
BUUGGA: Falsafadda maaddiga ah iyo burburinta/furfurka aadamaha.Dr. Cabdulwahaab Al Masiiri.
_______
W\Q: Cabdiraxmaan Xaashi
Qoraaga buuggani waa Masri dhashay hillaaddii 1938.
Waxa uu ahaa nin aqooneed oo shahaadada PhD ka gaadhay geeddiga waxbarsho.
Waxa uu ahaa bare sare oo jaamacadeed oo aad ugu dhuun-daloola majaallada aqooneed ee kala duwan. Waxa uu geeriyoday Eebbe ha u raxmado’e sannaddii 2008.
***
Dhiganahan aynu soo koobiddiisa isku deyaynaa waa buug arrimo bulsheed, mid falsafadeedna kasii ah. Waxa uu u socdaa qaab naqdin iyo waaddixin wada socda ah. Waxa uu ka koobanyahay 240 bog. Waxa uu diktoorku kaga hadlayaa dabeecadda (nolosha maaddiga ah) iyo sida ay aadamaha u qiimo tirtay.
Caqligii, aqoontii, siyaasaddii iyo arrimihii bulshaduba markay nolosha maaddiga ah muhiimadda siiyeen, siday u qaayo lumeen, una noqdeen qurubyo quus laga istaagay.
Waxa uu buuggu ka koobanyahay Siddeed fasal (cutub), kuwaas oo dhammidood inna dhaadsiinaya khatarta ay leedahay in garaadka xerada maaddi lagu oodo, iyo siday lagama maarmaanka u tahay in la geyaysiiyo xayaatada ruuxiyeed iyo ta maaddiyeed oo isla jira, islana jaanqaadaya.
I. Cutubka koowaad, oo uu u bixiyay qoraagu: Aadamaha iyo maaddada “الإنسان والمادة”, waxa uu innoogu il-bixinayaa xidhiidhka qotada dheer ee aadamuhu dabeecadda dunida la leeyahay, sida uu ula falgalo iyo saamayn ku yeelashadiisa. Dabeecadda basharka ee maaddiga ka unkanta iyo sida ruuxigu uga shaqaysiiso ayuu aad ugu nuuxnuuxsanayaa.
Waxa uu innoo waaddixinayaa unkanka falsafadda maaddiga (duleed) ahi ay ka unkanto laba majaal oo waaweyn oo kala ah:-
B. Heerka aqooneed (Epistomology), iyo
T. Heerka kasmo-nafeed (Psychology).
Waxa uu sidoo kale buuggan cutubkiisa koowaadi innoo qaadaa-dhigayaa, mushkiladaha ku gedaaman falsafad-maaddiyeedkan muruxsan oo ay ugu tun weynyihiin:-
- Falsafaddan maaddi iyo dabeecadeed, waa mid aan ku salaysnayn aalaaba fikrad iyo aydhiyoolajiyad, balse waa aqoon dabiici ah uun.
- Marka la joogo majaalkan, cilmiga tijaabintu waa mid xaddidan, mana awoodi karo inuu la falgalo dhammaan khibradaha iyo tijaabooyinka noocyadeeda.
- Waxa uu noqday fikirka maaddiga ahi mid aaladaysan oo dusha iyo muuqaalka uun ka dabqaata, balse ma aha – marka indhaha maaddiyaysan lagu eego – mid ka shaqaysiintiisa rooxaaniyadeeda la saarayo diiradda, ama inyarba la is geyaysiinayo.
- Waxa ay maaddadu ku doodday bilawgiiba in macnuhu yahay waxa dareemayaashu tahli karaan oo qudha, balse waxa aanay soo taabi karini uu bar-kuma-taal yahay, mana aha mid sax ah (wax kasta oo daliil lagu caddayn karo ama wax jiritaankiisa inna tusayaa yaallaa waa uu jiraa).
Qoraa Cabdiwahaab Masiiri, waxa uu intaa ka gadaal isbarbardhig kooban ku samaynayaa “Maadiyaddii hore iyo tan cusub”, kala soocnaanshahooda iyo midaysnaantoodabana waa uu tibaaxayaa.
Waxa uu naqdinta caqliga maaddiyaysan ku waaddixinayaa, dhalliilihiisa ay ka mid yihiin in aanu xambaarsanayn astaamaha garaadka hagaagsan, sida: wacyiga, yoolka, ujeeddada, doonista, isku dayga IWM.
II. CUTUBKA 2aad, waxa uu qoraagu u asteeyay inuu kaga hadlo qaab-dhismeedka dabiiciga ah (dabeecadda ka dab qaata) iyo midka insaaniga ah (midka garaadka toosani hago).
Waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa isbarbardhigga daahirada dabeecadda u faruur-xidhan iyo siday indho li’ida u tahay, sidoo kalena wuxuu dhinac dhigayaa midka insaaniyeed ee garaadku dareewalka u yahay.
Wuxuu qoraaga buuggani aad u naqdinayaa daahirada maaddiyeed. Wuxuu ku dhalliilayaa inay ku fashilantay fasir ka bixinta qumman ee garaadka iyo habdhaqanka aadamaha.
Doodaha aan maangalka ahayn ee ay qaar ka mid ah culimadii Sayniska ee reer Yurub miiska keeneen, sida tii Daarwin ee dhalan-rogadka iyo kuwa lamidka ah ayuu dhab-abbaarayaa, waxaanu dhaliishooda ku qaydayaa sidaanay u qancin karin caqli indho korodhsi doon ah ku eegay – waa majara-habaabin iyo moora-duug uun.
Sinnaanta ay maaddiyiintu ku doodaan, inbadanna ay dadkooda ku harawsadaan ayuu halkeeda ugu tagayaa, sida ay u tahay mid gacan-ku-rimis ah, isla markaana af ka sheegasho uun iskugu soo ururtay buu dhayda ka caddaynayaa.
Tusaale ahaan, waxay odhanayaan, Islaamku waxa uu gabadha ka sarraysiiyay ninka, oo dhaxalkii, markhaatigii iyo guurkiiba wuu ku duudsiyay; balse tooda ayaanay dhab u fiirsan, waa kuwaas haweenkooda banka iyo shaaraca keenay iyagoo aragtiyo wada qalloocan huwan, Feminiisam iyo wax la halmaalana ku hujuumaya xataa ehelkoodii.
Diinta Islaamka ayay ku eedaynayaan inay iska hor imanayso, oo warkii nabiga ee حجة الوداع waakii ku yidhi: “..Dhammidiin waad simantihiin”, haddana markhaatigii baa laba gabdhood hal nin u dhigmaan bay yidhaahdeen Islaamka dhexdiisa.
Waxay illoobeen inay laba majaal isku qaseen – mid bulsheed iyo mid jidhka iyo abuurka ah, oo ta nabigu lahaa waad ku simantihiin waa addoonnimada, abuurka iyo xuquuqda, tan lagu kala sarraysiiyayna waa mid xataa iyagu qireen markii dambe oo hoggaaminta, xasuusta iyo go’aammada la xidhiidha.
III. CUTUBKA 3aad, Cabdiwahaab Masiiri wuxuu u guntay cinwaan uu u bixiyay “Caqliga iyo Maaddada – العقل والمادة – The Intellectuality and Material”.
Wuxuu cutubkani si guudmar ah ugu tibaaxay dhawr fikir oo ay ugu ilqabad badanyihiin:-
- Maaddada badhaxa tiran iyo caqliga isdiiddada dhextaal.
- Sida aanu garaadku uga maarmin marnaba, maaddi iyo rooxaaniyad is huwan, si u bullaaliyo adduun araggiisa iyo aayahiisaba.
- Sida ay caqlaaniyiin badani dadka ugu harawsadeen in maaddinnimadu ilbaxnimo kasoo jeeddo. Dhammaantoodna daliillo, hoga-tus iyo naqdin buu ku ladhayaa.
IV. CUTUBBADA 4aad, 5aad iyo 6aad, waxa uu u qoondeeyay mawduucyo xidhiidh guud ka dhexeeyo, mucdooduna isu imanayso oo ka dabqaadanaya “Maaddada iyo taariikhda, jidka maaddadu jeexdo iyo dhammaadka hillaadda iyo taariikhda”.
Waxa uu dhexdooda ku faahfaahiyay cutubbadan aragtiyo inna dhaadsiinaya badh ka mida sooyaalkii maadiyaddan badhaxa tiran, sida calmaaniyaddu ugu sacabbo tunto aragtiyahan maaddiyeed ee aloosaya aydhiyoolajiyadaha innagu qancinaya inaynu sababaha aamminno, dabeecaddana ka dabqaadanno – oo dabcan marin habowsan.
Dhisanka iyo unkanka aragtiyahaa leexsan iyo siday bulshooyin badan karkaarka u weydaariyeen, ka adkaantooda iyo muquunintooda ay gabidhaclayntaa ku harowsadeen iyo aaraa’ la mid ah ayuu ku ururiyay fasalkaa 5aad qoraagu.
Sidoo kale, gumaysiyadii kala duwanaa ee dadyowga qaar sida Afrikaanka iyo Eeshiyaanka badhkood ku dhacay, wuxuu dhaxalsiiyay aragtiyo badan oo gacan-ku-samays ah in ay aaminaan dadyowga la gumaystay.
Gumaysiga casriga ah (Neo Colonialism), ayaa isna si ka baaxad weyn kaas tooska ahaa u maskax maydhay, una marin-habaabiyay bulshooyin badan oo uu nidaamkoodii tacliineed, ilbaxnimo, dhaqaale, diimeed iyo bulsheedba dhulka la simay.
Taariikho waayo soo taxnaa ayay soo afjareen aayar, iyagoon wax yarna ka tegin.
“Waxay doc faruurayeen
Duruus abid soo taxnayd”.
~ Hadraawi, AHN.
Cutubkan 6aad, waxa uu buuggu ku waaddixiyay sida yoolka ilbaxnimada maaddiyeed yool la’aanta jihada la’ u tahay.
Xadaarad mijaha u rogaysa mid ka miisaan iyo macne badnayd inay ahayd buu farta innaga saarayaa.
V. CUTUBKA 7aad, waxa uu ugu wanqalay “Cunsuriyadda Galbeedka ee nolosha casriga ah”.
Maadaama oo geeddi-socodkooda uu hago maaddiga yar ee ay dhoobdhoobeen, waxa uu dhalay natiijo aan la mahadin oo god dheer u qodday sinnaantay ku tookhayeen, caddaaladday dadka sanka kaga tolayeenna inay bar-kuma-taal ahayd dhayda ka caddaysay.
Kala tagganaanta jinsi, luuqadeed, midab, ilbaxnimo iyo dabaqadeed diin iyo rooxaaniyad uunbaa dabar mideeya u samayn karta, se haba yaraatee maaddinnimadu dawo u weyday. Kala tagganaantaasaa abuurtay in dabaqado bulsheed samaysmaan, layskuna takooro xataa waxyaabaha aadka basiidka u ah. Taasi waa natiijadii ka dhalatay wixii ay muhiimadda siiyeen (maaddiyayntii iyo ashyaa’dii duleed uun).
VI. Gunaanadka iyo gebogabada dhiganahani waa CUTUBKA 8aad, oo laftiisu innagaga sii tagaya farriin iyo faallo aad u qaayo weyn. Waxa uu kaga faalloonayaa “Maaddinnimada iyo meel kasaarista aadame”.
Waxa uu kusoo xooriyay halkan, aragtiyo badan oo kuwii ka horreeyay ay usii gogol xaadheen. Waxa uu isugu keenay afkaar badan oo caddaynaysa sida maaddinimada qaawani u macno tirto aadamaha macnaha u jooga adduunkan korkiisa.
Damiirkii uu qofku ku tamarinayay baa qallalaya, markaasuu meehaannaabka meel walba kala dhacayaa, heer uu iswaa’ iyo nihalism kusoo gudadhaco.
“Damiirku hadduu qallalo
Hadduu dufan raadis yahay
Daliilka hortiisa yaal
Waxaa kaga beegan daah” saw muu ku cabbirin Abuu Hadra, Rabbi ha janneeyee.
Dadnimatirka (Dehumanization) iyo dayaca ku dhacaya bulshooyin badani maanta, waa natiijadii afkaartan sumaynsan ee kusoo xoorisay xaalkii adduun aragga maaddinimadaa aan sii ridnayn.
Reer Galbeedka maanta siyaasadda dunida badideeda jaangooyaana, si walba oo ay culuum Saynis iyo arrimo maaddi samada iyi meerayaasha ugu tageen; haddana waxay u oon qabaan madax iyo mijaba dhisid rooxaaniyadeed iyo qaboojin lagu damiyo holacaa ay ku shidday maaddinimadaa badhaxa tirani.
Cabdiwahaab Masiiri, waxa uu buugga kusoo xidhayaa weydiimo. Weydiimo dhammideen inna hor yaalla.
- Ka takhallusidda afkaartan maaddiyeed siday u unkamaysaa?
- Xaggee ugu habboon oo xal laga raadin karaa?
- Isku darka maaddinimada iyo rooxaaniyadda maxaa u diidaya ashkhaasta iyo qaramnada maanta ku surbacaaday maaddinimada qaraxa ah? Iyo kuwo kale.
Dhammidoodba waxaan filayaa qof buuggan si wacan u dhugtay wuu ka warcelin karaa.
📚 فلسفة المادية وتفکيك الإنسان
🖊 الدکتور عبد الوهاب المسيري
📝 Cabdiraxmaan Xaashi
