GORFEYNTA BUUGGA QAB IYO QUURSI
W.Q. Abdullahi-Dayib Mohamed
Aniga oo aan in muddo ahba akhrin sheeko-faneed af-Soomaali ku qoran, sababtuna tahay inaan beryahaanba aanan il saarin sheeko-faneed macno leh oo i xiiso gelisa, keliyana ay ii joogto sheeko-faneedyada Maanafaay, Aanadii Nageeye, Ayaandaran iyo Adeegto, ayuu Buuggaan QAB IYO QUURSI gacanteyda soo galay. Sheeko-faneeddaan, waxaa qoray wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya; Cabdi Faarax Juxa. Runtii buuggani waa sheeko-faneed xallad iyo xiiso gooni ah leh. Ku dhowaad soddon sanno ka hor ayey billaabatay qorista sheeko-faneeddaan xiisaha badan, halka ay markii ugu horreysay afar iyo toban sanno ka hor soo baxday. Aniga oo aan buun-buunin sameyneyn, si heer sare ah ayuu ugu hagar baxay Juxa falkinta sheekadaan. Awooddiisa farshaxannimo iyo kartidiisa sheeko curineed ayuu kusoo gudbinayaa buugga– waxa aadba mooddaa, in uu akhristayaashiisa ku walacsanayo oo uu leeyahay “Sidaas baan wax u qoraa oo hibadeydu halkaas ayey gaarsiisan tahay ee ogaada!” Dhab ahaantii, Juxa caalamka khiyaal-sawirista iyo soo gudbinta sheeko-faneedda, meel sare ayaa uu ka joogaa.
*****
Qab iyo Quursi waa buug ka hadlaya xaaladda murugsan ee Soomaalida. Waa buug isugu jira sooyaal-tebin, dhaqan-falkin, Adduun-maris iyo sharxidda waxyaabaha dowlad bur-burka keena. Xaaladahaas murugsan ee uu buuggu ka hadlayaahi, oo uu qoraagu si falsafadeysan wax isaga weydiinayo mar walba, waxa ay kasoo billaabaneysaa maalintii ay dad Soomaaliyeed isku dayeen iney sharcigii iyo dastuurkii umaddu ku heshiiyeen ka boodaan ee mid ay iyagu leeyihiin jeebka kala soo baxeen. Maalintii askari aamminsan in qori caaraddiis wax lagu xalliyo, uu xukunka dalka la wareegay– taas oo keentay in ku-tagri-fal awoodeed dhaco oo ugu dambeyntii bur-bur ummadeed kusoo biyo shubatay. Koombe oo ah jilaaga ugu weyn ee sheekadaan ku jira, waxa uu kusoo indho qaadayaa xukunka noocaas ah. Waxa uu la yaabayaa sida dadku uga dambeeyaan oo ay Ilaah-yarah uga dhiganayaan horjoogaha xukunkaas. Dadka oo dhami ereyga AABBAHA UMADDA SOOMAALIYEED ayay ku wada hadaaqayaan, halka qaar kalana taabacsan yihiin se ay hoos ka neceb yihiin.
Cabburintii uu la yimid maamulkii talada xoogga ku qabsaday waxa ay ugu dambeyntii keentay sida buugga ku xusan; in fallaagooyin dowladda la diriraya abuurmeen—maaddaama ay dowladdii noqotay mid umadda cadaab ku heysa. Koombe oo weligiisba ahaa nin keenadiid ah, yaraantiisiina kusoo koray nolol qarda-jeex ah lana yaabbanaa hab-dhaqanka keligii taliska waddanka xoogga ku heystay, ayaa baxaya oo fallaago dowladda kasoo horjeedda ku biiraya. Waa nin aan weligiis qori gacantiisa saarin inuu dagaal galo, oo uu dowlad la dagaallamo iskaddaaye. Isaga oo yar oo reer guuraa iyo xoolo raacato iska ah, ayuu ururkaas ku biirayaa. Itoobiya ayuu tegayaa oo uu kasoo dagaal gelayaa. Nolol adag oo xabbadda iyo baaruudda sunta badani joogto ka tahay, ayuu gelayaa. Noloshaas adag ee jabhadnimada ah, sida uu ugu jiro ayuu halmar wax aan fasax lagu sheegi karin helayaa. Fasaxaas yar tumasho iyo naago la seexasho inuu ku qaato ayuu go’aansanayaa.
Koombe waddanka wuu isaga baxayaa oo dibadda ayuu gelayaa. Nolol middii hore kasii adag oo qaxootinnimo ah ayaana u billaabaneysa. Soomaalidu waa iyada tiraahdaa “Dal aadan lahayn waa dareen ku joog” sidaas ayuu noqonayaa oo dareen ku joog ayuu iska ahaanayaa. Dhibtaas waxa ku kallifayaahi, waa dhib ka dhashay xukun marooqsigii dalka ka dhacay. Inta uu dibadda joogo, ayuu mar kale caalamkii dumar-la-tumashada gelayaa. Gabadhii ugu dambeysay oo xiriir jaceyl dhex maro waxa ay ku kala tegayaan asalnimadiisii dhaqanka Soomaalida kasoo raacday. Gabadhii uu jeclaa waxa ay ku naceysaa inuu yahay nin badaw ah oo aan aqoon sida dhaansiga iyo niikada loo dheelo!
Waxa uu Juxa sheekada noogu soo tebinayaa sida ay u ad-adag tahay una qallafsan tahay dabciga qofka Soomaaliga ah, isaga oo sheegaya in aan qallafsanaantii dowladnimada la soo galnay. Juxa waxa uu cod dheer ku caddeynayaa in; Soomaalida hormuudka ka ah arrimaheenna, aysan jirin wax celinaya iyo sharci ay xeerinayaan toonna. Waxa uu sheegay in ay Soomaalida mar walba hoggaan u noqdaan rag uu ugu yeeray Sarrif-doon iyo Saldanad-doon, kuwaas oo ku sifoobay xil-u-cararid iyo xoolo-la-cararid.
*****
Waxaa jirta dood weyn oo uu qoraagu qabo. Waa in aysan waxba isdhaamin dowladdii keli-taliska ahayd iyo jabhadihii la dagaallamayay. Waxaa Juxa buuggiisa laga dhadhansanayaa; in aysan jabhaduhu aqoon waxa ay u dagaallamayeen oo ay u duminayeen dowladdoodii keligii taliska ahayd. Sababtu tahay, malahayn hadaf ka dambeeya oo ay hiigsanayeen. Ma aysan aqoon waxa ay sameynayaan haddii ay talada ka xoogaan dowladdii dalka maamuleysay. Intaas uun ma ahan e’ waxa ay ahaayeen kuwo cabburinta iyo boobka dadku ku weyn yahay sida uu taliskii ay kasoo horjeedeen ahaayba. Dumar ayey kufsan jireen, askari kamid ah haddii uu khalad yar galo tiirka ayaa la geynayay. Sidaas ayey u tacaddi badnaayern– sidii dowladdii kacaanka. Dooddaanu waa mid weyn oo ay dad badani qabaan.
Koombe, oo sida aan soo sheegnay ahaa jilaaga ugu weyn ee sheekadaan ku jira, ayaa mar uu tumasho iyo naago raadsi u baxay intii uu fallaagada ku jiray, la kulmaya gabar Soomaali ah oo Itoobiya dhillaysi iyo iney jirkeeda ka ganacsato u joogta. Gabadhaasi sheeko xanuun badan oo uu la murgay ayey uga sheekeyneysaa. Waxa uu weydiinayaa sababta ku kalliftay iney Itoobiya tumasho u timaaddo? Waxa ay u sheegeysaa in nin ay isjeclaadeen deedna uu guursaday. Ninkaasi fallaagada uu Koombe ku jiro ayaa uu xubin ka ahaa. Waxa ay tiri “Markii ninkaas fallaagada kamidka ah aan isguursannay, aabbahey wuu i deyriyay, dowladdiina markii ay ogaatay in nin fallaagada kamid ahi i guursaday, aabbahey ayaa ay xireen oo sidee gabadhaada nin fallaago ahi u guursan karaa ayaa lagu heystay! Waxaa jirta musiibo i qabsatay oo ahayd in fallaagadii uu ka tirsanaa ninkaygu ay isla iyagii iga dileen. Sababtu tahay, sharci iyaga u yaalla ayaa ahaa; in uusan askari jabhadda ka tirsani guursan karin beddelka guurkana ay tumasho tagaan. Sidaas daraaddeed; waxaan go’aansaday inaan anigu shaqeysto, waxa keli ah ee aan ka shaqeysan karaahina waa jirka aan leh yahay: Waa ka ganacsiga labadeyda lugood dhexdooda!”
Ugu dambeyntii waxa uu qoraagu buuggiisa kusoo geben gebeynayaa aragtida LABA-BOGLEYNTA MAXBUUSKA(The prisoner’s Dilemma) oo uu kasoo xigtay buugga Ethicks: Inventing Right and Wrong oo uu qoray faylasoofka reer Australia ee John Mackie. Aragtidaan Laba-bogleynta maxbuuska, ayuu ku sharxayaa ismaandiidka Soomaalida dhexdeeda yaalla. Waxa uu sheegayaa sida laba-bogleyntu, Soomaalida ugu badan tahay oo iyagoo danta guud wada ilaashan kara uu midba midka kale difaac uga gelayo, halkaasna wax la’aan ku wada noqonayaan oo ay danta guud ku wada weynayaan!
Qof wal oo fursaddu u fududeyso, maqaaddiirtuna u qorto inuu buuggaan helo, si weyn ayaan ugu soo jeedin lahaa akhrintiisa. Runtii inta sideyda oo kale sheeko-faneedda Soomaalida ka niyad jabtay, ayuu qalbigooda qoynayaa oo u sheegayaa iney jiraan rag farshaxankooda iyo khayaal-sawiristoodu, ay sarreyso oo lagu tashan karo. Si yar oo fudud ayuu innagu leeyahay “Ha niyad jabina. Waayo dad wax xiiso leh idiin curin kara ayaa weli idiin joogee
