Waxaa qoray: Ibraahin X.Ibraahin
Qof kasta oo jecel xirfadda qoraalku, waxaa uu ku taamaa in uu daleeyo qoraal toolmoon oo tayo leh ama uu noqdo qoraa wanaagsan oo qalinkiisa la jecel yahay, sidaas oo ay tahay haddana; waxaa la ogsoon yahay in aan qof waliba hibo u lahayn xirfadda qoraalka. Waxa kale oo la ogsoon yahay in xirfadda qoraalku ay tahay mid la baran karo (learned skill) oo la mid ah cunta karinta ama darawalnimada, taas oo u baahan uun joogtayn iyo tayeyn. (Xitaa qofka hibo u leh xirfadda qalinku, kama maarmo in uu hibadiisa qoraal ku kaabo joogtayn iyo tayeyn— hadii uu la iman waayo na waxa uu u ekaanayaa qof leh ‘hibo madi ah’). In haddaba si fiican qoraal loogu soo gudbiyo fikrad ku jirta qofka madaxiisa, oo qalin iyo waraaq ama shaashad kombuutar lagu qoraa, ma aha wax la wada samayn karo oo u fudud sida hadalka loogu odhan karo (farqi ayaa u dhexeeya qoraalka—writting, iyo hadalka—talking) balse waa shaqo u baahan fikir hor leh, horumarin joogto ah iyo go’aan. Sida ay tahayna wax kaste oo aynu nolosha ku foogan nahayba, waxa suurta geliyaa waa hadba inta ay inaga go’an tahay in aynu waxaas guul ka gaadhno — xirfadda qoraalkuna kama taggana, oo waxa ay u baahan tahay ka-go’naansho.
Qofka haddaba doonaya in uu wax qoraa (qoraal akaademi ah ayaa aan u jeedaaye), waxa u horreeya ee ay tahay in uu si fiican qeexaa waa saddex wax oo kala ah: mawduuca uu ka hadlayo (subject), cidda uu ugu talo galay qoraalkiisa (audiences) iyo ujeeddada uu wax u qorayo (purpose). saddexdan qodob haddii ay u cad yihiin qof doonaya in uu wax qoro, waxa markaas u fududaata in uu qalinka iyo warqadda is dul qaban karo, oo uu wax qorid bilaabi karo. waxa aan markaas jeclahay in aan yara faahfaahiyo, saddexdaas masalo ee aan sheegay.
Ugu horrayn, mawduuca uu qofku qalinka u qaadanayaa waa in uu yahay mid uu doortay, oo uu si fiican uga fekeray, isla markaana uu fahamsan yahay xiisena u hayo, oo aanu ahayn mid balaadhan [haddii uu balaadhan yahayna waa in uu koobi karaa. Tusaale ahaan haddii uu doorto in uu wax ka qoro ‘madadaalada’, madadaaladu waa mawduuc gude balaadhan maxa wacay, waxyaabaha lagu madadaashaa waa ay badan yihiin, sidaa darteed waa in qofku uu koobi karaa, oo uu wax gaar ah diirrada saaraa (focus), oo metelen uu ka sii dhex doortaa mawduucii balaadhnaa ee madadaalada, ‘riwaayadaha’ oo kale. Haddana wali waxa laga yaabaa in mawduuca riwaayaduhu uu noqdo mid gude balaadhan, sidaa darteed waa in uu haddana halkaas kasii koobi karaa oo uu metelen mawduucii guud ee uu doortay usoo koobi karaa sidan (oo kale): Madadaalada— riwaayada iyo medadaalada— medadaalada iyo sooyaalka riwaayadaha —medadaalada iyo riwaayadihii hore— medadaalada iyo riwaayadaha casriga— medadaalada iyo jilayaasha riwaayadaha casriga…waa uun qaab tusaale ah, oo fikrad inaga siin kara, sida loo koobi karo mawduuc balaadhan oo uu qofku xiisaynayo]. Qodobkani markaa waxa uu si dadban ugu sheegayaa qofka jecel wax qorista, in aanu hadhow qori doonin wax fiican oo qiimo u sameeya akhristayaha haddii aanu si fiican uga fekerin mawduuca uu wax ka qorayo,.
Qodobka labaad ee aan sheegay waxa uu ahaa, in qofku uu yaqaanno ujeedka uu wax u qorayo. Qodobkani waxa uu tilmaamayaa, waxa ay tahay niyadda qofka wax qoraya. tusaale ahaan, qofka ujeeddadiisu ma waxa ay tahay in uu dadka xog cusub oo wacyigooda dhista u sheegaa ? — (to inform), mise waxa ay tahay in uu dadka ku qanciyo fikradda uu wato? — (to persuade) [taas oo uu hadhow ka filayo akhristayaasha, in ay dooddiisa ku raacaan ama ku qacaan]. Metelen haddii aan anigu iska soo qaado qodobkan, markii aan qoraalkan diyaarinayey, ujeedkaygu waxa uu ahaa: in aan hago ama wacyigooda wax ku kordhiyo dadka ka jooga xirfadda wax qorista heer hoose ama heer dhexe iyo kuwa laga yaabo in ay wax uga bilaaban yihiin ee xoogaa khibrad ah u leh wax qoridda. (waa ujeeddo aan isleeyahay waxa ay hoos imanaysaa ujeeddada dambe ee aan tusaaleeyey— waa se jiri karaan ujeedooyin kale oo uu qofku niyeysan karo oo aan ahayn labadaas).
Qodobka saddexaad ee kale waxa uu ahaa ‘cidda uu qofku wax u qorayo’ oo loola jeedo qofka wax qorayaa yaa uu target-garaynayaa, ee uu qalinkiisu ku wajahan yahay? Ma arday baa? ma dadka lammaanayaasha ah baa? Mise waa bulsho waynta oo dhan? Qodobkani markaa waxa uu iftiiminayaa, markasta oo uu qofku maskaxda ku hayo cidda uu wax u qorayo, waa markasta oo uu si cad usoo gudbin karayo fikraddiisa, ujeedka iyo hadafka uu qoraalkiisa ka leeyahayna uu gaadhi karayo, sidaa daraadeed mawduuca uu qofku wax ka qorayo iyo ujeedka uu ka leeyahayba, waxaa xadaynaya cidda uu u wado fariinta qoraalkiisa— akhristaha markaa wax aan u dhaafayaa waydiin ah haddii aad hore u qortay curis ama buug oo ay kaaga soo noqotay fal-celin wanaagsan, ma laga yaabaa in qoraalkaas kolkii aad bilaabaysay, aad si fiican ugu dabbaqday saddexdan masalo?
Aan ku sii socdo, waxa aan sida oo kale soo tibaaxay, in qodobbadaas ka dib ay qofka qoraha ah u fududaato wax qoriddu amaba uu isu diyaarin karo wax qoris toolmoon (effective writing), oo uu markaasi soo qaadan karo qalinka iyo waraaqda amaba uu dul fadhiisan karo computer-ka iyo labtop-ka, sidaas oo ay tahay haddana; dadyow kooban oo maahiriin ah ayaa isku dayga u horreeya ee ay qalinka iyo waraaqda is dulqabtaan, ku qori kara qoraal toolmoon oo macne leh.
Sida runtii ah, qoraalka kasta oo tayo leh, oo inta la baahiyey dadku ay jeclaysteen, waxa uu soo maray talaabooyin is daba joog ah, oo fikir leh, erey doorasho leh, hagaajin leh, wax ka badel leh, sabir leh iyo waxyaabo badan oo si taxader leh loo eegay. Qoraaga caanka ah ee john ross macdonald ayaa laga hayaa inuu yidhi “I fill notebooks with ideas, and I may take six to eight months writing about a situation that interests me. My ideas get better as time goes on” Waxa markaa halkaas kaaga dhuroobaya, in qoraal fiican la curiyaa ay u baahan tahay sabir iyo xirfad-yeelasho, iyo in wax qoristu ay tahay ( ama loo arki karo) hannaan wax lagu daahfeydo (process of discovery) oo badanaa soo mara saddex marxaladood (jaranjaro); kuwaas oo kala ah: marxalad qashin qorid ah (prewriting), marxalad qorid ah (writing) iyo marxalad dib-u-eegista iyo sixid ah (revising and editing). Saddexdan marxaladdoodi markaas waa biriijka loo maro wax kaste oo la qorayo, oo heersare gaadhsiisan, waxaanan jeclahay in aan yara bullaaliyo.
Sida laga yaabo in ay u badan yihiin dadka qalinleyda ahi, masalo kasta oo qalinka loo qaato ba, waxa ugu adag bilowga iyo meesha wax laga bilaabayo, ujeedka u wayn ee ay kolkaasi maraaxilkani ka caawinayaan qoraha na (siiba marxaladda qashin qoriddu) waa in uu si hab san u dhigaaliyo dareenka iyo fikradda markaas isaga gubaysa. Haddaba haddii uu qofku ku cusub yahay qalinka iyo haddii uu wax qorista ku laylyan yahayba, in uu marxaladda koowaad ee qashin-qoridda ku bilaabaa, waxa ay u sahlaysaa in uu ugu yaraan ka dhex samayn karo (ama ka dhex heli karo fikrad) qoraal toolmoon, waana hab marxalad qoraaleed oo maskaxda loo godlinayo, si uu qofku u bilaabi karo qoraal, waxaana marmarka qaarkood dhacda in qofku uu ka dhex heli karo qoraalka qashinka ah, fikrad uu ka abuuri karo qoraal nuxur leh, oo ka duwan tii uu markaas cindiga ku hayey, sidaa daraadeed qashin qoriddu waa marxalad lagu tilmaamo in ay la mid tahay sida loo diiriyo gaadhiga inta aan aroortii la dhaqaajin ama marka jimicsi la samaynayo la isu yara kululeeyo, ka hor inta aan jimicsiga dhabta ah la bilaabin. haddaba inkasta oo uu qoraa waliba door bido in uu wax qoriddiisa ku bilaabo hab isaga gooni u ah, haddana waxa jira saddex hab/ farsamo oo badanaa ay sameeyaan dadka wax qoraa, si ay u bilaabaan marxaladda qoraaleed oo qashin-qoridd ah. Habka koowaad waa habka loo yaqaan maskax tuujinta (brainstorming): waa hab degdeg ah oo qiyaastii toban daqiiqo inta aad meel fadhiisato, aad si qodobaysan u qorayso fikir kasta oo kugu soo dhaca, oo xidhiidh la leh mawduuca aad damacsan tahay, adiga oo aan ka warwarayn, sidii aad hadhow isugu habayn lahayd ama aad isugu toostoosin lahayd fikradahaas badan ee aad qorayso. Waxaa aad qoraysaa murti, weydiimo, odhaahyo iyo hadal wal oo ay maskaxdaadu soo qabato, oo aad is leedahay xidhiidh baa uu la leeyahay waxa aad maagan tahay. Dabadeed waxa aad sidaa ku diyaarin doontaa ama ku tixi doontaa qoraal qodobaysan, oo aan nidaamsanay ama qashin ah.
Habka labaad ee qoraal qashin ah lagu bilaabi karaa waa habka loo yaqaan (freewritting) oo aan ku soomaaliyeyn karo Qushi-qorid: habkan waxa uu qoraagu samaynayaa qoraal, uu intii awoodiisa ah, dabada isugu qabanayo fikiradaha kusoo dhacaya maskaxdiisa, sida ugu degdegsan ee uu u awoodo inuu qoraalka u samayn karo, isaga oo sidii habkii hore, aan ka walaac qabin qaladaadka qoraal ee uu samaynayo, bale aan uba joojinayninba—fikrad kasta oo ku soo dhacda waa uu qorayaa, xitaa haddii uu mawduuca ka baxo ama fikirkiisu uu iska-hor-iyo-dabo imaado, waa uu wadayaa! Haddii habkan lagu celceliyo marar badan oo dib loo akhriyo qushi-qorkii la sameeyey, waxaa dhacda in laga dhex heli karo fikraddii mawduuca aad doonaysay ama tu kale oo qoraal toolmoon laga curin karo. Habkan iyo kii hore ba waxa loo adeegsan karaa mobile-ka, adiga oo qaybta note-ka ku qoraya wixii fikir ah ee (maalin walba) kugu soo dhaca ama ficilka iyo dhacdada lala kulamo ee si uun xidhiidh ula leh mawduuca uu qofku maskaxda ku hayo.
Habka saddexaadna waa habka isku xidhka—fikradaha (clustering, diagramming or mapping): habkan waxa uu qoruhu adeegsanayaa xariijimo, falaadho, boxes iyo goobooyin, si uu isugu xidhxidho mawduuca iyo kolba fikradaha xidhiidhka la leh ee maskaxdiisa kusoo shubmaya, isaga oo fikradahaas isugu xidhxidhaya hadba sida ay isu quseeyaan. Metelen mawduuca uu qoraagu/qofku xiisaynayaa waa ‘siyaasadda waddanka soomaaliya’, goobo ayaa uu gelin doonaa, dabadeedna waxa uu ku xidhi karaa fikrad ka farcami karta mawduucaas oo noqon karta ‘siyaasadda arrimaha gudaha’ sidii hore oo kale ayaa uu goobo gelin doonaa, ka dib waxa uu ku sii xidhi karaa mid kale oo ku soo dhacday, oo farac ka sii ah taas hore, oo laga yaabo in ay noqoto ‘siyaasadda xukuumadda’ ka dib fikirad kale oo ku soo dhacda, ka dibna mid kale, ka dibna mid kale…. Sidaas ayaa uu isugu xidhxidhi doonaa ilaa ay maskaxdiisa ka dhamaadaan fikraduhu. Qofka door bidaya in uu fikiradihiisa si muuqata oo sawir ah u arko ayaa badanaa habkan door bidi kara.
Saddexda hab (iyo kuwo kale oo jiraba) kii uu qofku sameeyo ba [si uu u qoro qoraal qashin ah oo uu hadhow ka curiyo qoraal toolmoon], waxaa ku lammaansan in uu dib-u-eegis yar ku samayso, oo uu yara habeeyo kolka uu jaanis heloba, oo uu ka saaro wixii aan qusayn, yara qorsheeyo oo uu isku dubba rido qoraalkiisa (organizing) Kolka uu wakhti (laga yaabo in ay qaadato maalmo iyo bilo’e) iyo fikir hor leh (active thinking) ku bixiyo in uu qashinkii qoraal ee uu sameeyey, habeeyo, una beddelo qoraal aan rasmi ahayn balse qabyo ah (informal/scrarch outline), waxa uu markaasi qofku ku qasban yahay sidii uu qoraal toolmoon uga dhigi lahaa qoraalkaas qabyada ah ama uu u deleyn lahaa ugu yaraan hal tuduc-qoraal (paragraph) oo toolmoon.
Haddaba isaga oo ka shidal qaadanaya qoraalkaas qabyada ah (first draft or scarch outline) waxa uu guda galayaa marxaladda labaad ee qoridda toolmoon (effective writing) aynu u bixinay, taas oo ka dhigan in uu qofku soo saaro qoraal hagaagsan oo dadka loo bandhigi karo. Ugu horrayn, waxa uu qofku si taxadar leh uga fikirayaa in uu ku bilaabo jumladda loo yaqaan weedh-mawduuceed (topic sentence), taas oo iba fur u noqonaysa mawduuca uu qofku ka hadlayo. Waa weedh qoraalka oo dhan u ah dallad hadhanaysa (umbrella idea), sidaa daraadeed si uu qofku u bilaabi karo baaragaraafka u horreeya, waa in uu weedh-mawduuceedda si cad ugu sheegaa laba wax oo kala ah: fikradda wayn ee uu ka hadlayo ama mawduuca (topic) uu daaran yahay qoraalkiisu iyo sida oo kale waxa uu diiradda saarayo (his focus) amaba uu iftiiminayo (his attitude). Tusaale ahaan weedh-mawduuc waxa ay noqon kartaa mid sidan loo qoray: “sanadahan dambe, isbedellada ku yimid bulshada soomaalidu, waxa uu laciifiyey nolosha qoyska” ama “qaaca ka soo baxa makiinadaha tamarta dhaliyaa, waa halista u wayn ee ka jirta nolosha arlada”. Labadan jumladood waxaa ku cad mawduuca (topic) laga hadlayo oo metelen ah (qaaca) makiinadaha ilkaha leh ee tamarta dhaliya, waxaana diirradda la saaray ‘nolosha (aadanaha) ee arlada ku nool’ —weedh-dha horena waa la mid. Waxaa markaas muhiim ah in aanay weedh-mawduuceeddu noqon mid dib u sheegaysa (announcement) mawduucii aad ka hadlaysay iyo sida oo kale mid kooban (specific) iyo mid baahsan (general) midna waayo; haddii ay koobnaato weedh-mawduuceeddu, dee markaa hadal la sii yidhaahdaaba ma jirayo, haddii ay noqoto mid balaadhanna waxa adkaanaysa in laga qori karo hal xidhmo-qoraal (paragraph), taas oo qofka ku kallifaysa in uu dhawr xidhmo-qoraal ( waa haddii aanu ugu talo geline) ka sameeyo. Sida oo kale, haddii weedha u horraysa ee lagu bilaabayo qoraalka rasmiga ahina ay ahaato mid dib u sheegaysa cinwaankii qoraalka, dee waxba markaas u sheegi mayso akhristaha. bal aan markaas ku muujiyo saddexdan tilmaamood ee soo xusay tusaalahan hoose:
Weedh-mawduuceed dib u iclaaminaysa cinwaankii qoraalka (announcement)
- Iftiiminta qoraalka iyo jaranjarada loo maro qoraalka toolmoon, ayaa ah waxa aan curiskan kaga hadlayo. (jumladdani waxa ay dib u sheegaysaa cinwaankii mawduuca, sida darteed weedh sidaas oo kale ah waa in aan lagu ibo furin).
Weedh-mawduuceed guud/baahsan (general)
- Jimicsigu waa madadaalo fiican, (amma)
- Dad badan ayaa ay dhibaato ka haysataa gawaadhidooda (labadan weedh-mawduuceedna waa kuwo si guud wax u tilmaamaya, oo ay adag tahay in hal tuduc-qoraal laga sameeyaa, waxaanay qofka ku xambaarayaan in uu hadhow siyaabo kala duwan wax uga qori karo, sidaa daraadeed haddii aan curis dheer looga jeedin (mooyaane), ma habboona in sidaa laga dhigaa).
Weedh-mawduuceed kooban (specific)
- Gaadhigaygu waa landcruiser cas, (amma)
- Subax walba waxa aan 30 daqiiqo, ku dabbaashaa xeebta batallaale (labadan weedh-mawduuceedba waa kuwo kookooban ama xadidan — dead-end statements, oo waa ay adag tahay in qoraal laga sii dhiraan dhirin karaa, waayo; nuxur dambe oo wax laga sii qori karaa weedhahaasi kuma jiro.)
Marka uu haddaba qofku sidaa u dhiso weedh-mawduuceed ama aan idhaahdee weedh-cinwaaneed uu ku muujiyey fikradda iyo mawduuca uu ka hadlayo, iyo wax uu markaas diirradda ku saarayo, waa in uu dabadeed jumladdaas ku xoojiyaa sadarro taageeraya, kuwaas oo loo yaqaan (supporting sentences). waxa uu sadarradaas ku adeegsanayaa xaqiiqooyin, asbaabo, tusaaleyaal, iwm. Waa qaybtan meesha ay had iyo jeer akhristayaashu xiiseeyaan kana qiimeeyaan fikradda uu qoruhu wato, ee u soo jiidda in ay qoraaga ku raacaan dooddisisa ama ku raaci waayaan. sidaa daraadeed, ma habboona in Jumladaha taageeraya doodda ama mawdcuuca qoraagu ay ahaadaan kuwo aan caddayn (vague) ama kuwo soo noqnoqonaya oo aan waxba soo kordhinayn (repeatative). Si haddaba loo fahmi karo waxa ay yihiin jumladaha qoraalka taageeraa (supporting sentences), waxa aan jeclahay in aan tusaale ahaan ugu iftiimiyo labadan baaragaraaf (xidhmo-qoraal) ee isha ku soo maqan. kolka aad akhrinayso labada xidhmo-qoraal waxa aad u fiirsataa, midka lagu kabay jumladdo taageeraya jumlad-mawduuceedda loo adeegsaday iyo ka aan loo adeegsan jumlado taageeraya oo ku filan. (waa isku mid, jumlad-mawduuceeddooduye)
Xidhmo-qoraalka koowaad.
“Kharashka lagu dayac tiray gaadhigaygu, waxa uu ahaa mid aad uga qaalisan intii aan filayey. Kolkii aan arkay biilka la igu soo dallacay, waa aan fajacay. Waxa uu ahaa laballaabka intii aan hore ugu qorsheeyey (kharash ahaan). Waraaqda yar ee biilka waxaa ku qornaa in aan bixiyo 220$ oo la iigu hagaajiyey bireegga gaadhiga iyo 80$ oo kale oo taayiradda la iigu simay (wheel alignment). Qiimaha saliidda gaadhiga oo laga bedellay waxa uu ahaa 80$, bedelidda filter-kuna waxa ay ahayd 10$ oo kale.”
Xidhmo-qoraaleedka labaad.
“Kharashka lagu dayac tiray gaadhigaygu, waxa uu ahaa mid aad uga qaalisan intii aan filayey. Horta Makaanigu shaqo fiican baa uu ii qabtay, ha yeeshee waxa aan filayaa in wax kasteba kharash dheeraad ah la igu soo dallacay. Meeshaba ma aan soo dhigin in biilka la igu soo dallacayaa uu sidaas u sarraynayo. Run ahaantii hadda, waa in aan saaxiibkay lacag kasoo amaahdaa, oo aan kharashka iska bixiyaa, jeerka dambe se, geerash aan kan ahayn baa aan tagi doonaa” Waxa aan filayaa in ay akhriste kuu kala muuqdaan, labada baaragaraaf midka dooddiisa ku xoojiyey jumlado ku filan iyo ka aan ku kabin.
Haddii haddaba uu qofku ku guulaysto, in uu fikraddiisii u beddelo qoraal habaysan (nidaamsan) ama uu ugu yaraan ka qoro hal tuduc-qoraal mawduucii uu doortay, isaga oo ku dhaabadeeyey weedho ku filan (i.e supporting sentences), waa tallaabo uu ku farxaa, oo waxa ay ula ekoonaataa sidii oo uu ka degey culays wayni (maskax ahaan iyo jidh ahaanba), dabadeedna waxa uu is yidhaahdaa haddeer baa aad la wadaagi karta dadka (audience) oo aad tusi karataa balse; xasuusnow oo waxa aynu soo sheegnay in wax qoristu ay tahay marxalado ama hannaan, waxaana qofka markaas looga baahan yahay in uu ku daro hal tallaabo oo muhiimad leh, taas oo ah in uu guda galo marxaladdii saddexdaad ee dib-u-eegista iyo sixidda. Waa marxaladda uu qofku ku go’aamiyo, in ay naftiisu ku qanacsan tahay shaqada qoraal ee uu qabtay iyo in kale, iyo sida oo kale in uu gaadhay heerkii uu rabay iyo in kaleeto. Sidaa daraadeed, waa marxaladda la sameeyo isbeddelka ugu balaadhan ee ku sahabsan qoraalkii aad qortay oo dhan. Si kasta oo uu qofku maahir ugu yahay wax qoristana, waa ay adag tahay in uu ku soo saaro isku dayga koowaad, qoraal ay derejaddisu tahay ‘xasan’, oo aan u baahnayn dib u eegis, taas daraadeed baa ay marxaladdani muhiim u tahay, si uu qofku usii horumariyo wixii uu qoray. marxaladdani kolkaas waxa ay isugu dhafan tahay, laba qodob oo ah: dib-u-eegis (revising) iyo sixid (editing).
Marka haddaba dib-u-eegis lagu samaynayo wixii la dhigaaliyey, waxa muhiim ah in la sameeyo afar waxyaalood: kow, in wax cusub lagu daro qoraalka; laba, in la saaro wixii aan xidhiidh la lahayn mawduuca oo dhan; saddex, in dib la isugu habeeyo fikradaha ku jira qoraalka; iyo afar, in la sii xoojiyo oo la sii faahfaahiyo jumladaha taageeraya fikradda guud ee uu qoraalku ka duulayo.
Kolka haddaba la isku jumleeyo afartan qodob, waxa ay macnaynayaan laba qodob oo waawayn, kuwaas oo kala ah:
- In dib loo eego dhammaan jumladaha qoraalka loo adeegsaday (content), in ay midaysan yihiin (unified) iyo in kale: taas oo loola jeedo in la hubiyo jumlad kasta oo weedh-ciwaaneedka lagu taageeray in ay macne ahaan kabayso ama la tacalluqdo fikradda/mawduuca ee laga hadlayo. Metelen qoraalkan hoose ayaa aan ku iftiimin karaa waxa looga jeedo qodobkan:
“Guriga aanu degenahay, waxaa uu ka dhisan yahay xaafad aan fiicnayn. Waa marka u horreysa’e, waxa uu aad uga durugsan yahay goobaha adeegga ee muhiimka ah iyo bakhaarada raashinka laga soo rarto. Xarumaha shirkadeed ee isgaadhsiinta, farmasiiyada yaryar, dukaanada loo yaqaan booshariyada, goobaha wax lagu akhristo, iyo maqaaxiyaha habeenkii laysaga caweeyaa ba, nooma dhawa; oo waxa ay noo jiraan dhawr ‘kilometer’. Waxaa taas ka sii daran, gaadiidka dadweynaha ee basasku iyana aagga ay xaafaddu tahay uma dhawa. Baska ugu dhow gurigayagu waxa uu soo maraa halkii saacba mar, waxaanu maraa uun meelo cayiman oo kaliya. Markaa meel kasta oo aan u baahnaa, waxa ay nooga bahan tahay wakhti badan iyo in aan dhawr bas u kala gooshno. Waxaas oo dhan waxaa sii dheer, gurigayagu waxa uu ku yaallaa aag ay ku badan yihiin dambiyadu. Dhalinyarada fawdada jeceli, kama dhammaadaanba jidadka xaafadahayga, waxaanay intaa dhibaato ku hayaan xaafadaha jaarka. Bishan u dambaysay oo qudha, siddeed jeer ayaa ay fawdo ka sameeyeen sekeddayada oo qudha. Gabadh jaarkayaga ah oo deggen guriga nagu xiga, habeen dhawayd waxa laga dafay mobile-keedii iyada oo ku soo socota guriga oo in yar usoo jirta. Waxa kale oo aan jeclahay in aan sheego, maaadama oo uu gurigayagu ku yaallo goob warshado u dhaw, waxaa dhibaato nagu ah guuxooda, iyo urta walxaha kiimikada ah ee ay soo qubayaan taas oo marmarka qaarkood nagu keentaa neef-qabatow.
Gabagabadii, waxa aan qirayaa xikmadda odhanaysa kolka aad meel degeyso deegaankeeda ayaa la eegaa, ee gobta uun lama fiirsho — dhammaad”.
Sida aad arkayso akhriste qoraalkan gaaban, dhammaan weedhaha la adeegsaday ee qoraalka ku jiraa, waxa ay la tacalluqaan weedh-ciwaanneedka ah “guriga aanu deggen nahay, waxaa uu ka dhisan yahay xaafad aan fiicnayn” sidaa darteed, marka dib-u-eegis la samaynayo, waa in loo fiirsadaa in weedh-cinwaaneedka ibo furaysa qoraalka, lagu taageeray weedho xidhiidh la leh iyo in kale.
Waxa kale oo ay afartaas qodob macnaynayaan, marka la isku jumleeyo qodob kale oo ah:
- In sadarradda qoraalku ay yihiin qaar is raacsan, oo weedhiba weedh-dha ay ku xigo ay si dareersan ugu xidhiidhsan tahay, oo macno ahaanna ay yihiin kuwo is buuxinaya (coherence), si qaab sanna ay isu raacsan yihiin. Si qofku uu haddaba qoraalkiisa uga dhigi karo mid si hab san isu raacsan, waa in uu jumladaha qoraalkiisa u habayaa sida ay wakhti ahaan u kala horreeyaan (timely order), sida haddii uu tusaale ahaan taariikh ka warramayo oo kale; ama uu u habeeyaa sida ay ashyaada iyo meelaha ay kala dhacaan/yaalliin isugu xidhmi karaan ama isugu habaysmi karaan (spatial order), sida tusaale ahaan hadii uu ka faalloonayo deegaan ama uu ka hadlayo, sida ay magaalo u eeg tahay oo kale. Sida oo kale waa in uu weedhaha qoraalkiisa u habeeyaa sida ay muhiimad u kala leeyihiin (order of importance), yacniga haddii metelen uu adeegsanayey asbaabo, tusaalayaal, qodobo saamayneed iyo wixii la hal maala, waxa uu qoraalka dhexdiisa ugu horreysiin karaa ta u muhiimsan, waxaanu u dambaysiin karaa kuwa u muhiimad yar. Waxa kale oo laga-ma-maarmaan ah, in uu ku habeeyo qoraalkiisa adeegsiga waxa loo yaqaan (transition words) oo lagu soomaaliyeyn karo weedh-xidhiidhiyayaal, si uu u fududaado fahamka qoraalku ama ay u sahlanaato jihada uu u socdu fikirka qoraagu. Waxa aan markaas ka xusi karaa weedh-xidhiidhiyayaashaas ereyadan: ugu horreyntii, ugu dambayntii, kolkii hore, kolkii dambe, intii lagu gudo jiray, maanta, dhawaanahan, sanad kasta, xagga sare, xagga hoose, gadaal, hore, geesta, dhinaca midig, dhinaca bidix, sidaa daraadeed, sida, sida oo kale, waliba, marka koowaad, marka labaad, waxaa intaa dheer, iqk. Ereyada sidaas ah marka qoraalka loo adeegsado, waxa ay qaabeeyaan fikradda qoraaga.
Waxa xusid mudan, marka la samaynayo dib-u-eegista (revising) in ay suurtoobi waydo qofku in uu hore u arki waayo meel uu ka naaxnaaxiyo iyo meelaha uu dhigaalkiisu dhiico ka leeyahayba, sidaa daraadeed waxaa habboon in uu muddo (maalin iyo wixii ka badan) ka maqnaado qoraalkii uu sameeyey, si uu dib maskax daray ah (fresh) iyo indho daray ah ugu eegi karo. Waa sababta uu Kenneth archity u leeyahay “It would be crazy to begin revising immediately after finishing the first draft, and encounter to the way the mind likes to create. You’re exhausted. You deserve a vacation”
Ugu dambayn qodobka kale ee isla marxaladdan ku xidhiidhsan ama ku lamaansana waxa weeyi in uu qofku sameeyo midhif-tir ama sixid (editting). Waa qodob kale oo jaangoynaya sida uu akhristuhu u fahmayo, una akhrinayo qoraalka. sidaa darteed qofka wax qoray waa in uu shaqadii qoraal ee uu falkiyey, sadar wal oo qoraalka ahba uu ka eegaa in ay saxan yihiin higgaadda ereyadu, ay tahay sumadaynta qoraalku iyo sida oo kale qaabka ay weedhuhu u dhisan yihiin naxwe ahaan.
Gabagabadii, jidka dheer iyo shaqada badan ee ay xirfadda qoraalku inooga baahan tahay waa mid caynkaas ah, waxaanan rajaynayaa in curiskani uu iftiimin u yahay (ama uu xasuusin u yahay) qof kasta oo xirfadda qalinka aad u jecel. waxa aan jeclahay in aan xuso buuggagga kala ah: Ready to write: from paragraph to essay, third edition, oo ay wada jir u daleeyeen Karen Blanchard iyo Christine root. iyo buugga Exploring writing, paragraphs and essays oo uu qoray John Langan, kuwaas oo aan u kaashaday (marka lagu daro waayo-aragnimadayda qoraaleed) xogta aan halkan kusoo bandhigay.
