Waxa qoray: Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir
Waxaa tarjumay: Kassim Hussein
Marka buugaagta la joogo dadku waa jaadad kala duwan, qaybi buuga waxba lama wadaagto, kaliya waa kuwo ku nool qofnimadooda iyo duni balaa akhris ah. Qayb kale, wax bay akhrisaa mase jecla in ay si gun dheer wax u akhriso, oo akhriska fudud bay doorbidaan. Qoladanina wax ay helaan qoraalkii iyo qalinkii ay doonayeen ama ay jeclaayeen oo keliya. Qayb kale oo saddexaad ayaa jirta; qaybtani waxa ay la noolyihiin akhriska iyo ogaalka, iyaga oo u kuurgalaya in ay faham dheeraad ah kasii dhiijiyaan. Qoladani noloshoodu waa mid buugga iyo dhiganaha ku dherersan, oo sina uma noolaan karaan akhris la’aan. Buugu agtooda waxa uu uga dhigan yahay quud ay dheefsadaan. Oo ma cid baa quudka la’aanta noolaan karta?
Qaar ka mid ah indheergaradka ayaa qaba in buugu yahay garasho labaad oo garashadaadii hore soo booqatay. Balse, iminka waxaa jira; buugaag badan oo aanay waxba ku dhex jirin, ama soo gudbinaya xogo aasaasi ah, ama xogo soo-noqnoday, ama kuwo kale oo wakhtigu beenshay ama duruuftu ka talawday. Waxaad arkaysaa qof bulshada u qoraya xogo laga wada dharagsanyahay, oo buug uga dhigaya. Ama qolo kale oo akhrinaysa wax iska caadi ah oo aan dedaal garasho iyo mid garaad toona uga baahnayn.
Aslan, buugga muhiimka ahi waa qassab in uu soo bandhigo wax cusub, ama uu wax qaldan toosiyo, ama uu dabo qabto aragtiyo sii tirmaya, ama beegsado fikrado qalaad oo la soo waariday, ama uu difaaco qiyam qofeed ama bulsheed. Laakiin haddii aanu buugu intaa midna ka hadlayn, waxa uu noqonayaa uun anigaa haray e aan hadlo iyo bar kuma taal.
Xilligaan la joogo, waxaa aloosan hardan fikireed, dirir akhlaaqeed iyo dagaal ka dhan ah aqoonsiyada. Buugga xilligaan waxgalka ahi waa midka u babac dhigi kara arrimahaan. Sina suurtagal uma ahan in aynu ku noolaanno wakhti hore iyo meel kale toona. Waa geed ka go’an iyo lama-huraan in aynu ku noolaanno taaganteenna iyo deegaanka aan joogno. Kuwa ka hadlaya dhibaatooyinka aan waaqaceenna iyo deegaankeenna waafaqsanayni waa kuwo doonaya in ay ummadeenna suuxiyaan ama ay siiyaan daroogo ay fasax uga qaataan nolosha dhabta ah.
Qofka caqliga leh waa kan wax akhriya, fahmana waxa uu akhrinayo iyo sida mudan in loo akhriyo.
Nololi ma jiri karto wacyi fayow la’aantii, wacyina ma jiri karo iyada oo aan nolosha la fahmin. Noloshana lama fahmi karo haddii aan si dhab ah loo darsin. Waxna ma dersi karno haddii aynaan la imaan akhris gundheer. Akhriska qotada dheerna waxa uu ku xiran buugaagta dhabta ah.
Buugaagta dhabta ahina waa tan ka jawaabaysa waydiimaha culculus. Yaa nahay? Maxaan doonaynaa? Maxaa inagu soo fool leh? Maxaynu iska rabnaa? Maxaa inala haray? Maxaan ku horumari karnaa? Sidee baynu u hormarnaa?
Suuratul-CASRI, ayaan ka helay jawaabaha waydiimahaan oo idil. Sidaas darteed ayaan u doortay in aan qoro dhambaalkaan gaaban. Waa dhambaal ka jawaabaya hidaayada Qur’aaniga ah ee ku saabsan ilbaxnimada. Sideen u dhisi karnaa ilbaxnimo? Iyo sideen uga gudbi karnaa jabadka dib-u-dhaca? Suuraddaan gaaban ee Makiga ahi, waxa ay ka kooban tahay aayado kooban. Balse waxa ay la timid jawaabo gundheer oo caadi-ka-bax ah, oo tan ugu muhiimsani tahay; yaa dhisa ilbaxnimada?
Waxaan jira afar suuradood oo aan la noolahay, marnana aanan dayrkooda dhaafin. Waa Suuratul-Calaq, Suuratul-Raxmaan, Suuratul-Casar iyo Suuratul-Balad. Mid kasta oo suuradahaan ka mid ahi waxa ay daawaynaysaa waydiin nololeed oo wayn, ama kuwo culculus. Waa suurado inooga baahan ufiirsi iyo udhug-yeelasho dheeraad ah.
Qofka doonaya in uu nolosha sida ay tahay ugu noolaado, iyo sida Eebbe jecelyahay, doonayana in sare-u-kac sameeyo waa in uu kitaabka Eebbe akhriyaa, fahmaa, dersaa, la falgalaa oo dadka ugu yeeraa. Guuli ma jirto Quraan ka la’aantii.
Afartaan suuradood waxaa jirta hal wax oo ay ka midaysan yihiin waana wakhtiga. Yacni, waxa ay ku soo dageen maxladdii makiga ahayd. Marxaladdaan oo ka dhignayd marxalad aasaas iyo yagleel. Iyaga oo Suuradahani ay ka jawaabayaan waydiimaha asaasiga ah, sida; halkeen ka bilownaa? Innaga oo maantay nool marxalad asaasi ah ka gadaal markii aynu burburnay. Amaba heer aynu u baahannahay baaritaan ku aaddan; sideen u dhisan karnaa maqaam sharfan oo aan dunida ka galno?
Suuratul-Calaq waxaa ku dhex jira amar cad oo ku saabsan akhriska, Maxaan akhrinnaa? Sidee baynu u akhrinnaa? Halkeen ka billownaa? Maxaase inoo ah hadafka akhriska? Suuratul-Raxmaan dhankeeda, waxa aan ka helaynaa xiriirka ka dhaxeeya Eebbe(Raxmaanka) iyo Qur’aanka iyo sidoo kale xiriirka adag ee ka dhaxeeya dadka iyo Qur’aanka, iyo falgalka dhex maraya dadka iyo kawnka.
Qur’aanku waxa uu ina barayaa akhriska, in aan ka dheefno iyo in aan ku raaxaysanno intaba. Kuwa aan akhriska ku raaxaysan waa kuwo ku nool khayaal halis ah.
Ummadaha horumaray waa ku booqda makaatibta si lamid ah sida suuqyada. Iyaga oo buugaagta u iibsada sida alaabaha kale, waxa ayna buugaagta u qoondeeyaan miisaaniyad gaar ah si lamid ah sida waxyaabaha daruuriga ah ee guriga. Waa kuwa dhiganayaasha fadhiyo la qaata si lamid ah sida ay dadka ula qaataan.
Dadku isla’egta nolosha ayay kaa luminayaan, halka buuggu nolosha kuu dhisayo. Halkaas ayaana laga fahmi karaa sirta ka danbaysa dib u dhaca dadka qaar, waayoo waxa ay lumiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay aqoonta iyo cilmiga.
