Diyada Dumarka

HORUDHAC:.

Waxaa ah wax la wada qirsanyahay in Imaamyada Fiqiga iyo Jamaahiirta culimadii hore isku raacsanaayeen in Magta Haweenayda Muslimadda ah tahay niska magta ninka. Hadal ka ka soo horjeedi karo oo loo arki karo mid khilaafsan Ijmaaca ayaa ah in Magta dumarka ay la simantahay tan Ragga. Sidaa darteed qawlkan danbe qaadashadiisa kama dhigno hoos yeelidda dadaalkii culimadaas, oo waxa ay ahaayeen culimo dedaashay, diintanne wax weyn u taray, Allaha ka abaal mariyee, balse ugu danbayn waxa ay ahaayeen bashar wax sixi karo sidoo kalena khaldi karo, inkaste oo saxnimada u badnayd, khaladkooduna yaraa, badaha saxnimadoodana ay mayreyso dhibcaha ay ku khaldameen. Xaqqana waxa uu ka weynyahay dadka, oo halbeeg uma ahan sida uu Cali binu Abii Daalib yiriba, sidoo kalena jamaacada waxaa ah wixii waafaqo xaqa, kaligaaba aad ahaatide” sida uu yiri Ibnu Mascuud (RC). Haddabo mas’aladan ayaan dhawr qodob oo kooban iska dul taagi doonaa hadduu Alle idmo, anigoo ujeedkaygu yahay baadigoobka xaqa iyo xaqiiqada.

Magta Haweeenayda: Aragtida Jamhuurka.

Jamhuurka madaahibta la raacsanyahay waxay isku waafaqeen in Magta haweentu tahay kala barka magta Ragga. Taas waxa ay keentay in dad badan u maleeyaan (Anigaba aan kamid ahaa waqti) in ay kamid tahay arrimaha go’an ee aanan laga doodi karin, aysanne bannaanayn in loogu laabto Ijtihaad cusub, ayadoo la adeegsanayo Ilaha rasmiga asalka ah ee Shareecadeenna (Qur’aanka, Sunnada saxiixa ah, Ijmaaca iyo Qiyaaska) iyo sidoo kale ilaha faraca ah ee soo raaco.

Fiqiga Islaamka, waxaan ogsoonnahay in masaa’ishiisu u qeybsamaan laba qeybood oo kala ah; Qeyb furan oo aqbalayso in lagu sameeyo Dedaal iyo Cusboonaysiin, taas oo ku dul wareeganayso maslaxada waqtiga, goobta iyo xaalka ama dhaqanka. Axkaamtaas oo ah kuwa aanan ku sugnaan daliillo go’an, ee ku sugnaaday daliillo danni ah (malada saxnimo la’aantooda ay suurgaltahay) ama xataa qaab daliilsigooda la isku qabtay, Qeybtan ayayna soo galayaan inta ugu badan ee Axkaamta shareecada, taas oo ka dhigan naxariista iyo waasacnimada sharciga uu ugu furay dadka u ahalka ah in ay kudedaal masaa’ishaas ayna ka soo saartaan axkaamta haba ku kala duwanaadaane!. Qeybta labaad waa qeyb uusan ka furnayn wax Ijtihaad ah ama cusboonaysiin ah, waana axkmaata ku sugnaatay daliillo go’an oo aanan isku beddalayn waqtiga, goobta iyo dhaqanka, waana arrimaha muranka galin ee shareecada kamidka ah, qof walba oo Muslim ahne uu garwosanyahay. Haddaba aan fiirinno mas’aladan qeybta ay kamid tahay, annagoo cuskanaynno Ilaha rasmiga ah ee Shareecada.

Isha Koowaad: Qur’aanka Kariimka

Qur’aanka kariimka ah waxaan ka helaynnaa aayad cad oo ku jirto suuratu Nisaa’ (92). Qofkii dhuuxa aayadana waxa uu helayaa inaysan jirin wax farqi ah oo loo kala saaray ragga iyo dumarka Magtooda. Sidoo kale isla aayadda waxaa lagu xusay ciqaabta qaanuun ee ka dhalanayso (Adduun) iyo ciqaabta aakhiro ee ka dhalanayso ciddii qof u dishaa si kas ah, ayadoon loo kala soocin rag iyo Dumar. Wax dood ahne kama taagno qodobkan danbe ee ah in la isku dilayo ragga iyo dumarka (Qisaas). Halkan waxaan ku ogaannay in Qur’aanka aan laga helayn kala sooc xagga magta ah oo ku saabsan ragga iyo dumarka, sidoo kalena uu ka simay ciqaabta adduun iyo tan aakhiraba.

Isha Labaad: Sunnada Suubanaha (SCW).

Culimada waxa ay ka qaateen xukunka kala soocidda magta ah axaadiis ku soo aroortay, haddabo axaadiistaas haddii aan fiirinno ma kuwa sanadkoodu sugan yahay baa? Mise yihiin kuwa caddaynayo xukunka mise waxaa laga qaadan karaa suuragalnimada qaadashada xukun kale?. Waa su’aalaha ay udub dhexaadka uga dhigeen dooddooda wadaadda qabo aragtida ka soo horjeedda Jamhuurka oo ah in magta Ragga la mid tahay tan Dumarka.

Haddii aan fiirinno labada saxiix ee Bukhaari (256H) iyo Muslim (261H), waxaan helaynnaa in uusan ku soo aroorin hal xadiisne oo tusinayo kala soocidda magta Ragga iyo Dumarka dhammaan noocyada xadiiska ah (Marfuuc, Mawquuf, Musnad iyo Mucallaq) intaba. Sidoo kale haddii aan fiirinno kutubta loo yaqaan afarta Sunan ee kala ah (Abuu Daa’uud 202-275H), (Ibnu Maaja: 209- 273H), (Al Tirmadi: 209-279H) iyo (Al Nasaa’I: 215-303H). Sidoo kale qarnigii xigay ee afaraad Hijriga oo ay soo baxeen Muxaddisiin waaweyneyd sida (Abii Yaclaa: 307H), (Abi Bakar bin Khuseyma: 311H), (Abii Jacfar al Taxaawi: 321H), (Ibn Xibbaan: 354) (Al Dabaraani: 360), (Abil Xassan al Daralqudni: 385) iyo (Abii Cabdillaahi Alxaakim: 404H) intaas oo dhan midna ma uusan werin hal xadiis oo caddeeynayo in magta dumarka tahay niska tan Ragga.

Isha Seddaxaad: Aragtida Ijmaaca:

Haddii aanan ka helin wax sugayo mas’aladan Kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada Suubanaha ba, haddabo ma la cuskan karaa Isha Seddaxaad ee Ijmaaca?. Halkan ma doonayo inaan soo raro arrinta Ijmaaca iyo muranka badan ee kaga dhex taagan Usuuliyiinta, oo ah dooddaha ku qotomo; suuragalnimada dhicitaankiisa (Ijmaaca), garashada dhicitaankiisa haddii uu dhaco iyo xujanimadiisa haddii la hubsado dhiciddiisa, waxaana arrintaas si faafaahsan uga hadlay Imaamul Qasaali kitaabkiisa (Mustasfaa), sidoo kale Al-Aamidi kitaabkiisa (Al-axkaam). Waxa uuna yiri Imaamu Axmad “Ciddii sheegato [Ijmaac] been ayay sheegtay, ma oga in ay dadku (Fuqahadu) khilaaf geliyeen, isaga oonan ogayn, qofkii doonayo in uu soo raro [Ijmaac] ha dhaho: Ma ogi in ay dadku isku khilaafeen”. (Al-Ixkaam: Ibnu Xasm: 4/573). Sidoo kale Imaamul Shawkaani kitaabkiisa “Irshaadul fuxuul” marka uu ka hadlayo arrinta Ijmaaca waxaad arki kartaa sida uu ugu iilanayo ra’yiga khilaafsan dhiciddiisa. Annaga oo ka fogaanaynno dooddaas, haddii aan is weydiinno Fuqahadu ma ku Ijmaaceen in Magta dumarku tahay niska tan Ragga?. Waxa uu ku leeyahay Calaamatu Ibnu Qudaama al-Xanbali kitaabkiisa “Al-Muqni”: Waxa uu yiri Ibnu Cabdil Barr iyo Ibnu Mundir: waxay ku Ijmaaceen in magtu Haweenta tahay niska tan Ragga, waxaana laga soo guuriyay Ibnu Cilyah (DH: 193H), iyo Al-Asamm: (DH: 201H) in ay dhaheen: Magteedu waxa ay la mid tahay magta Ragga, ayaga oo daliilsanayo hadalka rasuulka (SCW) “Nafta Mu’minadda ah (waxaa u mag ah) boqol geel ah”. (Bayhaqi: Alkubraa: 8/100. Albaani ayaa saxiixiyay “Irwaa’ul qaliil: 2248”).  

Isha Afaraad: Daliilka Qiyaaska:

Haddii aan fiirinno daliilka afaraad, waa Qiyaaska, oo Culimada waxa ay qaarkood soo daliilsadeen qiyaaska si ay u sugaan in Magta dumarku tahay Niska tan Ragga, ayaga oona uga qiyaas qaadanayo masaa’il kale sida Marqaatiga dumarka in niska tan ragga, iyo sidoo kale masaa’il kamid ah dhaxalka oo raggu qaadanayaan laba laab waxa ay dumarku qaateen.

Sheekh Yuusuf Alqardaawi (AUN) isaga oo ka jawaabayo arrintan ayuu leeyahya; “Xaqiiqada waxa ay tahay in kaga qiyaas qaadashada dhaxalka iyo Marqaatiga mas’alada Magta, ay tahay qiyaas aanan sax ahayn, sababtoo ah seddax baab isma quseeyaan. Tusaale markaan ka hadalaynno Marqaatiga dumarka in uu yahay labo, ma ahan meel walbo ee waa uun marki laga hadlayo wixii la xiriiro dhaqaale iyo deyn, waxaana sidaa loo yeelay sida uu Qur’aankuba ku cilleeyay in hilmaamkooda ku saabsiisan arrimaha noocan ah uu badanyhay, madaama aysan ku badnayn.

Ta kale, haddii ayba tahay in aan qiyaas qaadanno soo kama awlaysano kagamana hor marsano in aan Magta kaga qiyaas qaadanno Qisaasta, madaama ninkii gabar dilo loo dilayo dood la’aan!. Sidoo kale markaan ka hadlaynno dhaxalka kagama qiyaas qaadan karno Diyada, sababtoo ah waxaa jiro masaa’il badan oo dumarku ay dhaxlayaan waxa uu ninka dhaxlay, iyo qaar ay dumarku dhaxlayaan wax ka badan waxa uu ninka dhaxlay, halka masaa’ilka ay haweenaydu dhaxlayso niska waxa uu dhaxlay ninka ay yihiin oo kali ah affar xaaladood oo la yaqaan, saa darteed loogama qiyaas qaadan karo masa’aladan”. (Diyatul Mar’a: Yuusuf alqardaawi: 49)

Eegidda Xikmadda iyo Maslaxada:

Haddii aan fiirinno daliilka maslaxada ee ay dalbanayso Shareecada dhammaan Axkaamteedana laga dhex arki karo, oo aan is weydiinno xikmadda laga leeyahay ka dhigidda Magta dumarka nuska tan ragga? Waxaan ka helaynna jawaab qaar kamid ah fuqahada oo kaga xikmad dhigay in manfacada ninka la dilay lagu waayi karo ay ka badantahay inta badan tan dumarka lagu waayo. Uuna ninku yahay kan biilka iyo nafaqada reerku saaranyahay.

Sheekh Muxammad Al Qasaali oo u jawaabayay Sheekha weyn iyo Faqiiha Qaanuuniga ah ee Mustafa al Sarqaa, oo cilladda aan horay u xusay ku sheegay sababta magta dumarka looga dhigay niska tan ragga ayaa yiri (Qasaali AUN): “Shareecada mawducan sidaas uma eegayso mudanahaygoow, sababtoo ah magta canugga yar ee aanan shaqayn iyo ninka weyn dadka biilayo waa isku mid, sidoo kale magta Barefasoorka jaamacadeed iyo waardiyihiisa waa isku mid, haddaba Shareecada waxa ay eegaysaa, tixgelinne siinaysaa uun nafta Aadmiga iyo karaamadiisa iyo ka ilaalinteeda in lagu xad gudbo.

Culimada Casriga iyo Diyada Dumarka:

Waxaa laga yaabaa in aad is weydiisa maxaysan culimadii hore uga hadlin mawduucan si furan, oo ay u noqdeen culimadan danbe kuwa ugu badan ee ka hadlo mawduuca?, Sh Qardaawi waxa uu uga jawaabayaa arrintaas, in xilligii hore ay yarayd dilka dumarka si kama’ ah oo keensato in diyo la kala qaato, sidaa darteed ayaysan culimada ugu hadal badin, halka casrigan ay badantahay dumarka dhimashadooda, madaama shilalka iyo waxa lamidka ah ay bateen, taas oo keensanayso diyo kala qaadasho. Middaas ayaana keentay in culimadu dib ugu celiyaan aragtida sharciga waxa uu ka qabo Mas’aladan, maadaama ku dedaalisteeda aysan xirnayn, sida uu qabo Maalik binu Anas RX, waxa uu yiri “Umaddan culimadeeda hore iyo kuwoodi danbe lama oga kuwa uu xaqa afkooda ku dilaaci doona”. Sidaa darteed, waxaaan soo tixi doonaa qaar kamid ah culimada casrigan ee qabo aragtidan, mas’aladana u qaatay in dumarka iyo raggu magtooda isku mid tahay, ayaga oo udub dhexaad kaga dhiganayo aayaddii suuratu Nisaa’ ee 92aad.

  1. Sheeekh Rashiid Ridaa’ (1865M – 1935M) waxa uu ku xusay kitaabkiisa tafsiirka ee (Al Mannaar: 5/333).
  2. Sheekh Maxamuud Shaltuut (1893M-1963M); waa sheekhii weynaa ee Al As-har. Waxa uu ku xusay kitaabkiisa (Islaamka Caqiido iyo Shareeco: 208-209).
  3. Sheekh Maxammad Abuu Suhra (1898M- 1974M), kitaabkiisa (Al jariimatu wal ciqaab fil shareecatil Islaamiyah: 506).
  4. Sheekh Muxammad al Qasaali (1917M – 1996M); isgana waxa uu ku xusay kitaabkiisa buuqa badan dhaliyay ee (Al Sunnah bayna ahlil Fiqhi wa ahlil Xadiis: 19).

Gebogabo:

Mawduucan wax ka qoriddiisa ma soo afjarayso khilaafka taagan, balse waxaan uga gol lahaa, isku dayidda soo koobidda doodda kale ee jirto,  iyo in uu jiro qawlakan kale iyo waxa uu cusknayo. Ugu danbaynne Garsoorka uu xaq u leeyahy qawlka la qaadanayo lana dhaqan gelinayo.

Alle ayaana ah ujeedka qoraalka, asaga ayaana weydiisanaynnaa waafajin.

Cabdicasiis Mubaarak,

24. April. 2023.

One thought on “Diyada Dumarka

  1. waan dagdagsana markaan qormadaada quruxda badan akhrinayay oo si fiican uma wada dhuuxin, mana wada akhrin, waxaanse u malayn in uu jiray xaddis markii asxaab uu rasuulku u diray yaman ay weydiiyeen arrintaas, oo uu ku yiri waa isku diyo ninka iyo naagtu,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *