Waxaa qoray: Cabdicasiis Cali Maxamuud
Nidaamkii Dhaqaale ee Dawladdu Hagaysay (The Developmental State)
Nidaamka “Dawladdu Hagto Dhaqaalaha” (Developmental State) waa hannaan maamul oo ay xukuumaddu si toos ah oo istiraatiiji ah gacanta ugu dhigto majaraha dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dalka. Nidaamkani ma aaminsana in suuqa xorta ah keligii la isku halleeyo, balse wuxuu xoogga saaraa in dawladdu ay si xooggan u maalgeliso kaabeyaasha dhaqaalaha, sida oo kale na dejiso siyaasaddo dhiirrigelinaya warshadaynta, isla markaana ay kooto ugu xidho dhoofinta wax-soo-saarka maxalliga ah. Waa dhabbihii tijaabada guusha galay ee ay ku aflaxeen dallalka kobacooda dhaqaale lala yaabay ee loo yaqaan “Shabeellada Aasiya” (Asian Tigers), sida Kuuriyada Koonfureed iyo Taywaan.
Dalka Itoobiya wuxuu nidaamkan qaatay sannadkii 1991-kii, waxyar ka dib markii la riday taliskii Hantiwadaagga ahaa ee Mengistu Xayle Maryam. Xisbigii TPLF ee kacdoonka hubeysan xukunka kula wareegay, oo uu hormuud u ahaa hoggaamiyihii maskaxda badnaa, Meles Senaawi, ayaa si cad u diidday aragtiyaha dhaqaale ee reer Galbeedka. Meles wuxuu si adag uga soo horjeedsaday aragtida Libaraaliyadda Cusub taas oo ku doodda in meesha laga saaro xannibaadaha suuqa (Deregulation), la yareeyo faragelinta dawladda (Minimal State Intervention), hantida guudna loo gacangeliyo shirkaddo gaar ah. Meles wuxuu aaminsanaa in qasbidda dalalka saboolka ah ee Afrika lagu qasbayo nidaamka suuqyada xorta ah ay tahay dabin dhaqaale. Aragtidiisu waxay ahayd in dallalka reer Galbeedka ee maanta horumaray aanay heerkaas ku gaadhin suuq xor ah xilligii ay curdinka ahaayeen, balse ay iyaguna adeegsadeen dawlad xooggan oo dhaqaalaha haga.
Waxtarka uu lahaa nidaamkii dhaqaale ee dowladdu hagaysay (Development state)
Dhaqaalaha Itoobiya shan iyo tobankii sanno ee ugu danbeyey waxa kobcayey koboc aad u sareeya oo laba number ah, iyo in ka badan lix laab korodh ku yimid dakhliga qofka ( GDP per capita) kaas oo gaadhay 865$ sanadkii 2018. Sida oo kale koboca dhaqaale waxa weheliyey hoos u dhac weyn oo ku yimid saboolnnimada, sanadkii 2000 boqolkiiba 44.2% baa sabool ahaa, halka 2015 boqolkiiba 23.5% ay sabool ahaayeen.
Marka aad eegto cabiraaddaha lagu cabirro horumarka dhaqaale ee tusmada horumarinta aadannaha ( human development index) sida waxbarashada, caafimaadka, iyo dakhliga qofka soo gala intaba waxay Itoobiya ka samaysay horumar wanaagsan. Tusaale ahaan; heerka isdiwaangelinta dugsiyada hoose waxay gaadheen 78% sanadkii 2018. Sidoo kale waxa korodh ku yimid ardayda isdiwaangelisay waxbarshada heerka sare ee jaamacadaha waxay sare uga kacday 263kun arday, iyada oo gaadhay 825kun oo arday. Dhanka Caafimaadka: sida laga xigan karo xogta dadweynaha Itoobiya iyo xog ururinta caafimaadka Itoobiya, dumarka ay ka umuliyeen dad xirfad leh wuxuu korodhay 5.7% 2005 tii ilaa 49.8% 2019. Si lamid ah dumarka uurka leh ee helay adeegyada xanaannaynta uurka ee tagayay goobo caafimaad muddadii uurka waxay ka korodhay 27.6% 2005 illaa 74% 2019,
Isku soo wada duub oo tusaalayaasha caafimaadka waxay sheegayaan in horumar balaadhan laga sameeyay adeegyada caafimaadka muddadaas. Dhimashada caruurta ka yar 5 sanno waxay hoos udhacday tiro badan 123(1000kii caruur ahba) oo ay ahayd 2005 tii, waxay hoos uga dhacday 55(1000kii caruuraba) 2019kii. Xogta caafimaadka Itoobiya sida ay sheegtay, dhimashada hooyada ee umul aroorta ama ku dhimata wax la xidhiidha uurka waxay hoos u dhacday si weyn. Waxay hore u ahayd 2005tii 673 (100,000 ee uur qaada) ilaa 412 ayay hoos uga dhcaday dhimashadaasi. Sidoo kale waxaa lagu kordhiyay 10 sanno wakhtiga geddafilashada nololleed (life expectancy) in qofka Itoobiyaanka ahi noolaado oo lagaadhsiiyay ilaa 65 sanno 2016kii.
Sidaas oo ay tahay haddana Itoobiya weli kuma guuleysan inay ka gudubto waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo (low income countries) una gudubto dallalka dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay (lower income countries) dalallkaas waxay leeyihiin halbeegyo dhaqaale, tusaale, dakhliga qofku waa 2,219$ halka uu itoobiya ka yahay 865$. Ardayda isdiwaangelisay waxbarashada sare dallalkaasi waa 59.4% halka Itoobiya ay tahay 31%. Heerka geddafilashada dallalkaas waa 68% Itoobiya waa 65.9%. Dallalkaas heerkooda saboolnnimadu waa 13.8% Itoobiya waa 27.3%. Helitaanka adeega korontada waa 86.2% halka Itoobiya ay tahay 44.3%. Sidoo kale dadyowga isticmaala internet dallalkaas waxa lagu qiyaasaa 26.7% Itoobiya na 13.9% baa isticmaala internet.
Caqabadaha Nidaamka iyo Baahida loo qabo Ganacsiga Gaarka ah (Privatization)
In kasta oo nidaamka “Dawladdu Hagto” uu Itoobiya ka hirgeliyay mashaariic waaweyn oo xagga kaabeyaasha dhaqaalaha ah sida biyaxidheenno iyo jiddad. Haddana wuxuu muddo ka dib weji-ka-weji iskugu dhaceen caqabado dabiici ah oo curyaamiyay horumarkii la higsanayay. Sicirka sarifka ee xaddidan ee qaaligana ahi ayaa koboca dhaqaalaha Itoobbiya mushkilad weyn ku ah, horumarka dalkana cagaha haya. Waxa uu dalka ka idleeyay keydkii lacagta qalaad, waxa uu hoos u dhigay dhoofinta alaabaha, oo waxa uu horjoogsaday in shacabku dallal qalaad maalgashi ku samayn karaan. Ganacsatada iyo muwaadiniinta Itoobiyaanka ah waxaa soo food saartay gabaabsi aad u ba’an oo dhanka lacagaha qalaad ah (Foreign Exchange Shortage), arrintaas oo hor istaagtay in ay wax soo dejiyaan ama ay maalgashi caalami ah sameeyaan.
Cabaqadda kale ee dhacday waa dhaqaalaha Itoobiya kuma dhicin isbedel dhaqandhaqaale ( economic transformation) tusaale; waaxda warshadduhu, dhaqaalaha wax kuma soo kordhin sidoo kale waxa yaraaday helitaanka maalgelinta gaarka ah. Nidaamkii hore ee dhaqaalaha dowladdu hagaysay maalgelinta waxay gacanta ku hayey bangiyadda dowladda, waxana loo adeegsan jirey maalgelinta mashaariicda lagu horumarinayo kaabaaysha dhaqaale sida waddooyinka, tareennada, biyaxidheennada, dhismayaasha garoonnada diyaaraddaha iyo weliba horumarinta adeegyada magaalooyinka. Tani waxay keentay in ganacsatada yaryari ay weydo maalgelin gaar ah (private finance) warbixin uu diyaariyey bangiga adduunku 2020 (doing bussines) Itoobiya waxay kaalmaha hoose kaga jirtaa waddamada ugu liita ee ganacsiga yaryar laga diwaangeliyo.
Daraasaddan ayaa xustay in qofka shirkad cusub oo xuduud leh (limited liability company) diwaangelinayaa in uu la kulmo 17 hay’addood si uu u buuxiyo 12 xeer, kuna qaadato 30 maalmood, kuna kacdo kharash gaadhaya boqolkiiba 40% dakhliga qofka. Waqtigaa dheer ee ay qaadato, iyo kharashka sare, iyo sida oo kale tirada xeerrarka la buuxinayo waxay Itoobiya ka dhigtay meelaha uga adag ee ganacsiyada yar laga diwaangeliyo adduunka. Marka la eego tirada sharikaadka diwaangashan– 1000 qof waxa ku soo aadaya 0.6-0.8 shirkadood, halka Afrika inteeda kale tiradaas celcelis ahaan ay tahay 1.2. Daraasadani waxay xusayaa in ganacsiga yaryar ee Itoobiya ay la kulmaan caqabaddo ay ka mid yihiin maalgelin la’aan, xeerar iyo habraacyo adag iyo weliba weliba helitaanka adeegga korontada oo liita.
Sidoo kale, shirkaddihii waaweynaa ee ay dawladdu iskukoobtay maamulkooda (State-Owned Enterprises) waxaa ragaadiyay maamulxumo, waxqabad-yari, iyo musuqmaasuq xididdaystay. Si xal waara loogu helo dhiigbaxa dhaqaale iyo kootada dawladda, xeel-dheerayaasha dhaqaaluhu waxay soo jeediyeen in la qaato siyaasadda “Gaaraynta” ama “Khaasaynta” (Privatization). Nidaamkani wuxuu oggolaanayaa in qayb ka mid ah saami-qaybsiga shirkadaha dawladda laga iibiyo ganacsato madaxbannaan, si loo helo raasamaal cusub, hufnaan maamul, iyo tiknoolajiyad casri ah. Tallaabooyinka muuqda ee dhawaanahan la qaaday waxaa ka mid ah gaaraynta lagu samaynayo tiirarka dhaqaalaha Itoobiya, sida Shirkadda Isgaadhsiinta ee Ethio Telecom iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.
Fursadaha Furfuritaanka Dhaqaalaha iyo Ku-biirista WTO
Qorshahan lagu furfurayo dhaqaalaha Itoobiya waa qorshe ay horkayacyaan bangiga adduunka iyo haay’adda lacagta adduunku, maadaama Itoobiya la daaladhacayso daymo xad dhaaf ah. Tusaale ahaan; daynta lagu leeyahay Itoobiya waxay gaadhaysaa 30 milyan, waxsoosaarka guud ee Itoobiya (GDP) daynta dibadda waxay ka tahay 31.6% dayntaas waxay sababtay in Itoobiya lagu qasbo siyaasddaha suuqa xorta ah, haay’adda lacagta adduunku waxay Itoobiya ugu deeqday lacag gaadhaysa 3.4 bilyan si dib u habayn loogu sameeyo dhaqaalaha Itoobiya. Dib-u-habaynta waxa lagu saleeyay saddex qodob oo waaweyn: in la xasilliyo dhaqaalaha guud, in la furo oo la hagaajiyo nidaamka suuqyada, iyo in la horumariyo qaybaha muhiimka ah sida beeraha, warshaddaha, iyo tiknoolajiyada. Qorshahan waxa uu tilmaamayaa isbeddel muhiim ah oo dalkaasi uga guurayo nidaam dawladdu hoggaamiso una gudbayo dhaqaale ku dhisan suuqa, si loo helo koboc joogto ah iyo horumar la taaban karo mustaqbalka
Muddo tobannaan sanno ah, dhaqaalaha Itoobiya wuxuu ahaa gidaar ka xidhan maalgashadayaasha shisheeyaha, arrintaas oo ay sabab u ahaayeen xeerar qallafsan oo ilaalinayay shirkaddaha dawladda, isla markaana is-hortaagayay tartanka xorta ah. Dib-u-habaynta iyo furfuritaanka dhaqaale ee hadda dalka ka socdaa waa mid taariikhi ah oo saamaxaya in shirkadaha caalamiga ah ee waaweyni ay dalka toos u maalgashadaan (Foreign Direct Investment), taas oo dalka ku soo kordhinaysa shaqo-abuur iyo koboc dhaqaale.
Tallaabada ugu weyn ee ay Itoobiya haatan qaadayso ayaa ah dhammaystirka qorshaheeda ay mudada dheer ku raadinaysay in ay xubin buuxda uga noqoto Ururka Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization – WTO), kaas oo ka kooban 166 dal oo matala 95% dadka adduunka, isla markaana gacanta ku haya 98% ganacsiga caalamka. Dawladda Itoobiya waxay si xawli ah u buuxinaysaa shuruudihii adkaa ee looga baahnaa. Tani waxay dhabaha u xaadhaysaa is-waafajinta xeerarka u yaalla Ururka Ganacsiga Adduunka iyo sharciyada ganacsiga gudaha ee Itoobiya. Isbeddellada sharci ee la samaynayo waxaa safka hore kaga jira dib-u-qaabaynta xeerarka cashuurraha, tacriifaddaha kastamka, iyo hirgelinta shuruuc dammaanad qaadaysa Xuquuqda Hantida Maskaxeed (Intellectual Property Rights). Sida uu xusay Wasiirka Ganacsiga ee Itoobiya, Dr. Kasahun, geeddi-socodkani wuxuu dalka u horseedi doonaa in uu si buuxda ugu dhex milmo nidaamka dhaqaalaha adduunka (Global Economy Integration). Tani waxay fududayn doontaa in si xor ah loogu tartamo suuqyada caalamiga ah, waxayna kor u qaadaysaa kalsoonida maalgashadayaasha shisheeye, taas oo aakhirkii daawo u noqon karta dhibaatooyinka gabaabsiga lacagaha qalaad (Foreign Exchange Shortage) ee ragaadiyay koboca dalka.
Khataraha ka dhalan kara furfuritaanka dhaqaalaha
Waxyaabaha ka dhashay furfuritaanka dhaqaalaha Itoobiya laga sameeyey waxa ka mid ah korodh ku yimid heerka sicirbararka iyo qiima dhaca lacaggeed. Tusaale muddadii u dhaxaysay 2005-2018 celcelis ahaan heerka sicirbararku waxa uu kordhay 15.4%. Taas waxay sababtay hoos u dhac ku yimid awoodda gadashada dadka (purchasing power.) Maadaama waddamada Afrikaanka ahi ay ku tiirsanyihiin, gargaar dayn ah, iyo maalgashi shisheeye, gumeystayaasha bixiya daymahaasi waxay waddamada Afrikaanka ah ku qasbaan siyaasaddo cusub oo loo bixiyey “structural adjustment program (SAPS.) Siyaasaddahan waxa ka mid ah khaaysaynta shirkadaha dowladdu leedahay iyo in la laalo xeerarka dowladeed ee xadiddaya suuqyada.
Furfurida iyo farogelin la’aanta ay Afrika ku qasbaan maaha siyaasaddo ku habboon dallal sabool ah, mana aha siyaasaddo ay hirgeliyeen dallalka horumaray kolkii ay maarayeen raadka koobaad ee horumarka sida uu ku dooddayo Han Joon Jaang buugiisa caanka ee “Kicking Away The Kadder” wixii ka danbeeyey 1980-kii Afrika siyaasaddahaas baa lagu qasbay, markii hore waxay qaateen siyaasaddaha dhaqalaha dowladdu hagto (developmental state) sida uu ku dooddayo dhaqaalayanka Han Joon Jaang Afrika muddadii hore dhaqaalahoodu wuu kobcayey, tusaale dakhliga qofka soo gala ee dallalka soo koraya waxa uu kobcayey 3% halka Aafrika markii lagu qasbay siyaasadda libraariyadda cusub (neoliberalism) waxay waddamadaas dhaqaalahoodu kobacayey keliya kalabadh xawaarihii lixdannadii iyo toddobaatanadii (1.7%.) Marka la eego saamaynta muddada fog furfuritaanka dhaqaalaha Itoobiya lagu sameyey waxa uu sababi karaa sinaan la’aan dhaqaale, koboc dhaqaale oo hooseeya, iyo weliba korodh ku yimaada shaqo la’aanta.
Reference:
- A Homegrown Economic Reform Agenda: A Pathway to Prosperity
- Doing business in Ethiopia ( world bank 2020)
- Book: african development dead ends and new beginnings ( meles Zenawi 2006)
- Book; han joon chang “ kicking away the ladder”
- Growth transformation plan Ethiopia.
