
Hoggaamiyaha Ganacsiyada Guuleystay iyo Xiddigga Samafalka ee Dunida Soomaalida.
W/Q: Liban Mxamuud Abuukar (Liibaan Ceynte)
Waqti fog uu ku began 1988-kii, ayuu halgan ganacsi oo guulaysan doona kasoo billaabay xawaalad yar oo uu ka furay dalka Sucuudiga oo la dhihi jiray (Xawaaladda Barakaat), taas oo qabanaysay adeegyo xawaaladeed hufan oo aad loogu baahi qabay kana casrisanaa kuwii waqtigaas ee Soomaalida u adeegi jiray.
Muddo yar kaddib aasaaskii xawaaladda (Barakaat ) waxaa dhacay burburki dowladdii Soomaaliya, duruufihii iyo kala haadkii dalka ka dhacayna adeegyadii xawaaladda ayay hakad galiyeen, hase ahaatee dadaal iyo dhabaradayg badan oo uu sameeyay kaddib xawaaladdii Barakaat
horay ayey u dhaqaaqday iyada oo ku tallaabsatay kobac wayn, kaas oo ugu dambayn sababay in ay ka farcamaan shirkado badan oo ku kulmaayay magaca Kambaniyada Barakaat (Barakat Group Of Companies.)
Qofka aan kaaga sheekeynayo waa milkiilaha iyo aas-aasaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud Shiikh Axmad Nuur Cali Jimcaale oo silsillado caqabado ah oo uu u babacdhigay kaddib hadda ku suntan hugaamiye ganacsiyadiisii ay guuleysteen iyo samafalihii ugu weynaa ee soo mara taariikhda Soomaalida. (The biggest philanthropist in Somali history).
Ku dhowaad 40 sano kaddib, shirkaddi uu dhidibbada u aasay waxay ka mid noqotay taariikhda qurxan ee Soomaaliyada cusub. Dedaalkiisii iyo shaqadiisi amaanada
laheydna waxa ay soo saartay shirkadda weyn ee Hormuud oo ka soo billaabatay Xaxawaalad yar oo xarunteedu Sucuudiga aheyd, ase ugu dambeyn uu halganki iyo kartidii asaasaheedu ka dhigeen shirkadda ugu wayn ee Soomaaliya ka hanaqaaday iyo meesha ugu badan ee dad Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 35k oo qof misana dhallinyaro u badan ay ka shaqeeyaan. Halka jihayntiisi iyo taladiisi maalgashi ay soo saartay shirkado badan oo ganacsiyada guuleystay iyo horumarka dalkaba tusaale u ah. Sidoo kale, Waxaa xusid mudan in Shiikh Axmad Nuur Cali Jimcaale uu yahay horseedka maalqabeennada ugu samafalka badan dunida Soomaalida, isaga oo unkay Hormuud-Salam foundation oo ku tilmaaman hooyada iyo guusha hay’adaha maxaliga ah ee kaalmo aan shisheeya ka imaan ku shaqeysa.
Tusaale: Xagga waxbarashada waxay Hormuud-Salaam foundation ay gacanta ku heysaa dugsiyo wax lagu baro caruurta danyarta iyo agoonta ah, kuwa aragga naafada ka ah, kuwo lagu barto farsamada gacanta , madaaris agoonta lagu xannaaneeyo iyo dugsiyo qur’aan oo danyarta ay diinta ka bartaan; Si lamida waxay sannad kasta bixisaa minxo waxbarasho oo ardaygii nasiib u hela uu xor u yahay inuu ku biiro jamaacaddii uu rabo. Waxa ay taageertaa 30 arday iyada oo qalabkii waxbarashada ,sida kombiyuutarrada iyo wixii la hal-maala ka caawisa. Dhanka kale, caafimaadka waa isha ugu wayn ee kaalmo caafimaad oo dibadda ah ugu deeqdaa dadka waaweyn iyo caruurta aan xaaladahooda dalka waxba looga qaban karin ee baaqooda uu gaaro, iyadoo si lamida ah garabka
koowaad iyo gargaarka ugu wayn ee bulshada soomaaliyeed la jaalka ah, xili kasta oo ay dhacaan musiibooyin waawayn sida: Dabka, qaraxyada, fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqda ee dadkeenna iyo dalkeenna si gaar reer miyiga u nugleeyay.
Hormuud-Salaam Foundation marki laga yimaado, Shiikha waxaa u dheer intaas hawlaha samafalka ah ee uusan shaqsi ahaan ka daalin, sida: Dugsiyo dad badan oo macno leh soo saaray, madaariis caruurta agoonta ah lagu daryeelo, minxooyin waxbarasho oo gudaha iyo dibadda ah , kaalmeynta iyo dhismaha masaajiddo badan oo uu ugu waynyahay masaajidka Cali Jimcaale oo ah masjid loo naqshadeeyay sida masaajidda waa wayn ee caalamka islaamka kaas oo tiiriikhda cusub ee Soomaaliya iyo bilicda
magaaladaba baal dahab ah kaga qormay.
Gunta iyo gunaanadka, shiikh Axmad Nuur Cali Jimcaale markii aynu ka nimaad ganacsiyadiisa iyo halgankiisii kaalingalay waxa aynu si muran la’aan ah u dhihi karnaa waxa uu ku suntan yahay kii ugu Samafalka badnaa ee soo mara taariikhda Soomaalida. Waxaana safarkiisa laga baran karaa in amaanada iyo tawaaduca (isdhul-dhigga) ay yihiin saldhigga guulaha ganacsiga innaga oo tusaale weyn usoo qaadan karna dib ucelinta hantidii Soomaaliyeed ee lagu xayiray shirkadihii (Barakaat Group of companies) waliba xili ay xaaladaha dalku ay aad u adkaayeen, taas oo manta in yar oo la la’yahay dadkeedii mooyee aanan wax kale looga laheyn. Sidoo kale waxa aynu nolosha shiikh Axmad nuur ka baran karnaa in furaha lagu gaaro guusha uu
yahay in diiradda la saaro hal shay, misana la joogteeyo. (Focusing on one thing and consistency are the keys to achieving success).
Aan ku socdee waxa aynu sidoo kale nolosha Shiikh Axmad Nuur aynu ka baran karnaa faa’iidada samafalka iyo sabarka ay ganacsiga u leeyihiin ,iyo qiimaha ay xaqiijinta hadafyada ka gooyaan dhisidda xiriiro macno leh (Building a Meaningful Network) Taas oo ina xasuusinaysa oraahdii aheyd “Your Network Is Your Net Worth” oo macnaheedu yahay in xiriirrada tayada leh ee aad leedahay iyo soo xigtaysiga dadka qodan in ay saameyn toos ah oo togan ay ku yeelan karaan hormarkaaga dhaqaale iyo guud ahaan aayatiinkaaga. Waa tii mar kale Dan Pena uu lahaa” Show me your friends and I’ll show you your future”. I tus saaxiibadaada, anna waxaan ku tusi doonaa sida
mustaqbalkaaga noqonayo”.
Cimriga, caqliga, caafimaadka,caruurta iyo cuudkaba allaha u barakeeyo’e intaa yar ayaan kusoo gunaanadayaa sooyaalka dheer ee qaayaha leh ee xiddigga ganacsiyada guuleystay iyo samafalka dunida Soomaalida shiikh Axmad Nuur Cali Jimcaale.
Liban Mohamud Abukar (Liibaan Ceynte)
