Dadqal

WQ: Jaabir Cali

Uurka ayaannu ka nici jirnay. Tusaale xun ayuu dhexdayada ka ahaa. Uma dhalan qof la majeerto, dadku waa ka ufoodaan, aar libaax iyo dugaag dad-cun ah ayaannu u naqaannay. Dhaqankiisa ayaa  dacareeyay. Lama kala garan karo in uu dabeecaddan ku dhashay iyo in waayuhu qaabeeyeen. Naxariista waa ka qatanyahay, dadnimadda waa ka oomanyahay, damiirkuna waa hore ayuu qallalay sidii dhul abbaarsaday oo dhibicdu ka raagtay.

Cidna wanaag uma dhigan, qofkii soo xasuusta, Sidii in waran lagu taftaafay ayaa la saaqaa. Durbadaba dhaliishiisa ayuu dabbuubta ku bilaabaa, keligiis ma beeran xumaantaas, balse kumannaan kale oo dabcigaas leh ayuu kala simanyahay. Laabbahii, xumaan-kaydinta ka xaarnaa ee barbaarta ayuu  miro dhunkaal ah ku beertay.

Waxa ay haybaddiisa dhalanrogantay, markii uu garan waayay sidii uu anfacada ku saanyan lahaa. Waxkasta awood ayuu ku muquunin jiray, xornimaddu duggiisa waa ka xirnayd.

Xaaji Muuse, waxa uu ahaa macallin, dugsiga sare ayaannu ugu nimid, horay ayuu se u dhigi jiray. Annaga waxa uu noo dhigi jiray maaddada Soomaaliga, halkaas ayaannu isku soo gaarnay, muddo toban sano ah, ayuu ka hawlgelayay dugsigan. Muuse, Wax barashadda dugsi sare ayuu kaga tegay, xirfad madax bannaana ma baran. Booskan macallinimadda ah se qaraabakiil ayaa lagu keenay. Haweeney  walaashiis ah ayaa dugsiga maamule ka ahayd, iyada ayaa madaxa u soo gelisay. Waa ogayd in aannu aqoon lahayn, balse shaxaadkiisa ayay ka hoos gelaysay booskan. Kumannaan isaga la mid ah ayaa jira oo iyaga oo naftooda la baxnaaninayo ayaa duul kale oodda loo rogaa. Isagu uma horrayn cid magaca macallin la siiyo oo barbaarta masiirkoodda macaash looga dayo. Waa tab muddo dadqaladda carruurta gacanta loogu gelinayay, iyaguna si bilaa baraad ah aayahooda ugu loofarayeen.

Muuse, waa da’da kontomeeyadda. Waa nin dheer oo lafwayn. Midabkiisu waa maariin, sanxayo dhaadheer ayuu leeyahay. Waa nin dabbeecad qallafsan. Had iyo jeer waa cabudhsan yahay. Dadka aad uma dhexgalo, qofkii aannu aqoonna horay barashadiisa uguma dhiiraddo. Macallinimaddu waxa ay u tahay darajo uu lib isku bido. Meeshan intii uu joogay qab dheeri ah ayuu ka qaadday. Islawayni garab og ayuu ka taransaday, ruuxii uu sanifo subax cad ayuu dhegta soo qabtaa, sidii wan shilis ah oo birta laga aslayo. 

Markaas ayuu ardayda hoortooda dhaleecayntiisa ka bilaaba, bar uu leeyahay iyo mid aannu lahayn ba dhakadda ayuu uga tuuraa. Haddii uu doonana waa eryaa. Kumannaan cawska geedaha ka badan ayuu waxbarashadda ka reebay, iyaga ayuu haddana tusaale xun u soo qaata.

Waa Falka gurracan ee uu sameeyo natiijaddii ka dhalatay kuwa derbiyadda fadhiya ee gorodda laadlaadinaya, balse cidna waxba iskama waydiiso. Weligiis ma arkin cid kala xisaabtanta habka uu u la dhaqmo milcista uu looxa u jiido. Ardayda waa dhukaamay,  cidna hadal kuma soo celiso, cidna kama daba hadasho, baacsasho iyo handadaad ayuu ku dhufaanay, barbaarta, wiilal iyo hablaba waxa uu ka dhigay sidii neef dhaaqo ah oo aan waxba yac iska oran.

Burji ay ka cabsadaan iyo burhaan malaha, balse waa ka baqaan, awood ayuu ku jara baray. Jiil kasta oo dugsiga ka looxjiita waxa uu u yahay karaahiyo ay ka raystaan sharkiisa iyo jaahiisa foosha xun. Sidii bahal aadum ah ayay wejigiisa karahsadeen.

Si kedis ah baannu u kulannay, midna kan kale ma filanayn. Jidka ayaannu ku kulanay. Laamiga ayaa midkasta jiho u togayay, laba jiho oo iska soo horjeedda ayaa mid kasta dhinac u socday. Isha ayaa midba kan kale ku xadday, waa is libiqsannay. Markiiba waannu isgarannay waa ninkii aannu saaxiibadda ahayn ee Cali, salaan ayaannu si diirran isu waydaarsannay, calaacalaha ayaa midba kan kale calaacashiisa ku adkeeyay.

Cabbaar ayaannu dhaqaaq joogsannay.  Daqiiqdo farxad ah ayaannu wada qosolnay. Mid kasta qosol ayuu la dingaraaray, dhoollacadayn iyo kaftan ayaannu ku raagnay. Meeshii jidka ahayd baannu ka soo dhaqaaqnay. Waa goor makhrib ah, qorraxdu waxa ay u carrowday godkeeddi, weli lama addamin, markaa ayaa se codbaahiyaha laga sanqarinayaa oo la diyaargaroobayaa. 

Meherad noo dhow ayaannu daymoonnay, mid naga soo horjeedda ayaanu isha ku dhufanay, horay ayaanu ugu dhaqaaqnay. Qolka hore ee irad bannaanka ah ayaannu kadinka ka istaagnay. Kuma hakan, horay ayaannu uga tallaawnay. Barxad wayn ayay xagga danbe ku leedahay, balse markaas aannu isasoo dhex taagnay cidna ma joogin, waa laga salaad doontay.

Kuraastu waa kala filiqsanyihiin sidii digada xoolaha. Weligoodba ha iska daadsanaaden! Mid kasta kursi ayuu laadlaadsaday, meel koonne ah ayaannu dhigannay, gidaarka ayaannu kuraastii ka soo jeedinay, dhabarka ayaannu gidaar dayac badani ka muuqdo u jeedinay. Sheekadayaddii ayaannu sii wadanay. Dad ay waa hore iskugu danbaysay ayaannu nahay. Labadayaduba waxa aannu adduun ka haynaa sheekaddaas aannu caawa isu jiibinayno. Marba waxbaannu soo xasuusannaa.

Qofka marka ay taagantu ka awood badato, timaaddadana uu tashi u waayo ayuu tagtada miciin bidaa. Waa dhaqan uu iinsaanku ka simanyahay, waa tab uu baxnaano ka dhexdayo, sidaas ayuu iskugu maaweeliyaa tagtada. Cali, waa saaxiibkay, maalin ayaa nala wada qoray waxbarashadda dugsiga maadiga ah. Waannu isla kornay,  waannu isla soo barbaarnay. Sagaal gu’ ayaannu isku kursi fariisanaynay. Tagtadda ayaa na mataanaysay. Waayaha ayaa wehel naga dhigay. Waagi dugsiga ayaannu iska waraysannay, hadba qof ayaannu soo xasuusannaa, markaas ayaannu iswaydiinnaa, “Oo hebel xaggee buu ku danbeeyay?” Dee ma aqaan ama halkaas ayuu joogaa; baannu iskugu jawaabnaa.

Isagu waxbarashadda ma dhammaysan. Dugsiga sare galaaskiisa labbaad markaannu maraynay baa nala ka reebay. Macallinkii maaddada Soomaaliga noo dhigi jiray ayaa ka reebay. Maalin ayuu si bareer ah u sanifay. Goor barqo ah, ayuu tuurta ku soo dhegay isaga oo galaaska dhexfadhiya. Bannaanka ayuu u tuuray. Isagoo kor ugu leh, “Bax wasakhyohow, sidee aniga su’aal ii waydiin kartaa ama wax aan dhigay iiga la dooddi kartaa?” Buugtiisa ayuu  debedda  ugu daadshay, sidii maryo calal ah oo dhammaaday.

Ma ahayn dhacdo ugub ah, in macallinkaasi sidaas dadka u sanifo, waxa ay ahayd dullin iyo qaniin la qaayibay. Caado ayuu u lahaa, Soomaalida ayaa horay u tiri, “Waxa aad ceeb moodayso, qof bay caadadii tahay.”  Waxa ay ahayd hab uu la qabsaday, haddii uuna sanad walba cid sidaas ku samayn xanuun ayay u ahaan jirtay. Haseyeeshe seeftaas ayaa goysay mustaqbalkii Cali, waxa uu ahaa nin dhiirran, wiil fahmad badan ayuu ahaa, maalinka uu maqan yahay barbaartu waa tebi jirtay, isaga ayaa laga eegan jiray “LAYLIGA.” Macallimiinta miirka-qabtaana ardayda ayay waydiin jireen, “nin kaftan badan buu ahaa, aftahan aan hadalka laga helin.” Gobanimo ayuu ku dhexlahaa dugsiga.

Baacsashadiisi naxdin ayay nagu ahayd. Tiiraanyo aannu ka dhaxalnay macallinkii xumaa ayay ahayd. Hase ahaate  xumaantaasi sidii hilib geel oo adag oo aannu bilaa biyo ku laqnay, ayay hadba mar nagu soo kacdaa, markaas ayaannu daacnaa dabbuub milil ah.

 Xaaji muuse,  waa la dilay. Sanadkii aannu dhamaynay ayaa la ajalay. Dad badan ayaa loo xiray kiiskiisa, balse cidna si cad looguma hubin. Waan uun la tuhmay. Waxaa kiiskiisa la isaga koobay in carruurtii uu qoomay mid ka mid ah dilay. Ardaydii geeridiisa way ku diirsadeen, weliba anigu markaas waxaan niyadda ka gaclooday in ducaysanaha dadqalkaas dilay uu Cali noqdo, inkastoo ay ahayd waxaan habbooneyn haddana aabiga uu Muuse gaystay ayaa wax walba igala cuslaa.

Caawa, fadhigan waa ku laab-qabawsanaynaa, tagtadda ayaannu magan u nahay, ciirsi bay noo tahay. Xasuus ayaannu weheshanaynaa, iyada ayaa wehel noo ah. Haddii aannan iyada haysaneen, waxba macna nooma sameeyeen. Waa kii gabyaagi Soomaaliyeed markii uu xasuusta tagtadda ku dhaaddanayay lahaa, “Xoorkii xagaaga laga dhamay iyo xasuus baa geela lagu xera geeyaa.” Wax kasta markay xasuus ka tagaan ayay macna sameeyaan, sidaas ayaannu noloshayadii hore macna ugu tabaynaa. Labadayadu, hadda wax door ah isma dhaano, waayaha ayaa sidaran noo halakeeyay, labadayada dhafoor ayaa sumaddiisu ka muuqataa.

Aniga miyaa? Waan iska qablamaa, waxbalba jeebabaka ayaan gacanta ka gashadaa. Wixii aan muhiim ahayn dan kama galo, is mooganaynsiin ayaan doorbiday, tabtaas ayaan nafta ku baxnaaniyaa bogsiimana ku dhawraa. Jaallahayga Cali miyaa? Isagu hadda waa xoogsadaa. Waa askari, qoriga uma sito in uu dalka ku difaaco, balse anfacaddiisa ayuu ku dhacsadaa. Waxa uu dhaaddan yahay in meesha ugu dhow ee anfacada laga heli karo ay tahay, doorashadiisa maaha, balse duruufta ayaa ku kaliftay, waagi uu waxbaran jiray himilo ayuu lahaa, mustaqbal wacan ayuu naawilayay, isma lahayn qori ayaa jeeni qaaraysaa, nin xoolaha ummadda dhacaya ayaa waardiye u qabanaysaa. Balse malihii waa beenoobay, maanta waxba macna lama laha, waxa uu ku noolyahay, nolol doqoni magaratay ah. Arrimaha murugsan iyo wakhtiga isbedelaya ayuu sheedda ka daawadaa.

Dhawr saacadood ayaannu kursaantan ku dhacdiidnay. Wakhtigu waa nagu gaabtay, balse tobankii fiidnimo ayaa saacaddu sii caga cagaynaysaa. Sheekadduna hadba xalad gooniya ayay noo sii yeelanaysaa. Dhawr fujaan oo qaxwe ah baa nagu tegay, hadba gabadha mudalibka ah marka ay agtayada marayso ayaannu u yeernaa, oo laba fujaan u dirsannaa. Wakhti kaama tegin ayaannu ku jirnaa.

Dadkii maqaaxidu waa sii yaraadeen, gabadhii meheradda haysatayna hadba kursigii laga kaco ayay gudaha u qaadaysaa. Sheekaddii ayaannu soo gaabbinay, hadba meel bay nala gashay. Dugsigii ayaannu isla soo hadal qaadnay, marba macallin ayaannu soo xasuusanay. Annagoo ku dhex jirna ayaanu soo xasuustay macallinkii xumaa, awalba waa xasuusnayn ee waannan soo hadal qaadin. Cali, ayaan waydiiyay , “horta, macallinkii Soomaaliga innoo dhigi jiray, ma xasuusataa maalintii uu ku qoonsaday ka warran? Anigoo  markan caaddifad carruurnimo ka ladan oo si uun u abdanaya inuu yiraa anigu ma dilin.

Cali, hoos ayuu fiiriyay, madaxa ayuu gacanta midig ku xoqay, waa maaxdumay, dhulka ayuu candhuuf yar ku tufay. Markaas ayuu iigu jawaabay, “haa, waan xasuustaa, noloshayda ayaan ka dhex arkaa, waa eel aan la noolahay,  ismalahayn waxbarashada ayaad ka haraysaa, balse si fudud ayuu iiga reebay, rajaddii ii widhwidhaysay ayuu iga demiyay. Waxa aan dhaaddanahay qofka caawa ku hor fadhiyaa in uu yahay, natiijaddii ka dhalatay falkii guracnaa ee subaxaa aad maraga ka ahayd.” Intaas markii uu marayay ayuu aamusay, indhaha birtoodda ayaa ilmo soo istaagtay. Labaddii indhood ayuu marmartay oo miiskii na horyaalay fiiriyay.

Mar kale ayaan waydiiyay, “xumaantaas natiijaddeeda sidee looga samata bixi karaa?” Mar kaas ayuu inta uu hinqaday oo fadhiga bedeshay, dabuubtiisa ku bilaabay, “hor iyo horraanba insaanku waxa lagu sameeyo ma ilaawo, waa doog uu la noolyahay. Marmarka qaarkood doogtaas ayaa noloshiisa saamaysa. Dadka qaarkood waxa ay bilaaban in ay isku dayaan in ay aargutaan, taasi waxa ay ka dhigan tahay in uu aargudashada isku baxnaaninayo, isaga oo naftiisa ka dhaadhicinaya, in khaladkii lagu sameeyay uu ka aargutay. Balse aniga iyo intii ila midka ahayd ninkii waxaas kula kacay waa innaga hooseeya, intii aan gacantaydu gaarin ayaa mid kale gaartay…” Galaas biyo oo hortiis yiil ayuu intii ugu dambaysay gabbaday kaddibna hadalkiisa sii watay.

“Aargudashana meesha ma taal oo inay kasii darto mooyee. Sidoo kale anigu uguma horeeyo cid falkan lagu la kacay uguma danbeeyn. Taas bedelkaadda waxa aan doorbiyadaa in waalidiinta lagu baraarujiyo cidda ay carruurta u dhiibayaan in ay fiiro u yeeshaan. Haddii aan awoodo dugsiyadda kacdoon ayaan ka abuuri lahaa, waayo, waa meel loo furtay in laga macaasho. Jeebwaynta ayaa ku baarata saboolka taagta yar, barbaartana aayahooda ayaa macaash laga raadiyaa. Marka taas laga hortago ayaa baxnaano sugan tahay. Inta nidaamkeennu dadqalnimada ka baxayo baraaro ha dbawrin.”  Inta hareeraha eegay ayuu raaciyay “Kollayba meheradda waa la xirayaa aynu hoyaatin tagno.”

Kor ayaannu isu taagnay, cabbaar ayaannu jimicsannay, muddo badan ayaannu salka dhulka ku haynay, curuuqihii ayaa isku kaaya dhegay. Labaddii kursi ayaannu ka kacnay, gabadhii ayaannu lacagtii shaaha u dirnay. Waa xili danbe meheradda labadayada iyo gabadha oo kursi ku gama’san ayaa ku haray. Labaddii kursi ayaannu horay ugu laadlaadinay oo gudaha u dhignay, albaabka hore ayaannu ka foofnay, bannaanka hore oo lamiga ah, baannu is taagnay.

Laamiga cagtu waa ku yar tahay, gawaariduna waa teelteel, oo hadba midbaa soomaraya. Isagu xaafad fog buu degan yahay, anigu se meel lug lagu gaaro ayaan deganahay. Koonaha laamiga annaga oo taagan oo ku sheekaysanayna ayaa  Bajaaj nagu soo leexatay. Laba nin oo tuute ku lebisan ayaa ka soo degay, inta qoryihii cabbaysteen ayay dhankeenna usoo dhaqaaqeen. Labadeenniiba waanu naxnay Cali dhinac ayuuba booday asigoo farsooyinkiisii ciidannimo adeegsanaya. “Maxaad ahaydeen?” ayuu midkood oo aniga igu dhow yiri isagoo afka qoriga madaxayga ku beegaya riishaddana farta ku dhweynaya.

Intii aan dhaqaaq samayn ayaa Cali gadaashayda ka yiri “Ma xasan baa? War Caliye qoryaha naga dejiya?” Waa nin ayay Cali saaxiib yihiin oo ay ciidanka isla qorteen. Qoryihii ayay inta hoos laadlaadiyeen Cali iyo anigaba gacanqaad iyo raalli gelin isugu kaaya dareen. “Ha u bixina ee ii warrama?”  Waxyar markay kaftameen, ba ku yiraahdeen, “Kaalay gurigii ku gaynee” Markaas ayuu igu yiri, “war mootadan ayaan raacayaa, xaafaddii baa u hoyaatin tegayaa, habeenkuna waa innagu soo gaabtay, balse waynu wada joognaa, kollay sheeko innoo kala dhamaan maysee, bishan fasax baan ahay.”

“Hagaag.” ayaan ugu jawaabay, “Habeenku ha kuu wacnaado.” Midigta inta aannu isasaarnay ayaannu isa sagootinnay, halkaas ayaannu ku kala hoyanay. Waxaan gurigayga dhankiisa u dhaqaaqay anigoo hubsaday in saaxiibkey uusan u wada loodsamin falkii gurracnaa ee dadqalku u gaystay. Hadda waa nin qori sita oo samaha nolosha ee silicsan u hiillinaya!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *