Alif shibbane ah

 W/Q: Maxamed Axmed Dirir

In kasta oo Farcarabiga xilli hore la qoray, haddana waxay faro badan kaga horraysaa in ay leedahay alif shibbane ah iyo in ay Farcarabigu shaqallada u tixgeliso sumad ay shibbanayaashu leeyihiin. Labadan arrimood oo isbiirsaday waxay aad u fududaynayaan barashada aqoonta codka ee afafka oo runtii ah aasaaska iyo fahanka koowaad ee afafku meesha ay ka bilaabmaan. Marka la soo koobo, af walba waa ereyo iyo xeerar. Sida oo kalana erey walba waa cod ama waa codad isu tegey. Sidaa darteed, afafku waxay ka bilaabmaan cod, codkana waxa sameeya isutagga yeedho meelo ay ka soo baxaan leh “shibbane” iyo yeedho aan boos cayiman lahayn “shaqal”. Yeedhaha aynu ku kala calaamadsanno shibbanaha iyo shaqalku, marka ay isu tagaan ayay cod sameeyaan. Marka shibbanuhu gaarkiisa u taagan yahay, wax cod ah ma yeesho, halka shaqalku aanuba istaagi karin haddii aan shibbane ka horrayn. Sidaa darteed, cod ama erey walba wuxu ka bilaabmaa shibbane, mana jiro cod ama erey shaqal ka bilaabma.

1972-dii waxa la qaatay far lagu qoro Afsoomaaliga, waxana si rasmi ah loo qaatay Farlaatiin. Haddaba, haddii xilligaa Farcarabi la qaadan lahaa sidee baynu maanta u qori lahayn ereyada:

B. “Axmed”,

T. “Af”,

J. “Idinka” iyo

X. “Udub”?

Haddii aynu Farcarabi wax ku qorno, waxaynu ereyada sare u qori lahayn:

B. “احمد”,

T. “اف”,

J. “ادنك” iyo

X. “ادب”

In kasta oo labada farood ku kala duwan yihiin shaqallada qaar, sida reebniinka, halkan ereyada aynu isbarbardhigayno, waxaynu ku koobaynaa shaqallo isu dhigma. Ereyada sare shaqalladooda Farlaatiinku waa (A, E iyo I) oo u dhigma shaqallada Farcarabiga ee (kordhig, hoosdhig iyo godniin).

Haddaba, sida kor ka muuqata ereyadu marka ay ku qoran yihiin Farcarabiga, waxa jira alif dheeraad ah oo aanay ereyadu lahayn marka ay Farlaatiinka ku qoran yihiin. Tusaale ahaan, marka uu Farlaatiin ku qoran yahay ereyga “idinka”, wuxu ka kooban yahay saddex shaqal (I, I iyo A) iyo saddex shibbane (D, N iyo K). Balse marka uu isla ereygaasi Farcarabi ku qoran yahay “ادنك” wuxu ka kooban yahay saddex shaqal (hoosdhig, hoosdhig iyo kordhig) iyo afar shibbane ( alif, deel, nuun iyo kaaf). Sida oo kale marka uu Farlaatiin ku qoran yahay ereyga “udub”, wuxu ka ka kooban yahay labo shaqal “U iyo U” iyo labo shibbane “D iyo B”. Balse isla ereygaasi marka uu Farcarabi ku qoran yahay “ادب”, wuxu ka kooban yahay labo shaqal “godniin iyo godniin” iyo saddex shibbane “alif, deel iyo ba”. Ereyada kalana waa la mid haddii aad isbarbardhigtid.

Dhinaca kale, marka laga yimaaddo isbarbardhigga ereyada labada farood ku qoran, arrintan waxa inoo caddaynaysa marka suugaanta la joogo, gaar ahaan maansada. Sida la wada og yahay dhisme ahaan maansadu waxay leedahay labo xeer. Waa miisaanka iyo xarafraaca. Haddaba, xarafraaca oo ah kan aynu u soconno, waa in maansada meerisyadeedu haddii ay haldhacley yihiin  uu meeris walba ku jiro xarafyo isku mid ah oo erey walba uu ka bilaabmo. Tusaale ahaan jiiftadan hoose xarafraaceedu waa xarafka “Q” oo ay khasab tahay in meeris walba laga helo erey xarafka “Q” ku bilaabma.

QORRAXDOO aroortii
QAYBISAY fallaadhaha
Ama QAANSO roobaad.

Hees

Sida meerisyada sare ka muuqata, waxa jira xaraf meerisyada oo dhammi ka siman yihiin in uu erey ka bilowdo. Xarafkaasi waa “Q”, maansaduna waa “Q-ley”. Sidaas baa maanso walba oo haldhacley ah looga rabaa xaraf ay ku socoto oo xarafraac loo yaqaan.

Sidoo kale haddii maansadu labadhacley tahay sida gabayga, waa in meeris walba laga helaa labo erey oo isku xaraf bilaabma, meerisyada oo dhammina ay sidaa noqdaan. Tusaale ahaan meerisyadan hoose ee gabayga ah xarafraacoodu waa xarafka “G” oo uguyaraan laga rabo in meeris walba laga helo labo erey oo xarafkaa ku bilowda.

Been GUDUBTEY guurayn maxay, dunida GAAFMEERTAY
Run ka dabo GUCLEYSAA maxay, GAADHI kari weydey
Nimay GOWRACAYSAA muxuu, GARAB ku taageeray.

Khaliif

Haddaba, marka xarafraaca maansada la joogo, xaraf walba sidiisa ayuu u noqon karaa xarafraac, marka laga reebo shanta shaqal. Shanta shaqal dhammaantood waxay isku noqdaan hal xaraf, waxana xarafraacan la isku yiraahdaa alifley. Meeriska hore oo xarafraaciisu shaqalka “A” yahay, baa kan ku xiga uu “I” noqon karaa, kuwa ku sii xigaana ay “E, O, ama U” noqon karaan. Tusaale ahaan u fiirso meerisyadan hoose ee gabayga ah:

Haddaan gabaygu UURKOO bukiyo, ARAMMI kaa keenin,
Asaan OLOL jacayl iyo xanuun, kugu IJBAARAYNIN,
AFKUUN baad ka leedee tixuhu, ARAR ma yeeshaane.

Saddexda meeris ee sare waxa abwaanku xarafraac u adeegsadey meeriska hore; U iyo A; meeriska xiga; A ama O iyo I; meeriska u danbeeyana labo “A” buu u wada adeegsadey. Sidaa darteed, shanta shaqal waxa jira shibbane ay ka bilowdaan oo alif ah, xarafraaca maansada sarana waa alif ama waa alifley sida ay Soomaalidu u taqaan.

Labada qodob ee aynu kor kaga soo hadalnay waxa ay inoo caddaynayaan in Afsoomaaligu leeyahay alif shibbane ah, se marka Farsoomaaliga la qorayo aan alifkaas la adeegsan. Maya, alifka shibbanaha ah Farsoomaaliga waa uu ku jiraa, laga mana wada tegin oo waa la adeegsadaa marka uu ereyga dhexdiisa ku jiro iyo marka uu ereyga u danbeeyo. Waxase alifka shibanaha ah laga tegey marka uu ereygu ku bilaabmo. Afsoomaaliga, erey walba oo shaqal ka bilowda waxa ka maqan alif shibbane ah, se shibbanahani marka uu ereyga dhexdiisa galo ama uu ereyga u danbeeyo waxaynu u naqaannaa “hamse”. Tusaale ahaan ereyga “gam’ay” oo macnihiisu yahay “seexday” haddii aynu u fiirsanno, ereygu wuxu ka kooban yahay labo cod “gam+’ay”. Codka hore “gam” wuxu ku dhammaadaa yeedhdha “M”, halka codka labaad ( ‘ay ) uu ka bilowdo “alif” shibbane ah. Waa alif shibbane ah oo u dhadhamaya sida shaqalka “A”, se aan ahayn. Haddii aynu ereygan “gam’ay” shibbanahaas ka saarno, waxa soo baxaya macne kale oo ereygu leeyahay “gamay” oo macnihiisu markan “tuuray” noqonayo. Sidaa darteed, alifka shibbanaha ah lama dareemo af ahaan marka uu ereyga u horreeyo, waxase uu caadi u muuqdaa marka uu ereyga dhexdiisa ku jiro iyo marka uu ereyga u danbeeyo sida (ri’ ama lo’). Waxa kale oo iyana xusid mudan in shibbanaha aynu “hamse” u naqaanno, aanu wax erey ah ka bilaaban. Sida la wada og yahay, waa shibbanaha keliya ee aan erey ku bilaaban sida xarfaha Farsoomaaliga hadda uu ugu jiraana waa in uu erey dhexdiisa galo iyo in uu erey ku dhammaado.

Haddii aynu jiritaanka shibbanaha alif halkaa ku dhaafno, waxa jira khaladyo ay kategista alifkani keentay. Khaladyadan waxa ka mid ah khalkhal ku yimaadda dhismaha alammada iyo sida ay xarfuhu isu raacaan. Alan ama cod walba oo Afsoomaali ah wuxu ka bilaabmaa shibbane, mana jiro cod, alan ama erey shaqal ka bilaabmaa. Sida oo kale shaqalku wuxu raacaa hadba shibbanaha ka horreeya. Labadan xeer ayaa haga sida codadku isu raacaan iyo sida guud ahaan ereyada afka loo higgaadiyo.

In shibbanaha alif laga tago, wuxu keenaa in ay jiri karaan ereyo shaqal ka bilowda, ama in uu shaqalku yahay wax gaar isu taagi kara. Arrintani waxay gebi’ahaanba ka soo hor jeeddaa sida codku u samaysmo iyo sida ay isu raacaan codadku. Tusaale ahaan, marka xeerarka hore la raaco, ereyga “garanuug” waxa uu u dhisan yahay “ga+ra+nuug”. Haddii aanay xeerarkaasi jirin, maxaa diidaya in uu ereygu u dhismo “gar+a+nuug, gar+an+uug ama ga+ran+uug”? Waa waxba. In kasta oo khalkhalka noocan ahi muuqdo, imanna karo guud’ahaan ereyada, haddana waxa si fiican looga arki karaa ereyada shaqalka ku bilaabma. Marka sifada “adag” ay magac wadar ah raacdo, way soo labanoqotaa sida sifooyinka kale, waxayna noqotaa “adadag” sida “laamo adadag”. Haddaba, ereyga “adadag” waxay ahayd in uu u dhismo “ad+a+dag”, halka uu hadda uga dhismay “a+da+dag”. Guud’ahaan ereyga codkiisii waa uu isbeddeley, dabcan macnuhuna waa uu isla beddelayaa mar haddii codku isbeddelo. Sababtu waxa weeye in markeeda horaba ay ahayd in ereygu shibbane alif ah ka bilaabmo ( ‘adag), haddii uu ereygu soo labanoqdana uu labo alif yeesho ( ‘ad’adag).

Tusaale kale waxaynu u soo qaadan karnaa ereyga “mala+awaal” oo ka kooban labo erey oo isu tegey. Labada erey waxay kala yihiin “male” iyo “awaal”. Maaddaama ereyga danbe ay ahayd in uu ka bilaabmo alif shibbane ah oo laga tegey, marka labada erey isku tolmaan, waxa ereygu u dhismayaa “ma+laa+waal” ama “malaawaal”. Caadi’ahaan, waxay ahayd in uu ereygu u dhismo “ma+la+a+waal”, waxase khaladku ka yimi in ay isku darsameen labadii shaqal ee mid ereyga hore u danbeeyey, kan kalana ereyga danbe u horreeyey. Labada shaqal miyay isku darsami lahaayeen haddii ereyga danbe uu shibbane alif ah ka bilaabmi lahaa? Maya, labada shaqal alifkaas baa kala celin lahaa, codka iyo macnaha ereyguna isma beddeleen.

Isufuranka sare markii la arkay khaladka ka yimaadda, waxa lagu xalliyaa in jiitin loo dhexaysiiyo sida in loo qoro “mala-awaal”. Taasi uguyaraan xal bay noqotaa, se meesha khaladka ku jiraa in uu ka yimi shibbane alif ah oo laga tegey baa ay si cad inoo ku sheegaysaa. Xalka ereyada noocaas ah sida “mala’awaal” waxa ku habboon in hamse loo dhexaysiiyo, waayo, hamsuhu waa alif, Farsoomaaliguna alifku marka uu dhexda galo iyo marka uu ereyga u danbeeyo waa ay adeegsataa. Ereyadani uma baahna in sumad lagu kala celiyo sida jiitin (-), maxaa yeelay jiitintu xaraf ma aha, sababta khaladku u yimina waa in xaraf xarfaha ka mid ahi meesha ka maqan yahay oo marka uu dhexda galo si caadi ah farta loogu adeegsado.

Waxa kale oo aan isleeyahay in alifka laga tegey uu xallin lahaa isxigxigga xarfaha Farsoomaaliga oo hadda labo siyood loo adeegsado.

Markii la kala dooranayey fartii Afsoomaaliga lagu qori lahaa, waxa jirey saddex garab oo la kala dooranayey. Garabka koowaad wuxu watey faro ay iyagu allifeen, garabka labaadna waxa uu watey Farlaatiin, halka garabka saddexaad uu ka watey Farcarabi. Garabka koowaad wuxu ku hadhay in la isla gartay in aan hadda la qaadan karin far cusub oo aanu qalabka adduunku adeegsadaa ku qornayn, sidaa darteedna loo baahan yahay far hore u jirtey oo adduunka lagu la dhuuqo. Dabadeed, waxa isku soo hadhay Farlaatiin iyo Farcarabi, waxana la doortay tii Laatiinka ahayd. Markii garabkii Farcarabiga watey laga guuleystey, waxa la sheegaa in lagu maslaxay in la qaatay isxigxigga xarfaha (alphabetical order) Farcarabiga. Waxa la qaatay xarfo Laatiin ah oo isxigxiggoodu Farcarabi yahay. Caadi’ahaan isxigxigga Laatiinka waa ay isku dhex jiraan shibbanayaasha iyo shaqalladu, se Farcarabigu wax shaqallo ah isxigxiggiisa kuma jiraan. Markii isxigxigga Farcarabiga la qaatay, waxa kale oo la sameeyey in shaqalladii xagga danbe laga ga daro oo ay xarfuhu noqdaan labo qaybood oo kala go’an. Arrintani waxay dhibteedu soo baxday markii qaamuusyadii Afsoomaaliga ahaa la qorayey. Waxana ay qaamuusyadu markii danbe raaceen isxigxigga Laatiinka. Sidaas ayaa hadda waxa uu Farsoomaaliga isxigxiggiisu u qaybsan yahay in marka la baranayo isxigxigga, Farcarabiga la raaco oo markan shaqalladu dheeraad ku yihiin iyo in marka qaamuus la qorayo in isxigxigga Laatiinka la raaco oo markan shibbanayaasha iyo shaqalladu isku dhex jiraan

In isxigxigga Farcarabiga la qaato waxan isleeyahay dhib ma ahayn, beddelkana waxay ahayd meesha xalku ka dhowaa marka aynu saamaynta kategista alifku keenay tixgelino. Mar haddii Farcarabigu alif leeyahay, haddii alifkaas la qaato, waxa laga maarmi lahaa in shaqallo la qoro, shanta shaqalna alifka shibbanaha ah baa isu taagi lahaa. Sidaa darteed, ma ay dhacdeen in sida hadda jirta uu isxigxigga xarfuhu qaabab kala duwan u yeesho.

Gebagebadii, ujeedka qoraalkani ma aha in xarfaha Farsoomaaliga lagu soo daro alifka aynu ka soo hadalnay. Taasi waxa laga yaabaa in dadka farta wax ku qora ay jaahwareer ku keento, muhiimadda faruhuna maba aha in wax walba oo ka dhiman lagu soo daro, beddelka waxa la tixgeliyaa in sida ugu fudud ee qof walba uu u qori karo loo fududeeyo. Waxase muhiimadda qormadeennani tahay in ay dadka afka xiiseeya ama barta la wadaagto mawduucan oo dhismaha codadka iyo israaciddooda iyo guud’ahaan codbarashada afka aasaas u ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *