Haka Harin Hirka AI

Taniyo markii uu shaacsane noqday AI, gaar ahaan AI-da Wax-hindista (Generative AI), isbeddel xooggan ayuu ku yimid dhinacya badan oo nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, iyo teknoolajiyadda. Waxa uu hirkaani horseeday in sida dabiiciga ah lagu kala qaybsamo. Horweynta AI sida, hormuudka shirkadda OpenAI, Sam Altman, madaxa shirkadda Microsoft AI, Mustafa Suleyman, iyo Sal Khan oo ah madaxa Akadeemiyadda Khan, waxay ku tageen oo ay u qareemaan AI-da iyaga oo ku baaqaayo inaan laga baqan horumarintiisa, halka dhanka kale madaxii hore ee Google, Eric Schmidt, Gary Marcus iyo akhyaar kalena ay su’aal galiyeen AI iyaga oo ka digaayo waxyeelladiisa. 

Saamaynta xooggan iyo ku kala qaybsanaantaasi, waxay dhalisay inay baddesho hab-fekerkii hore islamarkaana dib u abuurto una qeexdo mafaahiim hor leh. Tusaale, waxa uu AI abuuray aragtida in shaqooyinka qaarkood laga maarmi karo tamarta aadanaha, oo ay ugu horreeyaan shaqooyinka soo-noqnoqda, sida elxanka iyo u adeegidda macaamiisha, ee aan u baahnayn farsamo badan. Sidoo kale, maadaama leyliyada guriga lagaga soo shaqeeyo ay ardayda la kaashanayaan AI, waxay macallimiintu ku qasbanaayeen inay leyliyada kaga fekeraan si ka duwan sidii hore, sida in la qiimeeyo hannaanka uu ardayga u soo maray natiijada uu gaaray.

Si kastaba ha ahaato, waxaa dardar ku socday AI, waxaana la gaaray heer uu qayb kasta oo nolosha kaalin ku yeesho. Waxay taasi dhalisay in dalalka ay ka yeeshaan siyaasad qaran oo lagu la tacaamulaayo AI, iyada oo ay lamahuraan noqotay in dal kasta uu baadigooba Madaxbannaani AI (AI sovereignty). Waxa uu gurbaanka AI-ka uu noqday mid lama-dhaafaan ah, waxayna noqotay in si degdeg ah loogu tartamo, shirkado iyo dowlado. Tartankaan oo hadda uu xooggiisa u dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha; waxay u arkaan inuu taabanaayo awoodda ay dunida ku leeyihiin, haddii lagaga adkaadana lagu dhaawici karo madaxbbannnaanidooda, maadaama si fudud loo xakamayn karo kaabayaasha ku dhisan AI, lana beegsan karo amniga qaranka, difaaca, iyo guud ahaan kaabayaasha kale. Dalal kale, sida Imaaraadka, ayaa garowsaday in AI loo sameeyo miisaaniyad gaar ah, si lamid ah miisaaniyadda lagu bixiyo difaaca iyo Amniga Saybarka (Cybersecurity), waxayna sanadkaan 2025 heshiis la galeen shirkadda OpenAI oo leh ChatGPT, waxayna noqdeen dalka koowaad ee xaqiijiyay in ChatGPT u adeegsadaan heer qaran.

Yurub oo garowsatay dhabnimada AI waxuu Baarlamaanka Midowga Yurub uu horaanta sanadka 2024, soo saaray Sharciga AI (AI Act), halka ay Afrikana uu Midowga Afrika (AU) uu si rasmi ah u faafiyay Istiraatiijiyadda AI ee Afrika (Draft Continental AI strategy). Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbbad ka jeediyay Shirweynaha labaad ee Bariga Afrika ee sanadkaan 2025 lagu qabtay Muqdisho, ayaa bulshada u sheegay; in AI uu yahay seef labo afleey ah, jiritaankiisu uu yahay mid dhab ah oo aan la macaamileyno, islamarkaana ay tahay in lala noolaado, oo la dheefsado. Sidoo kale, waxa uu xusay inay dowladda garab-siinayso kaliya dhanka togan, islamarkaana aysan raalli ka noqon doonin in dhinaca halista, sida u adeegsiga weerarada iwm, ayna marna dhiiragelinaynin. 

Hirka AI oo aan hakan, ayaa gaaray waxbarashadii, waxaana dalka Shiinaha sanadkaan  2025 dhammaan iskullada lagu soo rogay in dugsiga hoose, dhexe iyo sare lagu soo daro maaddo AI ah, taasoo muujinaysa sida ayShiinaha dhab kaga tahay horumarinta AI iyo sida ugu heelan yahay in muwaadiniinta noqdaan kuwa aqoon u leh AI. Sidoo kale, Jaamacadda Oxford ayaa dhammaan ardayda iyo macallimiinta waxay ku garab istaagtay inay si dhamaystiran u helaan ChatGPT bilaash ah.

AI iyo adiga, waxaad u falgasheen si dhamasytiran, laakiin waxaa suurtagal ah inaadan ku baraarugsaneen arrinkaasi. Ogaaw, marka aad furtid aaladaha baraha bulshada, ee ay ku hor keenaan muuqaallo iyo qoraallo kugu habboon, waxaad la tacaamulaysaa AI oo bartay doonistaada. Albaabada qaar waxay ku furmayaan wejigaaga, qaar kalena suulkaaga, sababtuna waa in AI lagu dhisay. Taleefankaaga ayaa lamid ah. Kolka aad fariin qoraal ama email qoraysid, waxaa qaybta hoose ku arkeysaa erayo uu AI u badinaayo inaad adeegsanaysid. Sidoo kale, marka aad baaritaan amni maraysid, cidda qeylinaysa ee hubinaysa amniga goobta waa AI. Marka kaamarooyinka casriga, CCTV, lagu sugaayo amniga caasimadaha ee haddii ay xaalad arkaan waxa qeyladhaanta (alert) samaynaayo, waa AI. 

Haddii waqti badan kaa qaadan jirtay inaad shaqo qabatid, hadda AI waxa uu garab kugu siin karaa in uu waqtigaaga kuu beeqaamiy; dokumentiyo kuu diyaariyo, iimeyllada kuu qoro, presentations-ka kuu diyaariyo. Haddii aad akhriste tahay, waxa uu AI kugu garabsiin karaa inaad degdeg buug dhamaystirasn nuxurkiisa ku akhrisid, islamarkaana sharaxaad dheeri ah lagaa siiyo. AI, waxa uu maanta kugu taageeri karaa inuu kugu la hadlo hadba inta uu caqligaaga iyo cilmigaaga gaarsiisan yahay, isaga oo aan garashadaada quursan oo kuu noqonaayo macallin gaar ah. Waxbarashada, waxa uu kaa kaalmayn karaa inaad ilo kala duwan si fudud ku heshid, oo baaritaankii Google ee waqtiga dheer kaa qaadan jiray inuu kuu soo gaabiyo.

Waxay dhammaan diyaar garowga dowladaha ee aan xusnay muujinayaan, sida aan la iskaga indhatiri karin hirka AI, iyo dadaallada teel-teelka ah ee ay wadaan dalalka iyaga oo taagsanaayo tabartooda. Marka laga tago kaalinta dowladaha oo iyagu goor kasta indha u ah bulshooyinka, ayaa waxaan la sugi karin dalalka ay dowladahooda dhutinayaan, sida dalkeenna Soomaaliya. Sidaas darteed maadaama dunida isu-furan tahay, aqoonta AI-kana aysan qolo gaar ah guri ku haysan ama la iska hor istaagaynin sida Nulliyeerka, waxaa gudboon inaan dadaal shakhsi ah la imaanno oo aan dhinac ka raacno doonta. Waxaa boos yeelan karin cudurdaar kasta oo la cuskado, waayo; dunidaan casriga ah wax kasta gurigaaga ayaad ku heli kartaa, darbiga kaliya ee qofka celin karana waa naftiisa. Waxaa aragti ahaan ila qummaan in qof kasta uu kaalintiisa qaato; marna uu tiisa la baxsado mar kalena la isku howla ajandeyaal bulshada wax tari karo oo lagu la falgali karo AI.

Madaxii Shirkadda Nokia, Stephen Elop, sanadkii 2013 markii shirkadda Nokia musallaftay, islamarkaana suuqa ay la wareegaan shirkadaha waaweyn ee Apple iyo Samsung, ayaa waxa laga diiwaangeliyay oraah caan noqotay oo dhahaysa: ‘We didn’t do anything wrong, but somehow, we lost./ Wax qalad ah oo aan galnay ma jiraana, haddana waan khasaarnay.’’ Sida Stephen uu xaqiijinaayo shirkadaha Nokia qalad gaar ah ma gelin, laakiin waxay akhrin waayeen isbeddellada hareerahooda ka socda. Sidaas darteed, in wax kasta ay sidooda kusii taagnaadaan, siday saaxadda kusoo galeen, ma u damaanad qaadi karto inay sii waaraan. Qodobka kaliya ee lagu baxsan karo laguna cimrin karo waa in lala imaado ISBEDDEL joogta ah.

Maanta, waxay duruufta qasbaysaa inaad kamid noqotid dadka ugu hor qabsada adeegsiga AI. Ha ku dhicin godkii shirkadda Nokia, oo akhri oo la soco waxa hareerahaaga ka socda. Dhankasta oo aad nolosha kaga jirtid, waxaad u baahan tahay inaad dheefsatid, adeegsigiisa baratid, oo aad si hagaagsan ula falgashid. Haddii aad maanta iska indhatiraysid, adiga oo ku dhisay inaad maanta haysatid shaqo xasilloon, iyo inaad wacyi ahaan dhisan tahay; waxaad ogaataa inaysan kuu damaanad qaadi karin inaad dabarka waayaha ka badbaadid (Survive). Maanta inta aad heysatid oo nooc kasta leh, cilmi iyo caqli, marna kugu ma filna, waxna kuma soo dhacsan kartid, iskaba daa inay ku geyso halka aad hiigsanaysid. Jidka kaliya ee furan waa inaad dheeraysid xawaaraha oo aad safka hore ka gashid isbeddellada socda, oo aad si joogta ah wax u baratid, si aad kaga badbaadid inaad hurdo kasoo toostid mar ay xero iyo fandhaal kala dhaceen.

Haddii aadan maalinna adeegsan aalad ku dhisan AI, sida Chatgpt, Deepseek iyo qaar kale, kaliya micnaheedu ma ahan inaadan maalinna u baahan AI, ee waxay ka tarjumaysaa sida aad dhagool kaga tahay isbeddellada hareerahaaga ka socda. Waxaad barkinta dheeraysanaysaa iyada oo ay dhagahaagu ku dhacayaan; waxaa shaqadaada la wareegi doona qof AI adeegsan karo; waxaa kaa fursad badnaan doona qofka kaaga horreeya AI; waxa timaatada odorasi karo qofka AI la haysto, waayo wax kasta ayuu kaaga horreynayaa. 

Waa dhab, AI goor kasta dheef kaliya ma xanbaarsano, oo waxyeello xooggan ayuu saaxadda kusoo biiriyay. Laakiin inaad ka dhowrsatid AI, makaa badbaadin karto waxyeelladiisa, haddiiba aadan noqon dhibbanaha koowaad, maadaama aadan fahan ka haysan ama aadan la falgalin. Dhowrsashada haddii aysan xal ahayn, waxaa dhibta AI lagu xakamayn karaa sharciyo iyo xeer-nidaamyo, taasoo ay dowlado badan ay gacanta ku hayaan qabya-qoraallada sharciyadaas, qaar kalena ay baarlamaannadooda ansixiyeen si lagaga hortago halis kasta oo ka iman karto. 

Warbaahinta waxay ugu horreysaa dhinacyada ugu xooggan ee dhibtiisa laga dareemay. Waxaa soo if-baxay Deepfake oo ah in la been-abuuro macluumaad iyada oo dusha laga saaraayo cidda la beegsanaayo, loona abuuraayo  shakhsiyad cusub. Waxaa la handsayaa muuqaal, sawir ama cod, si qof ama koox loogu weeraro, ama dadyow loo marin habaabiyo. Baraha Bulshada Soomaalida, waxaa kusoo xoogaysanaayo muuqaallo lagu sameeyay AI, taasoo ay qaar badan xanbaarsan yihiin anshax darro, qaar kale lagu beegsanaayo siyaasiyiinta. Muuqaallada lagu sameeyo AI, ee aad qaarkooda ka yaxyaxdo, waxay muujinayaan burbur akhlaaqeed, waayo; weel kasta waxa uu bannaanka keenaa waxa dhexdiisa ku jira. 

Dunida waxaa xilliyo kala-geddisan soo maray olaleyaal wacyiga bulshada lagu xoojinaayo, sida akhris-qoraalka, iyada oo goor danbe ay soo shaacbaxday u-aqoonyeelashada dhijitaalka (Digital Litteracy). Maanta dunida waxay u qeyla-dhaaminaysaa u aqoonyeelashada AI (AI Litteracy); oo ah u olaleynta awoodda uu qofka u yeelan karo fahmidda, adeegsiga, iyo la-falgalidda barnaamijyada ku dhisan AI-ka. Dalal badan, sida Maraykanka, Jarmalka, Finland iyo China, waxay garowsadeen baahida in dadka da’da ah lagu taageero la qabsiga AI, taasoo ay dadaal ku bixinayaan abuuridda barnaamijyo fudud oo taageeri karo dadka waaweyn. Haddaba, majaal kasta oo aad ku jirtid waa inaad AI-ka u aqoon-yeelatid, ugu yaraan in baahidaada kaafin karto, oo adiga iyo AI marna la idin dhaxaynin. 

Ugu danbayn, baraarugga aroor hore ayaa ka qumman inta aad soo baraarugi lahayd mar ay xero iyo fandhaal kala dhaceen. Iskuday inaad la haysatid hareerahaaga, oo dhinac ka raac hirka AI. Ujeedku ma ahan inaad is-dhiibtid oo uu AI ku hago. Xikmaddu waa inaad adigu adeegsatid oo aad noloshaada ku fududaysatid, oo uu ku caawiyo. Waa inaad kaashatid oo aad adigu jihaysid, kan gaashaamatid inuu garashadaada cuuryaamiyo.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *