Afmaldaha iyo Qur’aanka

Waxaa qoray: Ibraahin x. ibraahin.

Email:ahmed.abdilahi01@gmail.com

Balaaqaddu (ama af maldahu sida loo garan og yahay), waa umuur afeed oo la xidhiidh-dha hab-dhaqanka iyo hab-adeegsiga luuqadeed ee umaddaha ku nool caalamka, waana hubaal in ay ku kala gedisan yihiin afafka badan ee ay shucuubta caalamka ku nooli ku hadlaan, arrintaas oo loo celin karo hab dhaqankooda bulsheed. Xeel dheerayaasha luuqaduhu waxa ay sheegaan, in ereyada af walba ku jiraa ay leeyihiin ereyyo qeexan (literal meaning) oo macnahooda la isla wada garanayo iyo ujeeddooyin maldahan ama dahsoon (passive/nonliteral) oo ereyadaas loo adeegsan karo. Metelen afka soomaaliga haddii aan ka sooqaadno, ereyadiisa waxaa ka mid ah ereyga ‘libaax’oo aynu wada garanayno in uu yahay xayawaan dugaag ah oo duurka ku nool, haddana ereyga libaax laftiisu waxaa kale oo uu leeyahay ujeeddo maldahan (figurative meaning) oo ah geesinimo ama dhiiranaan.

Haddaba af maldaha luuqadeed ee bulshadu, waa arrin sida aan soo sheegay farsamo afeed ah, oo la xidhiidha hadal la qoray ama la yidhi oo marka ay dhegtu maqasho keenaya dhugasho iyo dareen gelin soo duwisa wacyigeenna (wax-isweydiin inagu abuurta), kaas oo ku yimid xaalad, mawduuc ama arrin markaas la hadal hayo, dabadeedna hadalkii mawduucaas/xaaladdaas quseeyey aan si toos ah loo sheegin ee la maldahay. Macnaha waa hadal ama weedh loola jeedo xeel iyo dan gaara, oo ku sahabsan cid ama koox loola dan leeyahay, oo inta loo hadoodidlay ama loo deday lagu odhanayo. Si kooban markaasi waxa aynu u odhan karnaa balaaqaddu waa hadal ama weedho leh ujeedo maldahan, ama dedan, ama saamadadan, ama sogordohan, ama shareeran, ama sarbeeban, ama saynsaaban, amaba hu’la huwiyey oo ku sahabsan macne iyo ujeeddo gaar ah.

Si haddaba loo fahmi karo waxa uu dhab ahaan yahay hadalka ama weedh-dha afmaldaha ahi, aan tusaalayaal kasoo qaato wax ka mida hadal-maalmeedka caadiga ah ee lagu sheekaysto iyo xikmadaha afsoomaaliga ahba. Dhinaca xikmadda haddii aan ku horreeyo, waxa jirta maahmaah tidhaahda “Mukullaal qoorqabasho biyo kuma cabto” maahmaahdan kolka aad u fiirsato, waxa ay tilmaamaysaa macne maldahan, inta aynaan sheegin macnaha maldahan ee laga wado, kolka hore maahmaadu waxa ay fahan ahaan kuu suuradaynaysaa (qeexaysaa) mukullaal la dul keenay meel biyo leh, oo qofkii rabaystay inta uu tunka hayyo uu rabo in uu afka u saaro darka, oo ay sidaas biyaha kaga dharqato iyada oo qasban (ilayn qoorta ayaa la hayaaye), balse nuxurka iyo waxa dhabta ah ee ay maahmaahdu kuu sheegaysaa, ma aha in aan bisaddu si qasab ah biyo ku qudhqudhinin, ee waxa ay maldahaysaa ujeeddada ah xoriyadda iinsaaniga ah iyo awoodda doorasho ee rabbaaniga ah ee ay qofka iyo xayawaankuba leeyihiin, in aan la qasbi karin— la jujuubi karin, xaqna aan loogu lahayn in la qasbo (ba). Sidaa daraadeed nuxurka iyo macnaha ay xikmaddaasi sarbeebaysaa waa mid caynkaas ah, oo loo adeegsan karo marka la hadal hayo arrin iyo xaalad jujuub ah oo la dirqinayo xoriyadd iinsaani ah, taas oo marka qofku uu adeegsado qiimo u yeelaysa hadalkiisa, ujeedaddiisana qurxinaysa.

Dhanka kale haddii aynu eegno hadal maalmeedka caadiga ah, ee aynu maalin walba ku sheekaysanno, waxaa muush ka ah hadallo maldahan oo loola jeedo macne gaar ah. Metelen aan ka soo qaato hadalladan: waxa aad maqlaysaa qof odhanaya ‘hebel qudhaanjada ayaa uu maraq ka dayaa!!’ Macnaha maldahan ee hadalkan loola jeedaa waxa uu noqon karaa, hebel waa sabool oo waxba gacanta kuma hayyo.

Waxa kale oo aan soo qaadan karaa hadalka ah “heblaayo (oo qof wayn ah) waa carruur”, oo ah hadal lagu maldahayo heblaayo waa qof wayn oo haddana hab dhaqan carruureed ama garasho carruureed leh.  Sidoo kale waxaa dhacda in aad aragto qof tuug ah oo ay qabteen boolisku, dabadeedna qofku isaga oo arrintaas ka waramaya uu yidhaahdo: boolisku tuuggii waxa ay ugu soo xoomeen sida shinnida. Macnaha waxa uu maldahayaa oo uu ujeeddaa in qofkii tuugga ahaa ay askartu si walba u hareereeyeen. Ugu danbayn waxa aan sidoo kale soo qaadan karaa, metelen sheeko uu qof wadday ayaa waxaa uu xusay qof, isaga oo leh: ninkaasi (hebel ahi) xuunshada xaarka ugama kaco! Waxa aan ku male weynahay, in macnaha ku qarsoon hadalkaasi uu yahay: ninkaasi waa qof hunguri wayn oo aan dhulka waxba uga ga dhicin (Heer uu saqajaannimo ka gaadhay darteed). Haddaba iyada oo sida aan ujeedooyinka hadalladaas ku macneeyey, ay ku xidhan tahay arrinta iyo mawduuca hadalladaas lagu keenay, haddana waxa aan rajaynayaa in aad fikrad ka qaadatay waxa uu af malduhu yahay. Marka haddaba laga hadlayo balaaqadda afka, waxaa laga hadlayaa weedhaha murtida leh ee macnahoodu uu maldahan yahay iyo farshaxannimada afka, taas oo aynu u soconno in aynu tooshka ku qabanno.

            Marka la joogo afsoomaaliga, suugaanta ayaa ah ‘fanka ereyga’ iyo luuqadda ay ku hadasho quruxdu. Waxa aynu markaas ka wada war qabnaa in suugaanta soomaalidu ay ka warranto waayaha kala duwan ee nolosha soomaalida, waxaa kale oo ay leedahay suugaanta soomaalidu ujeedooyin soo noqnoqda oo laga soo minguuriyo wejiyada suugaanta soomaalida, ujeeddooyinkaas waxaa ka mid ah: tookha, gooddiga, jirrabka, ammaanta, baroordiiqda, caashaqa, calaacalka, digashada, waddaniyadda, guubaabada, bilicda iqk. Haddaba ujeeddooyinkaas badan ee wejiyada suugaanta soomaalida kusoo noqnoqda, waxa laga dheehday in ay xambaarsan yihiin qalab-suugaaneedyo kala caynad ah, kuwaas oo goosankii ku xeesha dheeraa aqoonta afsoomaaliga iyo qaybihiisu ay isla meel dhigeen dhawr jaad, oo haatan lagu barto maaddadda afsoomaaliga, kuwaas oo kale ah : Lagaaddo, oo afka carbeed lagu yidhaa السخرية afka ingiriisna ‘irony’,  Shareero/e, oo isna carabi ku noqonaya الاستعارة af ingiriisina ‘metaphor’,  Buunbuunin, oo afka carbeed ku noqonaysa المبالغة kan af ingiriisidana ‘hyperbole’, Silan-sugan, oo af carabiga lagu beego ereyga المفارقة dhanka ingiriisidana ’paradox’ lagu beego, Eekeeyn, oo carabigiisu uu yahay التشبية ingiriisidiisuna ay tahay ‘simile’, Qofayn, oo af carbeed ku ah التشخيص ingiriisidana lagu tilmaamo ‘personification’, Astaan, oo isna الرمزية lagu carabiyeeyo, dhanka af ingiriisidana ‘symbolism’ loo yaqaan, iyo qaybo kale oo ay ka mid yihiin: yamxeero (dayro), xus, duurxuliyo sarbeeb oo aan isleeyahay malaha waa qaybaha uu afka soomaaligu kaga duwan yahay afaf badan oo dunida looga hadlo, sidaas oo ay tahay haddana proff. Cabdalle cumar mansuur ayaa buuggiisa “astaamaha guud ee maansada soomaaliyeed” waxaa ku jira laba jaad oo uu ku daray xubnihii balaaqadda ee hore u jiray kuwaasoo kala ah: weedhsan (euphemism)iyosanqadh-raac(onomatopoeia).

Si ay haddaba u qurux badnaato dulucda ay xambaarsan tahay suugaantu, fikradda iyo ujeeddada uu maansooluhu wataana u koobnaato, xiisona ugu yeelato bulshada, allifaaga fanyahanka ahi waxa uu ku qasban yahay, in uu tixdiisa u adeegsado qalabyadaas balaaqadeed ee aynu soo aragnay.

Waxa aan markaas jeclahay in aan qalabyadaas xaga sare ku xusan macnayno mid walba, oo ku iftiiminno tixo suugaaneed oo tusaalayaal u noqda, aniga oo sida oo kale milicsan doona quraanka Eebbe, oo ah halka ay fadhido xikmad afeed iyo qurux luuqadeed oo dhami.

Sidaa daraadeed waxa aan ku bilaabaynaa xubinta:

Lagaaddo

    Lagaaddo, waa xubin balaaqadeed oo sheegaysa wax quusin (sarcasm). Tusaale ahaan qof madow ayaa waxaa loogu yeedhay dayaxoow ama inan madow ayaa waxaa loogu yeedhay faadumo-tiriigeey. Sida aad arkayso ereyadaasi la adeegsaday (ee hoosta ka xariiqsani) waxa ay ka xidhiidh furteen tibaaxdoodii tooska ahayd, waxaana loo yeelay ujeeddo aan xidhiidh la lahayn tibaaxdooda tooska ah iyo macne xor ah oo caksigooda ah, si kale haddii loo dhigona, ereyadaas waxaa loo adeegsaday si quusin ah.

    Lagaaddo markaas waa erey tilmaamaya kala jeeddo (irony), oo ku sahabsan hadal lagu odhanayo qof, oo ay kala duwan yihiin ulajeedada (intended message) iyo macnaha uu hadallakaas la odhanayaa leeyahay. Marka aynu eegno quraanka kariimka ah, waxaa ku jira aayaado muujinaya xubintan balaaqadeed, oo ay ka mid tahay aayadda 8 ee zuuradda zumar:

    وَإِذَا مَسَّ الْإِنسَانَ ضُرٌّ دَعَا رَبَّهُ مُنِيبًا إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا خَوَّلَهُ نِعْمَةً مِّنْهُ نَسِيَ مَا كَانَ يَدْعُو إِلَيْهِ مِن قَبْلُ وَجَعَلَ لِلَّهِ أَندَادًا لِّيُضِلَّ عَن سَبِيلِهِ ۚ قُلْ تَمَتَّعْ بِكُفْرِكَ قَلِيلًا ۖ إِنَّكَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ

    Ereyga laga fahmayo in aayaddaas ay ku jirto lagaaddo, waa qawlka Eebbe ee قُلْ تَمَتَّعْ oo ah qawl sheegaya in aanu Alle (swt) ujeedin in ay gaalnimadooda ku raaxaystaan kufrigooda balse; ay tahay hanjabaad iyo gooddi loo jeedinayo gaalada. Sidaa daraadeed, waa ay badan yihiin aayadaha quraanka ah ee muujinaya xubintan balaaqadeed ee lagaaddada ah balse aayaddaasi iftiimin ku filan.

    Dhanka suugaanta na waxa xubintan tusaaleyaal u ah, kuwa kan hoose:

    Caqliga wax gartee culan ma lihiye,

    Ceel yeygu rida cidhiidhiyaheey. (Xaaladda uu ku sugan yahay darteed ayaa uu lagaaddo hadlayaa)

    Ha iska dhabar yaraatoo, dhulka ha u dhawaatee,

    Waalidkeedii dhalay baa, dhaaxee ammaan mudan. (Sidaad arkayso waxa loo quusinayaa gaabni, dhinaca kalena ammaan ayaa loo jeedinaa)

    Kuma odhanin indheer garadka waad ka ag fogaataaye,

    Waxaan idhi aqoon-laawahaad oday ka yeeshaaye. (Macnaha si dadban ayaa loo dhaliilayaa qofkii loo waday hadalkaas)

    Silan sugan

    Sillan-sugan waa xubin balaaqadeed oo sheegaysa humaag isku sidkan (mixed image) oo dhinac ka mid ahi uu sheegayo wanaag ama saxnaan, dhinaca kalena uu tilmaamayo sidaas caksigeeda. Waa ereyo is weydaarsan oo hal meeris ama hal weedh ku wada jira, oo u muuqda in ay iska hor imanayaan (contradictory suggestion), haddana ujeedo ahaan is qaadanaya, oo kuu samaynaya dareen macno leh marka loo eego waaqica (dhabta). Waa hadal macnaha uu kuu samaynayo ee laga dhex fahmayo aad haddana ka dhex dhadhansanayso mid kale oo lidkiisa ah, marka la weheshado dareen quus iyo niyad xumo ah. Sidaa daraadeed, hadallada silan-suganta ah ee laga yaabo in aad maqashay waxaa ka mid ah; qof wax la siinayo oo lagu leeyahay: hooyoo ku go’ ama aad maqashay odhaahda ah: Nin iyo naagtii colna ma aha, nabadna ma aha! Sillan-sugan waa haddal markaa qaabaddaas oo kale ah, oo sillan marka dhanka taban laga eego (ama aan suurta gal ahayn) haddana; sugan marka dhanka togan la eego (ama suurto gal ah), ama sidaa caksigeeda noqon kara.

    Quraanka haddii aynu eegno, waxaa ku jira aayado dhawr ah oo ay ku jiraan ereyo iska soo hor jeeda, oo silan-sugan ah. Metelen waxa ka midda labadan aayadood, ee suuradda macaarij ka mida: إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُ بَعِيدً وَنَرَاهُ قَرِيبًا Waxa kale oo la mida aayadda 179 ee suurada acraaf, ee uu alle (swt) ku leeyahay:{ۖ لَهُمْ قُلُوبٌ لَّا يَفْقَهُونَ بِهَا وَلَهُمْ أَعْيُنٌ لَّا يُبْصِرُونَ بِهَا وَلَهُمْ آذَانٌ لَّا يَسْمَعُونَ بِهَا}

    Dhanka suugaanta na waxaa tusaale u noqon kara xubintan, meerisyadan gaagaaban:

    • Waxaan ahay nin gobolkii dhintoo, geesi nooshahaye!
    • Jiidh go’ay habeen qudha, jirro anoon ku seexan!
    • Damal baan hadhsanayaa, dabna waan ku shidayaa!

    Ekeeye

    Ekeeyuhu waa xubin af maldah, oo sheegaysa isku ekeysiin [similarity] laba humaag ah ama is barbardhigga laba waxyaabood, iyada oo looga qiyaas qaadanayo wax kale. Si kale haddii aan u sheegno waa isku ekeysiinta laba waxyaabood oo kala duwan, balse labada shay ee la isku ekeysiinayaa meelna ay iskaga mid yihiin, meelo kalena ay ku kala gedisan yihiin, ama ay kala gedisan yihiin gebi ahaanba [dissimilar in kind]. Ekeeyuhu kolkaas waxa uu ka kooban yahay afar tiir/rukun oo kala ah: u eke, loo eke, ereyga ekeynta, la iskaga eke.

    U eke: waa shayga ama qofka wax kale u eeg.

    Loo eke: waa waxa ama cidda ama meesha loo eeg yahay.

    Ereyga ekeynta: waa ereyga xidhiidhinaya ama xidhiidhka ka dhaxaysiinaya labada wax ee la isla doonanayo, waxaana ka mida ereyada: sida, sideedii, geddeedii, qaabkeedii, tabteedii, caynkeedii, la moodo, baad tahay, iqk.

    Layskaga eke: waa tiirka tilmaamaya sifada iyo waxa labada shay ee la isu ekeysiinayaa ay isaga eeg yihiin, sida: qurux, karti, midab, dherer iyo wixii la mida.

    Sidaa daraadeed aan soo qaato hal tusaale, oo ka kooban afartaas tiir. Waxa aan adeegsan karaa weedh-dha ah: ilhaan waxa ay u dheer tahay, sida hooyadeed maryam. Haddii markaas aan ku halbeego afartii tiir ee aan soo sheegay, waxa aan weedh-dhaas u kala dhigdhigi karnaa sidan:

    Ilhaan: waxa ay u taagan tahay tiirka ‘u eke’ oo waa qofka cid kale u eeg.

    Maryam (oo ah ilhaan hooyadeed): waa qofka loo eeg yahay, waxaanay u taagan tahay tiirka ‘loo eke-ha’

    Dhererku: waa tilmaanta la iskaga eeg yahay, oo waxa uu buuxinayaa tiirka ‘lays-kaga-eke ha’

    Sida: waa ereyga loo adeegsaday in uu xidhiidhiyo, waxa ay isaga eeg yihiin labada qof, waxaanu markaa buuxinayaa rukunka afraad ee sheegaya ‘ereyga ekeynta’.

    Wax isku ekeysiinta caynkaas oo kale ah waxaa la yidhaahdaa eekeeye dhamaystiran. Sidoo kale, waxaa jira ekeeye la odhan karo ekeeye-murtiyeed kaas oo sheegaya xaalad isku ekeysiineed, oo la xidhiidh-dha murti ama maahmaah soomaali ah, iyo xaaladda qof ama bulsho, taas oo la mida ta ay murtida ama maahmaahdu ku sahabsan tahay. Waxa aan ogsoon nahay in kolka horeba loo adeegsado maahmaahda iyo murtida, marka ay timaaddo dhacdo u eeg ta ay murtida ama maahmaahdu ku soo baxday, sidaa daraadeed eekeye-murtiyeedku waxa uu tilmaantaas la wadaagaa hab adeegsiga maahmaahda, waxaana tusaale u ah dhawr tixood balse aan kasoo qaadanayo uun tixdii ‘Ergo’ ee uu tiriyey marxuum gaarriye, oo ay ku jirtay “Waxaan fool eryayaa, hal aan awr ku salaaxinoo, is-moogtii wax ma dhaamo, iyadoon la dalaaqay, wali haanta aslaysay”waxa aad halkaa ka fahmaysaa in uu adeegsaday maahmaahdii odhanaysay “ismoog aqalkii baa ay aslaysaa” oo uu xaaladdii bulsheed ee waagaas lagu jiray u ekeysiinayo.

    Sida oo kale silsilad suugaaneeddii guba, waxaa ku jiray gabay uu qamaan bulxan ku leeyahay:

    Cawl baa midgaan soo gardiyey, soo gabraar tegey’e

    Isagaan wax lagu gawriciyo, geedisaba haysan

    Jeeniga gibsiiyoo mindida, qodatay gaarreeye

    Adiguna geddii baad tahoo, ways gunaanadiye

    Qammaan waxa uu meerisyadaas ku tilmaamayaa, ekeeye-murtiyeed la caynad ah tixda hore, isaga oo u ekeysiinaya xaaladda qofkii uu la hadlayey sheekadii ka dhex dhacday cawsha iyo ninkii gabraaranayey. Dhinaca quraanka kariimka ah hadii aan eegno na, waxaa ku jira aayaddo badan oo soo bandhigaya xubintan ekeeyaha ah, waxa aynu se ka soo qaadan karnaa labadan aayadood oo qudha:

     مَّثَلُ الَّذِينَ كَفَرُوا بِرَبِّهِمْ ۖ أَعْمَالُهُمْ كَرَمَادٍ اشْتَدَّتْ بِهِ الرِّيحُ فِي يَوْمٍ عَاصِفٍ ۖ لَّا يَقْدِرُونَ مِمَّا كَسَبُوا عَلَىٰ شَيْءٍ

    Iyo aayadda uu Eebbe ku yidhi: مَثَلُ الَّذِينَ حُمِّلُوا التَّوْرَاةَ ثُمَّ لَمْ يَحْمِلُوهَا كَمَثَلِ الْحِمَارِ يَحْمِلُ أَسْفَارًا ۚ  

    Xagga suugaanta waxaa tusaalayaal u noqon kara xubintan, kuwan hoose:

    • Libdhadoo soo baxdiyo, lagu mood laydha subaxeed.
    • Cagaarka ka baxay caleen weyniyo, cosob aan cidi daaqin baad tahay.
    • Waa la isku wada tiirsan yahay, sida tis oodeed.

    Shareero

    Shareero ama shareere waa laan kale oo ka mida balaaqadda suugaanta, oo sheegaysa is barbardhig tabtii ‘ekeeyaha’ oo kale ah, ha yeeshii weedha ama hadalka shareeraha ahi waxa uu sheegaa isu ekeysiin ka xeel dheer kan lagu keenay eekeynta, macnaha waa weedh tilmaamaysa heerka ugu sarreeya ee isu ekeysiineed ee laba wax la isugu ekeysiiyo, ilaa heer aad moodo in aanu jirinba meel ay ku kala soocan yihiin labada wax ee la isku ekeysiiyey ama la is barbardhigay maxaa yeelay, waxaa la midaynayaa/mataanaynayaa labada wax. Tusaale ahaan, waa ay kala duwan yihiin haddii aan idhaahdo ilhaan waxa ay u eeg tahay sida hooyadeed, oo aan hore usoo aragnay iyo ilhaan waa hooyadeed oo halkan taagan! Hadalkan dambe waxa uu tilmaamayaa shareere waayo; waxa aan u jeedaa in ilhaan iyo hooyadeed aanu jirin meel lagu kala soocaa oo ay isku mid yihiin. Yacniga, sida ugu xeesha fog ama ugu heerka sarreeya ayaa la isugu ekeysiiyey ilhaan iyo hooyadeed, ilaa heer ay u eeg tahayba in aanu jirin, meel haba yaraatee labadooda lagu kala sooci karaa. Sidaa daraadeed weedhaha sidaas oo kale ah ayaa loo tix gelinayaa hadal shareere ah.     Qawlka Eebbe haddii aynu jalleecno, waxaa aynu ka soo helaynaa aayaddo dhawr ah oo sheegaya isu ekeysiin xeel dheer, waxaanan tusaale u soo qaadan karnaa aayaddahan: اللَّهُ نُورُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ oo suuradda Nuur ka mida iyo aayyaddan oo suuradda al baqra ku jirta:

     أُحِلَّ لَكُمْ لَيْلَةَ الصِّيَامِ الرَّفَثُ إِلَىٰ نِسَائِكُمْ ۚ هُنَّ لِبَاسٌ لَّكُمْ وَأَنتُمْ لِبَاسٌ لَّهُنّ.

    [Marka aan aayyadaha quraanka ah soo qaadanayo, waxaa aan aakhristaha maqaalkan akhrisanaya ku xisaabinayaa in uu quraanka dhigtay oo uu dhammeeyey iyo in ay wax uga bilaaban yihiin luuqadda carbeed iyo tafsiirkiisaba, oo uu ila dhadhansan karo macnaha daahirka ah ee ay aayadaha quuriniga ahi sheegayaan].

    Xagga badaha maansada waxaa xubintan tusaale looga soo qaadan karaa, kuwan:

    Midab wada caddaaniyo, cawlaan ahaynoo,

    Daymada cajabiyoo, laga caajisaynoo,

    Waxaad tahay mas-ciideed.

    Macalinku waa, maskaxdii dunidoo, malaasaan,

    Mowadaheeda kala miirtay, Ee macnaysay,

    Maadhkii qarsoonaa.

    Noo hooy, gugoo hoorayeey, galabta ma i raaci.

    Qofayn

    Waa xubin af maldahane ah, oo ku sahabsan hadal lagu odhanayo wax aan qof ahayn, oo noqon kara noole iyo ma nooleba. Waa qaab hadal ah oo ay maansoyahannadu ku cabiraan dareenkooda, iyaga oo wax aan caqli lahayn ama aan noolayn ula hadlaya ama u waraysanaya, ula doodadaya, ama u farriimaya sida dadka (wax caqli leh oo kale) amaba u yeelaya sifo ay dadku leeyiniin. Metelen “wakhtigu waa socdaa” haddii aad tidhaahdo, waa hadal laga fahmayo in wakhtigu uu sida aadmiga oo kale lugo uu ku socdo leeyahay, sidaa daraadeed waa weedh qofayn ah oo wakhtigii ayaa loo yeelay sifo aadannimo.

    Geesta suugaantana waxa aan ka xusi karnaa tusaalahan: Qalinyahow gilgilo, U qashaaro dirir, Qarankani burburay, Qarqarsiga ka goo, Hoggaankiisa qabo! Hilbahaygan qalan, Maadh-dhaydan quban, Ubadkani qarracan, Qoyskaygan dumay, Qalinyahow tilmaan!

    Quraanka kariimka ahna, waxaa ku jira aayado tilmaamaya qofayn oo bil metel aan ka soo qaadan karo— waa ay badan yihiine, aayaddan:

    وَقِيلَ يَا أَرْضُ ابْلَعِي مَاءَكِ وَيَا سَمَاءُ أَقْلِعِي وَغِيضَ الْمَاءُ وَقُضِيَ الْأَمْرُ وَاسْتَوَتْ عَلَى الْجُودِيِّ ۖ وَقِيلَ بُعْدًا لِّلْقَوْمِ الظَّالِمِينَ

    Macnaha muuqadda ee aayaddu waa mid sheegaya, in Alle (Swt) uu ula hadlayo dhulka iyo samada, sidii oo ay caqli leeyihiin, inaga oo ogsoon in Alle shay kasta uu abuuray uu ula hadli karo sida uu doono balse ku eegayna indho suugaaneed oo kaliya oo xaggaas ka qiimaynayna.

    Buun Buunin

    Buunbuunintu, waa xubin balaaqadeed ama afmaldah oo sheegaysa hadal ama hawraar muujinaysa muuqaalka, kartida iyo dheefta uu shay leeyahay balse loo soo bandhigayo ama loo sheegayo si ka heersaraysa ama ka kordhisan sidii uu caadi ahaan shaygaasi ahaa. Macnaha waa hadal  ama hawraar sheegaya wax sidii uu ahaa si ka badan loo sheegay, tiro ahaan, ammaan ahaan, hanjabaad darteed ama faan ahaanba. Sidaa darteed baa loo yidhaahdaa buunbuunintu waa marka wax kasta wax lagu kordhiyo ama wax lagu siyaadiyo ee laga badbadiyo. Tusaale ahaan haddii la yidhaa: axmed boqol nin dhabbe uga leexan maayo! ama la yidhaa, shamis shan libaaxna madhin kari mayso! Sida aad arkayso waa laba hadal oo buunbuunin ah, oo sheegaya ka badbadin.

    Dhinaca kitaabka quraanka kariimka ahna, marka la daalacdo, waxa aynu ka soo helaynaa aayado quraan ah oo tilmaamaya xubintan balaaqadeed, metelen waxa aynu soo qaadan karnaa suuradda yuusuf aayadda 31, oo uu Alle ku leeyahay:

      فَلَمَّا سَمِعَتْ بِمَكْرِهِنَّ أَرْسَلَتْ إِلَيْهِنَّ وَأَعْتَدَتْ لَهُنَّ مُتَّكَأً وَآتَتْ كُلَّ وَاحِدَةٍ مِّنْهُنَّ سِكِّينًا وَقَالَتِ اخْرُجْ عَلَيْهِنَّ ۖ فَلَمَّا رَأَيْنَهُ أَكْبَرْنَهُ وَقَطَّعْنَ أَيْدِيَهُنَّ وَقُلْنَ حَاشَ لِلَّهِ مَا هَٰذَا بَشَرًا إِنْ هَٰذَا إِلَّا مَلَكٌ كَرِيمٌ

    Xagga suugaanta haddii aan jalleecno, wax aad adeegsan kartaa tixahan oo buunbuuninta ah:

    Lama arag adoo kale, lamana maqal

    Taariikhda luulka ahi, kuma labayn.

    Sidii aar cargaagtamimarkaan, camal guhaadoodo,

    Cabaadka iga soo baxahayaan, cidi u joogayne.

    Alfatayn ka badan maansadaan, uurka ku hayaaye.

    Astaan

    Waa laan qiimo leh oo ka mida balaaqadda suugaanta, taas oo si xoog ah loo allifay xilligii gumeysiga iyo gumeysi-hayaanka labadaba, waxaanay soo bandhigaysaa waddaniyad, qarannimo iyo xornimo-doon, iyada oo summad looga dhigayo qarranimadaas hal magaceed oo ‘maandeeq’ lagu magacaabo, sidaa daraadeed suugaan kasta oo baaqeeda xornimo iyo teeda wadaniyadeed loogu ishaarto hal magaceed ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay suugaan astaanta ah, ha yeeshee shay kasta oo kale oo la isla garanayo, oo uu macnihiisu dhaafsan yahay waxa uu isagu dhab ahaan yahay, oo haddana ka turjumaya wax kale waa uu soo galayaa suugaan astaan ah. Waxa aynu markaas ka xusi karnaa tixo suugaaneed oo astaan ah tusaalayaashan hoose:

    Raqda aarka hore kii dambuu, reenka maqashiine

    Kuruskuu radhaayuu haddana, wax uga reebaaye

    Raxan baad u cunaysaan hashaan, riiq walba u galaye.

    Dambarkeedii maandeeq, nimaan doonin baa dhamay

    Awrkii gulaan iyo hashaan, gudublaha u diiday,

    Wax la yidhi gal daanyeer, cabay habari geysaa.

    Xus

    Xusku waxa uu ka mid yahay qaybaha ugu door qaadashada badan marka laga hadlayo jaadadka af maldaha (balaaqadda), waxaana uu ku sahabsan yahay marka dib looga warramayo wax tagey iyo sooyaalka. Waxaa la yidhaahdaa ereyga ‘xus’ waxa uu ka soo jeedaa ‘xusuus’ taas oo loola eedo, wax la xasuusanayo sida dhacdo ama sheeko oo kale, sidaa daraadeed baa qofka hal abuurka ahi (ama qoraaga ahi) waxa uu soo qaataa sheekho-dhaqameed xayawaan ku taxan (fable), oo ku jira afka soomaaliga ama dhacdo taariikhda gashay, isaga oo markaas xidhiidh kala dhaxaysiinaya arrin iyo xaalad imika taagan si ay sheekadaasi usoo koobto (ama maldahdo), wax uu qofku (hal abuurka ahi) hadal badan ku sheegi lahaa ama uu ku macnayn lahaa. Metelan Eebe, waxa uu xus ahaan u adeegsanayaa sheekada islaan carbeed, ficilkii ay samayn jirtay, si ay usoo koobto macno balaadhan, eebe waxa uu markaas suurada naxli aayada 92 ku leeyahay:

    وَلَا تَكُونُوا كَالَّتِي نَقَضَتْ غَزْلَهَا مِن بَعْدِ قُوَّةٍ أَنكَاثًا تَتَّخِذُونَ أَيْمَانَكُمْ دَخَلًا بَيْنَكُمْ أَن تَكُونَ أُمَّةٌ هِيَ أَرْبَىٰ مِنْ أُمَّةٍ

     َbal aan markaa isla eegno tusaaleyaashan hoose ee tixda ah, oo ku sahabsan sheeko iyo dhacdooyin taariikheed.

    Markii malag jibraa’iil waxyiga, maxamed siinaayey,

    Nimankii maroodiga koree, magane kooraysta,

    Maka iyo inay ku duulaan, kuwii uunka maqashiiyey,

    Meeshiyo abraha waxay ahayd, dawlad maatiyahe,

    Maskaxdii gabowdiyo wakhtigu, waa ba kala maane.

    Sataaliinbataariikhda waa, lagu saleeyaaye,

    Dadkii uu sadqeeyaa ka badan, lag iyo sii-dhaafe

    Nin aduunyo isa siiyayoow, waa sidoo kale’e.

    Ha u dhuran dhurwaagii, laftuu dhuuxay eersaday!

    Duurxul

    Duurxulku, waa xubin balaaqadeed oo ku sahabsan hadal la daboolay ama la deday ama la qariyey, iyada oo aan si toos ah loo carrabbaabin qofkii loo waday hadalkaas, balse loogu sii dhex hadoodilay ama loogu hal qabsaday wax kale sida: geed, xayawaan, iwm. Ujeedada sidaas loo yeelayaana ay tahay, iyada oo laga fogaanayo in qofka hadalka loo wadaa uu ka ficil qaato ama ay fal celin tabani kaga soo noqoto qofka hadalka yidhi ee duurxulaya. Tusaale ahaan haddii aad ka hadalayso qaabkii uu u socday qof, oo aad saaxiibkaa oo kula garanaya qofkaasi aad ku tidhaado: halakan waxaa marayey coofaadhkii bulbusha lahaa—isaga oo isqaad-qaadaya, oo afka taagaya. Sida aad garan karto, meeshan kagama hadlaysid coofaadh (daayeer) balse qofka aad sheegayso ayaa aad ku duurxulaysaa (qarinaysaa) coofaadhka, adiga oo ka hadlaya qaabkii uu u socday, misana aan carabbaabayn qofkii aad ka hadlaysay magaciisa iyo qofka uu yahay midna. Sidaa daraadeed duurxulku,waa hadal ay qarsoon tahay dulucdiisu oo ka durugsan macnaha muuqda ee ereyada/weedha la adeegsanayaa ay ku dhisan tahay. Dhanka tixda waxaa tusaalayaal inoogu filan kuwan hoose:

    • Koronkorro dillaacdiyo, sun baan diir u qubayaa!
    • Bulsho waxay dullowdaa, marka geella loo diro, ninkii maqasha daayacay!
    • Weyl raaxo joogtaa, ku dabbaalataa webi, maba oga wakhtiga dhacay.

    Sarbeeb

    Waa weedh loo adeegsado si macne fog oo qoto dheer, taasoo fahamkeedu xeel dheeryahay, oo ay had iyo jeer la socoto weydiini. Waa qalab uu maansoyahanku ku bilkeedo garaadka qofka uu markaasi u sarbeebanayo, waxaanay isku bah yihiin ama ay u eegtahay xubinta balaaqadeed ee aynu haddeer ka soo hadalnay —waa duurxulka’e— waxa se lagaga sooci karaa, hadalka sarbeebta ahi had iyo jeer qaab weydiin ah baa uu u yaallaa. Waxa badanaa loo adeegsadaa (si suugaamaysan) halxidhaalaha, googaalaysiga iyo jirrabka. Xubintan balaaqadeed wax markaas tusaalayaal u noqon karaa meerisyadan hoose:

    • Wax socodka diinka le, dabayshana ka orod dheer, aan daalaynin ii sheeg?
    • Shifo waxaan lahayn, oo la cuno, sheeg haddaad garato?
    • Dab la shiday ma qiiqaa, dhagixii dixeed iyo, doonbiri ma daawaa?

    Yamxeero (Dayro)

    Yamxeero ama dayro waa laba erey oo isku macne dhow kuwaas oo lagu sharrixi karo macneyaal dhawr ah. Labada ereyba waxa ay hadheeyaan macnayaal ay ka mid yihiin: sidii ay wax ahaayeen oo si ka yar loo tilmaamo, mar waxaa la odhan karaa dayro iyo yamxeero waa nooc calaacal ah oo uu qofku muujinayo, marna waxaa lagu macnayn karaa wax laga hadlayo dhankiisa taban ama la soo bandhigayo dhankiisa liita oo la fogaynayo marna waa hawraar ama war ama tibaax wax lagaga dayrinayo sida: xaalad nololeed oo jirta amaba mid bulsheed amaba arimo kale. Sidaa daraadeed haddii aynu macne kooban ku soo ururino xubintan waxa aynu odhan karnaa yamxeero ama dayro waa, hadal ama war calaacal ah ama waa tibaax cabiraysa wax sidii uu ahaa si ka yar ama ka kooban oo aan run ahayn loo sheegay ama waa hadal/tix laga ga dayrinayo xaalad jirta iyo arrimo kale oo run ah. Metelen hadal maalmeedkeena waxa ka mid ah in aynu nidhaahno ‘shilin ma hayyo’ marka qof la shaxaado, waa hadal tusinaya wax dayrin oo uu qofku adeegsanayo. Quraanka kariimka ahna waa ay jiraan aayado fara badan oo ay gaaladu ku muujinayaan dayrin iyo calaacal, kuwaas oo haddii aan aayado ka iftiimiyo aan ka xusi karo aayaddaha 27-29 ee suurada al furqaan, Alle (swt) waxa uu leeyahay: وَيَوْمَ يَعَضُّ الظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيْهِ يَقُول يَا لَيْتَنِي اتَّخَذْتُ مَعَ الرَّسُولِ

     سَبِيلًا ،  يَا وَيْلَتَىٰ لَيْتَنِي لَمْ أَتَّخِذْ فُلَانًا خَلِيلًا ، لَّقَدْ أَضَلَّنِي عَنِ الذِّكْرِ بَعْدَ إِذْ جَاءَنِي ۗ وَكَانَ الشَّيْطَانُ لِلْإِنسَانِ خَذُولًا ًًً.

    Xagga tixaha maansadana waxa tusaale u noqon karaya xubintan, kuwan hoose:

    • Dhadhan malaha naagaha middii dhoocil noqotaaye,
    • Dhulka jiifta lama guursadiyo, dhererka qaarkiis.
    • Wax badan baan calqado jaan, iyo ku cindanaa geell’eh
    • Cashar iyo anoo loox dhigtaa, ka carfi roonayde.
    • Heddaa idin kala kaxayn mooyaane, ifkaydun isku waayi, kumaan wadineey

    Sanqadh-Raac (cod jil)

    Waa xubin balaaqadeed oo ku sahabsan, marka la rabo in qofka aad loo dareensiiyo, falka la samaynayo iyo ficilka laga hadalayo ama si fiican oo dareen gelin ah loo sawirayo fal dhacay (a). Waxaa falkaasi loo adeegsanayaa ereyyo jilaya (descriptive words) ama raacsan dhawaaqa ama codka ficilka iyo waxa markaasi laga hadlayo, sida oo kale waxaa dhici karta in codka laftiisa erey ahaan loo adeegsado si ay dareen gelin u abuuri karaan. Metelen marka la leeyahay: lugtii baa uu ka jabiyey oo balow tidhi, ama billaawe cad oo walaclaynaya ayaa uu caloosha ka geliyey ama ilkaha ayaa uu feedh kaga qash siiyey, ama mindi xiiraysa ayaa uu xadhiga ku jaray. Waxa aad weedhahaas oo dhan ka fahmaysaa, in ereyadaas hoosta ka xariiqani ay aad kuu dareensiinayaan, waxa loo adeegsaday ama falka la falay. Haddaba ereyada loo adeegsado xubinta balaaqadeed ee sanqadh-raacu, waxa ay marmar noqon karaan kuwo samays ah oo aan afsoomaaliga ku dhex lahayn macne qeexan, kuwaas oo lagu kabayo uun falka ama codka waxa markaas laga hadlayo, ereydaas waxaa aan ka xusi karnaa: xaf, wash, rash, bul iyo wixii la hal maala. Qawlka Eebe kolka aad akhridona waxaa, aad ka soo heli kartaa aayado muujinaya xubintan balaaqadeed, oo aan ka xusi karo: وَٱلنَّـٰزِعَـٰتِ غَرْقًۭا  وَٱلنَّـٰشِطَـٰتِ نَشْطًۭا  waxa kale oo ka mida aayadda:  فَٱلْمُورِيَـٰتِ قَدْحًۭا

    Xubintani waa ay ku badan tahay afka iyo suugaanta, waxaanan ka soo qaadan karnaa kuwan:

    • Intoon qaado jeeniga, wallaahoon ka qamash siin, haba qidhim tidhaahdee!
    • Haddii daacuflaha aar, duddaada ka onkodo, dig markuu yidhaahdaba,

    Indho lagu dayaa jira.

    • Geesiga madow uma oggola, guusha reer yurube,
    • Geerida lamuumbaa wadnuhu, noo gig leeyahaye.

    Weedhsan (erey raxmadeed)

      Waa xubin balaaqadeed oo ku sahabsan, marka la doonayo in shaaca laga qaado war murugo leh ama arrin dhiilo leh ama wax la karahsanayo iyo wax ceebaal ah, ha yeeshee loo adeegsanayo ereyyo ama weedho maldahan oo debecsan ama naxariis leh, isla markaana farriintii warka gudbinaya. Waa hab asluubeed oo inta hadalka loo asturo loo sheegayo war naxdin leh, ama dhacdo murugo leh ama arrin ceeb ah iyo wax la dhibsanayo in la sheego, si aanu qofka ama dadka hadalka loo wado ee dhegeysanaysaa uga nixin. Tusaale ahaaan waxa la adeegsanaya weedhahan oo kale: waa uu ka shubay, madaxaa ha ku furto ayaa lagu xukumay, dadka laga tirada badan yahay, dadka baahida gaarka ah qaba iwm.

      Quraanka kariimka ah, oo sida aynu hubno ah meesha loogu noqonayo xikmad dhammaanteed sida aan hore usoo sheegnay, waxa aynu ka soo helaynaa aayaddo muujinaya xubin balaaqeedda weedhsan, waxaana ka mid ah aayadda 189 ee suuratu acraaf:

        هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ إِلَيْهَا ۖ فَلَمَّا تَغَشَّاهَا حَمَلَتْ حَمْلًا خَفِيفًا فَمَرَّتْ بِهِ ۖ فَلَمَّا أَثْقَلَت دَّعَوَا اللَّهَ رَبَّهُمَا لَئِنْ آتَيْتَنَا صَالِحًا لَّنَكُونَنَّ مِنَ الشَّاكِرِينَ

      Dhanka maansada haddii aynu jalleecno, waxaa xubintan tusaalayaal u noqon kara meerisyadan hoose:

      • Aawaydaan hayaa meel dadkii,  aakhirow kacay
      • Walaal iimaa joogoo geyiga,  waa horuu tagaye
      • Waxba yaan gal soodhkii dafiray, lagu madiidayn ne,
      • Dhaaxaan durraansaday rabigay, daraygay yaalliine,
      • Dillo ma leh haddooy ii jabeen, naqaska sii daaye.

      Ugu dambayn, waxa aan markaas kusoo koobayaa walow ay laamaha afka maldahan (ama dheh balaaqadeed) ee qaybta suugaanta ku jiraa, ay ka fara badan yihiin inta aan kor kaga soo faallooday, haddana waxa aan rajaynaya in curiskan koobani uu iftiimiyey balaaqadda af soomaaliga iyo wax ka mid ah laamaheeda faraha badan, waxaanan filayaa in la igu raaci karo haddii aan idhaahdo: ma jiro qof hadla (qawl ama qoraal ka uu doonaba ha adeegsado’ e) oo aan hadal maalmeedkiisa caadiga ah u adeegsan ereyo maldahan, ama balaaqad ka turjumaysa fikrad iyo macne dahsoon oo uu wato, [sidaas oo ay tahay haddana hadallo badan oo ka mid ah hadal maalmeedkeenna waxaa haatan loo arkaa in ay yihiin ‘af suuqdi’—slang—aan hab adeegsigoodu si rasmi ah u hirgelin] Sidaa daraadeed, waxaa aan leeyahay adeegsiga balaaqaddu waxa uu qofka ka caawinayaa in uu soo koobo ama shareero abbaarta iyo nuxurka hadalkiisa, ha yeeshee jeerka loo adeegsado suugaanta ayaa uu muujiyaa quruxda afeed ee ugu heerka sarraysa, iyo miisaanka iyo macnaha ugu culus ee raadweyn kaga tagi kara maskaxda dadka.

      Leave a Reply

      Your email address will not be published. Required fields are marked *