Cali Cizet: Maxbuus ilaa Madaxweyne

Cali Cizet Begovic: Maxbuus ilaa Madaxweyne

W/Q: Sulaymaan Saalax
W/T: Cabdiraxmaan Y. Caqiil

Cali Cizet, by Reuters

In aynu diraasayno oo wax ka baranno tijaabada Cali Ciset Begovij, waxa ay inoo furaysaa dhabbo cusub oo lagu horumarin karo cilmiga hoggaaminta, taasi oo ka dhigan in tijaabooyinka adag laga qaato in uu qofku u diyaarsanaado hoggaaminta, sidoo kalena uu horumariyo aragtidiisa hoggaamineed ee fog iyo in uu raadeeyo dadka kale.

Akhrinta taariikhda
Cali Cizet Begovij waxa uu si qoto dheer u diraaseeyay taariikhda Boosniya, arrinkaasi oo lagu tiriyo waxyaabaha uu ku kasbaday hoggaaminta jamhuuriyadda Boosniya(¹), intii uu ku jiray diraasaynta taariikhdaasi waxa uu sii bartay ku dhegenaanta huwiyada islaamnimo oo ka soocaysa dadka kale. Waxaa la tilmaamaa in nin la yiraahdo Cali Baasha Hetmovic oo horkacayay ciidamadii Boosniya uu dagaal kaga adkaaday ciidankii Usteri dagaal loo yaqaan “Baaniya Luuka” sannadkii 1737dii, arrintaasi oo dhalisay in la sameeyo xuduudka woqooyi ee Boosniya intii uu socday heshiiskii nabadgalyo ee Belgaraad 1739kii. Waxii taariikhdaas ka dambeeyay, Boosniyiintu waxa ay u suuragashay in ay ka hortagaan isku dayo lagu doonayay in dhulkooda lagu daro Usteri.

Hooyada dhashay Cali Cizet(²) waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay in ay wiilkeeda u diyaariso hoggaamiye bulsho, waxay ku sifaysnayd dhowrsanaan, waxa ay dadaal ku bixisay in wiilkeeda ay u kiciso salaadda fajar, iyo in uu ku tukado masjidka kaliya ee gobolkaasi lahaa, waxa uu aad ugu farxi jiray maqalka imaamka oo akhrinaya suurdda Al-raxmaan.

Muslimiinta dalka Boosniya waxa ay la kulmeen cadaadis nooc waliba leh, ilaa la sheego tirada dadkii kaga dhintay dagaalkii 2aad ee adduunka in ay gaaraysay 75 kun oo qof, taas oo ka dhigan 8% tirada muslimiintii ku geeriyootay dagaal weynihii labaad ee adduunka(³).

Talisyadii isxigxigay ee Shuuciyiinta waxa ay kula kacayeen dadyowgii muslimiinta ahaa dhaqan lagu tilaami karo bahalnimo, hoggaamiyihii Yuguslaafiya “Tiitoos” waxa uu 250,000 oo qof kula kacay xasuuq wadareed, iyo in xoog lagu askareeyo(⁴).

Sidoo kale nidaamkii shuuciga ahaa waxa uu albaabada is kugu dhuftay maxkamdihii muslimiinta, dugsiyadda lagu barto Qur’aanka iyo barbaarinta ubadka. Iyada oo ay jirto arrintaasi, haddana shacabka Booshnaaq (⁵)marna isma dhigan, waxa ay si hoose isugu gudbin jireen kutubta Muslimiinta, waxa ay samaysteen naadiyo iyo ururro u dhaqdhaqaaqa xaqooda, in badan oo kamid ah dhallintii qaybta ka ahaa naadiyadaasi ayaana xabsiyada u galay arrinkaasi.

Nidaamkii shuuciga ahaa ee ka jiray dalkii la oran jiray Yuguslaafiya waxa uu cadaadis iyo cagajuglayn badan ku hayay Muslimiinta, haddana huwiyada(aqoonsiga) islaamnimo marna ma uusan qarsoomin.

Baraarugii qofnimo
Cali Cizet Begovij waxaa soo barbaarisay hooyo leh karti iyo aqoon ay dheerayd asaaggeeda, cali iyo koox saaxiibadii ah waxa ay samaysteen naadi ay ku kulmaan dhallinta, taasi waxay dhibtay taliskii halkaa ka jiray oo markiiba xabsiga dhigay Cali 1946 kii, muddo 36 biloodna uu ku qaatay xabsiga. Markii uu xabsiga kasoo baxay waxa uu meel iska dhigay riyadiisii ahayd in uu ku biiro dugsiga Sharciga lagu barto, waxa uuna bilaabay in uu diraaseeyo “Dhaqaalaha beeraha” markii dambe se wuxuu kusoo laabtay takhasukiisa Sharciga 1954kii, inkastoo taliskii shuuciga ahaa uu korjoogto dheeraad ah ku hayay.

Cali Cizet mar uu ka hadlay xarrigiisa waxa uu yiri; “Qofku kama warqabo wixii dhibaya iyo wixii anfacaya noloshan, haddii aanan xabsi gali lahayn 1946 dii -kolkaas oo aniga iyo reerkayguba u haysanay musiibo- ugu yaraan waan dhiman lahaa sidii uu u dhintay marxuum khaalid kaytaz, oo booskayga galay kolkii la i xiray, waxaana khaalid lagu xukumay dil toogasho ah oo lagu fuliyay 1949, sidaas ayuu xabsiga noloshayda ku badbaadiyay.

Intii uu xabsiga ku jiray Cali waxa uu ilaashaday xubinnimadiisii naadiga dhallinyarada ee uu ku jiray, xabsiyada waxaa ku buuxay kummanaan dhallinyaro ah. magaalada Sarayeefo ayaa guud ahaan haawanaysay oo cidlo ahayd, cid socotana aanay jirin waqtigaasi(⁶).

Buuggii taariikhda galay
Cali Cizet kolkii uu ka baxay kulliyada xuquuqda waxa uu u banbaxay qorista maqaallo isku xiran oo aanu faafin, waxa uuna allifay kitaabkiisa “Baaqa islaamka” kaas oo uu faafiyay 1970 kii. Buugga waxa uu kaga warramay dunida islaamka, kumana qornayn wax ku saabsan Yuguslaafiya. Aragtida ugu weyn ee buugga waxa ay ahayd in islaamka oo kaliya uu awoodo dib u soo celinta doorkii hoggaamineed ee shucuubta Muslimiinta, iyo in ay Muslimiinta dib ugu soo laabtaan taariikhda.

Sannadkii 1983dii ayaa mar kale xabsiga la dhigay Cali Cizet Begovij, boqol maalmood ayaa lagu waday baaritaan iyo waraysi, ilaa heer cuntada loo diiday, taas oo sababtay in muuqaalka wajigiisa uu isbeddelay.

Markii la horkeennay maxkamadda Cali waxa uu dadweynihii fadhiyay ku salaamay salaanta islaamka “Assalaamu calaykum” qaadigii maxkamadda oo caro xooggan ka muuqato ayaa cali uga digay arrinkaasi, wuxuuna cali kaga warceliyay in hoolka maxkamadda ay fadhiyaan caruurtiisa, xaqna u leeyahay in uu salaamo.

Waxaa meesha lasoo tubay eedo kala duwan oo loo soo jeediyay cali iyo saaxibadiisa, eedahaasina waxaa kamid ahaa in uu ka shaqaynayay kacaan islaami ah,sidoo kalena uu faraha kula jiray islaameynta dowladda. Caddaymihii goobta la keenay waxa uu noqday kitaabka “Baaqa islaamka”. Cali oo lagu yaqaanay geesinimo ayaa si aan gabbasho lahayn ra’yigiisa u cabbiray, waxa uu yiri:”Horta waxa aan qirayaa in aan ahay waligayna ahaan doono qof Muslim ah, naftayda waxaan ka aaminsanahay in aan difaacayo qaddiyadaha muslimiinta ee caalamka, islaamku waa rajo, yididiilo, iyo mustaqbal soo ifaya oo ay leeyihiin shucuubta Muslimiinta, xaq ayayna u leeyihiin in ay si xorriyad iyo karaamo ku dheehantahay ugu noolaadaan, waana wax mudan in dartii loo noolaado”. Intaa kaddib go’aankii maxkamadda shuuciga waxa uu noqday in 14 sanno oo xabsi ah lagu xukumo cali Cisset Begovij.

Xabsigii dilaayada
Bishii noofambar 1983 kii, waxaa loo dhaadhiciyay cali xabsigii footsha oo ay ku buuxaan rag lagu soo xiray dembiyo dil, rag bulshada soo laayey oo dhiig u ooman ayuu jaar la noqday cali, waxaana looga gol lahaa in ay nolosha dhaafiyaan cali.

Cali Cizet markii uu xabsiga galay isgoo 60 jir ah, waxa ay naftiisa u sheegay in uu halkaa ku dhiman karo oo waqtigiisa uu soo idlaaday.
Waa waqtiga uu qofku dareemo taagdarri, ilaahey wuxuu qaddaray in raggii dilayaasha ahaa ay ka haybaystaan Cali, waxayna gudagaleen in ay si qarsoodi ah ugu keenaan waraaqo iyo qallimaan uu si weyn isticmalay, waxa uu soo saaray 13 mujalad oo buug.
Maxaabiistii xabsiga kula jirtay cali waxa ay ku guuleysteen in ay dibedda u bixiyaan buugga [الإسلام بين الشرق والغرب ] iyo buugaag kale oo uu qoray inta uu xabsiga ku jiray.

Maxaabiista oo aad u la dhacay habdhaqanka wanaagsan ee cali ayaa bilaabay in ay arrimahooda kala xaajoodaan, qaarkood waxa ay sheegeen in ay dad wanaagsan ahaayeen, falka dilka ay geysteen ay dani ku khasabtay, sida nin sheegay in waalidkii la garaacay.

Lix sannadood markii uu xabsiga ku jiray Cali Cizet Begovij, Waxaa la gaaray burburka nidaamkii shuuciga ee dalka ka talinayay Calina xabsigii ayuu kasoo baxay, waxaana judhiiba loo doortay guddoomiyaha xisbiga Dimoqraadiga shaqaalaha, doorashadii dhacday febraayo 1990 waxa uu xisbigiisa ku guuleystay 86 kursi oo kamid ah 240 ka kursi ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Boosniya.

Muddo aan dheerayn kaddib waxaa bilowday weerar aan gabasho lahayn oo ay si wadajir ah u soo qaadeen Seerbiya iyo Kurweeshiya, Seerbiya waxa ay gacanta ku dhigtay wixii hub ah oo dowladdii Yuguslaafiya ka tagtay, dadka Boosniyiinta oo aan u diyaargaroobin dagaalka waxa ay ku khasbanaadeen in ay iska caabbin sameeyaan, cali Waxa uu u arkayay in dagaalka uu bilowday kaddib markii Seerbiya iyo Montenegro ay ku soo duuleen Boosniya, Gollaha ammaanka ayaa amray in hubkadhigis lagu sameeyo dhinacyada dagaalamaya, waxaana hubkadhigistaasi lagu koobay Boosniya.

Waxa uu yiri Cali Cizet: Dagaalka Boosniya Markii horeba ma ahayn mid ay ku dagaalamayeen labada ciidan, balse waxay  duulaan lagu soo qaaday ahayd shacab ka horyimid isku dayga in la sameeyo waxa loogu yeero “Seerbiyada weyn”.

Cali Cizet Begovij waxa uu hormuud u ahaa in la hanaqaado wadahadallo iyo kullamo diblomaasiyadeed isaga oo matalaya shacabkiisa, fekerkoodana cabbiraya.
Sidoo kale waxa uu dunida u caddeeyay munaafaqnimada dowladaha qaar, gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub iyo sidii ay u la safnaayeen Seerbiya iyada oo Muslimiinta Boosniya lagu hayo beegsi gaar ah(⁷).

Waxa uu ku dadaalay in ciidanka iyo shacabkaba ay ku dhaqmaan akhlaaqda san ee islaamka. Khudbad uu jeedinayay febraayo 1993 waxa uu ku yiri: “Ilaahey waxa uu nagu imtixaanay balo aad u xanuun badan, dadkeennii baa la gumaaday, haweenkeenna iyo caruurteenna ayaa la tirtiray, masaajideenna ayaa la burburiyay,laakiin innagu haween iyo caruur dilimayno, kaniisadna ma burburinayno, waxa aynu dadaal ku bixinaynaa in aynu ahaano shacab muxtarim ah xaaladan adag ee lagu jiro, Qur’aanka kariimka ah ayaa inaga mancinaya arrimahaasi.”

Cali Cizet Begovij oo Boosniyiinta hoggaaminaya ayaa ku guuleystay in ay iska caabbin sameeyaan, waxayna keentay in heshiis kama dambays ah laga gaaro colaaddaasi. Natiijadaasi oo dhami waxaa dhaliyay diraasaynta Taariikhda islaamka iyo garashada huwiyadiisa iyo sannado uu xabsiga ku jiray oo sare u qaadday aragtidiisa mustaqbalka.

______________________

¹. Boosniya iyo Herzegovina waa magaca rasmiga ah ee dalkan ku yaalla koonfurta bari ee Yurub gaar ahaan gobolka Balkanka loo yaqaan, bishii maarso 1992 ayay si rasmi ah uga go’day dalweynihii Yuguslaafiya.
². Cali Cizet Begovic hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Boosniya, waxa uu dhashay 1925 kii isaga oo geeriyooday 2003, waxa uu xilka madaxweynaha Boosniya sii hayay 1992-1996, waxa uu ahaa faylasuuf iyo mufakir Muslim ah, waxa uu qoray buugaag badan oo ummada wax kusoo kordhiyay.
³. Dagaal weynihii 2aad ee adduunka waxa uu dhacay intii u dhaxaysay 1939-1945 natiijadii ka dhalatay dagaalkana waxay ahayd in ay ku baxaan malaayiin qof.
⁴. Nidaamka shuuciga ah waxa aragti siyaasadeed oo la xiriirta hantiwadaagga, taas oo looga gol leeyahay in aysan jirin wax gaar loo leeyahay, oo wax kasta la wada leeyahay.
*Yuguslaafiya waxaa la isku Oran jiray dalalka Bosnia Herzegovina, Croatia, Macedonia, Montenegro,Serbia (Gobollo ka tirsan Kosovo) iyo Slovenia.
⁵. Boshnaaq: waa bulsho u badan muslimiin, deegaankooduna yahay Balkanska.
⁶. Sarayeefo( Sarajevo) waa caasimadda jamhuuriyadda Boosniya.
⁷. Intii uu socday dagaalkii Boosniya, seerbiyiinta duullaanka soo qaaday waxa ay geysteen dembiyo dagaal oo aan horay loo arag, waxaa kamid ah dhacdadii sarbarnetza oo lagu dilay in kabadn 8 kun oo qof oo isugu jira caruur iyo dad da’ ah oo toddobaatanka dhaafay.

Tixraac: Aljazeera https://aja.me/jrw5bj

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *