Aragtiyaha siyaasadeed iyo dhaqaale: Midig iyo bidix

W/Q: Mudane Maxamed

Aragtiyaha siyaasadeed iyo dhaqaale: Midigta iyo bidixda

Marka siyaasadda aan joogno, waxaan inta badan maqalnaa garabka bidix iyo midka midig, balse maxaa laga wadaa asalka erayadani, halkee ayeyna ka yimaadeen?. Markii ugu horreysay ee la adeegsado erayadani waa sabankii uu curtay kacaankii Faransiiska 1780-kii. Siyaasiyiinta ayaa waxa ka doodayeen inta ay la ekaaneyso awooda uu sharcigu siinayo boqorka xukamayo dalka oo dhan.

Markii ay dooddu kululaatay kuwa boqorka iyo saraakiishiisa xiriirka la leh waxaa ay Fariisteen dhanka midig ee kursiga boqorka, halka kuwa diiddanaa na in boqorka awood bilaa xad ah lasiiyo waxa ay fariisteen garabka bidix ee boqorka. Waxa ay maalintaasi jaraa’idyada Faransiiska wax ka qoreen dhacdadaas waxaana bilowday markaasi in garabka midig iyo garabka bidix la adeegsado.

Kuwii taageerayay kacaanka ee codadkooda ku raadinayeen xuquuqda rayidka wexey ahaayeen garabka bidix kuwii taageerayay boqorka iyo nidaamka maamulka waxaa ay ahaayeen garabka midig sida ay u kala fariisteenba. Dhaqdhaqaaqa garabka bidix waxaa uu xuquuqda guud ka hormarinayaa xuquuqda maamulka, tusaale ahaan in cashuuro lagu soo rogo ganacsatada hantiilayaasha ah iyo yareynta saacadaha shaqada la shaqeynayo.

Dhanka kale dhaqdhaqaaqa garabka midig mid kamid ah aragtiyihiisa ugu muhiimsan waa in eysan dadku sinnaanin, maxaa yeelay qof kasta wuxuu leeyahay heerkiisa garasho iyo awoodeed, sidaas daraadeed cadaalada kama mid ahan in hantida loo qeybiyo si siman, sidaas daraadeed waxaa aan garabkaan ka aragnaa in ay muhiimad uleedahay (kala sarreynta الطبقية) dabaqada sare oo loola jeedo hantiilayaasha siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo dabaqada hoose oo loola jeedo rayidka intiisa kale. Dhaqdhaqaaqa garabka midig waxa uu leeyahay jirrid diimeed weyn sidaas daraadeed halkaas waxaa jira dhaqamo iyo ab kasoo gaar taas oo diideysa waxyaabaha ay garabka bidix ku baaqayaan oo ah waxyaalo dadka ku cusub.

Halkaasi waa siyaasadda, balse marka la joogo dhaqaalaha arrinku waa cagsi ama mid ka gadisan waxa ay siyaasadda kala taagnaayeen, dhaqdhaqaaqa garabka midig waxaa ay dhaqaale ahaan la qabaan Adam Smith aragtida suuqa xorta ah oo ah in suuqa la isku deeyo oo qiimaha dadka ay go’aamiyaan, halkii ay dowladdu ka go’aamin laheyd sicirka suuqa( Laissez-faire). Si guud aragtidaasi waa in jeebweynta ay scirka alaabaha ku baratamaan oo ay iyagu go’aamiyaan.

Dhaqdhaqaaqa garabka bidix waxa uu dhaqaale ahaan u shaqeynayaa in ay xukuumaddu noqoto go’aamiyaha ugu weyn ee arimaha suuqa ama sicirka rasmiga ah ee alaabaha, ayna ku lahaato dowrka ugu weyn, waana in ay canshuuruha lagu kordhiyo jeebweynta, si loo waayo qof xukuumada u babac dhigi karo xagga hantida iyo in ay iyaduna ugu soo celiso hantidaasi rayidka iyada oo usoo marineysa caafimaadka iyo waxbarashada iyo adeegyada kale kadibna waxaa lahelayaa bulsho horumarsan sida ay iyagu ku doodaan( Garabka bidix).

Bidixda fog ama bidixda xagjirka ah waa magaca kooxo kamida dhinacyada siyaasadeed ee yurub iyo caalamkaba waxaa asal u ah aragtiyo xagjirnimo ah oo kamid ah aragtiyaha garabka bidix iyo hogaamiyeyaashiisii hore sida karl Marx iyo  Vladimir Lenin iyo Leon Trotsky iyo Ma’o zedong oo waxa ay hubka u qaateen xaqiijinta danohooda iyo aragtooda.

Waxaa ay rumeysanyihiin kuwa ku ab tirsada dhaqdhaqaaqa bidixda xagjirka ah in badbaadada bulshooyinku ay ku xerantahay, ka takhalusida hanti-goosadka iyo libraaliyada iyada oo loo maraayo kacaan xoog-badan oo xaqiijiya bulsho siman iyo cadaalad bulsho oo iyadu ah yoolka ugu danbeeya ee loo danleeyahay marka loo eego nidaamka fikradeed ee garabka bidix dhaqdhaqaaqyada bidixda xagjirka ah waxaa ay u xuub-siibtaan sida badan iney lumiyaan nidaamkii iyo noloshii siyaasadeed ee ay ku dhisnaayeen axsaabta dimuquuraadiga waxaa ay adeegsadaan kicinta bulshada iyo in ay ku harqiyaan munaasabado waxaana ay mararka qaar maciin bidaan caburinta iyo adeegsiga hubka.

Waxaa raadadka la xusuusto kamida shabakadihii bidixda ee hubeysnaa ee Yurub kasoo muuqday todobaatanaadkii iyo sideetanaadkii qarnigii tagay waxaa kamida kooxda Red Brigades oo Taliyaaniga kasoo ifbaxday 70 kii iyo kooxda action directe oo sideetanaatkii tacadiyo badan ka geysatay Faransiiska.

Qarnigii 19aad waxaa aad ubaahay oo calankooda babanayay aragtiyaha garabka bidix dhigaalladii Karl Marx ee gaar ahaan ku saabsanaa sooyaalka Raasumaalka dabaqiyada Hantiwadaag(Socialism) iyo sinaanta waxaa ay soo jiiteen kooxo ballaaran oo kamid ah dhallinyaradii ku riyooneysay cadaalada iyo geerida hanto-goosadka ee Yurub, sidoo kale waxaa taageera weyn ka heysteen oo ay cod u noqdeen dhigaalladaasi dabaqadii shaqaalaha oo iyagu ka cabanayay gacan-bidixeyn iyo ka faa’ideysi/ku daneysasho oo sida badan xitaa aan helin xuquuqda ugu yar.

Dabaqadii shaqaalaha waxaa ay dhigaalladii Karl Marx ee ku saabsanaa shuuciyadda shuyuuciyadda(Communism) iyo raasumaalka cadaalada iyo sinnaanta ku qaabileen dhago nugul waxaa ay dabaqadii shaqaalaha isku kala qeybiyeen haayado iyo iskaashatooyin kuwaa oo ka difaaca xuquuqda adeegayaasha iyo shaqaalaha kuwa ladan waxaana ay aragtida garabka bidix bilowday in ay dhisanto iyada oo huwan hal-heysyo qiyam ku dhisan, sida caddaalad bulsheed, sinnaan, xorriyad, walaalnimo iyo bini’aadannimo.

Bilowgii qarnigii labaatanaad waxaa uu garabka bidix sameeyay horumar ballaaran oo aan hore loo arag oo uu ugogol xaaray kacaankii bolsheviks الثورة البلشفية  ee Ruushka ka curtay 1917-kii iyada oo uu Vladimir Lenin dhisay nidaam shuuci ah kaas oo ku dhisan aragtidii Hanti-wadaagga ee Karl Marx, islamarkaana leh dabeecadda caburinta kacaaneed- العنف الثوري kaas oo ay ku hanjabeen qaar kamid ah hogaamiyayaasha kacaanka.

Bidixda fog waxaa ay ka hanaqaaday Laatiin Amerika iyo Asiya, haba u xuubsiibato mararka qaar kalitalisnimo iyo xukunka shaqsiga ah balse Yurub dhaqdhaqaaqyada bidixda xagjirka ah marka ay hanaqaadaan waxaa ay ku baaba’aan si dag ah waana kuwa xiriir dhaw layeelan bulshada sidoo kale Yurub axsaabta ku abtirsada bidixda fog waa kuwa xadidan saameyn ahaan.

Laga soo bilaabo sagaashamaadkii qarnigii tagay iyo markii ay aad ubadatay dooda ku saabsan muhaajiriinta iyo isku milanka Yurub kabilowday waxaa ay axsaabta bidixda fog soo istaageen safka hore si ay u difaacaan muhaajiriinta iyo kala duwanaanshaha isirka iyo diintaba sidoo kale waxaa lagu yaqaanaa ilaalinta deegaanka iyo dirirta ay had iyo jeer kala horjeedaan carro-edegeynta (globalization/العولمة ) iyo hanti-goosadka gaara heerka waxshiyada iyo istihlaakiyada الإستهلاكية waxaa mararka  qaar loo qabtaa bidixda fog guud ahaan xitaa gudaha bulshooyinka galbeedka ee cilmaaniga ah go’aannada qaar ee xagjirka ah bulshada dhexdeeda gaar ahaan go’aanka ay ku taageersanyihiin guurka dadka isku jinsiga ah guurka labeebka kaas oo meesha ka saara habdhismeedka qoys ee dunida laga yaqaanay  oo ay asaas u ahaayeen aabaha iyo hooyada sidoo kale waxaa loo qabtaa taageerada ay u hayaan ee ay ku baaqayaan in la sharciyeeyo guurka dadka walaalaha ah iyo galmada dadka qaraabada ah waana laba arin oo bini’aadanka ka xayuubinaya bini’aadanimadiisa taas oo usuuragalisay inuu ka duwanaado xayawaanka kale.

Intaa marka laga gudbo waxaa aan inta badan maqalnaa midigta -fog ama midigta xagjirka ah hadaba maxay tahay sheekada garabkaan midig ee xagjirka ah?


Midigta xagjirka ah waa magac loogu yeero dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka jira Yurub, asalka uu ku taaganyahayna uu yahay fikir xagjir ah oo la col ah bulshooyinka muslimiinta yahuudda iyo shisheeyaha kaleba waxaa uu dhaqdhaqaaqani heystaa (si xagjirnimo ah) qiyamka wadaniyadeed iyo shaqsiyad siyaasadeed iyo mid saqaafo waxaana uu ku tilmaamanyahay in uu si adag ugu janjeero ilaalinta diinta masiixiga.

Waxaa ay culimada siyaasadda daraaseeya qabaan in axsaabta garabka midigta fog ay matalaan hadda aydiyooloojiyadii wadaniyadeed ee ku jabtay dagaalkii labaad ee lagu yaqaanay in ay fir ulahaayeen cunsuriyada-jinsi faquuqa wax kastana ay asaas uga dhigaan isirka.

Midigta xagjirka ah waxaa ay ku suntanyihiin colaada daran ee ay uhayaan Yahuudda. In naceybka Yuhuudda uu ku xidideystay Yurub waxaa ay sababtay in cadawgii ugu horeeyay ee ay yeesheen axsaabta midigta xagjirka ah markii ay soo ifbaxayeenba uu noqday Maasooniyadda.

Iyada oo ay jirto in ku kala duwanyihiin qaab dhismeedka iyo dalalka ay ka kala dhisanyihiin iyo halka ay ka biya cabaan hadana waxaa ay wadaagaan waxyaabo guud ee iyaga ugaar ah iyo aydiyooloojiyado ay sal uga dhigaan dodo-hooda, waxaad moodeysaa sida dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo hal ah balse kala axsaab duwan waxaa kamida waxyaabahaas u gaarka ah firka wadaniyaddeed ee xagjirka ee diidaya gabi ahaan nooc kasta oo isku milan ah iyaga oo xujjeysanaaya sarreynta isirka.

Waxaa ay midigta xagjirka ah leeyihiin fir xidideysta oo ku aadan diidmada hanto-goosadka iyo libraaliyada balse xaqiiqa ahaantooda uma diidana ee waxaa ay baqdin ka qabaan isbadallada xeelka-dheer ee sida caadiga ah ay huwanyihiin labadaba gaar ahaan amuuraha qiyamka iyo akhlaaqda.

Dhanka ka qeyb-galka siyaasadeed waxaa ay uqeybsanyihiin midigta xagjirka ah axsaab oo hadafkooda asaasiga uu yahay in sameeyaan-abuuraan  mawaaqif-xaalado oo ay had iyo jeer dhiirriyaan kuwa taabacsan si ay usuuq geeyaan halkudhigyo hadafkooduna uu yahay tashwiishka warbaahineed iyo kicin-bulsho ma badno saameyn ay wax kaga badali karaan siyaasadda waxaa garabkaan loo yaqaan midigta fog ee shacbawiga ah اليمين الشعبوي المتطرف .

Waxaa ay axsaabta midigta fog had iyo jeer daneeyaan dodo-hoodu na ay ku saabsanyihiin kuwa ay collaada kala dhexeyso iyo kuwa xulafada la’ah waxaa ay cuskanyihiin labadaan waxyaabood in kabadan inta ay cuskanyihiin aragti siyaasadeed waxaana ay awoodaan in ay urursadaan qeybo badan oo bulshada kamid ah.

Sidaas daraaddeed midigta fog waxaa ay in daneeyaan arrinka ku saabsan tahriibka iyo muhaajiriinta iyo isku milanka laga soo bilaabo sagaashamaadkii qarnigii tagay waxaa ay muhaajiriintu noqdeen howsha mushquulisay axsaabta midigta fog waxaa ay tixaan mashaakil badan oo kadanbeyn doono oo ay ugu horeeyaan isdhexgalka iyo in duullaan lagu yahay isirkooda iyo diintooda si ay macquul uga dhigaan baaqooda cunsuriyada leh tartiib-tartiib ayey u horumariyeen baaqooda ku aadan muhaajiriinta waxaana qeybaha ugu badan ee bulshada European ka ah ay ka heleen taageero xoog leh.

Waxaa ay axsaabta midigta fog qaarkood bilaabeen suuq geynta baaq cabsi-gelin ah oo ay reer Yurub uga digayaan in ay weyso shaqsiyaddeeda maadaama muhaajiriinta ka imaanaya dhulalka muslinka ay aad ubalaarteen gaar ahaan dalalka waqooyiga Africa waxaa uu baaqini helay aqabalaad badan kadib weeraradii 11 September kadib markii axsaabta midigta fog ay dhacdooyinkaasi ka dhigeen mid ay ku awr kacsadaan. Intaa kadib axsaabta midigta fog waxaa ay ku awr kacsadeen mushkiladii dhaqaale ee dhacday 2008 iyaga oo kadhigtay fursad dhif iyo naadir si ay usuuq geeyaan colaada ay uhayaan globalization العولمة  iyo libraaliyada iyo furidda xudduudaha dhanka kale waxaa ay axsaabtan suuq geeyeen fikradooda ku aadan ajaanibta iyo kuwa asal ahaan aan European ka eheyn iyaga oo u arka (waa sida ay sheegeene) in ay ajaanibtu heleen xilal iyo shaqooyin badan halka malaaayiin European  ah ay ku suganyihiin faqriga iyo shaqa-la’aanta iyo darijiifka.

Tixraac:
1. https://www.aljazeera.net/amp/encyclopedia/conceptsandterminology/2015/11/30/%D8%A7%D9%84%D9%8A%D9%85%D9%8A%D9%86-%D8%A7%D9%84%D9%85%D8%AA%D8%B7%D8%B1%D9%81#aoh=16705728210997&referrer=https%3A%2F%2Fwww.google.com&amp_tf=From%20%251%24s
2. https://www.aljazeera.net/encyclopedia/conceptsandterminology/2015/11/30/%D8%A3%D9%82%D8%B5%D9%89-%D8%A7%D9%84%D9%8A%D8%B3%D8%A7%D8%B1

Sidoo kale akhriso;

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *