Doorashooyinkii golayaasha deegaanka Puntland waxay xanbaarsanaayeen macne taariikhi ah oo ka duwan nidaamyadii hore ee ku dhisnaa hab qabiil iyo wax qaybsi siyaasadeed. Iyadoo la qabtay saddex xilli oo kala duwan, waxay noqdeen tijaabo lagu cabbirayo awoodda nidaam dimuqraadiyadeed oo ka hanaqaadi kara deegaannada Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo hore ugu caan-baxday xasillooni siyaasadeed iyo hay’ado dastuuri ah oo la asaasay sanadkii 1998. Filashooyinka shacabka waxay ahaayeen kuwo sarreeya, iyagoo u arkayey doorashadan albaab laga geli karo in si dhab ah loo helo ka-qaybgal ballaaran oo siyaasadeed, isla markaana la dhiso golayaal deegaanka ah oo metelaad dhab ah u noqda bulshada. Haddaba qoraalkan wuxuu falanqayn ku samaynayaa waayo-aragnimadii doorashooyinkaas, filashooyninkii Shacabka iyo natiijooyinkii siyaasadeed ee ka dhashay.
Doorashooyinkii golayaasha deegaanka Puntland waxaa loo qabtay saddex kal ama saddex xilli oo kala duwan. Wajigii kowaad(2021): Waxaa la qabtay markii ugu horraysay doorasho tijaabo ah oo ka dhacday 3 degmo ( Qardho, Ufayn iyo Eyl). Tani waxay ahayd marxlad lagu tijaabinayey hannaanka cod bixinta qof iyo cod. Waxaa ka qayb galay ku dhowaad 40.000 oo codbixiye. Doorashadan ayaa lagu tilmaami karay tii ugu guusha badnayd ee saddexda wajiba. Sababtoo ah guddiga doorashooyinka ee xilligaas wuxuu ahaa mid madax-bannan oo loo siman yahay, isla markaana aan si toos ah ugu xirnayn dowladda. Sidoo kale, doorki taliyaha Booliiska Puntland ee xilligaas ayaa ahaa mid dhexdhexaad ah, taas oo kor u qaadday kalsooniada Shacabka iyo tartan xor ah oo xasilooni iyo xammaasad ku dhammaaday.
Wajiaga labaad (2023). Wuxuu qorshuhu ahaa in la qabto 33 degmo, balse buuq iyo is qabqabsi siyaasadeed ayaa sababay in la qabto 30 degmo oo keliya. Maamulka Puntland markii hore ma aysan ku qanacsanay ururada siyaasadeed ee mucaaradka ah, waxaana jirey faragelin joogta ah oo ay dowladdu ku haysay habsimi-u-socodka doorashada. Si kastaba, waxaa lagu guuleystey in tartan ka dhoco 30 degmo, iyadoo ku dhowaad 200,000 oo codbixiye ay ka qayb qaateen. Halka wajiga 3aad la qabtay 2024 oo laga qabtay 3 degmo oo gobolka Nugaal ah oo ay ku jidho caasimadda Garowe, kadib, dib u doorashadii M. Deni. Waxay kusoo aaddey sannadkii kowaad ee dib u doorashada dowladda iyada oo ay jidho xasilooni badan oo siyaasadeed iyo rajo siyaasiyiin badani ay ka qabeen inay xilal muhiim ah ka helaan dowladda.
Natiijooyinka siyaasadeed
Doorashooyinka waxay yeesheen natiijon is-barbar socda. Waxaana ugu muhiimsan; tijaabo dimuqraadiyadeed, waxaa la xaqiijiyey in bulshada Puntland ay diyaar u tahay ka qayb-galka siyaasadeed oo ballaaran. Guusha wajiga kowaad; doorashadii saddexda degmo waxay noqotay tusaale lagu tilmaami karo hannaan doorasho oo hufan, madax-bannaan, laguna dhisay kalsooni bulsho. Si walba ha noqotee, caqabado siyaasadeed iyo muranno badan ayaa dhacay wajiga labaad iyo saddexaad, gaar ahaan magalooyinka waaweyn.
Faragelinta dowladda; doorashooyinkii wajiga labaad waxay caddeeyeen in maamulka Puntland ay door muuqda ku lahayd xakamaynta hannaanka, taas oo dhaawacday madax-bannaanida hay’adaha doorashada. Inkastoo doorashadu dhacday, haddana faragelintaas waxay keentay
kalsoonin darro siyaasadeed iyo in mucaaradka iyo shacabka qarkood dareemaan in geeddi-socodka aan loo wada sinnayn. Caqabadahaas waxay dhaawaceen kalsoonidii Shacabka ee nidaamka dimuqraadiyadeed, taasoo qayb ka noqotay sababta ay u yaraatay xiisihii wajiga saddexaad ee doorashada. Cashirro siyaasadeed waxay caddaynayaan in dhismaha hay’adaha dimuqraadiyadeed ee Puntaland uu u baahan yahay qorshe waqti dheer ah,isla markaana lagu xoojiyo isla xisaabtan, hufnaan iyo daahfurnaan.
Xasillooni-daradda golayasasha deegaanka ee Puntland:Fashilka rajadii Shacabka
Inkastoo doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee Puntland loo arkayay horumar dimuqraadiyadeed oo muhiim ah, haddana xaqiiqada siyaasadeed ee ka dhalatay doorashooyinkaas ayaa muujiyey in hannaan xasilloon oo dowladnimo aan wali la gaarin. Magaalooyinka muhiimka ah sida Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa noqday meelaha ugu badan ee uu ka jiro mooshin joogto ah, is-maandhaafka siyaasadeed iyo kala fakar u dhexeeya xildhibaanada deegaanka. Waxaa muuqata in rajadii shacabka la beddelay, halkii la rabay hoggaan hufan oo ka tarjumaya codkooda uu fashil ku yimid awood-siinta deegaanka, bacdamaa khibrad-yarida xildhibaanada la doortay ay curyaamisay waxqabadkii laga sugayay, waxaana meesha ka baxay xasiloonidii siyaasadeed ee lagama maaraanka u ahayd in adeegyada bulshada si hufan loo fuliyo. Sidaas darteed, arrintan waxay u baahan tahay in si gaar ah loo falanqeeyo loona tixgeliyo dib-u-habeyn buuxda oo lagu sameeyo qaabka loo marayo doorashooyinka deegaanka, si looga fogada in nidaamka dimuqraadiyadeed uu isu beddelo mid niyad-jebin ah.
Gunaanad:
Doorashooyinkii golayaasha deegaanka Puntland waxay ahaayeen tijaabo muhiim ah oo lagu qiimeeyey heerka ka-qayb galka shacabka iyo bisaylka nidaamka siyaasadeed ee deegaanka. Inkastoo ay jireeen caqabado badan iyo fashilaad dhinacyo badan taabanayey, sidoo kale kalsooni yaraanta khilaaafaadka siyaasadeed, faragelinta dowladda iyo xasilooni darrada magaalooyinka qaar. Haddana wajiga kowaad wuxuu tusaale fiican u noqday in doorasho hufan oo madax-bannaan ay dhisi karaan nidaam siyaasadeed oo loo siman yahay.
Talo soo jeedintayda;
- In la dhiso xeerar iyo hannaan sharci oo cad oo ilaalinaya hufnaanta iyo sarraynta sharciga doorashooyinka soo socda.
- In bulshada lagu wacyigeliyo muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka siyaasadeed si filashooyinku u noqdaan kuwo runi ka muuqato.
- In golayaasha deegaanka loo arko hay’ad adeeg bulsho laguna hormariyo, halkii ay noqon lahaayeen madal siyaasadeed oo keliya.
- In la hubiyo xasilloonida siyaasadeed ee magaalooyinka muhiimka ah, iyadoo la dhisayo hannaan adag oo ilaalinaya madax-bannaanida golayaasha deegaanka.
- In dowladdu ka dayso faragelinta tooska ah ee nidaamkan curdinka ah, si loo ilaaliyo madaxbannaanida hay’adaha iyo kalsoonida Shacabka.
- In la dhowro madaxbannanida guddiga doorashooyinka iyo Booliska, si loo ilaaliyo kalsoonida Shacabka ee wajigiii kowaad caddeeyay in ay tahay suurtagal.
- In la sameeyo nidaam dabagal iyo qiimyn (monitoring & evaluation) ah oo lagu cabbiro horumarka doorashooyinka Mustaqbalka.
