Waxaa qoray: Cabdullaahi Raage (Sayyidka)
Waxa aan akhriyay qoraal kooban oo ka warramay sida Qasa loo dumiyay, dadkeeda loo qixiyay, ee Israa’iil u qeybqeybisay deegaankan oo markiisa horaba koobanaa masaaxad ahaan, labo malyan iyo dheeraadna deganaayeen xasuuqa ka hor, sidaasna ku ahaa buqcadda aduunka ugu cidhiidhisan inta dhul la deganyahay. Dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo ururrada kale ee wax-iska-caabinta sida loo daciifiyay, madaxoodana tiro badan looga dilay marka uu ku daray qiimaynta xaaladda qofka qoraalkaas sameeyay ayuu iswaydiiay su’aalo ah: Xamaas maxay taransatay ama korodhsatay? Iyo asalkaba ururka Xamaas ma waxa uu ahaa urur Israa’iil u adeega oo loo samaystay in lagu banaysto baabi’inta inta ka hadhay Falastiinida?
Su’aalahani aragtideyda waa kuwo ku soo degdegaya qofka, marka uu arko sida wax uga dhaceen marinka Qasa tan iyo 8dii Ogtoobar 2023 maalin ka dib hawlgalkii 7da Ogtoobar, haddii aanu qofku ahayn mid aad ugu faroduudhuuban sooyaalka halganka gobonnimodoonka Falastiinida ee soo taxnaa qarniga iyo dheeraadka, tan iyo 1917kii waagii Ingiriisku dhulka Falastiin qabsaday, sidoo kalana aanu ahayn qofku mid u dhugleh masalada gumaysiga, gumaysi-la-dirirka, gobonnimodoonka iyo khidaabka ku xeeran ee u dhexeeyay labaalayda gumaystaha iyo la-gumaystaha qarniyadii dhawrka ahaa ee inna soo dhaafay ee ay dunnida koonfureed ku habsadeen caddaanka Yurub ka dareeray, laga soo bilaabo qarnigii 15aad.
Waxa aan rabaa in aan isla muraajacayno mawduuca ay su’aalahaasi daaranyihiin innaga oo ku akhrinayna xidhiidhka labaalayda ah ee aan hore u carrabaabay, dhinacyadana—waa Xamaas, iyo Falastiinida iyo Israa’iil e, aan booskooda rasmiga ah u celino. Qasa waxa isku wajahay ururro Falastiini ah oo wax-iska-caabin ah iyo Israa’iil, oo ah hadhaaga isticmaarkii tooska ahaa iyo naqshad gurmaysi ta ugu xun. Cay ma aha, xumaantaas aan ku sheegayo iyo in aan muujiyo sida aan u necebahay ee waa moodeelka gumaysi ee ugu qalafsan, halista badan, ugu taageero helidda badan. Waa Gumaysi, deegaamaysi iyo barobixin ku dhisan, isir takoor iyo xasuuq ku shaqeeya, barabixin iyo isirsifayna ka shaqanaya.
Falastiin oo ah xaalad taariikhdeeda leh, durrufo u gaar ahna leh aan ka gudubno in yar, oo aan u noqonno taariikhda, aanan isla eegno, su’aaalahani sida ay marar badan u yimaadeen masraxa xaalado kala duwan oo gumaysi jiray.
Candhuuftii Jamaalu-diin
Jamaalu-diin Al-afqaani ayaa laga wariyaa in uu ugu qudbadeeyay shacabka qaaradda-u-ekaha Hindiya ee Ingiriis gumaysan jiray oo Afgaanistaan ka soo bilaabmaya illaa Bangaaladheesh iyo Miyenmaarna daadsan, ee boqollaalka malyan ah, haddana xaynta yar ee Ingiriis ee doolka ahi haysato, haddii qof wal oo ka mid ah shacabkaasi candhuuf ku tufi lahaa Jasiiradda yar ee Biritayn, in ay qarqoomi lahayd!
Silsilidda Ku Xidhan Lugta Maroodiga
Gumaysigu meel uu joogaba, la-gumaystaha xoogga uu ku haysto waxa ka soo horreeya cabsida oo ah dabarka ugu adag ee uu ku cabiidiyo. Waxa la mid ah adoonka beerta lagu qoto, isna xoogga beeroolaha adoonsanayaa ku haysto waxa kaga saamayn badan cabsida iyo berrikawalwalka ay ku hayso awoodda cabiidiyihiisu.
Marka hore adoonsiga iyo gumaysigu waxa ay ku bilaabmaan cunfi culus oo anfariir ku rida cidda lagula kaco, aqbalsiiyana in laga sarreeyo, laga mudanyahay, oo ay tahay in ay dhaqmaan. Cunfigaas aasaaska ee xaaladda gumaysi u seesdhigaaya ka dib, dagaalku waciyga, qalbiga, maskaxda, damiirka iyo niyadda ayuu saldhigtaa oo u noqota goobta dagaal ee asalka ah.
Sababta oo ah, xaqiiqada gumeysiga iyo adoonsiga ayaa ku dhisan in qof ama qoys ku xamaashaan boqolaal qof ama qoysas dhan, kuna hayaan heer nololeed nolosha iyo dhimashada u dhexaysa, kuna macaashaan waxsoosaarka muruqa dadkaas. Si la mid ah, koox kooban oo dool ah oo dal shisheeye ka timid ayaa xoog ku gumaysata shacab dhan oo tirobeel ah, nolosha u qiyaasta, waxsoosaarkooda shaqo iyo hantidooda ummadeedna ku macaashta oo nolosha marla’agga ah ee nimcadu isgaadhay ee dalkeedii asalka ahaa ka jirta ku maalgelisa. Sideedaba, nimcada galbeedka taallaa tacab keliya kuma iman, sidoo kale, dhiigmiirasho ayay ku timid, inteeda badan weliba.
Dheelliga asaasiga ah ee xidhiidhka labaalaydaasi waa intaas. Inyar oo in badan awood ku dhiigmiirata, ku barabixisa, hantida dhulkeeda iyo dhalka laftiisana kaga gacan maroojisa. Tusaaleyaashu way badanyihiin. Waxaad ka soo qaaddaa boqorkii Biljimka ee bahalka ahaa, ee malaayiinta Afrikaanka ah ku cabiidsanayay Koongo, halmarna 20 Milyan ka dilay. Xayntii yarayd ee caddaanka ahayd, ee gumaysi-deegaamaysiga ahayd ee Koonfur Afrika midabtakoorka ku xukumaysay. Amaba Jasiiradda yar ee Biritayn la dhaho ee qaarad-u-ekaha Hiniyeed iyo inta ku xeeran ee basharka badhkii ku noolyahay bunduqa qarniyo ku haysatay! Waa tiro beel tusaale. Cashirku laakiin waa hal, waa dheelligaa aasaaska ee cunfiga koowaad seeska u dhigay, cabsidana ku dhisan.
Xaaladda sidaas u dhigan, cunfi joogto ah laguma hayn karo, macaashka ayuu halis ku yahay cunfi joogto ahi, sidaas darteed, cunfiga seesdhigga ahi waa in uu isku bedelo wacyi. Waa sababta xorriyada la-gumaystuhu uga bilaabanto wacyiga, laabta, qalbiga, damiirka, dareenka, garaadka ama si guud haddaan iskugu qaadno, uga bilaabanto gudaha. Waana sababta hallista ugu badan ee gumaysigu dareemaa u tahay cabsida uu ka qabo maalin adoontiisu garawsato in ay dhigiisa tahay, oo ay dhacsan karto xaqeeda.
Sidaas aawadeed, meel u joogaba gumaystuhu wuxu gaadh ka hayaa suuradda ay ka haystaan kuwa uu gumaysto, waxa uu ku ilaaliyaa in ay ku jiraan xaaladdii uu geliyay cunfigii koowaad ee uu ku qabsaday. In ay qabatimaan kala sarraynta, rumaystaan rejo la’aantooda, oo ku qancaan in ayna waxba ka qaban karin xaaladdooda ayuu ku waardiyeeyaa. Sida qadar Ilaah oo kale in ay ula macaamilaan ayay keensataa xaaladdaasi, awoodda gumaystahana u arkaan xaaalad “Ilaahi” ah, eebbe ka nasahan wax kasta oo lagu qiyaaso e.
Gumaysi la dirirka, halgamaaga, gobonnimodoonka, iyo wax-iska-caabiyuhu suuraddan ayuu duminayaa. Aayaddan ayuu cakisayaa. Cunfigii inta yar ee doolka ahi dalkiisa ku soo degtay ayuu cunfi kale kala hortagayaa. Cunfigan cagsiga ahi wuxu ku celinayaa xaaladda sinnaantii. Cabsida ayuu dheelitirayaa. Inta yar ee doolka ahna xajmigood in uu ku celiyo, ka dib halkii ay ka yimaadeen u celiyo weeyaan shaqada cunfigaas wax-iska-caabinta ah ee ku lidka ah cunfiga hore ee gumaysiga aasaasay. Inta aanu yoolkiisa ugu weyn gaadhinna, yoolkiisa ugu mudan waa in uu suuraysiga xoreeyaa, wacyiga ka furaa dabarka, qalbiga u adkeeyaa dadka oo dareenkoodu qaadaa xaqiiqada ah, “dadka hooyooyinkood iyaga oo xor ah ayay dhaleen” sidii uu dhahay Khaliif Cumar Binu Khaddaab, “dadku[na] waa simman yihiin sida ilkaha miishaarta” sidii uu sheegay Suubbane Maxammad—Naxariistii eebbe iyo nabadgalyadiisii korkiisa ha ahaato e.
Kiiniyaatoow Caddanka Rasaastu ma Kartaa?
Halgankii Kiiniya ku xorowday, ayay sheekadani ka caanbaxday. Sheekadu waxa ay sheegaysaa in Joomo Kiiniyaata, madaxweynihii koowaad ee Kiiniyada xorta ah, iyo hogaamiyihii dhaqdhaqaaqa gobonnimodoonku uu isku deyay in uu abaabulo dad gumaystaha la dirira, dadkii qaarkood ayaa ka horkeenay su’aal u dhigan: “ninka cad ma dhintaa?”. Jawaabtu way sahlantahay marka qofku rumaysanyahay in dadku isku dhigmaan, kala sarrayn, oo aad sinnaantu laabta u degantahay. Waydiintaadu ma noqoteen “ninka cad ma dhintaa?” Marka laabtu xor tahay, ee wacyiga aan la gumaysan, waxa ay noqon lahayd “sideen ninka cad u dilnaa?” Suurtagalnimada waa laga soo guuri lahaa, oo farsamada, istaariijiyadda iyo siyaasadda ayaa la isa su’aali lahaa. Marka se wacyiga laga loo qaabeeyay dadka ee loo kaawiyadeeyay waa halkii Israa’iiliyiinta e, su’ashaadu waa ta hore!
Kaawiyadenta Wacyiguna?
Kaawiyadda ama sida dadka qaarkii u yaqaanno Feeradu waxa ay toosisaa oo sida qofka adeegsanayaa rabo ka dhigtaa dharka. Erabixinta “Kaawiyadaynta/Feeraynta wacyigu waa mid ay bixiyeen saraakiisha amniga Israa’iil ee sida joogtada ah u ciqaaba shacabka iyo xoogagga wax-iska-caabinta Falastiinida oo nuxurkeedu yahay in xanuun kulul la dareensiiyo qofka hogaansami waaya, si wacyiga dadku u ugu tooso sida gumaysigu rabo. Waxa ay ku sheegaan hadafka siyaasadaha ciqaabwadareedka ah ee shacabka lagula kaco[1].
U soo noqo Kiiniya. Sheekadiii waxa ay ku dhammaanaysaa, in Kiiniyaata uu maqaayad ku ballamiyay raggii suuraysan kari waayay suuragalnimada dhimashada caddaanka. Iyaga oo daawanaya, xubno caddaan ah, oo dabaqadii Ingiriis ee gumaysiga Kiiniya uga timid meeldheer, oo nolol tayo leh—sida ay u yaqaannaaan—ku qaadanaysa maqaayaddan naqashad Ingiriisiga ah xilli habeennimo, ayuu rasaas u qaybiyay. Maydkii caddaanku wuu daatay, dhiigooduna wuu is gaadhay. Dhiigga ninka cad ee carro Kiiniya ku baashaalayay ka qubtay ayaa dhaladkii la-gumaystaha ahaa ee reer Kiiniya ka dhaadhiciyay suuragalnimada xorriyadda!
Aan u soo noqdo Xamaas
Maalinkii Okotoobar, 07 bisha ee caanbaxday, waxa ay ahayd ficilkii ugu weynaa, fikrad iyo ku dhac ahaan, naqshad ahaan, sirdoon, hub, sanco, hoggaan iyo istaatiijiyad ciidan, farsamo, adeejin tignoolajiyad, sardiyad-dhisid iyo saameyn warbaahin ee lagala hortago gumayste intii uu jiray gumaysiga caddaanku dunnida koonfureed ku hayeen dhawrkii qarni ee la soo dhaafay. Waxa uu u dhigmaa rasaastii Kiiniyaata, oo xajmiga guteedu u dhigmo, xajmiga cunfigii 1948 lagu yagleelay mashruuca Sahyuuniga ah ee ku sifoobay, gumaysi-deegaamaysi barabixinta ku dhisan oo xayn yar oo dool ah oo caddaan ah oo dunnida daafeheeda laga soo ururiyay, lagu dejiyay carriga Falastiin.
Wayraxa Israa’iil iyo imbaraadooriyadaha ay ku tiirsantahay ee Maraykan iyo Yurub, ee 8dii Ogtoobar 2023, maalinkii ku xigay dhacdadii Duufaanta ee loogu magacdaray masaajiid Aqsa oo ah sumadda diimeed ee hirdankan, wayraxa ay maalinkaas bilaabeen waxa uu ka turjumayaa xajmiga ficilka cunfi ee iskacaabintu gaadhsiisay 7dii Ogtoobar. Duufaantani, naqshadeeda ka sokow, waxa ay ku soo beegantay nusqarno (50 sanno) ka dib, 6dii Ogtoobar 1973dii, wuxuna baabiiyay shan tiir oo ay caqiidada difaaca Israa’iil ku dhisnayd. Shanta waxa ay kala yihiin:
- Cabsigelin (الردع/Deterrence): cid kasta oo Israa’iil la dagaalsan waa in ay walwal iyo cabsi la noolaadaan u diidda in ay ku dhacaan weerarkeeda.
- Digniinta Hordhaca ah (الإنذار المبكر/Early Warning): gacan sarraynta sirdoon iyo kaashiga sirdoonna dalalka ay Maraykan, Ingiriis, Jalmar iyo Faransiis ugu horeeyaan in ay u suurageliso Israa’iil ay hesho digniin hore oo ku sahabsan weerar kasta oo ku soo aaddan.
- Dagaal ka hortag ah (الحرب الاستباقية-الدفاع النشط/Preemptive Strike): Dagaallo deg deg ah oo ka hortag ah in ay ku qaado cid kasta oo ku soo maqan.
- Degdeg u soo afjaridda dagaallada (الحسم السريع/Decisive Victory): Dagaallada ay gasho Israa’iil waa in ay degdeg ugu guulaysato, una soo afjarto, oo ayna ku dabadheeraan dagaalladu maaddaama ayna awoodin bulsho iyo dhaqaale ahaan taageeridda dagaal dabadheeraada.
- Ku dagaalanka dhulka cadawga: Maaddaama ayna masaaxad juquraafi oo isceshan karta lahayn, waxa kale oo ay dhigaysaa caqiiqada difaaca Israa’iil in dagaal kasta, lagu galo dhulka cadawga.
Intaas waxa dheer, fikradda Israa’iil ku dhisantahay nuxurkeedu waxa weeyaan “dal aammin u ah Yuhuudda” taas oo ah in Yuhuudda caalamku u soo guurto Israa’iil, kuna bedelato dalka ay u dhalatay.
Kediskii ay 7 Ogtoobar ku heshay Israa’iil, oo kaga imanaya gobol yar oo kor iyo hoosba ay ka waardiyayso, xajmiga hawlgalka iyo heerka ku dhaca iyo ku dhiirashada ay kula kaceen iyo in ay ka farsamo badiyeen xoogagga iska-caabintu sirdoon ahaan Israa’iil, dagaal kedis ahna ku qaadeen, oo ay iyagu qaadeen dagaalka ka hortagga ah, una rareen dagaalka dhulka ay Israa’iil sheegato, oo ah markii ugu horaysay ee cudud Falastiini ay dagaalka u rarto dhulka ay 1948dii qaadatay Israa’iil waxa ay tirtirtay tiirarka caqiidada difaaca Israa’iil, waxa ayna suuraysay in ay suuragal tahay in laga badiyo Israa’iil oo ku tiirsan Imbaaraadirayadda dunnida u talisa, iyo qaaradda gabowday. Weliba ay ka badiyaan xoogag xoog iyo xoolaba, aad uga hooseeya, dowladna aan ahayn[2].
Burinta caqiidad difaaca Israa’iil, ee lagu buriyay gacanta wiilal iyo hablo Falasdiini ah oo jabhad ah, waxa ay meesha ka saartay fikradda “waddan Yuhuudda aamin u ah”, waxa ayna keentay mawjaddii ugu waynayd ee dib-u-guurid Israa’iil soo martay[3].
Haddaba, hadafka weyraxa Israa’iil iyo inta biisha waa in uu geysto cunfi ka xajmi iyo saamayn wayn kii 1948dii, cunfi labalaaban oo tira raadka cunfiga iskacaabinta ee loo gaystay maalintii Duufaanta Alaqsa, kaas oo dib u dheeliya miisaanka ay 7dii Ogtoobar dheelliga ka saartay, kala sarraynta aadanaha ee ka jirta carriga Falastiinna in uu dib u aasaaso. Cunfigan heerkiisu waalida yahay wuxu beegsanayaa qoomamo in uu beero, cabsi cusub yagleelo, oo uu mar kale Israa’iil ka dhigo qadar aan wax laga qaban karin iyo waxwalba awoode (ilaah baa waxwalba awoode ahe), awooddaas oo gaadhsiisan in ay iskacaabinta laftarkeedu tahay wax ay iyadu falkisay, oo ku shaqaysato.
Iswaydiinta qoraalka aan ku bilawnay ee ahaa: Xamaas maxay taransatay ama korodhsatay? Iyo asalkaba ururka Xamaas ma waxa uu ahaa urur Israa’iil u adeega oo loo samaystay in lagu banaysto baabi’inta inta ka hadhay Falastiinida? in ay dhashaan, oo uu abuurmo wacyiga keensanaaya su’aalahas ee aan rumaysnayn in “Rasaastu karto ninka cad”, una arka gumaysiga waxwalba awoode meel walba jooga iyo qadar aan wax laga qaban karin, iyo in dadka la gumaysto ku noqdaan kuwo la qabatimay kala sarraynta, rumaystaanna rejo la’aantooda, oo ay ku qancaan in ayna waxba ka qaban karin xaaladdooda ayay Israa’iil, Yurub iyo Maraykan gobolkii yaraa Qasa sidaa ugu galeen, xasuuqanna u gaysteen, dilka shaashadaha laga daawanaayana sida ula kaca ah u sameeyeen.
Eebbe mahadii, reer Qasa, oo qasaaraha intaa leegi ku dhacay, weli wacyiga looma kaawiyadayn, cagsiga, iyaga ayaa adkeysigooda iyo duufaantooda “wacyiga ugu kaawiyadaynaya” Israa’iiliyiinta.
[1] Faahfaahin ugu noqo maqaalka Saciid Alxaaj ee [كي الوعي.. فهم وحشية الاحتلال وأهدافه] oo u dhiga “Kaawiyadaynta Wacyiga.. Fahanka Waxshinnimada Gumeysiga iyo Yoolashiisha”, Aljazeera.net. Raac: https://aja.ws/dbs1x7
[2] Dheeraad ka akhri qormada [كيف انهارت العقيدة العسكرية الإسرائيلية أمام «طوفان الأقصى» ؟] oo u dhigan “Sidee ayay Caqiidada Ciidan ee Israa’iil ugu horduntay “Duufaanta Alaqsa”?”, Joornaalka Cummaan. Raac: https://www.omandaily.om/ampArticle/1165759
[3] Dheeraad ka sii akhri [الهجرة العكسية وانهيار أسطورة إسرائيل] oo u dhigan “Mijrada Cagsiga ah iyo Dumidda Sheekobaralaydii Israa’iil”. Raac: https://aja.ws/frocli
