Falanqeyn: Xeel-dheerida Qoraal ee Suuratul Yuusuf

Falanqeyn: Xeel-dheerida Qoraal ee Suuratul Yuusuf

Qore: Cabdullaahi Janno, Email: Abdullahi.Janno@gmail.com

Quraanka Kariimka ah cajaa’ibtiisa waxaa ka mid ah in lagu sifeeyay mid aysan culimadu ka dhergin.  Jiil walba arrimo cusub oo waqtigooda ku habboon ayay kala kulmaan.  Sidaa la ajligeed, Aayadda 67-aad ee Suuradda al-Ancaam ku jirto [لِّكُلِّ نَبَإٍ مُّسْتَقَرٌّ ۚ وَسَوْفَ تَعْلَمُونَ] waxay qaar culimadu ku fasireen inay tahay in si tartiib tartiib ah waqti walba loo ogaan doono qabar ama war uu Quraanku horey uga sii hadlay.  Xilligaan casriga ah ee ay tiknoolijiyaddu horumartay waxaa la ogaaday arrimo badan oo uu Quraanku horey u xusay: dhanka abuurka iyo uur-ku-jirta; dhanka xiddigaha iyo hawada; dhanka diirka iyo kala duwanaanshaha faraha dadka; dhanka sayniska dhulalka iyo buuraha; iyo arrimo badan oo aan weli la ogaanba maadaama uu waqtigoodu dhiman yahay.  Quraanku wuxuu oranayaa Ilaah shay ugama uusan tegin Kitaabka (Suuratul Ancaam, Aayadda 38-aad).  Bal aynu is dul taagno nooc ka mid ah farshaxanka qoraal iyo sida uu Quraanku u soo bandhigay.

Xasuuso Suuraddii ugu horreysay ee Quraanka la soo dejiyay waxay isku lamaanisay labo arrin oo aan kala harin: qoraalka iyo akhrinta—(“Iqra”; “Qalam”).  Cid wax qortana waxaa ugu horreeyay Nebi Idriis—calayhi salaam.  Haddaba maadaama uu Islaamku ahmiyad weyn siiyay qalinka iyo xirfadda qoraalka, bal waxa aynu curiskaan dhexdiisa ku faaqideynaa qeyb aan aalaaba laga hadlin: Xeel-dheerida qoraal ee Suuratul Yuusuf iyadoo la eegayo cilmiga casriga ah ee maanta laga yaqaano qoraalka. Waxaa qoraalka suugaaneed lagu miisaamaa dhowr aaladood oo ay ka mid yihiin: silsiladda ay qisadu ku socoto; dadka jilaya qisada; daadihiyaha qisada; angalka ama jihada laga tebinayo sheekada; goobta iyo xilliga qisada; inta ay la’eg yihiin caqabadaha iyo is-jiijiidka ka dhex aloosan qisada; iyo dulucda qisada.

Hayeeshee inta aynaan qodabadaan u guda-gelin, bal aynu si kooban isu dul taagno taariikhda qoraalka sheekada gaaban.  Qaabkan cusub ee loo qoro sheekada gaaban kama da’ weyna labo qarni.  Hal waddanna looguma abtiriyo—inkastoo lagu doodo in uu dalka Mareykanku qeyb libaax ka ciyaaray hormarinta farshaxanka sheekada gaaban.  Adduunku wuxuu aad u yaqaanay buug dhammeystiran oo la qoro (sida noofallada).  Hayeeshee in sheeko gaaban la qoro waa arrin dib ka timid.  Waddamo dhowr ahna hal mar ka wada hana qaadday.  Faransiiska waxaa sheekada gaaban hormuud uga ahaa Guy de Maupassant; Ruushka, Anton Chekhov; Mareykankana, Washington Irving.  Qofkii ugu horreeyay ee la yiri wuxuu qeexay sheekada gaaban waa qoraaga Mareykanka ee Edgar Allan Poe.  Wuxuuna ku qeexay inay sheekadu tahay mid is leh, oo is xoojineysa, oo billow illaa dhammaadba aan is diidaneyn—laguna akhrin karo nus saac illaa iyo labo saac inta u dhaxeyso. 

Wuxuuna ku qeexay inay sheekadu tahay mid is leh, oo is xoojineysa, oo billow illaa dhammaadba aan is diidaneyn—laguna akhrin karo nus saac illaa iyo labo saac inta u dhaxeyso. 

Igu celi Quraanka. Billowga Suuratul Yuusuf wuxuu Ilaah Weyne inoo ballan qaadayaa in la inoo soo bandhigi doono “Axsanal qasas”—ama qiso la akhristo midda ugu fiican. Haddii uu Ilaah sidaa inoo ballan qaadayna ruuxa Muslimka ahi wuxuu yaqiinsanayaa in ballan-qaadkaasi uu macne weyn ku fadhiyo.  Runtiina markii qisada Nebi Yuusuf la akhriyo, waxaad garowsaneysaa in uu Ilaah yahay Run Badane, Cilmi Badane, Xikmad Badane, iyo sifooyin kaloo qaas Isaga ku ah.

Runtiina markii qisada Nebi Yuusuf la akhriyo, waxaad garowsaneysaa in uu Ilaah yahay Run Badane, Cilmi Badane, Xikmad Badane, iyo sifooyin kaloo qaas Isaga ku ah.

Qisadu waxa ay ku billaabatay aalad qoraal oo xilligan casriga aalaaba la isticmaalo, afka qalaadna lagu yiraahdo foreshadowing—macnaheeduna uu yahay in akhristaha aad siisid qabar kooban oo lagu saadaaliyo arrin ka soo dhex muuqan doonto dhammaadka qisada.  Haddaba qabarka kooban ee billowga qisada laynagu siiyay waa riyo uu Nabi Yuusuf—calayhi salaam—ku riyooday ee ah kow iyo toban xiddigood oo isaga u sujuudeyso, iyo dayaxa iyo qorraxdaba. Markii la dhammeeyo akhrinta Suuradda, waxaad arkeysaa in isla riyadii lagu soo celiyay oo la inoo fasiray: qorraxda iyo dayaxu waa waalidkiis, xiddigahuna waa walaalihiis. Taasi waa nooc ka mid ah noocyada ugu heerka sarreeyo ee qoraal loo agaasimo. Riyadii ay ku billaabatay ayaa dhammaadkii lagu soo celiyay, oo layna xasuusiyay—sidoo kalena laynoo fasiray.  Cajiib!  Waana Suurad la soo dejiyay 14 qarni ka hor.  Mar kale waxa ay qisadu ina xasuusinaysaa in uu Ilaah yahay Suureeye ay naqshad walba Isaga ka soo askunto—cilmigiisana uusan xad laheyn.

Haddii aan qodobadii kore ku soo noqdo, dhinaca silsiladda (plot) ay qisadu ku socoto haddii aan eegno, waa mucjiso kale. Qaasatan haddii la eego xilliga ay Suuraddan soo degtay oo ah afar iyo toban qarni ka hor.  Silsilad waxaan ka jeedaa sida ay dhacdooyinka qisadu isugu wada xiran yihiin (qaasatan dhacdaba inay dhacdo kale sabab u noqoto).  Cilmiga maanta jira ee qoraalka sheekada gaaban lagu falanqeeyo da’diisu waxaynu niri waxay ku siman tahay labadii qarni ee la soo dhaafay. Marka ma jirto cid oran karto Nebi Muxammad (sallallaahu calayhi wasallam) ayaa soo minguuriyay qisada Nebi Yuusuf oo cid kale ka tixraacay. Cajaa’ibta kale ee meesha ku jirto baa ah in Xabiibkii Ilaah uusanba waxna qori jirin, waxna akhrin jirin—isagana arrinkaasi sharaf bay u aheyd.

Haddaba sideedaba silsiladda ay qisooyinku ku socdaan maxay kala yihiin?  Victoria Lynn Schmidt buuggeeda Story Structure Architect waxay ku soo uruurisay kow iyo toban qaab oo ah qaababka ay u kala baxaan silsiladaha ay sheekooyinka ugu tayada sarreeyo ku saleysan yihiin.  Fahankayga, silsiladda ugu dhow ee uu ku saleysan yahay qoraalka Suuratul Yuusuf waa mid ay Victoria ugu yeerto “roller coaster.” Taa macnaheedu waxaa weeye in markii aad is tiraahdidba sheekadu way istaageysaa oo meel ay ka hoobato (climax) ayay gaartay, misana waa tan iyadii oo karaar qaadatay—waa mashaqo ay mashaqo kale ka danbeyso illaa ay sheekadu hal dhinac ugu wada soo hoobato, akhristahana ay uga tagto xasuus qoto dheer.

F.G.: Shaxdaan haddii aad u fiirisid, qisadu billow ayay leedahay (waxayna ku billaabatay qoyskii Nebi Yacquub oo layna barayo).  Dhexda waxaa ku jiro caqabado iyo jarribaad isku wada taxan oo uu marayo Nebi Yuusuf.  Dhammaadkana waa markii uu Nebi Yuusuf ku guuleystay imtixaanka, reerkiisana uu Masar u soo rarayo isagoo wasiir ah.

Bal eeg Nebi Yuusuf iyo mashaqooyinka uu la kulmay noloshiisa: walaalihiis ayaa shirqoolay; ceel bay ku rideen; dad socdaal ahaa oo uusan garaneyn ayaa badbaadiyay, balse suuqa ayay iib u geeyeen; xoogaa nolol qabow markuu galay misana waa tan ay damacday xaaskii ninkii madaxda ahaa; wuxuu diiday dalabkeeda, ka dibna waa tii ay eedda dusha u saartay isaga, oo nabsatay; xabsi ayaa lagu tuuray; misana waa la soo daayay; saa walaalihiis ayaa yimid iyagoon garaneyn—wuxuuna kala haray walaalkoodii u yaraa; aakhirkii waa la isku wada wareeray ilaa Nebi Yacquub (calayhi salaam) ay murugadii wiilkiisii hore ay ku soo korortay murugo cusub oo ku aaddan wiilkiisa labaad.  Gabagabadii Nebi Yuusuf wuu cafiyay walaalihiis, reerkiisana wuxuu u soo raray Masar, waana tii la yiri wuxuu aakhirkii guursaday haweenaydii shirqooshay—Suleeqa.  Wuxuu isku helay labo jago: wasiirnimo iyo nebinnimo.

Dhanka kale, qisada Nebi Yuusuf waxaa garab socdo midda aabbihii ee Nebi Yacquub. Suuraddu waxay soo bandhigeysaa murugada iyo jaceylka uu Nebi Yacquub u qabo wiilkiisii la waayay.  Markii ay Suuraddu ku dheeraataba ka sheekeynta caqabadaha Nebi Yuusuf, waxay misana in yar inaga tustaa xaaladda cakiran ee uu ku sugan yahay aabbihii wiilka.  Marka inkastoo guud ahaan qisadu ay ku saabsan tahay Nebi Yuusuf, misana waxay qisadu soo bandhigeysaa lakab hoose oo ku saabsan aabbe hilow iyo xiiso u qabo wiilkiisa.  Aakhirkiina qisadu waxay isugu soo biyo arooreysaa oo isu keenaysaa aabbahaa iyo wiilkiisa kala maqnaa iyagoo wada noqday hal unug oo isleh—qaasatan markii uu Nebi Yuusuf soo raro waalidkiisa.

Haddaan u gudubno dhanka dadka ku jiro qisada (characters), waxay Suuraddu isla markiiba ina bareysaa in ay yihiin Nebi Yuusuf oo wiil yar ah, aabbihiisa Nebi Yacquub, iyo walaalihiisa.  Ronald Tobias buuggiisa 20 Master Plots wuxuu xusayaa in hab-dhaqanka jilayaasha qiso ama sheeko ay labo awood midkood uun salka ku hayso: forza—oo uu ula jeedo habdhaqan ku saleysan dirqin, xoog-sheegasho, muruq, iyo jajuubis; iyo forda—oo uu ula jeedo habdhaqan salka ku haya caqlicaqliyeey, sirsirasho, jar-ka-boodnimo, iyo maskax.  Qoraalka Suuratul Yuusuf labadaas awoodba waa ay ka dhex muuqdaan.  

Tusaale ahaan, wiilasha la dhashay Nebi Yuusuf waxay isticmaaleen labada hab-dhaqan ee forza iyo forda.  Markii ay isagii ceelka ku rideen waxay isticmaaleen xoog iyo waan-kaa-adkahay oo forza ah; markii ay aabbahood u yimaadeense waxay isticmaaleen caqlicaqliyeey iyo is bihin bihin iyagoo oranaya Yuusuf bahal ayaa cunay—waana tii ay tuseen khamiiskiisii oo dhiig leh oo forda ah.  Sidoo kale haweeneydii shirqooshay Nebi Yuusuf labada hab-dhaqanba way la timid.  Markii ay la keliyowday Nebi Yuusuf balse uu isagu diiday waa tii uu khamiiskiisii dhabarka ka jeexjeexmay xooggii ay isticmaaleysay dartii—awooddaas oo ah forza.  Isla markiise haddii lagu soo yaacay oo qolkii loogu yimidna waa tii ay isticmaashay caqlicaqliyeey iyadoo Nebi Yuusuf shirqooleyso—taasoo ah awoodda forda.  

Inkastoo uusan Nebi Yuusuf isticmaalin xoog-sheegasho iyo jajuubis bin’aadan, misana isaga qudhiisu waxay dantu ku kalliftay inuu isticmaalo kaarto iyo qiddad xikmadeysan si uu ula haro walaalkiisii ka yaraa.  Waa tii uu Nebi Yuusuf amray in weelkii wax lagu miisaamayay lagu dhex qariyo badeecadii walaalkiis—waana kaarto, forda.  Misana sidaas ay tahayna Nebi Yuusuf qasadkiisu ma aheyn dano-qaas ah iyo dulmi, ee waa arrin uu kheyr iyo dan guud ka raadinayay. 

Sideedaba markii laga hadlayo sifada qof ku jiro sheekada, sidee lagu bartaa shaqsiyadda qofka ay qisadu ka sheekeynayso?  Afar nooc ayaa lagu bartaa qofka ay sheekadu ku saabsan tahay.  Kow, qofka hadalkiisa (dialogue) iyo qaabkuu u hadlo waxay ka tarjuntaa shaqsiyadda qofka.  Labo, hab-dhaqanka (mannerism) qofka waxay ka tarjuntaa shaqsiyaddiisa.  Saddex, waxa ay dadka kale qofka ku sheegaanna waxay ka tarjuntaa shaqsiyaddiisa.  Iyo afar, waxaa kaloo shaqsiyadda qofka sheekada ku jiro lagu ogaadaa wixii uu inoo soo tebiyo daadihiya sheekada.  

Haddaba qoraalka Suuratul Yuusuf afartaas qaab waa ka wada dhex muuqdaan: kow, Nebi Yuusuf edeb-badnidiisa iyo run-sheeggiisa iyo cafiskiisaba waxaad arkeysaa markuu la hadlayo haweenaydii shirqooshay iyo walaalihiisii ceelka ku riday.  Hadal aan af-xumo iyo habaar aan toona aheyn ayuu kula wada hadlay—waxaadna qisada ku dhex arkaysaa xitaa Nebi Yuusuf oo Ilaah ku shukrinaya, kuna duceysanayo in lagu daro saalixiinta.  Labo, hab-dhaqankiisa inuu aad u fiican yahay—samir iyo dulqaadna leeyahay—waxaa la inagu tusay siduu u soo dhaweeyay, una cafiyay, walaalihiisa isla markaana uu waalidkii dhalay ugu baari falay, oo uu Masar u soo raray si ay isaga ula noolaadaan.  

Saddex, inuu Nebi Yuusuf wanaagsan yahay oo uu dadka ka qiimo badnaana waxaa inoo sheegtay haweenaydii isaga shirqooshay, oo tiri Yuusuf waa runlow.  Sidoo kale wiilashii xabsiga kula jiray, markii ay riyoodeen waa tii ay isaga u yimaadeen, kuna yiraahdeen Yuusufow nin muxsin ah oo wanaagsan baad tahayee bal inoo fasir riyadeenna.  Waxaa sidoo kale shaqsiyadda Nebi Yuusuf inoo sifeeyay haweenkii faraha iska jarjaray oo yiri kani bin’aadanba ma ahan ee waa Malag sharaf badan.  Waxaa misana wanaagga shaqsiyadda Nebi Yuusuf inoo caddeeyay boqorkii dalka xukumay isagoo leh Yuusuf la-taliye ha ii noqdo, oo waa nin aamin ah, sharafna leh.  Afar, waxaa kaloo shaqsiyadda Nebi Yuusuf inoo sheegay Tebiyaha qisada inoo daadihinayo, oo ah Ilaaha Weyn ee cilmiga u leh addoomihiisa.  Wuxuu Ilaah ku sifeeyay Nebi Yuusuf inuu ka mid yahay mukhlisiinta iyo muxsiniinta.

Wuxuu Ilaah ku sifeeyay Nebi Yuusuf inuu ka mid yahay mukhlisiinta iyo muxsiniinta.

Aynu u gudubno dhanka tebiyaha iyo daadiyaha qisada (narrator). Horta tebiyaha qisadan cid kale ma ahanee waa Eebbe Weyne, oo ah Ilaaha maamula oo ku tasarrufa nolosha koonkan.  Wixii ku dhacay Nebi Yuusuf Ilaahii qaddaray ayaa misana inoo soo tebinaya sheekadiisa.  Aayad Quraan baa aheyd yaa ka run badan Ilaah hadal ahaan [وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ اللَّهِ قِيلًا]—Suuradda al-Nisaa, Aayadda 122.  Markaa Ilaah sifadiisa runta aheyd ayaa ka dhex muuqaneyso gudbinta uu inoo soo gudbinayo qisada—waana sifada al-Caliim.  Taa macnaheedu waa in Ilaah uu si dhab ah u yaqaanno addoomihiisa uu Isagu abuurtay, xaalkooda, nolosha ku heeraarsan, iwm.  Sidaa awgeed, Ilaah mar wuxuu inoo soo tebinayaa murugada uu la indho-beelay Nebi Yacquub; marna shirqoolka ay maleegayaan wiilashiisa; marna imtixaanaadka ku dul socdo Nebi Yuusuf. 

Sidaa awgeed, Ilaah mar wuxuu inoo soo tebinayaa murugada uu la indho-beelay Nebi Yacquub; marna shirqoolka ay maleegayaan wiilashiisa; marna imtixaanaadka ku dul socdo Nebi Yuusuf. 

Haddii aan u gudbo angalka ama jihada qisada laga soo tebinayo (point of view), waxaa muuqato in qisada laga soo tebinayo jihada qof ka dhex baxsan jilayaasha sheekada.  Tebinta ka timaaddo cid aan ku jirin jilayaasha waa mid miisaan culus u yeesho sheekada—wayna ka qoto dheer tahay tebinta kale ee uu soo tebiyo qof ku jiro jilayaasha sheekada (tusaale, nooca tebin ee qof ka mid ah dadka jilaya sheekada sidan ayay u dhacdaa: “Magacaygu waa Xirsi.  Iskool ma dhigto.  Xirfad ma lihi.  Shaqo ma hayo.  Gabadhii aan guursan lahaana waxay igu xujeysay in dakhli i soo galo.”  Tebinta noocan ah waxay ka timid qof ka mid ah jilayaasha sheekada—cilladda ugu weyni ay yeelan karto waa qofkii wax tebinayay oo aanba ka warqabin xaalka ay ku sugan yihiin jilayaasha kale ee goobta ka maqan.  Cillad labaad baa ah in xitaa aan la isku hallayn karin oraahda qofkan. Ka warran hadduusan qofku ahayn Xirsi? Ka warran haddaysan jirinba gabar uu guur ka doonay? Dhanka kale, tebinta Suuratul Yuusuf waxay ka timid oo inoo sheegaya cid ka dhex baxsan dadka ay qisadu ka sheekeynayso, cid leh isku hallayn oo lagu kalsoonaan karo – waana Run-badanaha, Cilmi-badanaha Weyn ee kawnkan abuuray.

Tebinta Suuratul Yuusuf waxay ka timid oo inoo sheegaya cid ka dhex baxsan dadka ay qisadu ka sheekeynayso, cid leh isku hallayn oo lagu kalsoonaan karo – waana Run-badanaha, Cilmi-badanaha Weyn ee kawnkan abuuray.

                  Haddii aan u gudbo dhanka xilliga iyo goobta ay qisadu ka dhaceyso (setting), waxaa inoo soo baxeyso in ay tahay xilli hore iyo nolol qadiimi ah.  Waxaynu kale oo aynu arkaynaa in nolosha dadku ay kala duwaneyd xilligaas oo ay isugu jireen kuwo socdaal ahaa (oo ceelka ka soo bixiyay Nebi Yuusuf); kuwo xoolo-dhaqato ah (wiilashii la dhashay Nebi Yuusuf ee ari-jirka ahaa); kuwo xirfadley ah (dumarkii mindiyaha faraha isaga jaray; wiilkii loogu riyooday isagoo adeege u ah boqorka oo khamri u shubayo; iyo kuwo wax miisaama oo dadka magaalada yimaado wax u miisaamo); iyo kuwo dabaqad sare ah oo dawladda ka tirsan (boqorka, haweenaydii shirqooshay Nebi Yuusuf).  Waxyaalahaas oo dhan waxaa si xeeladaysan oo kala duruqsan loogu dhex xusay qoraalka Suuratul Yuusuf.

Haddii aan usii gudbo dhanka is-jiijiidka iyo xoogagga isku dhex herdinaya sheekada (conflict), waxaa jiro afar nooc oo aad u soo noqnoqda, la islana yaqaan suugaan ahaan.  Kow, qof dagaal la’ ah qof kale (man against man).  Labo, qof iyo bulsho is dagaalsan (man against society).  Saddex, qof dagaal kula jira isla nafsaddiisa (man against self).  Iyo afar, qof dagaal la’ ah awoodaha dabiiciga ah (man against nature).  Tiradoodu afar waa ay ka badan yihiin—oo waxay ku dhow yihiin toban—balse waxa aynu ku gaabsaneynaa afartaan nooc.  

Haddaba qoraalka Suuratul Yuusuf waxaa ka dhex muuqdo Nebi Yuusuf oo ay walaalihiis ceelka ku ridayaan—waana qodobka ah rag madaxa isla galay.  Misana waxaad arkeysaa Nebi Yuusuf oo nafsaddiisa xakameynayo oo taqwo iyo dhowrsanaan la yimid ka dib markii ay haweenaydii isaga damacday—waana qodobka ah qof la harjadaya nafsaddiisa.  Misana dhammaadka qisada waxaad arkeysaa Nebi Yuusuf oo ciilkiisa qarsanaya ka dib markii ay walaalihiis ku yiraahdeen hadduu wiilkan yar wax xaday, horay ayaa walaalkiisii Yuusuf wax u xaday—qarsashada uu Nebi Yuusuf ciilkiisa qarsanayo waa isla qodobkii ahaa qof la harjadaya oo xakamaynayo nafsaddiisa.  

Sidoo kale waxaad arkeysaa Nebi Yuusuf oo wiilashii xabsiga kula jiray ka waaninaya shirkiga iyo mugdiga ay bulshadu ku jirtay, isagoo leh hal Ilaah keliya ayaa xaq u leh caabudis—waana qodobka ah qof ka soo horjeedo caadooyinka lunsan ee ay bulshadu ku jirto.  Haddaba su’aashu waxay tahay, Suuradda ma ka dhex heli karnaa qof lid ku ah awoodaha dabiiciga ah (man against nature)?  Haa!  Boqorkii waa tuu ku riyooday riyo la fasiri waayay.  Markii Nebi Yuusuf oo xabsiga ku jiro loo sheegayna waa tii uu ku fasiray inay soo socdaan abaar socon doonto ilaa iyo toddobo sano—waana tii ay halkaas abaarta kaga badbaadeen boqorkii iyo dadkii uu xukumayay.  Intaan oo is-herdin iyo is-jiidjiid ah waxa ay Nebi Yuusuf ka soo saareen qof qibrad badan, noloshana si fiican u yaqaan, waxna hoggaamin karo.

Dulucda qisadu (theme) haddii aan u gudbo, runtii waa duluc nooga tageyso dhaxal anfac badan, lama illaawaanna ah.  Dulucda qisada Suuratul Yuusuf waa mid ay ku soo aruurtay akhaaq iyo hab-dhaqan ku dayasho mudan.  Meel waa sabirka iyo mirihiisa macaan.  Meel waa dhowrsanaanta.  Meel waa run-sheegga.  Meel waa cafiska.  Meel waa xasuusashada Eebbe Weyne.  Meel waa dhowrista dareenka qofka bin’aadanka ah.  Meel waa hoggaanka iyo ammaanada. Iyo in uu Ilaah wanaajin doono qofkii samaha falo.

          Gabagabadii, waxa aynu soo aragnay in qoraalka Suuratul Yuusuf ee la soo dejiyay 14 qarni ka hor ay ka dhex muuqdaan aaladaha gundhigga ah ee lagu miisaamo qoraalka casriga ah ee loo yaqaanno sheekada gaaban—aaladahaasoo si cilmiyeysan u soo xoogeystay labo qarni uun wax ku siman.  Su’aashu waxay tahay, aaladahaas maxaa loo dejiyay?  Jawaabtu waxay tahay aaladahaas waxaa loo dejiyay in lagu kobciyo tayada qoraalka iyo in isla markaana lagu miisaamo dheellitirka sheekooyinka ah qayaaliga (fiction).  Su’aal kale: qisada Nebi Yuusuf ma qayaali baa?  Maya, ee waa mid dhab ah oo dhacday.  Su’aal saddexaad: waa maxay ujeeddada laga leeyahay qorista sheekooyinka dhabta ah?  Jawaab: in xog iyo duruus lagala baxao.  Su’aal afaraad: haddaba aaladahaas ma loo isticmaalaa sheekooyinka dhabta u dhacay?  Jawaabtu waa aalaaba maya—oo sheekooyinka dhabta ah (nonfiction) ma ahan kuwo la mala awaalay, ee waa kuwo run ah.  Su’aal shanaad: sidee marka aaladahaas loogu cabbiri karaa qisada Suuratul Yuusuf ee dhabta ah? Jawaabta Aristotle ayaa loogu tagayaa—qaasatan buuggiisii Peotics.  

Wuxuu Aristotle yiri suugaantu waxay dhaadhaajisaa nolosha dhabta ah.  Wuxuu uga jeedaa, sheeko walba oo la qoro waxay fikir iyo fahamba kala soo baxdaa nolosha uu markaas qoraagu ku nool yahay—amaba uu naawilaayo.  Sidaa la ajligeed, sheekadii la qoraaba nolosha ayay un dhaadhaajisaa, balse sheekadu ma ahan run dhab ah, oo waa sheeko mala awaal ah—wax qiyaali ah ayayna run u ekeysiisaa si ay sheekadu u dhaadhaajiso nolosha dhabta ah.  Haddaba ka warrama qisada Suuratul Yuusuf?  Xaasha! 

Qoraalka Suuratul Yuusuf  waa mid mucjisadiisa leh.  Sababtu waxay tahay horta qayaali ma ahan, oo waa qiso dhab ah—misana waxay kulansatay aaladaha lagu miisaamo sheekooyinka casriga ah ee qarnigan iyadoo weliba Suuradda la soo dejiyay ka hor intaysan aadanuhu baran cilmiga casriga ah ee maanta la yaqaano.  Midda kale qisada Nebi Yuusuf nolosha ma dhaadhaajinaysee iyada ayaaba ah quud ay nooluhu ka quutaan duruustii iyo xikmaddii ay nolosha ku aflixi lahaayeen—daliil waxaa taa u ah in isla Suuradda dhammaadkeeda uu Ilaah qisada ku sheegay mid lagu cibro-qaato, oo aadanaha u caddeynayso wax walba, huwanna hanuun iyo raxmad (Suuratul Yuusuf, Aayadda 111).  Sidaa awgeed, qisada Suuratul Yuusuf waxay xaq u yeelaneysaa in iyada la dhaadhaajiyo, duruusna laga soo dhiraandhiriyo.  Bilaash Ilaah uguma uusan tilmaamin “Axsanal qisas”—qiso la tebiyo midda ugu fiican.

Qisada Suuratul Yuusuf waxay xaq u yeelaneysaa in iyada la dhaadhaajiyo, duruusna laga soo dhiraandhiriyo.  Bilaash Ilaah uguma uusan tilmaamin “Axsanal qisas”—qiso la tebiyo midda ugu fiican.

Hadalkii oo kooban, farshaxanka qoraal ee Suuratul Yuusuf wuxuu ifiyay sifooyin badan oo uu Ilaah ku sifoobay.  Bal aynu labo keliya isdul taagno: al-Musawwir iyo al-Caliim.  Imam Abu Xamiid Ghazali wuxuu ku farayareystay sharraaxadda sifooyinka Ilaah isagoo qoray buug la yiraahdo The Ninety-nine Beautiful Names of God ee ay wada tarjumeen David Burrell iyo Nazih Daher.  Wuxuu imaamku sifada al-Musawwir ku macneeyay inuu Ilaah yahay Suureeye, oo wixii uu suureeyana kama tixraaco naqshad ay cid kale dejisay—annaguse farshaxanka aynu sameyno aadane ahaan waa mid asalkiisa uu Ilaah aheysiiyay, oo horey u jiray.  Ilaah Isaga ayay naqshaddu ka soo billaabataa. Suuratul Yuusuf markii loo dhabbo-galo qoraalka ay ku fadhiso, waxaa qofka Muslimka ah uu ka kororsanayaa yaqiin ah in aan la soo koobi karin cilmiga Ilaah.

Suuratul Yuusuf markii loo dhabbo-galo qoraalka ay ku fadhiso, waxaa qofka Muslimka ah uu ka kororsanayaa yaqiin ah in aan la soo koobi karin cilmiga Ilaah.  

Sifada al-Caliim wuxuu Imaamku ku fasiray in cilmiga Ilaah uusan aheyn mid horey loo yaqaannay, oo aqoonta Isaga ayay ka soo billaabataa.  Annaga bin’aadamka ahse cilmigeennu wuxuu ka soo askumaa kuna sii kobcaa uun wax la yaqaanno oo uu raadkoodu jiro—ee meel cidlo ah kama billaaban karo cilmigeenna.  Qoraalka Suuratul Yuusuf ee farshaxanka sare ee xiisaha leh ku qoran wuxuu caddeynayaa in aqoonta Ilaah aysan ku jaan-go’neyn xilli qaas ah iyo waqti qaas ah maadaama 14 qarni ka hor suuraddan la soo dejiyay—kana horreysay inta aan la’ ogaan cilmiga hab-qoraalka casriga ah ee sheekada gaaban ee maanta.  Annaga bin’aadamka ahse aqoonta aynu u leennahay cilmiga casriga ah ee qoraalka sheekada gaaban ma dhaafsiisno labadii qarni ee la soo dhaafay.  Runtii, qofkii ay dani ka heyso qorista qoraal si heer sare loo agaasimay, oo dhan walba ka miisaaman—xag farshaxan, xag akhlaaq, xag xikmad, xag waano, xag iimaan—waxaa uu intaba ka baran karaa fahamka qoraalka Suuratul Yuusuf.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *