Qoraaga carbeed ee Dr Cabdikariim Bakaar waxa uu sannadkii 2010 kii soo saaray buug uu ku magacaabay [Takwiin Al mufakir]oo ah buug ay aad u jecelyihiin dadka indheergaradka ah ee bulshada u fekera.
Buugga waxa uu si xeeldheeri ku jirta u lafa-gurayaa shakhsiyadda Mufakirka ah, Unkiddiisa, astaamihiisa, iyo saamaynta uu ku leeyahay mujtamaca uu ku dhexnoolyahay.
Boggaga buuggan waxa uu qoraagu ku soo gudbinayaa waxa uu yahay Fekerka iyo xiriirka ka dhaxeeya Fekerka iyo luuqadda, Fekerka iyo dareenka togan iyo kan taban.
Billowga hore ee buugga waxa uu qoraagu isku dayayaa in aynu garanno Macnaha dhabta ah ee loo la jeedo magacyo iyo naanayso inta badan dhallintu ay adeegsato, Sida: Mufakir, Caalim, Daaci, Samadoon Aqoonyahan,Takhasusi, Faylasuuf, I.W.M.
b)Caalim: Waa Shakhsi meel sare ka gaaray takhasus gaar ah, ilaa uu ka sare maray dadkii filkiisa ahaa, ama kamid noqday kuwa ugu sarreeya takhasuskaasi.
t) Qof takhasusay: Waa Shakhsi qayb cimrigiisa kamid ah geliyay diraasaynta takhasus gaar ah.
j)Samadoon: Waa qof leh aragtiyo iyo fikrado wax hagaajiya oo la xiriira siyaasadda iyo mujtamaca.
x) Daaci: Waa Shakhsi xambaarsan Cilmi iyo han wax hagaajiya, hawshiisa ugu badanna waa gaarsiin, xusuusin, iyo ka shaqaynta in dadku ay ku toosanaadaan waddada cad ee hanuunka.
kh) Aqoon-yahan: Waa Shakhsi ka gudbay takhasuskiisa hoose, heerkiisa akhriska iyo danaynta macluumaadkana meel fog gaaray, waxa uu dadka dhexdooda ku leeyahy saamayn gaar ah, isla xilligaasi waxa uu awoodaa in uu curin karo fikrado, sidoo kalena uu samayn karo naqdin.
d) Faylasuuf: Waxa uu ka shaqeeyaa samaynta fikradaha, hal-abuurid, naqdin, horumarin, iyo shaandhanyn intuba waa shaqadiisa.
r) Mufakir: Waxa uu inyar ka sarreeyaa aqoonyahanka marka loo eego aqoon iyo caqli, haddana booska Faylasuufka ma gaaro.
Astaamaha uu leeyahay mufakirka:
1. Waa qof jecel in uu wax cusub kororsado.
2. Qaab isaga ugaar ah ayuu u fekeraa, oo fikradaha dadka kale ma soo guuriyo.
3. Waxa uu dareemaa mas’uuliyad.
4. Waa qof madaxbannaan oo aan gacan gaar ah ku jirin.
Qayb buugga kamid ah waxa u qoraagu ku faaqidayaa Caqiliga iyo xiriirka kala dhaxeeya maskaxda. Haddaba maskaxdu waa shay la dareemi karo oo meel cayiman ku yaalla, Caqliguna waa shay macnawi ah oo ku gedaaman siro badan oo aan qaarkood la ogayn.
Qoraagu waxa uu qabaa in Xaqiiqadu ay tahay shay sugan oo la ogyahay.
Waa maxay feker? Fekerku waa u hayaamidda xaalad adigoo ku jira xaaladdii hore, waa kororsasho khibrad, iyo weydiin wax ku ool leh. Waxa uu qoraagu rumaysanyahay in afkaartu ay saamayn iyo jihayn intuba ku leedahay dareemada qofka, sidoo kale dareenka qofka waxa uu saamayn aan la dhayalsan karin ku leeyahy hab-fekerka qofka.
Sidee loo horumariyaa hal-abuurnimada?
1. Waa in ay jirto sabab kugu riixaysa/dirqanaysa hal-abuurnimada.
2. Danayn iyo xoog-saarid waa in ay jirtaa.
3. In uu meel dheer wax ka arki karo waa muhiim.
Sidoo kale, naqdinta ayaa qayb ballaaran kaga jirta buugga. Naqdintu: waa qiimaynta in kamid ah xaqiiqooyinka, macluumaadka, iyo fikradaha, si loo kala sooco wixii saxan iyo wixii khaldanba.
Maxaa looga baahanyahay si uu qofku u noqdo Mufakir?
1. Qofka doonaya in uu fekero waa in maskaxdiisu ay ku mashquusho wax ka duwan waxyaabaha maskaxda dadku ay mashquul ku tahay.
2. Waa in uu qofku sameeyo baxthi iyo cilmi-baaris ilaa uu shaqo ka dhigto.
3. Waa in uu xoogga saaraa hanashada aqoon cusub.
4. Waa in uu macluumaadka ka qaataa dadka ehelka u ah, ee khibrad iyo waayo-aragnimoba u leh, muddo badanna soo joogay.
5. Waa in uu qofku gartaa taariikhda iyo gunta hoose ee qaddiyadaha uu cagaha kula jiro.
6. Waa in uu kala gartaa macluumaad jira iyo taxliilinta shakhsiyeed.
-Qofka Fekera waxa uu rajo buuxda ka qabaa in uu heli doono wax cusub.
-Aqoon-yahanka dhabta ah waa kan xaqiiqada kaga hortaga xoogga, oo aan ka gabban.
-Qofku in uu aragti dheer lahaado oo uu meel dheer wax ka arki karo, waa faqrqiga u dhaxeeya mufakirka iyo qofka caadiga ah.
-Qofka Caalimka ah waxa uu juhdi ku bixiyaa xallinta mashaakilka cilmiyeed ee taagan, balse Faylasuufku waxa uu sii huriyaa oo uu tooshka ku ifiyaa meelaha daldaloolada ah.
-Markasta oo uu qofku tababaro naftiisa, maskaxdiisana si wacan ugu fekero, waxaa kordhaya xiriirada maskaxeed, taas oo keenta in uu siyaado caqliga iyo garashada qofka.
-Majirto macno ay samaynayso raadinta xaqiiqo aan la qiran doonin kolka la helo, waxba soo kordhinmayso helidda xaqiiqada haddii aan la dhaqangelinayn.
-Insaanku waa noole hadal iyo dhaqaaqba leh, haddii uu waayo qof uu la sheekaysto, waxa uu la hadlaa naftiisa- falkaasina waxaa loo yaqaanaa Feker.
-Xaqiiqooyinka hal dhinac lagama fiiriyo.
-Hal-abuurnimadu waa in uu qofku la yimaado wax aan looga horayn, iyo helidda wax aan horay loo aqoon.
