Waxaa qoray: Guureeye Salaad
“Dadku waxa uu dhashaa isagoo xor ah, se meel uu joogaba waxaa ku dabran silsilado.”
Jean-Jacques Rousseau
Aan weydiin ku bilaabo e; badanka waxyaalaha aad aaminsan tahay, ma wax adiga kaa soo go’ay baa mise adiga oo sita uun baad is aragtay?
Mararka qaar waxa aynu u baahannaa in la ina xusuusiyo in jiritaanku yahay xujo weyn. Micne dhaxal ah oo lagu siiyay ma jiro. Adigu u samayso micne iyo nuxur aad ka duusho. Waa xiise miidhan. Waxa aad jilaa ka tahay riwaayad gole-ka-fuul ah. ”Waa maadays adduunyadu, dadkuna waa metelayaa”.
Aadanuhu si dabiici ah ayuu u yahay bulshay. Go’doon dhammaystiran ma gali karo qofku oo kama soocmi karo bulshada. Noloshiisu waxa ay si dabiici ah uga hirgashaa bulshada dhexdeeda oo uu wax walba la wadaagaa. Way adag tahay in uu noqdo keligii-noole.
Waxa se micnaha weyn lehi waa in qof kastaa uu la gaar yahay caqli uu dunidiisa u gaarka ah ku abuurto. Xujadu waa in uu jilliin isaga u gaar ah la yimaaddo oo uu hal-abuurka maanka isaga u gaarka ah shaqshaqo. Keligii-noole qofku ma noolaan karo haddaynu soo sheegnay, kala-maanimadu waa qurux oo caqliga uumiyuhu in uu kala duwanaadaa waa farshaxan dabiici ah. Waa farshaxanka unkay dunidan ashqaraarka leh.
Sidaas oo ay tahay, had iyo jeeraale bulshooyinka leh dhaqannada ad’adag, aaminaadaha khuraafaadka ah iyo dabciga la dagaallanka isbeddelka waxaa maamula laablakac iyo dareen caaddifadeed ee caqli horusocod ah iyo fikir habbooni ma hago. Waa bulsho lagu maalo maqaarsaar. Waa bulsho ah bartii-yaqaan oo ku dhaggan umuur ay u aqoonsatay lama-taabtaan. Dabcan dhammaan bulshooyinka duniduna way soo wada mareen marxaladdan.
Halkan marka ay joogto la falgalka bulshada waxaa jira farqi u dhexeeya qofka caqligiisa maala iyo kan kale.
Caqlimaalku isaga ayaa si miyir leh u doorta halka uu u socdo iyo cidda uu ku lug-darsanayo isaga oo ku salaynaya mabaadi’, rogrogid afkaar iyo baadhis qoto dheer. Waxa uu la jaal noqdaa oo ku biiraa ciddii uu arko in ay saxan tahay. Waxa uu cagta saaraa waddada uu u arko midda qumman, xataa haddii ay noqonayso in uu keligiis qaado waddadaas. Waa qof horusocod ah oo aan dan iyo heello ka galayn dareenka bulshada ee hagihiisa koowaadi yahay caqliga qumman iyo garashada togan.
Waxaa hubaal ah qofka si ka duwan u fekera ee genefka ku dhufta sidii bulshada badani rabtay waxa uu u muuqdaa mid handadaya xuubkii caaro ee bulshada hu’ga guud u ahaa, halkaas buuna ka bilowdaa nacaybka loo qabo qofkaas. Qofkaasi waxa uu si dadban xaynta guud/bulshada u xusuusiyaa in ay ka maarmeen adeegsigii maankooda. In ay fogeeyeen garashadii toolmoonayd. In ay tahay bulsho is naafaynaysa. Waana meesha ay ku kala tagaan isaga iyo bulshada bartii-yaqaanka ahi.
Taas lidkeeda, qofka aan caqligiisa maalin had iyo jeeraale waa reero-guuray-raac. Cid ma doorto ee wuu raacaa. Waxaas uu ku raacayo kuma iman qanaaco iyo in uu ka helay. Wuu iska raacay. Sababtoo ah waa dhaxal. Sababtoo ah dhankaasaa loo badan yahay. Sababtoo ah ma jirto cid indhaha ku soo godaysa fartana ku soo fiiqaysa haddii uu raaco dhanka loo badan yahay.
Halkaas waxa fadhigab ku noqonaya caqligii. Waxaa lumaysa xikmaddii. Waxaa meesha ka baxaya fikirkii toolmoonaa iyo faduushii dabiiciga ahayd ee wax-is-weydiinta. Waxa uu qofku noqonayaa baarri, oo ah sida ay rabto bulshadaas fadhiidka ah ee maanka dayrisa. Waxa uu noqonayaa qof bulshadiisa ku dhex jira oo la rabo, waayo waa fadhiid.
Si kasta oo ay goonimeernimadu u tahay go’doon ama iska caabbinta bulshada guud u daal badan tahay, waxa laabqabowsi ah in dhabtu mar walba tahay in cidda horusocodka ah ee bartii-yaqaanimada ka gudubtaa ugu danbayn noqoto midda lagu dhaato.
Taariikhdu waxa ay marag ka tahay in dadyow la soo baxay fkrado iyo mabaadi’ ka soo horjeeday wixii bulshada guud haysatay ay ugu danbayn iyagu noqdeen cidda guulaysatay. Waxa ay taariikhdu war san ka sheegtaa goonimeerka. Gurdanraacu kolka uu dhinto ayuu baaba’aa. Dhan walba oo nolosha ah, cidda loo aayaa ma aha gurdanraac dadkiisa dhinac ka raacay ee waa qof doorbiday in uu ku gacansaydho wixii markaas la bedka yaallay ee baarixiga ahaa. Faylasuufyo, mufakiriin, siyaasiyiin, fannaaniin, nebiyo, saynisyahanno, IWM.
Filosoofarkii reer Jarmal, Arthur Schopenhauer, oo ka warramaya caqliyadda bulshada badan ee ku aaddan karaahsiga qofka maanmaalka ah waxa uu leeyahay:
“Bulshada dammiinka ah xajiin baa ku kacda marka ay aragto qof ka duwan. Xajiintaas ama nacaybka ku aaddan qofkaasina intiisa badan maba aha fikirka qofku qabo, ee waa in uu ka duwan yahay bulshada guud. Waa in uu muujiyay geesinimo uu kaga leexday halka loo badan yahay. Waa in uu badheedhay.”
Faylasuufku waxa uu tilmaamayaa sida bulshadu u ilaaliso hu’ga guud oo ay og tahay in uu yahay xuubcaaro. Qofkii xuubkaas jilicsan dillaaciya ee ka gudba waxa ay bulshadu ku eegaysaa weji guban iyo indho kulul. Waxa uu ka dhigan yahay cad xaaraan ah oo waa qof isku taagay in uu rido sanam la caabudo.
Haddii qofku uu ka baqo in uu bulshada isku soo jeediyo oo la colaadiyo sidaas darteedna uu dadkiisa dhinac ka raaco, sidaas buu ku yahay qof guuldarraystay. Waxa uu lumiyay miyirkii iyo habfekerkiisii shakhsiga ahaa waxana uu noqday “dameeri dhaan raacday”. Waxa uu ka tanaasulay adeegsigii maankiisa iyo qummaati-u-fekerkii oo dhan. Waxa uu oggolaaday in loo fekero, isna uu noqdo faras xakamaysan. Halkaasna waxa uu ku lumiyay xornimadiisii feker ee madaxa bannaanaa. Waa dabadhilif.
Odaygii Socrates ahaa waxa uu naftiisii ku waayay oo loo raacday in uu dadka ku boorriyay in ay iska shaandheeyaan waxa ay haystaan iyo waxa ay aamminsan yihiin. Waxa uu ku baaqay in ay raadiyaan runta iyo in ay caqligooda adeegsadaan. Baaqaas buu eersaday.
Reer Athens waxa ay qaadan waayeen in ninkaasi weeraray caadooyinkoodii oo farta ku goday aaminaadahoodii. Waxa ayna go’aansadeen in ay qudha dhaafiyaan.
Socrates waxa uu weeraray wixii Le Bon ugu yeedhay ‘maanwadareedka gurracan’. Taas oo ah in baarri loo noqdo rabitaanka bulshada, caqligaagana aad qashinka ku darto.
Waxa aan Schopenhauer la qabaa in uu xidhiidh ka dhexeeyo habfekerka toolmoon ee xornimada leh iyo nolol qanaaco leh; taas oo ka turjumaysa nolol qiimo leh.
