W/Q: Siciid Maxamed Axmed (Carafaat)
Riyo ka bilaabtay jidadka Muqdisho, loogu kala safray Hargaysa ilaa Jabuuti, Bayjiinna calanka Soomaaliya looga lulay. Riyo lala dhex jibaaxay buuralayda Itoobiya, midda Suudaan, saxaraha Liibiya iyo xeryaha Magafe, ugu danbayna badda maddoobi jiraalkeeda soo gebagebaysay. Kaalay, aan dib kuugu celiyo kow iyo labaatankii bishan Sibteenbar, habbeenkii filmka Saamiya laga daawaday Muqdisho, hoolka Faynuusna ay soo camireen dhallinyarada iyo cirooluhu. Habeenkii ay Faadimo Calimaad iyo kooxdeeda Arlo Space ay shaashadaha soo saareen ruux hal-adayg, karti, mintidnimo iyo naf-hurnimo ku sifowday. Labaatan iyo kow jir sooyaalku ku xardhay far waawayn, sadarada taariikhdana ku gashay halgan iyo harjad nololeed, geesinimadeedana lawada qiray, sheekadeeduna qaaradaha ka gudubtay, taas oo afaf kala jaada lagu xardhay. Ruux u dhug yeelatay guuxa dhallanka ah (fidrada) ee gudeheeeda xadantaynaya, iska diiday inay iska gawaanraacdo, oo noqoto asal raac u xidhxidhan caado dhaqameedka bulshadeeda, shakhsiyad u laylsami wayday soojireenka bulshadeedu u lug xidhan tahay, kasmadeeduna u diiday in la dhalanrogo, oo ay noqoto ismalurto gacmaha taagta.
Sidii ay Najma Raage filimka uga afeefatay, “Akhristaha dhabta ahi filimku kuma filnaan doono, illaa uu akhriyo buugga laga qoray.” Aan aniguna oodafaha u dhigto, haddaba sadaradan hoose ma aha sooyaalka Saamiya oo dhammaystiran, mana aha xogtii filimka oo aan soo guuriyey, ee waa dulmar guud oo aan dul kaxaadin kuugu samaynayo sheekada Saamiya, mar waxaynu isla tegaynaa shaashaddii horteeda, markalena kaydadka orodyahannada laga dhiteeyey, ee mareegaha baraha bulshada loogu tegayo.
Hoolka aynu hore u galno oo shaashadda saani u eegno, gabadhaa cod laliyaha haysa ee stage-ka taagan, gacantana ku sidata tiishka, si ay isaga tirto ilmada ay ogtahay inay u daadin doonto markii ay dubaaaqeeda dib ugu celiso xasuustii jaalkeedii ay safarka tahriibta wadagaleen. Najma Cumar, saaxiibtii Saamiya ay wada rafiiqeen, waa iyada midda cod laliyaha wadata, iyadaa noo waramaysa oo ilmaynaysa. Illinteeda ayaa ila cuslaatay, sababtaas ayaan kuugu soo werinayaa dhacdadan dhinbiliisha ka kulul. Dawyada Muqdisho iyo derbiyada Boondheere waxay tebiyeen gabadh yar oo xanbaarsan riya ummadeed, gaws danbeedkana ku haysata hadalkii Najiib Maxfuud ee ahaa, “Caqabadaha iyo dhicitaanka kama baqo, intaan gudaha naftayda ka heli karo xoog aan mar kale ku kaco”, orodyahanad ku himiloonaysa inay xambaarto sharafta dalkeeda, barbaar la kacaantay yool cad iyo xidig kasoo iftiintay mugdi. Tallaaba kasta oo ay qaado waxay ahayd madhax reebayey xusuus, orodkasta oo ay samaynayso wuxuu rajo u abuurayey waddan colaaduhu ragaadiyeen. Waxay ruclaynaysay dhabbooyinka iyo jiirooyinka Muqdisho iyada oo naawilaysa in ay ku orodo garoomada orodka ee aduunka. Waatan Saamiya waxay dhexmaraysaa Bayjiin oo lagu ballansan yahay tartankii olombikada caalamiga ah ee 2008, durba foolkeeda waxaa laga akhrisanayaa siday ula dhacsan tahay saraha dhaadheer ee fatuuradu la hoos ordayso, waddooyinka quruxda iyo dhaldhalaalka isugu faanaya, waxaan is waydiiyay bal tolow in maankeedu Muqdisho horkeenay? Ma xasuusatay qolkeedii duugga ahaa ee biladihii Muqdisho iyo Hargaysa ay kasoo xantoobsatay surnaayeen? Miyuu kaydkeeda xusuuseed dib u daawisiisanayaa burburkii waddooyinka, daarihii dunsanaa ee ay dhex carari jirtay, iyo jiingaddii ay iyadoo gurguurnaysa ka dusi jirtay si ay gudeheeda ugu tababarto? Ma ogi! Aan ku geeyo garoonkii oradka, waa toddoba iyo tobon jir, markaynu kasoo tirino tirsiga taariikhda ay dhalatay oo ku aadan 1991, aan helin tababar tayo leh, kabaha ay ku ordaysaa tabal yihiin, weliba tabal duug ah. Haddii aynu wax yar dib u noqono, waatay Weris Diiriye gabadh u geysay Saamiya, markii ay Bayjiin timi, gabdhiina u tilmaantay kabo, waatii Saamiya intay farxad la kala badatay kabihii ku booday, oo malaysay inay leedahay, “Kabuhu ma cusba, anniga ayaa leh, markaad ku orado iisoo celi” sidan waxaa ku tiri gabadhii ay qolka ugu timi. Gabadhii yarayd ee Muqdisho kasoo duushay, waxay dhex taagan tahay garoon wayn, oo halqiga joogaa tirabeel yahay, midkastana calan ruxayo, una hamuun qabo in biladaha tartamayaasha la siin doono uu haabto, orodyahan waddankiisa metalaya. Siidhigii baa la yeedhiyey Saamiya waxay dhex ordaysaa tartamayaal sannado la diyaarinayey, muruqooda iyo maankoodaba la maalgeliyey, waa taas oo safka gadaasha ka martay, xariiqdiina waa horeba la gaadhay, waase u guul barbaartaa yar ee boggeeda xataa aan laga fekerin.
Muqdisho ayaynu dib ugu duulaynaa, warkeedii albaabkasta wuu garaacay, gurikastana wuu gaadhay, qofkastana hadda wuu garanayaa, iyadase warkaasi waa u dhiilo, riyadeeda uma wanaagsana, waa tan saqdhexe gurigeedii soo gashay, boqshada cad ee daaradda dhextaala ayaa dareen gelisay, su’aala ku abuurtay, markayse soo qaaday ee madaxa kor u qaaday, waxay isha ku dhufatay Cali, waa jaalkeedii ciyaalnimada iyo tababarheedii u horeeyey, waxaase kala geeyey colaadii dumisay Muqdisho ee ay wehelka la ahaayeen.
Ilbidhiqsiyo dib inoo celi, aynu dib tareenka ugu raacno sannado tegay oo xidhiidh la leh Saamiya iyo ninka warqadda soo diray ee Cali. Waa subax hore, Saamiya iyo Cali sidii caadada u ahayd waxay u baxayaan waxbarashadii, waa dhallaan oo saani uma socon karaan, waa inay gubaan tamarta ku kaydsan, ee ay ugu danbaysay canjeeladii ay saaka soo cuneen, tartankii Saamiyaa dheeraysay, gabdhihiina guushii Saamiya wadajir bay ugu farxeen, wiilashiise jab baa soo gaaray, oo way is hiifeen, Calina indha kulul bay ku eegeen, xataa daawadayaasheenii filinka waanu kala safanay! Xiisadihii dhammaade lana soo gurya noqoy, Cali iyo Saamiyana way isasoo daba luudeen, maantase jaalkeedu wuxuu qiray inay tahay orodyahanad, isaguna tababaraheeda ayuu isu diyaariyey, “Waxaan go’aansaday inaan joojiyo orodka, adigu waxaad tahay hiboole, ciyaaryahan kastana waa ku waajib inuu helo tababare, haddii aan noqon wayey orodyahan, waxaan go’aansaday inaan noqdo tababarahaaga.” Caawase tababaraheedii hore wuxuu wadaa hadal uurkutaala ku ah Saamiya, “Hadda iyaga ayaan ka tirsanahay, waxbase kama ogi dilka aabbahaa” waa amankaag iyo af kala qaad, waa dhabannahays, la jirkeedii koowaad ayay weedhahaas ka dhegaysanaysaa, “Lacagtan qaado halkan isaga tag …Waan daawaday tartankaaga hajoojin.” Intan ayuu Cali ku sagootiyey saaxiibtii oo dib ugu soo laabatay Xamar!
Aynu niraahno Saamiya waxay lahayd hibo lagu ladhay aaminaad dhab ah, oo maankeedu wuxuu u carbisnaa in dedaalka, tababarka iyo joogtayntu asal u yihiin riyooyinka galgalanaya kasha qofka, waaba noocii ay Dr. Carol ku tilmaantay buuggeeda The Mindset ee lahaa maan-araga koran, tan waxaynu ka akhrisanaynaa siday isaga dhega tirtay ugana gows adaygtay fariimihii ugasoo lallayey aragagixisada, safarkeedii rajada iyo u jidbixinta hiraalkeeda ee Itoobiya, dawaarlaydii aroortii irbadda tolliinka jaalka la ahayd, fiidkiina u guclayn jirtay tababarka, ma ku sifaynaa weedhii uu mar Elon Mask naftiisa ku tilmaamay ee ahayd, “Caqliyadaydu waa sida caqliyadda askariga samoorayga ah [Samurai]¹, isdilka ayaan ka doorbidaa guuldarada” mise ereyadii carabkeeda laga tebiyey ee ahaa, “Soomaali haddaanu nahay dib ma eegno, hore ayaan u soconaa.” Mise waxay raadguraysaa weedhihii u danbeeyey ee aabbeheed markuu iilanayey ku sagootiyey, “Waxaad tahay dagaalyahanad yar oo daba ordaysa xorriyad, awooddaada gaarka ah marka loo eegona ummad dhan ayaad hormuud u noqon karaysaa.” Mise waa darkii Jabraan Khaliil Jabraan, “Inta qofku u adkaysto xanuun badan, ayay noloshu macne qoto dheer qalbigiisa ku yeelataa.”
Liibiya, Magafe ilaa badda madow waa cabsi ay ka waheshanayso dardaarankii aabbeheed ee ahaa, “Ha i oran waan cabsanayaa weligaa! Haddii kale waxa ku baqdin gelinaya wuu ku burburinayaa ilaa uu kaa takhaluso.” Silic iyo saxariir kasta oo ay dhex gurguurtay, dhibkasta oo dhaayaheedu qabteen, waxaa uga waynaa dareenka ay xanbaarsan tahay iyo riyada kawayn ee ay qalbigeeda ku ilaalisay. Waxay u dagaalmaysay oo diifta ugu adkaysanaysay inay calanka Soomaaliya markale ka lusho tartanka Olombikada ee 2012-ka.
Waxaa lasoo gaadhay dhammaadkii daawashada, hoolku waa jabaq la’aan, qofkasta daango (salool) uu gacanta ku haysto ayuu hadba midh si taxadar leh ula soo baxayaa, Saamiya iyo saaxiibteed waxay fuuleen doontii waxayna u jihaysteen Talyaaniga, qofkasta cabsi baa u bilaabatay, madowga badda, doonta yar ee tirada dadka ah ka dhookaysanyihiin, rajadana ka qaba nolol dhaanta tii ay kasoo hayaameen, waxaa afka la saaray jid hubanti la’aana, waxaase wax kasta is bedeleen goortii Matoorkii xumaaday, doontiina badda dul sabaysay, tahriibayaashu waa raja sugayaal, oo noloshooda rajo kama dhammaato, intayada daawanaysaa waxaanu rabnaa inay Saamiya iyo asxaabteedu badbaadan! Halkaa aan kugu celiyo markaan Boondheere Bajaajta kasoo raacay, waan garowsanaa inaan daawanayo filim laga sameeyey xidigtii dhulka ee baddu cuntay, welise daqiiqadahan rajaan qabaa, oo waxaan isleeyahay qoraaga filimku muxuu u badbaadin waayey, sidii qoraaga buugga Non dirmi che hai paura—Don’t Tell Me You’re Afraid— لا تقولي إنك خائف— Ha i oran waan cabsanayaa², ee Giuseppe Catozzella u badbaadiyey. Markabkii soo muuqday wuxuu usoo tuuray shaabuugii dabaasha, Saamiyana badday isku tuurtay, dhammaantayo waxaanu dhawraynaa inay shaabuugga gaadho, maxaase dhacay! Way quustay oo badda gunteeda ayay u socdaashay, rajadii waa soo af-jarantay, tareenkii aanu saarnayn wuxuu soo gaadhay boosteejadii, shaashadii waa madoobatay, dadkiina sacab ayay ku sagootiyeen.
Aan soo gebagebeeyee, waxaan kusoo xidhayaa intay Nasra Nuux ugu ducaysay, kuna samirsiisay oo ahayd, “Saamiyaay naxariis iyo nabad ku led. Waxaad ahayd bir finiin ka hadhay iyo halyeeyad is dhiibi wayday. Balse, waayaha iyo nolosha arxanka daran ee aan kuwa itaalka daran u tudhin ayaa kugu itaalsaday. Waad nagu dhexnooshahay oo hubaal lagu hilmaami maayo. Halganka iyo mitidnimada ayaad astaan u tahay.” Aniguna waxaan ugu darayaa, “Rabbiyow darkii nebiga ka durduursii, diif la’aanna daarihii jannada dugaal uga dhig.”
———————
1. Waa magaca la siiyay dagaalyahanaddii hore ee Japan. Erayga “samurai” afka Japanese ka wuxuu la macna yahay “mid naftiisa u huray u adeegidda.
2. Najma Raage ayaa afkeena Soomaaliga usoo rogtay buugga laga qoray Saamiya, welise maktabadaha ma soogaadhin, waxaase la sugayaa waqti dhow.
