BIL-BILATO: Maxaa loo dilay Suhuur?

BIL-BILATO: Maxaa loo dilay Suhuur?

W/Q: Axmed Cabdiraxmaan Cismaan “Sanwilwilo”

Email: ahmadek2018@gmail.com


Mar hore ayuu fadhigaygani ii dhammaaday, balse, waxa aan sugayey inta makhaayaddan lay bannaynayo. Gabadhan guduudan ee quruxda iyo barwaaqadu dul rasaysan tahayna caawa anaa isku qoray oo indhahayga waxaa loo galiyay wanaag oo dhan, waxayna sugi la’ yihiin intay la kulmayaan, saacad kadib ayay raggii aan wada fadhinay wada kaceen, kooddii u danbeeyay wuxuu illinka kasii dagay daqiiqado ka hor inta aanan galin gacan haadis iyo hadal kusii jeedda malaa’igtan dhex lugaynaysa jiingaddan madow ee an ku jirno. Dhaga’adayg iyo xodxodasho waqti qaatayba kadib waxaan si barbar dhac ah iskugu dul dhacnay qadiifad rifantay oo goobtan ku dhex baaba’day, iyadu xoog ayay u taahaysaa balse neef tuurkayga ayaa ka awood badnaa.

Tooq, deegaankan ayaan ku dhashay, dadka degan waxay ku tilmaamaan magaalo, laakiin, hadda ayaan ogaaday inay qaldanaayeen oo meel magaalo lagu tilmaami karo ma’aysan ahayn, waxay ahayd meel ay deganaayeen dad kooban, caruurta iyo dadka waaweyn ayaa ku badnaa. Dukaamo iyo goobo wax laga iibsado ma aysan lahayn oo dhawrka maqaaxiyood ee ka furan odayaasha uun ayaa fariisan jiray oo ku kala warqaadan jiray, badanaa socotaduna halkaas ayay ku nasan jireen xoolahana lagu kala iibsan jiray.

Goobo waxbarasho ma aysan lahayn tuulladu kolka laga reebo dugsi Qur’aan oo aan dhigan jirnay mar-marka qaarna haddii macalin la waayo aanu aqalladayada iska joogi jirnay. Saddexda waqti waxaan cabbi jirnay caano, maalin maalin ayaanu heli jirnay bariis cad, waqtiyada noogu farxadda badan dhanka cunnada waa marka dhaawac soo gaaro neef xoolaha ka mida oo dhaawacaas loo qalo. Deegaanku wuxuu ahaa meel jawi fiican oo dhirtu ku badan tahay, waxaa meel aan naga fogayn mari jiray tog oo waqtiyada roobkana biyo badan kusoo dhici jireen.

Maalin ayaan kasoo tagay tuuladayadii, waxaan usoo lugeeyay magaalo. Weligay magaalo maan arag waxaanna ka aamminsanaa waxyaalo badan oo aanan qaarkeed sawiran karin, magaaladan waxaa degan islaan eedaday ah oo meherad cunno ku haysata, badanaa dadku waxay yimaadaan magaaladan xilliga xagaagga iyagoo ka yimaadda kulaylka xeebaha. Bishii u danbaysay xagaagga ayaan kusoo beegmay kolka aan suuqa u soo baxo oo cid aannu is raacno waayo waxaan miciin bidi jiray meheradaha oo dadka wada sheekaysanaya ayaan dhagta la raaci jiray si aannan u dareemin kelinimo. Magaaladu waa meel buuq iyo saxmad badan, urta ayaa iyana ku badan, udgoon iyo qarmuunba, dadka iyo gawaarida ayaa iyaguna ciiddaas ah. Kolka waxaa laga yimaado waxaa iga yaabisay dad aan xoollo haysan haddana iska ladan, dadka qaar meheradaha kama kacaan lacagna ma waayaan, kaaga sii daranta dhammaan dadku waxay isticmaalayaan wax la dhoho taleefan oo aan annigu gadaal ka bartay, xaafadaha waxaa yaallay dhallooyin dad ku dhex jiraan oo iyaga tiifii la dhoho. Ragga iyo dumarku way is raacaan, cunnaday wada cunaan, wayna kaftamaan, labadoodubana isku wax ayay cunaan. Raggu cunnada waxay ugu jecel yihiin caloosha, madaxa iyo dhammaan inta aanay raggu cuni jirin marka miyiga iyo tuullooyinka la joogo.

Waagu kolka uu beryo ee ay aamusaan sameecadaha masaajidadu ayay sanqarta iyo sawaxanku bilaabmi jireen, dhammaan dadku mid kasta darajo u gaara ayuu wataa waxaana laysku cayrsanayaa warqad ay ku xardhan yihiin midabo. Waxaan aroorta hore dhagaysan jiray hadallada xanaaqu ka muuqdo ee ay masaajidada isu mariyaan qayb kamida wadaadadu, kuwaas oo kala koox ku abtirsada, duhurkii meherad ayaan badanaa fariisan jiray halkaas oo aan ku sugijirey wararka idaacadda BBC, waa cod kasoo baxaya wax yar oo gunbursan oo laygu sheegay rikoodh, hore ayaan ugu arki jiray aabahay iyo oday awowgey ahaa.

Maan shaqaysan jirin, laakiin, eedaday oo ahayd qof ii roon ayaa noloshadayda oo dhan maarayn jirtay, waxay degnayd guri weyn oo alaab nooc walba ah ay taallo, annigu maan kala aqoon alaabta, sida loo adeegsadona warkeedaba daa. Qol ayaan la degnaa laba wiil oo ay dhashay, labadubana wey iga yar yihiin, mid kamida wuu faduul badan yahay aadna wuu igu jeesjeesi jiray, balse, ninka ka weyn ayaa iga celin jiray. Magaaladu, habeenkii waa iftiin sida maalintii oo kale oo waxaa la shidan jiray laydh oo aan annigu gurigaas ku bartay, dhar dhaqista iyo shaqooyin kale oo badan waxaa qaban jiray mashiino iyo qalab laga adeejiiyay. Habeenkii xilli hore ayaan seexan jiray inkastoon waqtiga intiisa badan ku qaadan jiray fikir iyo qaabkaan ula qabsan lahaa waxa ka socda magaalada, labada aan la deganahay waxay isticmaali jireen taleefan oo ay ku saamaleyli jireen, anniguse xilli hore ayaan iska tuuri jiray hurdo, 20 maalmood kadib ayay eedaday ii gaday taleefan, xoogaa ay ibareen wiilashii iyo gadaal wax aan ka bowsadayba waan la qabsaday oo wuxuu ii noqday wehelka iigu dhow, inkastoo aan rafaad ka maray isticmaalkiisa.

***

Banne ayaa soo galay dadka badankiisii waxay aadeen xeebihii ay degnaayaan, magaaladu waxay noqotay cidlo-cidlo ay ka dhacayso dhaxan saa’id ah, gabalku kolka uu dhaco ayaa guryaha lagu wada xeroodaa, hadday ugu badatona laba saacadood ayaa laga danbay jiray gabal dhaca.

Habeen ayaan dhex lugeeyay magaalada, waa xilli fiid ah, cirkuna wuxuu dhulka kusoo eegayaa xidigo iftiin gaaban bixinaya iyo madowgiisa barxan, dayaxa waxaa ka muuqda da’ taasoo gaabisay iftiinkiisii kana sii ridaysa buurta fiinta dheer ee magaalada dhineceeda qotoma, dhaxan xoogan ayaa habeenkaas dhacaysay oo cirka xantoobo yar oo daruur ah xataa may saarnayn. Gacmuhu waxay iigu jireen jeebabka, maskaxdayduna gabi ahaanteedba way maqnayd oo waxaan ka fekerayey nolosha caynkan ah iyo sida ay timaadada igu qaabili doonto. Waxaan is arkay anoo cidhifka danbe ee magaallada maraya, meherad ay barxaddeeda hore kuraas daadsan tahay ayaan holladay inaan ku nasto, waa meel cidla ah, balse, gudaheeda waa laga hadlayaa, kursiga aan ku fadhiistay meel ku beegan waxaa soo fadhiya dhawr nin, waxay cunayaan qaad(jaad) midkood waxaa horyaalay qaad laamo dhaadheer, nin kale ayaa isna jiray oo aan qayilayn balse wuxuu nuugayey sigaar, kaligii ayaa koonaha meheradda fadhiyay, wuu fekerayey, qiiqa sigaarkiisa ka baxayana wuu daawanayey, mar-marka qaarna qiiqa ayuu hab farshaxana ugu ciyaarsiinayey laydhka tooshka kasoo baxaya ee sawiraya qaaciisa. Makhaayadda waxaa haysatay gabadh aan buurnayn caatona ahayn, way yara gaabnayd, wejigeeda daal badan ayaa iiga muuqday, laakiin, hees meesha ka baxaysay ayay aad dhegta oola raacaysay, badanaa ragguna indhaha ayay la raacayeen gabadha; malaha waa murqaanka. Codka heesta ayaa aad u dallacsan

waxaana hogaanka doorashada u haya wiil aan wejigiisa ka arko ilkihiisa iyo indhaha oo kaliya, markaan meesha soo fariisanayeyna waxaa baxaysay hees ay ku luuqayso Hibo Nuura oo ay ereyadeedu ka mid ahaayeen:

“Ma muujiyee jacaylka Waan maldahayaa Naftayda waan waan Maaweeliyaa.”

Balse, nin ayaa soo galay isagoo ku luuqaynaya hees uu qaado M. S. Tubeec, wuxuunna ku hadaaqayey magac qof aan u gartay inuu oday dhaqameed yahay oo uu lahaa; ‘wuu daalay’, heeska ereyadiisa waxaa ka mid ahaa:

Waan daallee i daayoo I damaqdee i daawada.

Waxaa u daran nin daaloo Dantiisuna ka durugtee.

Mar allaale markii la shiday heeskan ayay raggu xadreeyeen, gabadhii oo aan isha ku xadayeyna ay soo miyirsatay, dhammaantood waxaa ka wada muuqatay firfircooni dheeraad ah, aniga oo gabadhii ku jeeda ayay hal mar isoo eegtay, su’aal aanan weydiinna jawabteedii indhaha igaga dhufatay “Walaal shaah ma yaallo” hoostaan ka gunuunucay oo ka lee yahay “Alla sii qaadda yaa weydiiyay shaaha, ma heeskan dadka ruxay ayay kaa eryaysaa” cabbaar aanan u war celin kadib ayaan isu raaciyay kicistaydii iyo hadal kooban oo ahaa “haye walaallo”.

***

Eedaday waxay ahayd qof gob ah oo martigalinta iyo tol jacaylkuba ku weyn yahay, waqtiyada ay hoteelkeeda cunnada ku maqan tahay mooyaane waxay aad ugu mashquuli jirtay ka qayb gallada fadhiyada ay yeeshaan ururka ay aamminsanayd, qolka cunnada waxaa oolli jiray khaannad weyn oo ay ka buuxaan kutub carabi u badan oo ay akhrisan jirtey eeddo, badanaa machadyada ay ururkan gacanta ku hayaan way tegi jirtey, qaarna caruurteeda ayaa dhigan jirey. Diinta ayay jeclayd, intaan gurigeedda joogay hal maalin xataa salaad subax kamaan baaqan.

Waxaa laygu daray mid ka mida machadyadaas, waxaan ka baran jirey luuqadda Carabiga iyo diinta, kolkaan galay waxaan yeeshay saaxiibo cusub iyo goobo cusub oo aan waqtigayga badankiis ku qaato, masaajidka ayaa ahaa goobta ugu badan ee aan ku digriyi jirnay. Aad ayaan u fahan badnaa malaha waxaa i caawinaysay miyigii nadiifta ahaa ee aan kusoo koray, oo wax walba oo la dhigto anaa u horayn jirey, ururkii aan wax ka baran jiray aad ayay ii ilaashan jireen mar-marka qaarna meelaha ay casumaadaha iyo xafladaha gaarka ah ay ku lee yihiin ayaa laygu marti-qaadi jirey. Horaantii waxbarashadayda waxaan isku haystay wadaad is nacay oo diinta aan dhinacna looga marin balse maalinba maalinta ka danbaysa baahidayda

ayaan arkayey oo dhammaan fikirada igu soo dhaca waan kala shaandhayn jiray, barrayaashayda iyo madaxda ururkaba kumaan hadal celin jirin inaan ku hadal celiyo iska daayee waan difaaci jiray, waxay ii ahaayeen mar la’arag aan qaldamin, laba sanno ka dib anniga oo ay wax badan iska kay badaleen oo qayb ka mida jaahilnimadii aan kala falxalanay ayaa lay diray deeq-waxbarasho oo dal carbeed ah, halkaas ayaan iyana laba sanno oo danbe kusoo qaadanayey waxbarashadayda.

Eedaday aad ayay ii jeclayd, sababtoo ah, riyooyin ay caruurteeda ka lahayd kana weyday ayaan annigu rumeeyay, diinta iyo cidda baratana sidaas ayay u jeclayd, weliba kuwa la mabda’a ah ururkeeda. Sagootin wanaagsan ayay ii samaysay waqtigii aan waxbarashada u anbabaxayey, tallooyin wax ku ool ahna way ii guntisay, dhaqaalle roonna wey iisii laabtay. Waxaan ku safraynaa oo machadkayaga kaga tagaynaa anniga iyo wiil la dhoho Naasir, wuxuu ahaa xariif dhanka xifdinta iyo fahankaba aad ugu horreeya, tan kale wuxuu xagjir iiga ahaa aamminsanaanta uu aamminsanaa ururkan, daacad ayuu ahaa aadna wuxuu u necbaa cid kasta oo nagasoo horjeesata, Suufiyada wuu la yaabi jirey, markuu doonana wuu ku qosli jirey, waaggii aan tuuladayada joogay, waa iska miyi e, ayaan aad u arki jiray qolyaha Suufiyada, masraxyadoodana xoog ayaan u jeclaa weligayna dad gob ah ayaan ka aamminsanaa inkastoo ay waqtigan shaki badan iga galeen, qaabkaan u wada dhaqmi jirney iyo jacaylka aan u qabi jirey markaan Naasir uga sheekeeyo qosol ayuu la rafan jirey, maskiin hayska ahaadee wuxuuse ahaa mid wuxuu aammino ku dhaga, wixii ka baxsanna si anshaxa ka baxsan ugu jeesjeesa. Kolka laga yimaado dhaqammada dhanka kooxda dhexdeeda ah wuxuu ahaa gob aad u yaqaanna la dhaqanka dadka iyo cidda uu saaxiibka la yahay, wuu laab furnaa, sheeko badnaa, darenkiisuna wuu xooganaa oo farxadda iyo xanaaqa qofka bannaankaas ayuu ka qiyaasi jirey, naf ahaantaydu aad ayaan ugu farxay innaan si wada jir ah isu raacno ruux gob ah oo aan agtiisa lagu dhimmanayn.

Ka hor inta aannan safrin ayaan booqasho ku tagay tuulladii aan ku barbaaray, Hooyaday, Aabbahay iyo laba aan walaallo nahayba halkaas ayay ku nool yihiin, inta aan ka maqnaa wax xooggan iskama bedelin balse isbedel waa ka muuqday, dhallaan hadda soo kacay ayaa dhex lugaynaya tuullada, kuwo aan gabow ka muuqan ayaa wajigu duuduubmay, kuwo da’ ahaana godka ayay u hoydeen, hablo laysku daawan jirey quruxdooda ayaa caruur lalansanaya, wiilashii xaragada badnaana midba meel ayuu ka xoogsanayaa. Arrimo badan oo aan awal wax macno ah ii lahayn ayaa hadda qiime ii samaynaya, kuwo aannan samayntooda kala jeclayn ayaa hadda mug iyo miisaan ii yeelanaya, halka qaar ila cuslaana ay wax fudud ila noqdeen. Dharka aan sitoo, khamiisyo, cimmaamado, koofiyado iyo hoos gashiyo mooyee shay kale iima weheliyo, hooyaday markay i aragtay way igu faraxday oo diin jacaylka ayaa biyo dhigtay, balse, aabahay wuxuu ahaa suufi weyn oo dan igamuu galin, laakiin, odayaasha magaalada ayaa igusoo buufin jiray, waxay kar hayaan dhaqammada cusub ee aan wax kusoo bartay. Kolkaan tuullada dhex marayo aad ayaa laygu dhaygagi jirey qofkii i salaamana Sheekh ayuu igu oran jiray, dhawr maalmood oo aan halkaas joogay waan ku nafisay oo xasuustii yaraantayda ayaan dhex jibaaxay, xaqiiqataan marnaba ma malaysan karayn farxadda aan halkaas kasoo helay inaan helayo inkastoo aan ahaa nin wacdi badan oo aan wax badan isku qabsan jirnay odayaasha tuullada, waxay aad ugu dhaqmi jireen waxyaallo laygu sheegay inay ‘bidco’ yihiin.

Waxaan kasoo ducaystay waalidkay oo aan muddo saddex maalin ah lasoo joogay, dib ayaan ugu soo noqday magaaladii eedaday, waxaanna tabaabushaystay safarkaygii, halkaas ayaan iska raacnay anniga iyo saaxiibkay Naasir.

***

Weligay diyaarad maan raacin oo gawaarida raacistooda ayaaba igu yarayd, waana markii ugu horeysay oo aan dalka dibadda uga baxo. Suhuur ayaa naga caawisay wax walba oo safarkayaga inaan dhamaysanno suuragalinayey. Caasimadda ayaan kusoo galnay gaari bas ah dhammaantayo waxaan nahay rag ka kalaya yimi magaalooyinka gobolkan, wadooyin, dooxyo iyo buuro aad u qurux badan ayaan soo dhex jibaaxnay intaan u soo soconay caasimadda, wuxuu ahaa safar qabow oo jawi farxadeed daarnaa, kolka aan caasimadda soo galnay ayaa nalagu dajiyay huteel weyn, huteelkaas waxaa u dhamaystirnaa dhammaan baahiyaha qof u baahan yahay. Maalin aannu hoteelkaas joognay kadib ayaanu u jarmaadnay madaarka diyaaradaha, markaan soo gaarnay madaarka ayaa nala qabsaday, waxaa nalagu haystay waraaqo caafimaad oo aan sidano, balse, aannu ka dayaysannahay, anniga iyo Naasir waan isku xignaa oo saaxiibkay ayaa la hor qabsaday xooggaa buuqayagii awgii waxaa noo soo noqotay gabadh naga horaysay oo baritaanka dhaaftay, waxay na fahansiisay waxa nalaga doonayo iyada ayaana na furdaamisay illaa intaan ka gaaraynay magaalada Siyaad, iyada ayaana na tilmaamaysay. Naasir waa nin diin, in uu gabadh la hadlo iska daayee wuxuu ka jiriricoonayey gabdhaha ka shaqaynayey madaarka, diyaaradda iyo hoteelkii aan degenayn, inantan na caawisayna wuu iska xirxiray hadalladana wuu u soo gaabinayey, aniguse kolkaan baaritaankii soo dhaafnay ayaan wada sheekaysanay, waxay ahayd gabadh aad u furfuran oo bulshaawiyad ah magaceeda ayay iigu sheegtay Suhuur, waxay ahayd qof waxbaratay oo ay ka muuqato bini’aadantinimo iyo qab qofnimo, illaa intaan diyaarada ka koraynay iyada ayaan wada sheekaysanaynay, diyaaradda laftigeedana isku boos ayaan fadhiisannay, nolosheeda iyadoo iiga sheekaynaysa ayay i tidhi; “saan kuu sheegay Suhuur ayaa lay dhahaa, waxaan ku dhashay baadiye, dhalashadayda saddex sanno ka dib waxaa burburray dawladdii dalka, waa sida aan maqlay e, mase garanayo taariikhda saxda ah ee aan dhashay, aabahay wuxuu dhintay annoo saddex jir ah oo malaha ku beegan isla waqtigaas burburka, hanti reerka aabbahay ka dhashay laga dhacay ayay dooneen isaga iyo qolyo ay ilma adeer ahaayeen, nasiibdarrose, aabbe halkaas ayuu ku geeriyooday, saddex ayaa ila dhashay mid ayaa gabadh ah halka labada kale ay rag yihiin, hooyaday waxba ma akhrido mana qorto, hooyo iskaba daayee saddexdaa iga waaweynba sidaas ayay ahaayeen. Dhimashada aabbe oo saamayn weyn ku yeelatay xaafadayada kadib waxaa noo raacday abaar daran oo galaafatay in badan oo kamida xoolihii aan dhaqan jirnay, kolka aan weyney wax aan cunno oo cabno ayay hooyo noo soo rartay magaalada. Intuu noollaa aabbe gurigayagu wuu camirnaan jiray, ragga tolkuna way nasoo gaari jireen, ismaan lahayn dhimashada aabbahaa kadib waxaad weynaysaan garabka tolka iyo la joogga adeerradaa. Magaalada kolkaan nimi..” halkaas iyada oo marinaysa ayay diyaaraddii kacday guuxeedda oo aanan hore u maqlin awgeed ayaan naxdin gariiray, kursiga ayaan xoog ugu dhagay wejigayguna wuu yuurursamay waxaan inyar u jirsaday inaan af laba daan yeero, Suhuur way dareentay inaan naxay oo hiinraagga iga soo baxaya iyo ficiladii aan sameeyay ayaa hadalkeeda joojiyay “aaa, yaa..” anoo leh ayay si degan iigu tiri “dhibi ma jirto diyaaradda ayaa nala kacday” annoo is reer magaalinaya ayaan ugu jawaabay “mahadsanid. Waan saxday uun, ee halkee marinaysay walaal qisadaada, waa

mid xanuun kulul e?” Suhuur igama aysan qasin oo hadalkeedii ayay sii wadatay, waxayna tidhi “magaalada nolosheedu maysan ahayn mid la mahdiyo oo dal burburay iyo abaar ayaa ku habsatay, balse hooyo iyo labadii wiil ee naga waaweynaa ayaa dhexda u xirtay sidii ay noogu soo heli lahaayeen waxa aan quudan lahayn kuna noolaan lahayn. Muddo toddoba sanno ah ayaan degnayn oo aan la daallaa dhacaynay nolol adag oo aan ka fekari jirnay kaliya maxaan cunnaa, sannadkii 8aad annaga oo magaalada joogna ayay hooyo dhimatay, xaqiiqataan waxay ahayd maalin murugo, maalin uu noo dhacay gabal madow oo aan lahayn wehel iyo cid nala derista, waxaan waynay garab aad u qiimo badan oo nolosha noogu jiray, hooyo waxay dedaal iyo garab istaag noogu ahayd ifka, waxayna qaadatay door weyn oo hooyo iyo aabboba leh. Kadib dhimashadii hooyo wiilkeenii curad ayaa guursaday, walaashayna way tahriibtay, wiilkaas ayaa na kafaalo qaaday anniga iyo walaalkaygii kale, 2 sanno ka bacdi waa lay guursaday nasiib darrose hal sanno gudeheed ayaanu ninkii ku kala tagnay, waxbana isu maanu dhalin. Anniga oo garoob ah ayaan shaqo shaqaalenimo bilaabay, galin kamida maalmahana waxbaan baran jiray, nolosha caynkaas ah saan ugu jiray ayay walaashay degtay iyada ayaana biil joogta ah iisoo diri jirtay sababna u noqotay inaan maanta waxbarashadan helo. Alxamdulilaah waxaan ka qalin jabiyay kulliyadda Umulisonimada haddana digrii shareecada ah.  ” Halkaas iyadoo maraysa ayay diyaaraddii degtay nalooguna

baaqay inaan degno, anniga oo aan dareemin safarkan ayaan hadal qiiro ah uga codsaday Suhuur inay isiiso nambarka taleefankeeda si aan ula soo xiriiro, way ogolaatay halkii ayaanuna ku kala tagnay, waxayna igula sii kaftantay “diyaaradda guuxeeda hadda sow ma baran” anoo dhoolacadayn iyo qajilaad isku daraya ayaan madaxa usii ruxay.

***

Siyaad, waa magaalo ashqaraarkeeda wadata, inkastoo ay dhaqan ahaan xirxiran tahay hadana quruxdeeda iyo dhismayaasheeduba waa kuwo dawakhinaya dhalinyarada anniga oo kale ah ee badownimadu biyo dhigtay, ismaan lahayn duni sidan oo kale ah ayaa kaa qarsoon, horumarka caynkan oo kale ahna waa lagu tallaabsaday ismaan odhan. Kolka laga yimaado quruxda magaallada waxaa iiga daran in aan gabi ahaantayba isbedelay, waxaan koob aqoon diineed ka darsaday magaaladan dhalaalaysa, dhaqamo badan oo aanan hore u aqoon ayaan bartay qaybta caadifaddana waa lay dhaqdhaqaajiyay.

Sannado annaga oo joogna ayay habeen habeennada kamid ah noo yimaadeen qolyo macalimiin iyo wadaaddo iskugu jiray wacdi dheer kadib waxay naga dalbadeen in aan qayb ka noqono dagaal lagula jiro qolyo diinteenna kusoo duulay oo ka dagaalamayey dal aan hadda magaciisii laqay, Haa! way kusoo duuleen oo reer galbeed ayay ahaayeen. Annigu ma doonayn inaan dagaal ka qaybgalo oo dalkii inaan ku laabto ayaan rajaynayey, balse, badanka kolkii ay ardaydu gacmaha wada taagtay illaa saaxiibkay Naasir ayaan goostay inaanan dadka ka harin oo aan anna iska ogolaado.

Nasiib wanaag dufcaddii u horaysay kolkii la qaaday ayaa nalaga maarmay anniga iyo 20 dhalinyaro ah oo kale, balse, saaxiibkay qolyihii la kexeeyay ayuu ku jiray shan bilood kabacdina waxaa isoo gaartay inuu shahiiday.

Kusoo noqoshada dalka aan kusoo noqday xallad weyn ayay ii samaynaysay oo fikradda aan aamminsanaa ayaa iyana culays igu haysay iguna qasbaysay inaan gaarsiiyo dadkayga, waxaan kasoo dagay madaarka Aadan Cadde, halkaas oo ay igu sugayeen koox wadaado ah oo loo saaray soo dhawayntayda, soo dhawayn ka bacdi waxaa lay geeyay goob ay ka taliyaan koox aan isku fikrad nahay halkii ayaana ka hawl galay, muddo saddex bilood ah anoo halkaa ka ahaa wadaad marna qoriga qaata marna khudbadaha dhiirigalinta ah jeediya ayaa nalaga saaray magaaladdii, weliba si xoog ah, kadib waxaan baxsad ku galay Kenya oo aanu deris ahayn, muddo aan halkaa ku ahaa qaxooti ayaan maalin si kadiso ah u kulanay Suhuur, annigu waan gartay daqiiqaddiiba laakiin iyadu way isoo saari wayday oo siday igu garanaysaa sowniga garkii xumaa iska jaray, khamiiskiiba ma annigaaba beryahan xirtayba, Haa! iyadu ima garan karto oo diiftan iga muuqata qofka arka ma rumaysanayo inay ladnaantaydii sidan noqon doonto, waan isu sheegay iyana si kal iyo laaba ayay iisoo dhawaysay, waxayna ii sheegtay inay haayad dib u dejin ah u shaqayso xeradanna ay ka waddo inay qaxoontiga u fududayso safarada ay ku tagaan Maraykanka, markay intaa i tiri aad ayaan ugu farxay oo waxaan iskula xanshaashaqay inaan helay garab safarkayga igala shaqeeya, kadib waxaan uga waramay xaalkayga oo intaan sheekada u wadey waxaa ka muuqatay dareen tilmaamaya inay aad uga xumaatay waxayna ballan iigu qaaday inay ii fududaynayso arintayda.

Xerada qaxoontiga waxaan joogay muddo shan sanno ah, intaan halkaa ku sugnaa waxaan bartay luuqadda ingiliishka iyo waliba dhaqamada Keenyaanka aan Soomaaliga ahayn, sidoo kale, waxaan aad u akhrin jiray afkaarta Shuuciyadda iyo kuwa Laybaraalka xaqiiqataan waxay igu noqotay inaan dhex badaasho saddex wabiyood oo mid hore aan dheeftiisii ka hayo qaxootinimo, anoon fahansanayn Shuuciyadda, balse, aan jacayl iyo xumaanba u qabin ayaa lay qaaday Ameerika, Suhuur ayaa qayb libaaxle safarkaygan ku leh wayna igu wehelisaa, way qurux badnaatay waliba si saa’ida, isma oronaysid qoftani waa Umulisadii garoobta ahayd oo dhalaalkeeda ayaa indhahaygaba cawiray, inta aan diyaaradda wada soconay waxaa maskaxdayda ka guuxayey tolow weli ma garoobtii uunbaa? mise waa la guursaday? kumana dhoco inaan weydiiyo oo aad ayaan uga cabsanayaa ugana xishoonayaa inaan gabadha aan walaaltinimada isku baranay aan ula imaado dhaqan xumo ay ka danbayso inaan isu qaawiyo.

Waxaan tagay Ameerika oo Suhuur ayaa i dejisay qayb kamida gurigeeda oo ay u joogaan nin cadaan ah iyo labo caruur ah, gadaal ayaan ka ogaanayaa in ninkani yahay saygeeda, dhab ahaantii waan ka naxay haddana quruxda qoyskan ka muuqata kolkaan arkay waan ku farxay. Muddo waxaan la joogaba aakhirkii waxaan helay deganaasho kadibna shaqo ayaan ka bilaabay dalkaas.

Ameerika aad ayay uga duwan tahay dhaqan ahaan iyo jawi ahaanba dalalka carbeed, khaasatan magaaladan Portland way ka dad iyo duni wacan tahay tii aan diinta u aaday ee Siyaad, muddadii aan halkan joogay waxaan fursad u helay inaan wax badan ka barto afkaaraha kala duwan ee dunida, wax badanna aan ka akhriyo laba mawduuc ee markaan Keenya joogay isku kay herdinayaan. Layberaal weyn ayaan noqday, waxaanna ka mid ahaa dadka aan xagjirka ku ahayn balse kolka ay ku doodayaan aan dhinacna loo liicin, waxaan u doodi jiray kuwa aan loo hadlin, dumarka iyo arrimaha xuquuqul insaanka.

Muddo aan Maraykan joogay kadib ayaan fasax dhawr bilood ah ku tagay dalkii hooyo, xiise gaar ahna waan u qabay inaan wadankaygii soo arko anoo ka duwan sidii hore ee aan ahaa. Dalxiis, dal barasho iyo maal galino ganacsi anoo ku jira ayaa maalin maalmaha ka mid ah si

kediso ah taleefan ii soo wacay wuu i wareystay kolkuu i hubsaday qofkaan ahay ayuu iigu jawaabay waxaan ahay Naasir, Haa! Naasirkii aad wadaadada wada ahaydeen, waxaan si naxdin ku jirto u waydiiyay “Maadan dhiman?” isagoo qosol raacinaya ayuu iigu jawaabay “may ee Xamar baan kula joogaa e caawa aynu kalanno” anoo naxsan ayaan si degdeg ah uga aqbalay dalabkiisii.

Habeenkan aanu kulmayno saaxibkay wuxuu ahaa mid iiga duwan habeennada kale, xiise gaara ayuu ii lee yahay, waan isu diyaariyay anigoo 20 daqiiqo kasii hormaray xilligii ballanta. Waa kan Naasir soo galay, socodkiisa ayaan gartay laakiin wejigiisa lama soo saari karayn oo aad ayuu u gubtay micnaha u madow batay, waan u kacay muddo aad u dheerna laabta ayaan isku haynay oo waanu isku ilmaynay. Habeenkaas waxaan aad uga wada sheekaysanay nolosheenii hore iyo intaan kala maqnayn, inkastoo aan aad u yaabanaa oo ismaan lahayn Naasir oo nool ayaad la kulmaysaa balse waa qadarka Alle waa annagaa muddo badan ka bacdi halkan wada joogna. Suhuur oo ahayd qoftii safarkayga maraykanka ka danbaysay ayaa maalinnimada berri ah ku casuumay Hadhimo, annigoo ka faa’idaysanaya jaaniskaaa ayaan habeenkaas isna casumay Naasir oo aan ku ballanay inaan maallinimadda xigta wada qadayno, wuunna iga aqbalay.

Waqtiyadaa magaalada Xamar iyo dhammaan dalkaba waxaa ka socday dhaqdhaqaqq diimeed hubaysan oo way adkayd in aad laysku aamino, dadka qurbajoogta ah iyo kuwa haayadaha u shaqeeya sida Suhuurna aad ayaa loo daba gali jiray oo sirdoonka Maraykanku dhaqdhaqaaqooda oo dhan ayuu la socon jiray. Maalinkii aan qadada isugu nimi ayaan si farxad leh u wada qadaynay, kadib sheekooyin hore oo qosol ah iska galnay annagoo dhoolacadaynayna oo faraxsan ayaa Suhuur la soo wacay amarna lagu siiyay in keligeed goobta ka soo baxdo, waan la yaabnay amarkan la siiyay, balse, Naasir oo la socday dhaqdhaqaaqa gabadha ayaan baastoolad aanan la ogayn ku qabtay amarna ku siiyay ciidan markaas noo soo galay inay faraha naga qaadan haddii kalena gabadhan ay u maqan tahay is maqiiqin kabacdi iyo is haysasho saddex saacadood ahba waxaa Naasir u yimi koox gurmad ah oo hubaysan, is rasaasayntii badnay ee dhacday iyo qarax goobta laga fuliyayba waxaa ku dhintay dad badan oo ay Suhuur iyo Naasir ka mid ahaayeen.

Sida aan ku maqlay baaritaanno badan oo la sameeyay iyo kuwo aan qayb ka ahaaba waxaan ku ogaaday inuu Naasir noqday xagjir weyn oo ku biiritaankii dagaalkii carabtana ay qayb weyn ka qaadatay gadgadoonka waxyaalaha uu aamminsanaa, welibana uu ahaa dadka fuliya hawlgallada lagaga soo horjeeddo wax ay ugu yeedheen Shisheeye iyo Shisheeye kalkaal.

Anniga oo in badan dabagal laygu hayay, laygagana shakisanaa saaxiibkay oo argagixisada qayb ka ahaa kadib waxaa laygu xiray saldhig Maraykanku ku lahaa Xamar kaas oo aan ku jiray afar sanno, ganaaxayguna noqday in lacag layga qaado baasaboodhkana laygala laabto.

Dalka intaan joogay gabi ahaanba waxaan ka niyad jabay nolosha, xoogaagii lacagta ahaa ee aan soo shaqaystayna way iga dhammaatay, waxa kaliya ee aan qabto waa inaan buuqa isku dhaafiyo jaadka oo markaan cuno i galinaya nolol kale oo i ilowsiinaysa wixii aan soo maray.

Meherad u eg tii aan kula yaabi jiray dadka qayila markii aan magaalada soo galay ayaan si maalinle ah u fariistaa, maanta oo aan aad ugu ciil qabay murqaanka, waxaaba goobta igaga soo horaysay heeskii ay gabadhu iga kicisay waqtigii aan reer baadiyaha ahaa, haa! oo waa

isla heeskii dadka kaga wada xadraysiiyay ee Tubeec ku luu qaynayay, haddase sidii hore way iiga duwan tahay oo anniga ayaa u muuqda nin soo daalay, heeskan ayaanna ka dhex arkay gabadhan aan dusheeda ku neef tuurayo, Alxamdulilaah hadda waan ka kacay, balse, waxaan warwar la fadhiyaa kaabadda guri aan deganahay tiraba todoba jeerna waxaa ii baxaysa:

Waan daallee i daayoo I damaqdee i daawada.

Waxaa u daran nin daaloo Dantiisuna ka durugtee.

DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *