W/ray: Cabdullahi Dayib Maxamed
Buugga Adkaysi: Faallo
Adkeysi: xog-ogaalnimo qofeed iyo sahayda qofka hammiga siyaasadeed leh.
Buugga Adkeysi, waxaa qoray mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, ahna aas-aasaha iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir. Cabdiraxmaan, waa siyaasi si gaar ah uga tilmaaman nukhbada iyo horweynta siyaasiyiinta soomaalida, iyada oo lagu yaqaano; wacyi sare oo uu ka heysto sida ay u shaqeyso dowladnimada casriga ah iyo hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya u baahan tahay, mabda’ sugnaantiisa iyo sida ay aragtiyihiisa siyaasiga ah u cadyihiin iyo dhacdooyinka u gaarka ah ee soo maray intii uu siyaasadda ku jiray. Mudane Warsame, waxa uu buuggiisa ku qaadaa-dhigayaa dhalashadiisii iyo korriimadiisii degmada Buulaburde, ilaa iyo soo galiddiisii siyaasadda Soomaaliya iyo dhaq-dhaqaaqyadiisii siyaasiga ahaa. Adkeysi, waxa uu si kooban noogu iftiiminayaa; sida uu ahaa dhammaadkii iyo xaaladdii ay ku sugneed dowladdii dhexe ee ay askartu majaraha u heysay, waxa uuna si gudo ballaaran u kala dhig-dhigayaa aragtidii, iyo hab-fekerkii kooxihii Islaamiyiinta Soomaaliya, oo xooggoodu waddanka ka soo ifbaxay xilligii dowladdii Millitariga –taas oo uu qoraagu ku sheegay in ay dadku kala ahaayeen kuwo xagjir ku ah Hantiwadaaggii Shuuciyadda ee dowladdu la timid iyo kuwo Islaamiyiin xagjir ah oo aaminsanaa in Islaamku xal yahay. Sidoo kale waxa uu buuggani sahay iyo tusaaleyn u noqon karaa qofka Soomaaliga ah ee raba in uu siyaasadda Soomaaliya galo, isaga oo ku cibro qaadanaya dhacdooyinkii kakanaa ee xanuunka lahaa ee C. C. Warsame, soo maray iyo si guud xaaladihii siyaasadeed ee uu qoraagu goob-joogga u ahaa.
Cabdiraxmaan, waxa uu sanadkii 1968-kii ku dhashay magaalada Buulaburde, ee gobolka Hiiraan. Sida buugga ku xusan, Buulaburde, xilligaas iyo intii uu qoraagu ku soo korayay ba, waxa ay ahayd magaalo xasillooni ka jirto, bulshada dagganina uu maxabbo iyo isjaceyl ka dhaxeeyo. Qoraagu, waxa uu xusayaa; in deegaankaasi uu ahaa meel dadka iyo qabiillada kala duwan ee Soomaalidu wada degganaayeen oo ay daris-wanaag, iska-war-heyn iyo kalgacal ku wada noolaayeen laakiin nasiib darro, burburkii iyo halaaggii dalka ka dhacay kaddib ay magaaladu noqotay meel kala irdhow bulsho ka dhacay oo dadkii kala duwanaa ee niyad wanaagga iyo Soomaalinimada ku wada noolaa, uu qof walba deegaankiisii asalka ahaa ee qabiilkiisu degganaa uu ku laabtay oo uu naf-biday. Noloshii Buulaburde ka jirtay ee uu qoraagu buugga Adkeysi, noogu sawirayo, iyo sida burburkii kaddib uu ahaa xaalka nololeed ee magaaladaas, waxa ay tusaale nool u tahay sida uu noqday deegaan kasta oo Soomaaliya ah burburkii iyo riiqdii ummadeed ee dalka ka dhacday ka gadaal.
Mudane Cabdiraxmaan. C. Warsame, waxa uu dugsi quraanka ka dhigtay magaalada Buulaburde, waxa uuna gu’gii 1986-kii, isla magaaladaas ku dhammeeyay dugsiga sare. Cabdiraxmaan, waxa uu isku dayay in uu Muqdisho, oo 220km u jirta Buulaburde, u aado jaamacad iyadoo ay kaliya markaas jirtay Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed se waa ay u suurto geli weysay in uu kusoo baaso imtixaankii aqbalaadda ee jaamacadda sababtu tahay waxaa jaamacadda ka jiray musuq iyo wax-isdaba-marin baahsan. Isaga oo cadaalad darrada iyo musuqa waddanka ka jirtay xilligaas ka hadlaya waxa uu bogga 18aad ee buugga ku qoray “Markii aan kasoo baxay imtixaanka, ayaan soo maray fasalkii nagu xigay oo ardaydii kor tuuran tahay macallinkii waardiyaha ahaa oo ka shaqeynaya imtixaanka arday kamid ah ardayda, inta kalana ay ka guursanayaan”. Muddo gaaban kaddib, dalka waxaa ku dhacay qaran-jabkii waxaana billawday dagaalkii sokeeye ee tobannaanka sano qaatay in laga soo kabto. Qoraagu waxa uu xusay in xilligaas dhallinyaradu u kala qeybsameen seddex qolo; koox qaxday oo waalidkood raacday, kuwo jabhadihii rajiimkii Maxamed Siyaad ku kacsanaa raacday iyo kuwo urur diimeedyadii waddanka ka jiray ku biiray. Cabdiraxmaan C. Warsame, waxa uu kamid ahaa kooxdaas dambe ee urur diimeedyadii waddanka ka jiray kamid noqday. Xarakada Saalixiyada ayuu ku biiray se mar dambe wuu isaga baxay isaga oo uga sii gudbay ururkii Al-Itixaad Al-Islaami ee jihaadiga ahaa.
Waxa uu billaabay in uu ka xereysto oo uu raacdo kutubta Salafiga ah iyo in uu tababarro ciidan ka qaato xero ay Islaaxu, ka fureen Muqdisho. Muddo uu Cabdiraxmaan, ka tirsanaa ururka Al-Itixaad, waxa uu dhammaadkii hilaaddii 1992-kii ku biiray urur diimeedka Al-Islaax. Mudane Cabdiraxmaan, waxa uu u sababeynayaa ka bixistiisa Al-Itixaad, in ay ahaayeen rag u caabboonaa daadinta dhiigga dadka ka soo horjeeda isla markaana ay aaminsanaayeen in qori caaraddiis iyo baaruud looga caanamaalo waxii ka hor yimaada fekerkooda taasina ay isaga u cuntami weysay. Dhanka kale waxa uu ku sifeeyay ururkii Al-Islaax, in ay ahaayeen rag xoogaa qunyar socod ah, qori aan la haadeyn, samafalka iyo waxbarashada ka shaqeeya isla markaana nabdoon oo dagaal joogto ah aan xalka u arkeyn taasina waa sababta uu ugu biiray kooxdaan.
Qoraagu, waxa uu si waafi ah u naqdiyay kooxaha Islaamiyiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaalida, isaga oo sheegay in qofka kamidka ah kooxahaas aan lagala hadlin maxaa maan-gal ah iyo waaqaca, isla markaana si indho la’aan ah qofka loogu shubo in Iskaamku xal u yahay qaxarka iyo dhibta Soomaalida heysata dhibkaasna looga bixi karo oo keliya diinta islaamka oo la qaato. Waxa uu sheegay in ay iska indho tiraan qabiilka iyo waaqaca Soomaaliya ka jira beddelkeedana ay qofka u sheegaan in uu kamid noqonayo ummad Islaam la yiraahdo oo uusan waxba uga baahneyn qabiil iyo deegaan Soomaaliyeed toona! Waxa uu bogga 35aad ku qoray, in aan la dhisin wacyiga qofka xarakiga ah lana la kobcin fahankiisa siyaasadeed, bulsheed, dhaqan-dhaqaale iyo taariikheed ee dadkiisa taas oo qofka ka dhigeysa mid aan la nooleyn duruufaha iyo yididdiilooyinka nololeed ee dadkiisa.
Si aan fahan dheer lahayn, ayuu qofka xarakiga ahi u aaminsan yahay oraahda ah “Islaamka ayaa xal ah” haddiise lagu celiyo faahfaahinteeda iyo sida uu xal u yahay, uma sheegi karaan si itus oo itaabsii ah oo wax fekrad ah kama heystaan oraahdaas. Waxa uu qoraagu sheegay in ay kooxahaasi wax aan dadka waaqacooda waxba ka tareyn ay ku akhriyaan. Waxa uu xusay in ay dadka baraan aqoonta guud ee diinta, markii ay imaato siyaasaddana, ay qofka u akhriyaan taariikhda Islaamka waliba inteeda qurxoon oo keliya si ay qofka u geliyaan tamar iyo xammaasad badan. Mudane Cabdiraxmaan C. Warsame, waxa uu sheegay in wacyi xumadii ay kooxihii uu ka tirsanaa la noolaayeen darteed, ay keentay in dagaalkii sokeeye uu dushooda ka qarxo, dadkii qabiil iyo beelo u kala baxaan, dowladdiina korkooda ku dunto. Runtii qeybtani waxa ay ka mid tahay qeybaha buugga ugu muhiimsan oo uu qoraagu doodahaas waaweyn ku soo bandhigayo.
Bilawgii dabshidkii 1994, ayuu Candiraxmaan, dalka Sudan, u aaday jaamacadda heerkeeda koobaad kaddib markii uu deeq waxbarasho ka helay hey’adda Zamzam Foundation, oo ay ururka Al-Islaax, gacanta ku hayeen. Waxa uu Sudan, ugu tagay kacdoon Islaami ah oo aad u ballaaran. Kooxahaas Islaamiyiinta ah, waxaa raggii hoggaaminayay ugu tun weynaa Dr. Xasan Turaabi. Waxa uu qoraagu tilmaamay in Islaamiyiinta Sudan, ay dhaameen kuwii Soomaaliya, oo uu fahankiisa diimeed iyo dowladeedba ballaarteen isaga oo Sudan ku bartay dhaqanka doodda, dulqaadka iyo in kala fikir duwanaantu, aysan cadawtooyo abuurin. Waxa uu sheegay in jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika oo uu dhiganayay, uu ku bartay Akhriska, doodaha iyo isdhex-galka bulshooyinka – maadaama dadyow kala duwan oo qaaradda ka kala yimid ay wax ku baranayeen jaamacadda – taasina ay u horseedday in maankiisu furmo oo uu wacyi ballaaran yeesho.
Cabdiraxmaan, waxaa u soo geben gaboobay heerkiisii koobaad ee jaamacadda isaga oo buuggiisa qalin jabinta ku qaatay; Kaalinta xisbiyada badan ku leeyihiin horumarka siyaasadda, gaar ahaan xukunka Islaamiga ah. Muddo gaaban kaddib, gu’gii 1999, ayuu Cabdiraxmaan, heerka labaad ee jaamacadda u aaday dalka Maleesiya, kadibna waxa uu tagay dalka Ingiriiska. Qoraagu, waxa uu noqday xubin firfircoon oo ka dhex muuqatay Soomaalidii iyo jaaliyaddoodii ku nooleyd Ingiriiska. Waxa uu ka qeyb gali jiray doodaha loo qabto bulshadaas ee ku saabsanaa Soomaaliya iyo dowlad-dhiskeeda. Doodahaas waxaa ugu ballaarnaa Federaalka oo aad dareemeyso in uu fahan qoto dheer ka heysto. Intii uu Ingiriiska joogay, Cabdiraxmaan, waxa uu ahaa u dhaq-dhaqaaqe arrimaha bulshada ah isaga oo jaaliyadda ka caawin jiray; adeegyada ay dowladda hoose uga baahan yihiin, iyo la talinta dhallinyarada. Sidoo kale waxa uu madax ka noqday mid kamida xarumaha ugu waaweyn ee Muslimiinta Galbeedka London ku cibaadeystaan oo ah masjidka North London ee Finsbury Park Mosque. Waxaa halkaas inooga soo baxaya; in Cabdiraxmaan C. Warsame, uu ahaa qof ka shaqeeya una dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada inta uusan siyaasadda soo gelin.
Qoraagu, waxa uu buugga ku sheegayaa in waayihiisii carriga Ingiriisku, uu qaabeeyay oo uu qorqoray fahankiisii siyaasadeed iyo dowladeed, isaga oo akhrin jirin wax-qabadkii siyaasadeed ee ay qoreen aqoon yahanka Galbeedka sida kuwa bidixda u janjeera ee uu hormuudka u yahay caalimkii siyaasadeed mudane Noam Chomsky. Sidoo kale culumadii siyaasadeed ee loo yaqaanay Muxaafudiinta cusub (New-Conservative) oo uu ugu mudnaa Francis Fukuyama, ayuu wax-soo-saarkooda dersay. Waxaa kale oo uu Cabdiraxmaan, aqoontooda wax ka akhriyay rag kale oo bidixda dhexe ah oo ay ugu mudnaayeen Freed Zakariya iyo Richard Haas. Wax-soo-saarkaas akadeemigga ah marka laga soo tago, mudane abdiraxmaan C. Warsame, waxaa saameyn ku yeeshay dhex-galkiisii hey’adaha siyaasadda, xarumaha cilmi baarista iyo la socodka siyaasadda iyo saxaafadda ee dalka Ingiriiska.
Mudane Cabdiraxmaa, waxa uu buugga qeybtiisa seddexaad uga hadlay oo uu aad ugu dheeraaday bilawgiisii siyaasadda iyo qaabkii uu ku soo galay iyo waayihiisii Isbaheysigii dib-u-xoreynta. Intii uu ku sugnaa Ingiriiska, waxa ay isaga iyo rag kale aas-aaseen ururkii Somali Concern Group, oo ahaa urur ay ugu doodi jireen xaqa siyaasiga ah ee Soomaalida ku nool Ingiriiska. Cabdiraxmaan, waxa uu ahaa qof mar walba ay ku taagan siyaasaddii dalka iyo xaalkeeda taasina waxa ay keentay in ay taageeraan Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee Xamar ka unkamay oo ay dad badan u arkayeen iney xal keeni karaan maaddaama ay Xamar, ka sifeeyeen hoggaamiye kooxeedyadii, nabad iyo kala dambeyna ay keeneen. Cabdiraxmaan, isaga oo kamid ah koox qurba-joog ah oo siyaasadda dalka daneyneysay waxa uu qeyb ka noqday midow loogu magac daray ISBAHEYSIGA DIB-U-XOREYNTA oo ay ku mideysnaayeen qurba-joog, Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo uu Sheekh Shariif Shekh Axmed, oo markii dambe dalka madaxweyne ka noqday uu hoggaaminaayay iyo koox la baxday Baaralaanka Xorta ah ee uu hormuudka u ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo isna markii dambe noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sheekh Shariif, waxa uu noqday guddoomiyaha golaha fulinta oo uu Isbaheysigu sameystay, Shariif Xasan, waxa uu noqday guddoomiyaha golaha dhexe, halka Cabdiraxmaan C. Warsame, loo magacaabay guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe. Waxaa xiiso leh sida uu Cabdiraxmaan, ku helay xilkaas. Intii ay socdeen shirarkii Isbaheysiga dib-u-xoreynta, ayaa maaddaama uu Cabdiraxmaan, ahaa nin diinta si fiican u bartey, sharcigana si aqooneysan oo akadeemig ah u dersay ayaa waxaa isaga iyo xubnihii Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ka tirsanaa dhexmaraya doodo adag oo ku saabsan qaab-dhismeedka Isbaheysiga iyo sida ay tahay in loo wada shaqeeyo. Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo hoggaaminaayay Baarlamaankii Xorta ahaa, ayaa ka helaya sida uu Cabdiraxmaan, ugu babac dhigay raggaan oo uu isagu tin ka jari waayay iyagoo ku af-jigi jiray daliilo diini ah. Cabdiraxmaan , waxa uu kooxdii Shariif Xasan, u noqday neecaaw qabow oo u timid iyo meel ay fikirkooda ku soo gudbisan karaan, sidaas darteedna Shariif Xasan ayaa olole u gelaya in uu Cabdiraxmaan noqdo guddoomiye ku xigeenkiisa golaha dhexe. Intaas waxii ka dambeeyay, Cabdiraxmaan, waxa uu ahaa jilaa firfircoon oo Isbaheysigii dib-u-xoreynta muhiim ka dhex ahaa ilaa uu ugu dambeyntii dowladdii la soo dhisay ee uu madaxweyne ka noqday Sheekh Shariif, guddoomiye baarlamaanna uu ka noqday Shariif Xasan, uu Cabdiraxmaan ka mid noqday xukuumadda isaga oo loo magacaabay wasiir.
Halkaas waxa aan ka baraneynaa cashar ah; in marka uu qofku dhisan yahay oo uu aqoon ku hubeysan yahay, aqoontaasna uu si dhabnimo ah u muujiyo uu noqonayo qof ka sheeggan dadka uu ku dhex jiro isla markaasna uu noqdo qof aan la xaqiri karin oo tayadaas qofeed ay wax u goyso. Intii uu kamid ahaa isbabeysigaas, waxa uu ka helay waaya-aragnimo badan, sida ay u shaqeyso diblomaasiyaddu iyo sida ay waddamada caalamku u daneynayaam Soomaaliya, taas oo u horseedday inuu noqdo nin aragti sii riddan ka heysta; waxii la soo maray iyo sida lagu gaari karo dowlad-dhis Soomaaliya laga sameeyo oo sal fadhida leh.
Mudane Cabdiraxmaan C. Warsame, waxa uu xusay qodob xiiso badan oo qofnimadiisa iyo safarkiisa hoggaamineed wax naga baraya. Waa qaddiyaddii BADDA. Qoraagu waxa uu sheegay in 12 sano uu si xun magaciisa ugu lammaannaa qodobkaasu. Is-afgaradkii badda ee Soomaaliya iyo Kenya, oo uu Cabdiraxmaan saxiixay, raysulwasaarihiisiina u diray, waxa uu sheegay in ay dad badan khalad u fasireen oo ay bulshada kalana marin habaabiyeen. Kuwo siyaasiyiin ah oo dano kale ka lahaa iyo kuwo caammo ah oo aan fahmeyn qaddiyadda in ay umadda dhinac kale wax ka tuseen ayuu tilmaamay. Qoraagu waxa uu buugga ku xusay in qaddiyaddaasi culeys badan ku heysay leyskuna dayay in sumcaddiisa lagu dilo, magaciisana madow lagu midabeeyo. Waxa uu sheegay in xanuunka intaas la eg uu uga dabaashay; in uu ogaa in saxiixa is-afgaradku uu sax yahay maaddaama ay golaha wasiirradu fadhi ku ansaxiyeen in shir la galay oo si weyn looga baaraan degay ayadoo sharci yaqaanno laga tala galiyay.
Waxaa kale oo uu hubay in is-afgaradku uu Soomaaliya anfici doono, taas oo markii dambe dhacdayba. Qodobka kale ee shidaalka u ahaa waa in uu rabay in uu mar qabto hoggaanka dalka sidaas daraaddeedna uu u arkayay in dhibka qaddiyaddaan kasoo wajahaya uu ahaa tababbar uu sii qaadanayo si uu dulqaad ugu yeesho haddii uu kansho u helo talada dalka.
Qoraagu waxa uu buugga ku xusay ciwaan aad u xiiso iyo xallad badan, waa ciwaan uu u bixiyay ‘Fursaddii la dayacay’. Xilligii ku-meel-gaarka laga saarayay Soomaaliya ayey dhacday arrintaanu. Waxa uu qoraagu xusay in ku xigeenka la taliyaha amniga qaranka ee Raysulwasaaraha Ingiriiska, Olly Robbins uu madaxweyne Xasan Sheekh u yimid si arrimo badan oo Soomaaliya muhiim ah u ah hoosta looga wada xarriiqo kaddibna shir weyne London, ka dhacaya loogu jeex-jeexo. Waxaa qodobbadaas muhiimka ah ka mid ahaa in dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab wada hadal loo furo, Ingiriiskuna uu ka shaqeynta malafkaas uu ku dheereeyo laakiin madaxweynuhu, jawaab cad ma uu san siin la taliya. Cabdiraxmaan, waxa uu sheegay in marka kulankii soo dhammaaday uu madaxweynuhu weydiiyay aragtidooda ayna soo dhaweeyeen oo ay u sheegeen in ay fursad dahabi ah tahay.
Intaas ka gadaal madaxweynuhu waxa uu ku amray in ay soo diyaariyaan Cabdiraxmaan iyo koox uu hoggaaminaayay oo la taliyayaal u ahaa madaxweynaha qorshaha qodobkaas ku aaddan ee ay Soomaaliya la tagi doonto shirka ka dhici doona London isla markaasna ay ayagu jeedin doonaan aragtida Soomaaliya ka qabto wada-hadal lala galo Al-Shabaab. Cilmi baarista Soomaalida, waxaa ka jirta dood adag oo uu hoggaaminayo mudane Afyare A. Elmi, taas oo tibaaxeysa in xalka waaraya ee nabad-dhiska Soomaaliya uu ku jiro in wada-hadal lala galo AL-Shabaab, taas oo uu ku faah-faahiyay maqaalkiisa xiisaha badan ee la yiraahdo Engaging Al-Shabab in Somalia: Military Failures and the Merits of Dialogue.
Waxa uu Cabdiraxmaan sheegay in maalintii shirka la aadi rabay uu u yimid Faarax Sheekh Cabdulqadir oo markaas ahaa wasiirudowlaha madaxtooyada Soomaaliya. Faarax waxa uu Cabdiraxmaan, iyo kooxdiisii u sheegay in uu isagu shirka tagayo go’aanka Soomaaliyana uu geyn doono. Yaab iyo amakaag ayey nagu noqotay ayuu yiri Cabdiraxmaan. Waxaa intaas ka sii darneyd markii uu shirkii wax macno leh oo Soomaaliya anfaca la tagi waayay halkaasna ay ku baaba’day rejadii ahayd in Ingiriiska iyo dowlado kale ay wada hadal u furaan dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Qoraagu waxa uu xusay in mar dambe uu weydiiyay Faarax meesha uu ku dambeeyay ajandihii wada hadalka. Faarax waxa uu u sheegay in; arrintaasu suurto geli weysay isla markaasna dowladda Ingiriiska uu qorshaheedu ahaa in ay yool baareyso shakhsiyaad dowladda ka tirsan oo Al-Shabaab xiriir la leh ee aysan wada hadal u socon.
Cabdiraxmaan, waxa uu aad ula yaabay hab-fekerka iyo qar-iska-tuurnimada Faarax. Waxa uu u aqoonsaday maalintaas goor fursad dahabi ah laga dhumiyay Soomaaliya, iyo dowlad-dhiskeeda. Cabdiraxmaan, waxa uu dhacdadaas ku fasiray in siyaasiyiinta soomaalidu ay aaminsan yihiin aragtiyooyin shirqool ku dhisan (Conspiracy theories) isla markaasna ay caadifaddoodu hoggaamiso. Maalintaas waxa uu Faarax u sheegay in Ingiriisku uusan cidna wada shaqeyn la yeelan isaga oo waxa ay yihiin aqoon sidaas daraaddeedna uusan shaki idinka qabin ee uu si fiican idiin yaqaanno dalkana uu fursad weyn ka dhumiyay. Runtii mowduucaan oo uu qoraagu uga hadlayo bogagga 203-206 waxaan kala dhex baxeynaa in siyaasiga Soomaaliga ah damiir xumada iyo musuqa ay dalka ku maamulaayaan, ay u dheer tahay fahan darro siyaasi ah iyo in aysan waxba ka fahansaneyn sidii Soomaaliya loo samata bixin lahaa oo dowlad-dhis sax ah looga shaqeyn lahaa iyo in aysan waddanka uga faa’iideyn karin fursadaha mar-la-aragga ah ee mustaqbalka anfacaya dalka. Ciwaankaasu, waxa uu ahaa mowduuc naxdin ah oo dhiillo iyo uur-ku-taallo badan wata.
Gabangabada buugga waxa uu uga hadlay in uu dhowr jeer isku soo taagay tartanka madaxweynanimada Soomaaliya, isaga oo ka shaqeeya Qaramada Midoobay, sharfan oo dhaqaale fiican ku heysta ayuu gaaray go’aanka ah in uu tartanka madaxtinnimada uu galo. Sababta waxa uu ku sheegay in uu ka murugsanaa culeysna ay ku heysay xaaladda waddanka isla markaana uu rabay inuu meel mariyo fikirka ku jira oo uu aaminsanaa in waddanka uu meel geyn karo. Waxa uu sheegay in ay u suurto geli weysay sababtana waxa uu ku sheegay khiyaano iyo iska-daba-wareeg ay kula kaceen siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan kuwo tolkiis ah.
Cabdiraxmaan C. Warsame, waxa uu ka sheekeeyay dhacdooyin xiiso badan marna murugo leh oo dhexmaray asaga iyo dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Farmaajo. Cabdiraxmaan waxa uu ahaa qof isu arka inuu siyaasadda mabda’ ugu jira isla markaasna uu kor iyo hoos u sheego waxyaabaha ka khaldama dowladda. Waxa uu billaabay in uu qabto kulamo Siyaasadda iyo dhallinyarada ku saabsan, Siyaasadda iyo Saxaafadda iyo aqoon-kororsiyo noocaas ah. Intaas kaddib waxaa la fal-galiddiisa bulshada dhibsaday dowladdii madaxweyne Farmaajo oo ayadu aaminsanayd in aan laga hor imaan karin dowladda oo aan loo dhaxeyn karin dowladda iyo shacabka, qofkii isku daya inuu u dhaxeeyo shacabka iyo dowladdana gacan bir ah leysaga qaban doono, maaddaama ay aaminsanaayeen sida Cabdiraxmaan sheegay fikirka wahaabiga ah ee “Al walaa’ wal baraa”.
Taasi waxa ay keentay in ugu dambeyntii Cabdiraxmaan, hoygii uu ka degganaa Muqdisho, lagu soo weeraray ayadoo la dhaawacay, waardiyayaashiisiina la laayay oo ayaga oo kabahooda iyo dharkooda wata la duugay. Qoraagu waxa uu xusay in marka dhacdadaasu dhacday xabsi loo sii taxaabay isaga oo dhaawac ah. Waxa uu xusay in qabiilka uu ka dhashay ay ka gadoodeen dhacdadaas isla markaana ay u diyaar garoobeen in ay jawaab ka bixiyaan dhaqankaas foosha xun se isagu uu u sheegay in ay is dajiyaan. Waxaa kale oo uu xusay in ay dowladdu xirtay dhaq-dhaqaaqyadii siyaasadda iyo xuquuqdii dastuuriga ahayd ee shacabka ilaa ay markii ugu dambeysay ay weerar ku qaadday dowladdu guryaha laba madaxweyne oo dalka soo hoggaamiyay – waa Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Runtii dhacdooyinkaasi waxa ay ahaayeen wax lala yaabo oo tilmaameysa sida maan-hagga iyo hab-fekerka siyaasiga Soomaaliga ahi uu u liito oo uu madaxa dhulka ugula jiro. Madaxdii dowladdaasi waxa ay akhrin kari waayeen xaaladda uu waddanku ku jiro iyo sida uu beylahda u yahay iyo waxa dalkaba bur-buriyay in ay tahay talo leysku soo koobay iyo cabburinta siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo dadweynaha.
Buugga Adkeysi, waa dhigane caaqibo leh oo xallad iyo xiiso badan. Qof kasta oo daneynaya inuu wax ka ogaado; xaaladdii uu waddanku soo maray, sida ay urur diimeedyadu u shaqeynayeen iyo hab-fekerkoodii, dhacdooyinkii iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta loogu sameynayay Soomaalida ee waddamada deriska ka dhacayay, maan-hagga iyo caqliyadda uu ku shaqeeyo siyaasiga Soomaaliga ah iyo si guud qof walba oo hammi ka leh siyaasadda Soomaaliya iyo hoggaaminteeda, waa buug aan si weyn ugu soo jeedinayo una anfacayo akhrintiisu.
