Hoggaamiyaashu xagay ka yimaaddaan?

W/Q: Sh. Abdirahman Bashir [Af-Carabi].
W/T: Axmed Xisaam Miido [Af-Soomaali].

Hoggaamiyaashu xagay ka yimaaddaan?

Waa weydiin dhextaal ah: hoggaamintu ma hibaa? Mise waa mid la kororsado waayaha nololeed? Hoggaamintu gaar miyey u tahay qoysaska qaar? Mise dhamaantood wey leeyihiin? Waa weydiin dhextaal muhiim ah, waxa jira tilmaamo ku sugan kitaabka Eebbe, gaar ahaan ‘suuratul Baqara.’ Markii ay ka warrantay qisaddii nabi Daaluut, ee cajiibka ahayd. Suuraddu waxa ay inoo soo guurisay qiso dhex martay reer banii Israaiil iyo nabi ay lahaayeen (Daaluut), waxa ay dooneen hoggaan ciidan oo ka samatabixiya addoonimadda, kana xoreeya addoonsiga siyaasaddeed. Eebbe waa ka aqblay, waxa uuna u dooray hoggaamiye leh tilmaamihii hoggaaminta, warcelin ayey ka keeneen taagantii siyaasaddeed yo midii fikradeed ee ay la noolaayeen waxayna dhaheen: [xaggee madaxtinimaddu u soo martay; anaga ayaaba ka muddan e/أنّى يكون له الملك ، ونحن أحقّ بالملك] sababma?. Waxa kale oo ay dhaheen: [Lamaba siin xoolo fara badan/ولَم يؤت سعة من المال]

Ma jiraa xidhiidh ka dhexeeya lacagta iyo hoggaaminta? Qof walba oo lacag haysta miyuu mudan yahay hoggaaminta? Taasi waa waxa ay ku doodeen reer banii Israa’iil, waanna suurtagal in ay lahaayeen qaar kamid ah caqliyadda hantigoosadka casriga ah (Capitalism). Waxa jira aragtiyo isku xidhaya garaad badnida iyo lacagta, iyo kuwo isku xidhaya garaad xumida iyo saboolnimada. Waa hubanti in faqrigu uu saameeyo heerka garaadka, helitaan hantida ku timaadda qorshaynta waxa ay saamayn cad ku leedahay garaadka iyo soo saarista maskax hoggaamineed.

Ma jirto xidhiidh ka dhexeeya hoggaaminta ka iyo lacagta. Sida oo kale, ma jiro xidhiidh ka dhexeeya saboolnimadda iyo hoggaaminta. Nabi Muxammed (NNKH), saboolnimo iyo agoonimo ayuu ku korey, waxa uuna noqday hoggaamiyihii ugu weynaa adduunka iyo sooyaalka aadanaha. Sidaas oo kale ayuu u korey nabi Ciise (CS), haddana waxa ay ka mid yihiin qamaamuurta raadka ku leh sooyaalka aadmiga. Waxa ina dhex-jooga Malaayiin dad ah, oo haysta lacag, balse waxa ay ka cabanayaan doqonimo.

Waxa jirta aragti sheegaysa in dhammaan bini’aadamku ay ku dhashaan hibada hoggaaminta, balse xaqiiqada jirta ah: xilliga la noolyahay, tayada waxbarashada, iyo siyaasadda deegaannada waxa ay dilaan hibadaas hoggaamineed. Taasi waa sababta hibadani ay ugu hadho dhawr qof oo keliya (3% dadka), inta kalena ay noqdaan bini’aadam caadi ah oo u diyaarsan in ay noloshoodu maamulaan dadka kale.

Hoggaamintu kama dhigna ‘maamul’, kamana dhigna in la xakameeyo dadka. Qof walba oo urur maamula ma aha hoggaamiye, qof walba oo hoggaamiya dawlad ama shacab, iyaduna kama dhigna in uu leeyahay tilmaamihii hoggaaminta. Hoggaamintu waxa ay leedahay macne gooniya, sida laga fahmayo aayadda oo ah [awood iyo aqoon], sidaa awgeed ayuu Alle yiri: [Eebbe ayaa idiin dooray, waxa uuna u kordhiyey, ballaadh xagga aqoonta iyo jidhka ah/إن الله اصطفاه عليكم ، وزاده بسطة فى العلم والجسم]. Waxa jira aqoonyahanadda qaar ku doodaya in baaxadda aqooneed iyo midka jidheed uusan daliil u ahayn in qofku leeyahay hibo hoggaamineed, waxa jira qof intaas leh balse aan nolosha raaad yar ba, ku lahayn. Aqoonta iyo kartidu hoggaamiyaha, waxa ay siisayaa awood uu raad ku sameeyo, labadan shayna waa u muhiim in uu yeesho aadanaha hoggaamiyaha ah. Se waxaa jira hibo hoggaamineed oo bini’aadamka laga askumo bilowga, wana mida ay aayaddu tibaaxayso: [Eebbe ayaa idiin dooray/إن الله اصطفاه عليكم]. Hoggaamiyayaashu in yar ayaa ka muuqda ummaaddaha, kumana badna.

Waxa jira dugsi aragti hoggaamineed oo qaba, in tani ay gaar u tahay hoggaaminaha waaweyn ee nolosha abuura. Laakiin hoggaamada dhabta ahi waxa ay ku sii jiraan ummaddaha, waxaana lagu ogaadaa daraasado, waxaana lagu tibaaxaa waxbarasho, unkumid, tababar iyo falal. Hogaamadu waxa ay leeyihiin hal yool oo nolosha ah, kaas oo ah inay dadka ku saameeyaan ficilo is biirsaday iyo kuwo aan dhamaystirnayn oo aan ku joogsan, saldhigyo gaar ah ama gobolo (meelo), gaar ah. Hoggaamiyaha ka siibta nolosha waa ruux guuldareystay, mana sheegan karo hoggaan.

Hoggaaminta waxaa lagu hantaa samayn, [Anigaa ku samaystay/واصطنعتك لنفسى] haseyeeshee waa hibo u baahan in la hal abbuuro, hal abuuritaankeeduna ma ahan arrin fudud, (Dadku waa sida boqol halaad oo geela, oo ay adag tahay in aad ka hesho gaadiid). Hoggaaminaha ugu halista badan ee shucuubta waa tan ahmiyadda saarta afkaaraha dadka in la beddelo, beddelka fekerkuna waxa uu dhaliyaa in qofka hab dhaqankiisu is beddelo, sidaa awgeed ayuu u ciyaaraa maanshiilka hoggaamiyaha ahi, door ka halis badan hoggaamiyaha siyaasiga ah. Hoggaamiyaha siyaasiga ahi, waxa uu beddelaa hab dhqanka, waxa uuna u asaasaa dawladda iyo kooxaha hab nololeed, haddii ay doonto ha ahaato saaxaddu mid aan u heellanayn’e, wax badan ayuuna daalayaa, sidii uu ugu rucleeyay nebi Muuse CS. Reer banii Israa’iil waxa ay ahaayeen, kuwo aan diyaar u ahayn isbeddel, sidaas darteed ayuuna tiiha xagga Eebbe ka yimi, ciqaab ugu noqday.

Innaga maanta, waxaa ina hor dhooban dhibaato isku rakiban. Dhibaatada kelitalisnimadda siyaasadeed, iyo dhibaatada faro gelinta shisheeye, (kelitalisnimo iyo gumaysi wada jir ah). Waxa aynu u baahannahay in aynu dejino khariidad fekradeed iyo siyaasadeed, iyo habkii aynu uga bixi lahayn. Halkan ayayna imanaysa doorka hoggaaminta fekradeed ka hor hoggaaminta siyaasadeed, qofka aan mushkiladda fahamsanaynna waxa uu shaqaynayaa khariidad siyaasadeed la’aan. Waanna sababta ka dhigtay ummaddu in ay ku noolaato marxalad dheer, tajaabaddiina ay dib ugu soo celiso, waayo waxay ku shaqaynayaaan khariidad la’aan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *