Aragtiyaha Kasmanafeedka| Psychology theories

W/Q: Ilyaas Maxamed Diiriye

Aragtiyaha kala duwan ee cilmiga kasma-nafeedka

Kasmanafeed ama psychology waa cilmi leh taariikh fog iyo sooyaal soo jireen ah, oo waa cilmiga darsa hab dhaqanka insaanka, iyo sida u ula falgalo bay’adiisa. William James oo loo tiriyo inuu yahay aabaha casriga ee cilmigan waxa uu ku micneeyay kasma nafeed “waa cilmiga darso maskaxda bini’aadamka” William (1890).

Haddaba si aan u fahanno cilmigan horumarada la taaban karo ku tallaabsaday waxaa haboon in aan kor istaagno aragtiyaha ugu caansan, iyo habka ay u qaabeeyaan saaykalojistayaasha marka ay darsayaan xaalada qofka, aragtiyahan waa ay  ballaaran yihiin laakin waxa ugu muhiimsan kuwan soo socda:

Psychodynamic theory

Saaykodaaynemik waa aragti lagu darso miyir duneedka is-rogrogiisa iyo sida u saameeyo nolosheena guud ahaan, waxaa aragtidaan keenay sigmund frued oo ahaa kasma yaqaan cilmigan wax badan kusoo kordhiyay, frued waxa uu aaminsanaa in miyir duneedku saamayn guud ku leeyahay nolosheena oo dhan, waxa uuna u kala saaray seddex qeybood oo kala ah;ID, EGO, iyo Super EGO(Sigmund Freud,1914-1916)

ID waxa uu ku tilmaamay qeybta ku shaqa leh ka jawaabaida rabitaanka qofka( Desires) qeybtaan waxa uu leeyahay wax xaddida oo celiya ma leh.

EGO  shaqadeeda waxa uu ku tilmaamay inay tahay kormeerida iyo hagida ficilada ID ga, waxa ayna soo shaaxbaxdaa marka uuu qofka caqliyeesto lana falgalo bay’ada ku geddaaman.

Tan seddexaad ee u danbeysa waa Super Ego oo u ku sheegay qiyyamka io moralska qofka ku beerma. Qiyyamkan waxa ay ka imaadan bulshada uu la noolyahay qofka, waxa aynu tusaan wadada saxan,marna waaxay qofka nafsidiisa kor saaraan dambi(guilt).

Frued iyo raga aragtidan ku lammaaniya waxa ay aaminsanyihiin in caqabadaha qofka qaangaarka ah soo wajaho inta badan ay ku biyo shubtaan dareemo iyo dhacdayooyin qofka uu la kulmay yaraantiisa, oo waxa ay dhahaan repression ama ka saarida xasuusahasi miyirka kore, sidoo kalane  u wareejinta xasuusahani miyir duneedka ay sababaan dhibaatayooyin nafsaani ah oo badan.

Aragtidan psychodynamic waxa lagu dhaliilaa inaysan saldhig cilmiyeed oo togan ku fadhin, se ay tahay fiir fiirin oo ay raggii ka danbeeyay( behavioralists) ku macneeyaeen inay tahay afkaar u qoran sida literature ka oo kale, laakin tan aan loo qarin karin ayaa ah, in psychodynamic analystayaasha sida Frued, Adler iyo Jung ay ka qeyb qaateen horumarka iyoo soo caan bixidda cilmigan.

Behavioral theory(Aragtida habdhaqanka)

Habdhaqanlaydu waxa ay xoogga saaraan saamaynta ay deegaanka ku leedahay insaanka, ma aaminsano wax ka baxasan deegaanka inay saamayn ku yeelan karaan qofka sida in uu madaxbannaan yahay ama doorasho leeyahay(free will) iwm.

Deegaanka saamayntiisa waxay u yuqaanan “stimuli”(nashaadiye) halka qaabka aynu uga falcelino u yaqaanaan “response” (jawaab) waxayna u kala saaraan laba qeyb oo kala ah:

Classical conditioning oo ah barasho ama takayyuf ku xiran la xiriirin ficilo iyo dhaq dhaqaayo kala duwan, tusaale Ivan Pavlov oo ahaa caalim ruushiyaan ah waxa uu tajribo ku sameeyay sida ay eeyaha ula falgalaan ficilada qaar, waxaa uu isku xiray dhawaqa gambaleelka iyo cuntada, mar walbo ay eeyahu maqlaan dhawaqaas waxay la xiriiriyaan cunto, tajaaaribta CC waxa kaleoo lagu dabaqay majaalaad kal duwan sida daweeynta cabsiyaha xad dhaafka ah( phobias) dadka ku dhaco, iyagoo si tartiib ah qofka u tusaya ama la falgelinaya waxa uu ka cabsanayo, sidaasne cabsidii kaga yaraanayso qofka.

Operant conditioning: waa nooc ka mid ah arigtida habdhaqanka iyo takayyufka, B.F Skinner ayaa ugu caansan approach kan , sida uu qabo Skinner(1953) waxa uu ku tibaaxay diraasadiisa Skinner box in insaanka ama xayawaanka uu baran karo wax cusub isagoo la xiriirinaya cawaaqib ha ahaato mid ay wax fiicani kasoo xaroonayaan ama mid uu kala kulmayo sameeyaha wax aan la mahdin, waxa uuna aaminsan yahay in habdhaqanka bini’aadamka lagu ogaan ogaan karo hadba wixii uu lasoo tacaamulay sida ay u saameeyeen.

Sida aad uga jeedaan sawirkan sanduuqa skinner(Skinner box) waxa uu innagu tusayaa sida dooligan ula qabsaday bay’ada yar ee uu ku jiro, hadii uu cunto rabo waa inuu taabsadaa bottonka gaduudan sidaasna ayuu ku heleyaa Reward( cunto) sidoo kale dhaq-dhaqaaqa waa laga xaddiday, oo uma baxsan karo dhankaa iyo midigta, waayo waa ay korontaysan tahay(punishment) dhaq dhaqaaqyadan waxay ay geleyaan miyirka qofka, sidaasna ay uga mid noqonayaan dhaqamadiisa.

Behaviralismka waxa ay sheegaan inay aragtiyahooda ku dhisan yihiin hab cilmayaysan oo inta aynan banaanka keenin waxa ay soo helaan ay tijaabiyaan, laakin midda lagu raddiyay ayaa ah, inay laaleen caamilka insaaniga aah ee qofka, maadaame diraasadahooda ay ku sameeyeen xayawaanda, sidoo kalane wixii lagu arka xayawaanka boqolkiiba boqol aysan ku dabbaqmeyn bini’aadamka.

Humanism theory( Aragtida Insaaniga ah)

Aragtida Insaaniga ah ee Kasmanafeeddu waxa ay xoogga saartaa insaanka, waxayna aaminsanyihiin in bini’aadamka dabiicadiisa wanaagsan tahay, ragaa ugu caansan dariiqadan waxa kamid ah Abraham Maslow iyo Karl Rogers, Maslow waxaa uu sameeyay aragti la dhaho heirachy of needs taa  oo uu ku sheegay in baahiyaha aas aasiga ee insaanka koobayaan waxayna kala yihiin: Physiological needs oo ah helida cunno iyo cabitaan. Safety oo ah helida gabaad uu qofka kaga nabad galo dhibta, sidoo kale Love oo ah kal gacayl iyo qaddarin.

Waxa uu intaasi raaciyay esteem oo u ku sheegay moraalka qofka kaa oo qaabeeya dareemahiisa, Maslow(1943) waxa uu sheegayaa qofka sida uu u helo self actualization oo ah xaqiijinta yoolka uu ka leeyahay nolashiisa waa inuu asaasiyaadka marka hore xaqiijiyaa sida cuntada, biyaha,  iyo guri iwm.

Aragtida humanist ga ah wax ay saldhig u noqotay dariiqada existentialism ka oo ah dariiqo goobta micnaha guud ee nolasheena, waxayna is weydiiyaan waxa ugu muhiimsan ee qaabeeya hab nololeedkeena, weydiimahan imta badan waxa ay qofka ku dhalinayaan sida ay sheegayaan nimankan in qofka nolashiisa hagaagto, Viktor E. Frank fikradiisa existentialism ka ee loo yaqaan Logotherapy waxa ay hoos tagataa humanism approach ka.

Isku soo duub, aragtida humanism ka waxa ay liddi ku tahay labada aragti ee ka horreyay ee dhahay in miyir duneedka hoose insaanka qaabeeyo noleshiisa dhan(psychodynamic) iyo in deegaanka aan ku nool nahay keliya ina saameyso(behavioral Approach).

Cognitive theory “Aragti kasmeed”

Aragti kasmeeddu waxa ay xooga saartaa garaadka, garashada ama kaska qofka  iyo hanaanka u shaqeeyo, waxaay aaminsanyihiin in caqliga ama miyirka insaanka xogta soo gasho ay marto heerar kala duwan oo ay ku sheegaan(process) waana sidii computer ka oo kale, oo miyirka macluumada soo gaarto waa lafa guraa( processing) kadibna falcelin ka baxshaa(Piaget, 1952).

Aragtidan waxay xooga saartaa miyirka bini’aadamka, xasuusta iyo ra’yiga sidau samaysmo, si ay ku ogaadaan arrimahan saaykolijistayaasha darsa garaadka aragtiyahooda waxay marsiiyaan tijaabo cilmiyaysan.

Biological prospective(aragtida Baayoolajiyeed”

Baayoolajilaydu waxay darsaan maskaxda, qaabdhismeedka jirka,iyo hiddasidayaasha sida ay inoo saameeyan, waxay aaminsanyihiin in habdhaqanka iyo hiddasidayaashu dhaxal yihiin, Darwin, C. (1859) waxa uu qabaa  in habdhaqanka iyo sifaadka jireed ee nafciga leh u badantahay in jiilasha soo socda u gudbaan.

Marka araragtidani waxaa ay darastaa dhaqanka qofka iyagoo fiirinaya sida neerfaha iyo genes ka u shaqeeyaan, inta badanne waxay is weydiiyaan maxaa keeno stress ka?  waa maxay waxa sababo in qofka murugi soo wajahdo xilliga imtixaanka saacado ka hor? iwm, sidoo kale Biologistayaasha waxay isku dayaan lafagurida qaab samaysinka dhaqamada qofka iyo waxa sababa is-rogroga miyirka(Abnormal Psychology). Waxayna qeyb libaax leh ka qaateen ka hortagga iyo xal u helida dhibaatayooyinka soo wajaha bukaanada qaba cudurada nafsiga ah.

Socio-cultural theory(Aragtida Bulsho-Dhaqan)

 Bulsho-dhaqanlaydu waxay xooga saaraan sida dhaqamada iyo rumaysimaha bulshada inoo saameeyan, su’aalaha ay isweydiiyaan waxaa ka mid ah  maxaa keeno faqriga? Saamayn noocee ah ayuu faqrigu ku yeelan karaa badqabka jireed iyo kan maskaxeed ee qofka? Sociocultural ereyada ama (termenology) ay isticmaalaan waxa ka mid ah: kala duwanaashaha u dhaxeeya ragga iyo dumarka, dabaqaatka bulshada, dhaqamada, caadayayooyinka bulshada sida ay u samaysmaan iyo saamayntooda.

Biopsychosocial theory(Baayo-saayko-soshiyal)

Si loo helo qaabfeker ama aragti togan oo soo koobaysa fikradaha kala duwan ee majaalkan, saaykolojistayaasha waxay la imaadeen qaab cusub oo ay isugu geeyeen aragtiyaha aan soo sheegnay oo dhan, aragtidan waxay ku magacaabeen biopsychosocial theory.

Biopsychosocial waaa aragti isku xiraysa fikradha iyo perspective yada kala duwan ee saaykolojistayaasha qabaan, waxaana inta badan la isticmaalaa taagantadan.

Gunaanad, fikradaha iyo assumptions ka ay qabaan saaykolijstayasha waa ay kala duwan yihiin, Frued iyo saaxibadii waxay qabaan in miyir duneedka dhacdayooyinka ku kaydsan, iyo dareemaha waagan yarayn aan xannibnay nolosheena saameeyaan, halka Behavioralis ka ay qabaan inay bay’ada ina saamayso, insaankana lagu tababari karo ficilada iyagoo Conditioning ama takkayuf ku samaynaya,waxaase hadalka labadaan koox ka biya diiday Humanist yaasha, oo waxa ay qabaan in bini’aadamka maqaamkiisa ka sarreeyo in lagu miisaamo miyir duneed iyo sanduuq, waxayna qabaan in aan badali karno masiirkeena, bini’aadamkana fiican yahay.

Cognition yahanadu waxa dhaheen maskaxda bini’aadamka waa sida computer ka oo kale, oo macluumaatka soo gaaro way lafagurtaa(processing) sidoo kalane way ka fal celisaa  waxayna la timaada(output), halkaa kuma ekaan horumarka iyo fikradaha cilmigan , oo waxa soo shaac baxay aragti cusub oo insaanka u saarinaysa dhaqankiisa iyo qaabka aw u fikiro hab dhismeedka maskaxiyeed iyo kan hiddosidayaal kuwaa oon ka dhaxalnay abuulankeen(Biological approach) sidoo kale saaykolijisstayasha waxay hadane is weydiiyeen saamynta ay dhaqamada iyo qiyamka soo jireenka ah ee bulshada innagu yeelan kaaraan, ha ahaato hab fikir iyo caafimaad ba, aragtidan waxay ugu magac dareen(sociocultural theory).

Haddaba si loo helo aragti kulmisa dhamaan kuwa aan sheegnay waxay la imaadeen qaab cusub oo lagu darsi karo laguna taxliilin karo cilmigan waxayna ugu magac dareen biopsychosocial theory.

Tixraac:

1: James, William (1890). The principles of psychology. Cambridge, Mass: Harvard University Press.

2: Freud, S. (1915). The unconscious. Standard Edition, 14, 159-215.

3: Skinner, B. F. (1953). Science and human behavior. New York: Macmillan.

4: Maslow, A. H. (1943). A theory of human motivation. Psychological Review, 50(4), 370-396.

5:  Piaget, J. (1952). The origins of intelligence in children. International Universities Press.

6: On the Origin of Species by Means of Natural Selection, or Preservation of Favoured Races in the Struggle for Life. London :John Murray, 1859.

One thought on “Aragtiyaha Kasmanafeedka| Psychology theories

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *