Awoodda iyo Garashada; Michel Foucault
Waxaa qorray : Jaalle Looshane
Hordhac
“ Aadamuhu waa agab ay yagleelshay, hadba casriga iyo taagantu suganyahay “ Foucault.
Waxaa laga yaaba in weedhahan sidan uu dhigani ay la fajacaan kuwo badanii. Mar alla markay maqlaanna jahwareer aan loo meel dayin uu dishoodo. Sideedaba way yartahay inta maqashay magacan “ Michel Foucault “. Haddii lay qasbanna waa faro ku tiris inta dhugatay ee dheehatay dhigaaladiisa iyo yeedhmooyinkiisa duxda leh ee ay suurtogalka tahay in ay qaabeyaan adduun araggeenna iyo qaabka aynnu uu maleyn karno hal-xidhaalayaasha aynnu weli la bukoonnayno. Michel waa mid kamida falaasifadii iyo curiyayaashii fikireed ee calanka u sidey qarnigii ina dhaafay. Waanna xeeldheere horumariyay laammaha cilmiyeed ee — Sayniska siyaasadda iyo Cilmiga barashada bulshada “— oo u labadoodaba ku dhex beerray laanta falsafadeed ee—Critical Theorism/ Aragtida gungaadhka.
Michel Foucault oo sidiisaba lagu nisbeeyo in uu ahaa hoobaaladii calanka uu sidey “ Taddawurkii “ aqoonneed iyo kii bulsheed ee hannaqaaday xilli siyaasadeedkii bulsho ee ku magacaabna “ Postmodernism/ Casriyoobiddii ka dib/ بعد حداث), oo ilaa hataan saameyntii dhaqanneed, falsafadeed iyo istiraatijiyadeed ee casri dambeedkii uu dul-heehaabo adduun aragga bulshooyinka aayeysan (developed countries) ee cidhifyada (Bari iyo galbeed).
Michel Foucault wuxuu isku dayey in uu lafagguro isla markaanna arkoodo oo u yagleello isbeddelo horseedi kara amase qaabeyn kara tadawurka tiknoolojiyadeed iyo kan xaddaradeed.
Tani waxay keentay in dhammaan meehaalka, xaqiiqada iyo awaalka ka soo baxay hadhkanii uu dhaliyo tabannaan iyo togannaan labadaba. Sida hadda muuqatanna, waxaa si dhammays ah uu beddelmay araggii iyo fahan-falsafadeedkii uu qabay aadamuhu waayihii horre. Run ahaanna, jiilasha hadda nooli si walba way uga geddisnaadeen kuwii ka horreyey—maxaa yeellay, waxa aynnu uu arki karna sida uu aadamaha casrigii uga xuubsiibtay kalaasiknimadii soo jirreenka ahayd (classical rituals).
Haddii aynnu fiirinno dhextaalka ku weegaarran dhammaan qaskan fikireed ee aan loo meel dayin, waxa aad garawsan doonta in dhammaan arrimahan cakiranii ay isku soo biyo-shubanayaan uun weyddiinta ah – “ Yaynuu nahay “?. Meehaalkan iyo Weyddiintan oo uu isweyddiyey ”Michel ‘’ waxay noqotay hal-xidhaalayaasha ugu mudan ee uu jaalluhu ku soo qaatay badanka diiwaanadii iyo maqaalladii uu qoray. Intii uu ku gudo-jirey ka gungaadhista weyddiintan, waxaa uu soo baxday laba wade ama aan yiraahdo laba jaangooye oo saameyn ku leh aadamaha qabadkiisa iyo afkaarta (ogaalka) uu xambaari karo, waana “ AWOODDA IYO GARASHADA “. Labadan wade-na way isku xidhanyihiin oo ay isa saameeyaan.
Haddaba waa maxay macnaha dhabta ah ee ay ka turjummayso odhaahdan “ Insaanku waa agab iyo waxsoosaar ay yagleeleen casriga iyo taagantu. (إلانسان إختراع حديث) “. Inta aan ku gudo jirno maqaalkeennan, waxa aan isku dayi doona ka warcelinta weyddiintan.!
Lagama maarmaanimada cilmiga ee ku jiheysan nolosha
Sidaan hore u sheegayba “Michel Foucault “ aragtidiisa ku jaheysan isged-geddoonka cilmiyeed ee ay keensannayso waxaa uu ku sheegay “ Casriyowga kadib/ PostModernism “, waa mid ay ka muuqato xeeldheernimo qoto dheer. Sidaas oo ay tahaynna, qof walba oo uu dhuundaloola waxqabadyiisa, waxaa uu ka dhex arkii kara in uu aad uu dhalliilayo oo uu biyodiidsanyahay qaabka loo agaasimay qaabdhismeedka waxbarasheed iyo tacliinneed ee ka jira guud ahaan caalamka ogaalka sarre. Dhaliilahaasii waxa ay ku jiheysanyihiin oo uu qoraagu uga socda, sida maanta hoggaanku ugu tagrifallaan awooddooda xadka ka baxday iyo sida ay awooddooda u dhex muquursiyeen nolosha guud ee bulshada.
Qaabdhismeedka caafimaadku waa isbeddelay, sido kalena wareegtada waxbarashaduna iyana waa isgeddiday. Waxaana iyana ka dhacayn isbeddelka ku yimid adeegsiga warbaahinta iyo nidaamka ciqaabta. Haddii aan fiirino guud ahaan habsocdaalka noloshu, waa mid aad is odhaneyso-waa la jaangooyey oo dabar xakameysan ayaa ku seesan. Waana mid la tafaaftirey oo gacanta ugu jirta hoggaanka iyo awoodaha dahsoon ee isbarkan. Halkii ay ka oggollaan lahayeen in dabeecadda iyo aadamuhu iskood isku wadaan, ayaa waxay ka doorbideen in ay isbaaro iyo luggooyo siyaasadeysan kala hortagaan. Sidaas oo ay tahaynna doonistaasii waa mid awood lagu muquunshay. Xaaladda nafsiyeed ee bulshooyinkunna waa mid ka sii darraysa oo dabarro ku xidhxidhan.
Bal uu fiirso qaabka doqoni garatayga ah ee uu nidaamka awoodeed u muquuninayo, isla markaanna u xinniyo burburinnayo kuwa ay ku sheegeen in ay maskax ahaan u jiranyihiin; see xaqiiqadu tahay in aanay gebi ahaanba jirin cid bukootay oo uu baahan in la toosiyo. Xaqiiqada dahsoon ayaa ah in cidwalba oo nidaamka jaango’an ee la astaameyey ee ay awooduhu iyo muruqyo weynta siyaasaddu ku bahoobeen ka soo horjeesata ama ugu yaraan qaadan weyda xeerarka loo dejiyay ay la kulmeyso shaambad xun oo ay adagtay in laga soo noqda. Waa shambad ku micneysan qof waallan, qof diiddan xeerrarkooda iyo qaabdhismeedkooda agaasim.
*Waa ku allahoode, waxaa la sheega in dadyowgii hore kuwooda firfircoon (waallan) ay uu arki jireen muunad waxsoosaar leh oo sinaba geyin in la fogeeyo. Taas caksigeedna waxay ka aaminsanayeen, shaqsiyo hadal-dhaadhi ah oo u baahan dhegeysiga iyo dhugmo yeelashada sheekooyinka iyo xigmadaha ay innoo yeedhinnayaan. Dadka noocaas ah waxaa uu tusaalayaal muuqda u noqon karra; halyeeygii juxa iyo odaygii xigmadda badna ee reer giriig “ Diogenes “. Dadkaasii sida laga soo wariyo, may ahayn dad waallan, kaliya waa “ Halyeeyo “ taariikhi ah, oo uu dhaxalkoodii faneed iyo saameyntoodii ay weli garaadka bulshooyinka ku ladhanyihiin.
Sida maanta muuqatanna, ereyga “ Waalli “ waxaa uu noqday mid la isku baacsado, oo qofkii ku sifoobana la aflagaadeynnayo ilaa heer uu ka nuglaannayo. Dadkaas “ waallida “ lagu sheegayo ma aha dad maskax ahaan u buka !!, see kaliya waa dad ka fikir iyo aragti duwan kuwa kale ee hareertooda ah. Sidaas darteedna, qiimo looma yeelin odhaahdii ahayd “ Qaata xigmadda ku jirta dibnaha kuwa waalan “. Sida ‘ Foucault ‘ uu qabanna – waa kuwo la dabray oo afka ciida loo daray. Xaaladdoodina waa looga daray. Waxaana lagu qarqiyay dawooyiin iyo dabaro casrigu keensaday. Halkii ay ka ahayd in ay wax uga tarto dhibaatooyinkooda, waxa ay ka dumisey rabitaannadoodii yididdiiladu ka muuqatay. Waxa ay noqdeen kuwo ku go’doonsan darbiyada ku seesan xabsiyada.
Waxaa aynnu arki karna soo jeedinno badan oo ku saabsan “ mawduuca ciqaabta “, oo isna aad ula xidhiidha isla mawduucan kore ee “ Waallida “.
Michel Foucault isago ku nuuxnuusannaya mawduucan, waxaa uu inna leeyahay : “ Marnaba may ahayn in awood ku tagrifaleed loo adeegsado dadka loo arko in ay halis ku yihiin nidaamka jira. Halkii looga diyaarin lahaa in ay yeeshaan “ edbin tolmoon “ , waxaa lagulla kacaa arxanlawnimo aan loo meel dayin. Taasi waxa ay keensannaysa in dadkii la islaha “ Caaqil “ ayay noqdeen oo weli la Ildarran hodmadii ay ku jireen. Tanni waa natiijada ka soo baxday ku tagrifalka ay muujiyeen awoodaha nidaamku.
AWOODDA IYO GARASHADA
Mawduucan xasaasiga ah ee uu falanqeeyey Foucault; waa mid ku wajahan xidhiidhka ka dhexeeya awoodda iyo aqoonta. mawduucan oo ugu dambeynta iskugu biyo shubanaya asalka keensannaya isku lifaaqqan korre.’. Erayada awood iyo aqoon ; waxa ay inna tusinaysaa sida uu Foucault ba xiqiijiyey saameynta gudo balaadhan ee ay isku yeelan karraan labadan erey. Foucault waxa uu maqaalkiisa “Sooyaalka aqoonta/ History of knowledge “ uu ku sheegay in ‘ isku leylinta / dhaqangelinta awoodda lafteedu ay abuurto oo ay keento in ay abuurmaan amase soo baxaan ugub-dhalad aqoon ah oo keensannaya abuurmanka xog ugub ah. Caksigeedna aqoontu waxa ay leedahay saameynta ay ku yareyn karto, kuna dabri karto awoodda iyo qabadka. Sidaas oo ay tahayna, Awood iyo aqoon ujeeddo ahaan, isma laha, iskuna mid ma aha; Taa beddelkeedna, awooddu waxay labadaba maamusha oo ay qaabeeysa aqoonta.
Intii uu ku gudojirey ka gungaadhista hawshan, waxaa uu ‘ foucault ‘ muujiyey; run ahaan waxa u ugala jeedo xiriirka ka dhaxeeya aqoonta iyo awoodda. Inkasto ay aragtiyaha caadiga ah ee awooddu ay si weyn diiradda u saaraan maqaarka kor-ka-sarre ah ee awoodda kala sarreysa (sida awoodda dawladda, sharci-dejiyayaasha ama boqorrada), Foucault markiisa liddi ayuu ku ahaa, waxaanna uu soo jeediyay in awooddu wareegto, isla markaanna aanay lahayn meel jaango’an oo ay ku nisbeysantahay (relative to). Halkii ay aqoontu dabri lahayd ama se ka xakameyn lahayd masiirka awooddu uu jiheysanayso, awoodda lafteeda ayaa yeelatay oggolaanshaha ugu dambeeya ee lagu xakameyn karo majaraha ay aqoontu uu jiheysannayso; si qaabka ay jecleysanayaan muruqyo weyntu loogu faafiyo bulshada oo dhan.
Marka la soo koobana, awoodda ayaa noqotay halbeeg go’aaminnaysa waxa la garran karo amase la baran karo iyo cidda loo nisbeyn karo. Sidaa darteed, kuwa aqoonta bud-dhiga amase maammula qaabdhismeedka aqoonneed; waxa ay u qaateen fahankan mid iyaga uu xaglinnaya, dhankoodana ka ah halbeegga kaliya ee runta ah. sababtoo ah, waxa ay gacanta ku hayaan dhammaan qaybaha kale ee awoodda; sida awoodda siyaasadeed, waxbarasho iyo tan dhaqaale.
Waxaa intaa dheer, in awooddu ay tahay wax wareegeya oo aan ku eekayn deegaanka ay ka jirto. kuwa awoodda lihina waxa ay isku dayaan in ay gacan ku hayntooda awoodeed ku baahiyaan dhammaan agagga ay ku tuhmi karraan, in ay ka soo burqannayso il aqooneed sabab uu noqon kadha— naqdin iyo falanqeyn ku jiheysan nidaamkooda waxbarasheed. Sababto ah falanqeynta iyo lafaggurku— waxa ay muujiyaan xaqiiqada iyo ogaalka dhabta ah ee ku gedaaman aqoonta la deday amase la beddelay ee loo adeegsaday awoodda.
Isagoo saammeynta taban ee ay awooddu dhasho dhaliilayanna ; waxaa uu leeyahay :
“ Waa in aan joojinnaa—- dabar xakameeyanna uu yeelna, isla markaanna dib u qeexna saameynta ay awooddu nagu yeelan karto—-; maxaa yeelay awooddu waa agab ay muruqyo weynta siyaasaddu uu adeegsadaan ka midho dhallinta yoollashooda ku wajahan nolosha bulshada. Agabkuna waa mid wax reebaya’, ‘ wax cadaadinnaya’, ‘ wax faafreebaya’, ‘ wax goynaya’, ‘waxna afduubanaya’, ugu dambeyntiina waa agab loo adeegsado wax qarinta iyo in wax lagu dembebeso “.
Dhab ahaantiina, haddii awoodda laga fiirsho dhan kale waxaa inoo soo baxaysa in awooddu yagleesho ugub-dhalad iyo qaabdhismeedyo aqooneed/waxbarasho oo hor leh; waxay soo saartaa xaqiiqo muun leh; Waxay soo saartaa taxanayaal jaango’an oo “ ituso ii taabsi “ ah si ay uu daah feyddo aqoon ugub ah.
Sababta ay awooddu marwalba ugu hi’yi qabto waxbarashada (garashada) waa mid la garan karo oo doqoni garatay ah. Waxbarashadu waa mid la cayimi karo heerka ay taagantahay; isla markaanna ku dheggan hadba awoodda meel ka jirta. Kuwa awoodda gacanta ku hayana waa kuwo qaabeeya waxbarashadii noqon lahayd adduun-aragga iyo cabbirka aynu nolosha ku qiimeyn lahayn. Kuwaas (hoggaanka) iyaga ahna waa kuwa inoo dejiya ; waxa ay ku sheegeen “ Runta la aqbalay/ accepted truth “. Runtu waa ta go’aamisa waxa aynu aaminnayno ee ay tahay in aannu ku ad-adkaanna. Runtu waa ta go’aaminnaysa hab-dhaqanka iyo xeerarka la oggol yahay. Sido kale waxay go’aamisa kan awoodda u yeelan kadha in uu dabaqo xeerarkaas la dejiyay. Awooddu waa mid ku timid isku geynta falsafadeed ee laga soo dhiran dhiriyo weyddiimaha ay keennan laammaha falsafadeed ee la yidhaahdo —“ Analytic/Lafaggur iyo “ Epistemology/ Garasho-gungaadh”. Awoodduna waa mid ku seesan, isla mar ahaantaana mas’uul ka ah curashada “ epistemologies/ Garasho-gungaadhyo “ ugub ah.
Sida uu qabo Foucault-na?
Waa maxay noocyada ugu muhiimsan ee awooddu. Si aan si buuxda u fahanno xidhiidhka ka dhexeeya awoodda iyo aqoonta, waa in aan marka hore fahamnaa waxa Foucault ay uga dhigan ereyga ‘awood’ iyo sida loo adeegsado. Sida laga soo xigtay Foucault’na waxaa jira saddex nooc oo awood ah:
Awoodda Madaxbannaan (Sovereign Power)
Awoodda Carbisan (Disciplinary Power)
Awoodda Jidheed (Biopower).
Saddexduna waxa ay uu taaganyihiin ujeeddooyinkooda uu gaarka ah.
Awoodda Madaxbannaan
Awoodda madax-bannaani waa awood ka timaadda gacan ku haynta aadka ah ee laga arkoodo aristuqraadiyiinta “ Aristocrats “, boqorada iyo hoggaamiyayasha keli telisyada ah. Michel Foucault waxa uu Buuggiisa – Sooyaalka Jinsiyadaha “ History of Sexuality, “, ku sheegay in awoodda madax-bannaani si cad uu muuqato marka ay dabaqayso xeerarkeeda ku aadan dabridda habsocdaalka bulshada iyo xorriyadda shaqsiga.
Waana kii laha ” Waa ay ku quudhsan adigo qafaska shimbiraha ku dhex qallalay, oon daraaddiina derbiyada leefaya. isla mar ahaantana waxa ay ku warsan laba weyddiimood oo ah in ay xuquuqdaada iyo noloshaada soo afjaraan ama in aad la jirtid oo aad yeeshid yeedhmooyinkooda si aad uu noolaato. “
Tusaalaha iyo muuqaalka ugu ficanna, waa amminta la fulinayo dil ciqaabed iyado ay dadweynuhu arkoonayaan. Dilka lagu hor fuliyo dadweynuhuna, waa mid kamida suuxisada iyo digniinaha ay boqoradu dadka ku cabsi gelin jireen xilliyadii hore. Waxaana uu adeegsan jirey dhoolla-tus iyo ku digasho ka dhan ah cid walba oo isku dayda in ay soo faro geliso beertiisa xayawaanka.
Awoodda Carbisan “ Edban “
Awooddanii waxay jidhka (aadamaha) u aragta mashiin iyo hab logu talogelay in wax lagu baadho, wax lagu kobciyo, isla mar ahaantaana wax lagu yagleelo; sababo dhaqaale dartood. Awooddanii kuma tiirsana xoog iyo muruqtoona, taa beddelkeeda, waxay wax ku maamusha, adeegsi nidaamsan oo loo marayo ilaalin iyo indho ku hayn kala koreysa (Hierarchical surveillance), xukumid joogto ah iyo baaritaan. Macnaha uu Foucault ugala jeedo ilaalinta kala koreysa *(Hierarchical Surveillance), waa mid gudo balaadhan. Waxaanay la micno tahay in awoodda lagu joogteeyo meeshii la la-rabay. Kor joogteyntaas aan dhammaadka lahayna waa mid dabraysa oo qaladaadka ka ilaalinaysa cidda uu nidaamku kor joogteynayo. Maaddaama ay dareemayaan in korka lagala socdana, waxa ay aad iskaga fiirsan doonaan tallaabooyinka ay qaadayaan.
*Xukumidda joogtada ahna (Normalized Judgement), iyana waxaa loo adeegsada in lagu kala saaro shakhsiga aan u hoggaansamaynin xeerarka iyo caadooyinka iyo kan ku dheggan xeerarka degsan.
*Baaritaankuna (examination) wuxuu ku lug leeyahay kormeeridda, garsooridda iyo kala soocidda lagu sameynayo shakhsiyaadka, iyadoo la adeegsanayo maxsuulkii ka soo baxay tallaabooyinkii aanu hore uu soo xusnay.
Awoodda Jidheed
Awooddanii waxay uu aragta jidhka, marka loo eegayo habraaceeda bayoolojiyadeed, inay lagama maarmaan tahay dadka in la dabro jidh ahaan iyada oo loo marayo xakamaynta jidhka qofka. Awooddan waxaa lagu gaadhi karaa iyado la adeegsanayo aqoonta dhallaan-ogaalka ah (Scientific knowledge); oo ay lammaaneynayaan xogaha caafimaadka iyo badqabka jidheed (Fitness).
Tani waxay dhalinaysa in la helo bulsho garaad ahaan iyo caqli ahaan dhisan iyo jidh badqaba oo taam ahaansho gaaray.
Toobiyaha loo maro dhaqangelinta awoodda iyo waxbarashada
Inta badan shaqooyinka Foucault waxay aad diiradda saari jireen isbitaallada, goobaha waxbarashada, xabsiyada iyo goobaha magangalyada. meelahaas oo uu ku doodayo in uu dhaqdhaqaaqa awoodeed si cad uga jiro. Foucault waxa uu aad ugu nuuxnuuxsaday sida ay awoodda xad dhaafka ihii uga jirto meelahan uu cayimay. Sidoo kale wuxuu ayiday habraaca falsafadeed ee loo adeegsaday qaabeynta iyo maareynta hab-nololeedka goobahan.
Qofkasta oo ka mid ah dadyowga ka hawl gala deegaannadanna waa kuwo lagu xidhay dabaro iyo habraacyo lagu joogteynayo in uu ka si mid ahaado shimbiraha ku hoos jira qafaskan silsiladeysan.
Waxaa mudan in dib loo sheego in Foucault uu horeyba xidhiidh uga dhexeysiyay awoodda iyo aqoonta (waxbarashada). Sida uu horeyba uu sheegay, dhammaan gacan ku haynta awoodeed ee nidaamku waa mid saameyn ku yeelatay heer bulsho, heer hay’adeed iyo heer qofeedba.
Gunaanad
Caadooyinkii bulsheed ee waayihii hore sida muuqata loo fulin jirey, waxa ay maanta noqotay arrin dahsoon oo ay adagtahay in laga warhelo. Inkastooy casriyowday, haddana go’doonsanaanta iyo baqo-gelintu waa mid ku seesan gidaarada ku weegaaran xabsiyada.
Waa ku allahoode, tani miyey ka dhigaysa qof xummaan fale ahaa mid edban oo sammaanta la jira. Wax walba sidiisi hore way iska beddeleen. Qaabkii ay dadku uu fikirayayna way isgeddisey. Nolosheenna gaarka ihina iyana waa isbeddeshay. Nidaamyadii aqooneedna waa la geddiyay. Wax walbaana waa mid la astaameeyey oo leh meel loogu hagaago. Waana mid la jaangooyay oo loogu talogaley uun in la dabaqo. Dabarkaas ay ku xirxirantahayna lagu joogteeyo (waa sida ay rabaane). Dhammaan muuqaalada aynu waayahan arkayna waa kuwo ina tusinaya qaabka liidata ee “ waxbayahay “ ah ee loola dhaqmayo aadamaha. Aadamuhuna wuxuu noqday noole uun, halkii uu ka ahaan lahaa aadane la qaddariyo.
DHAMMAAD
