saynis-yahanno muslimiin ah, waxayna tusinayaan sida ay muslimiintu u la hanaqaadeen u na horumariyeen cilmiga Xiddigiska, waxaana la xusi karaa qoraal cilmiyeed noociisa ugu horreeyay oo ka warramaya Dayax madoobaadka in qarnigii afaraad ee hijriga uu soo saaray Abuu Reyxaan Albayruuni oo ahaa Faylasuuf, Dhulmareen, taariikh-yaqaan, iyo caalim Muslim ah, waxa uuna toos u ifiyay Dayax madoobaadka iyo Qorrax madoobaadka waxa keena, waxa uuna meesha ka saaray hadaltiro badan oo xilligaa la sheegi jiray.

Sidoo kale aqoonyahannada muslimiinta ayaa Ka shaqeeyay horumatinta qalabka loo adeegsado cilmul falagga, waxayna ikhtiraaceen agab muhiim ah oo qaarkood maanta laga helayo matxafyada Yurub, waxaana qalabkaas kamid ah “Astarlaab” oo ah qalab loo adeegsado cilmiga Xiddigiska iyo hawada sare.

One thought on “Ilbaxnimada islaamka iyo fahamka falsafadda waqtiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *