
Waxaa dhawaan qabsoomay Barnaamij lagu qabtay X Space oo ay soo agaasintay Madasha Raadreeb. Cinwaankiisu ahaa “Sahanka Turkida ee shidaalka Soomaaliya”. Barnaamijka waxaa marti ku ahaa Barefasoor Cabdiqaadir Abiikar Xuseen, oo ah aqoonyahan khabiir ku ah arrimaha shidaalka, khayraadka iyo culuunta dhulka.
Barefasoorka wuxuu si xirfadeysan u sharraxay faraqiya u dhexeeya 2D iyo 3D Seismic. Wuxuu tilmaamay in 2D-Seismic ay ku kooban yahay labo jiho (x iyo y), taasoo kuu sahleysa inaad ogaato dhismaha dhulka oo siman, laakiin aan laga heli karin qiyaasta dhabta ah ee shidaalka hoos yaalla. Halka baarista 3D seismic ay tahay mid leh jiho saddexaad, Z, oo noqonaysa sahan ka kooban xaglaha X, Y, iyo Z, taasoo ka dhigan in si dhab ah loo fahmo qaab dhismeedka dhulka hoostiisa iyo xaqiijinta jiritaanka shidaalka.
Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta, markii ugu horreysay sanadkii 1956kii laga qoday ceel-shidaal. Shirkadihii sahminayay shidaalka ee 1980-naadkii waxay aad u daneynayeen Soomaaliya kadib markii shidaal laga helay Yemen, maadaama labada dhul ay wadaagaan sooyaal jiyooaliyeed, waxayna taasi horseeday in shirkado waaweyn u jeestaan sahminta shidaal ee deegannada Puntland, Somaliland iyo xeebaha waqooyi ee Soomaaliya, iyagoo rajeynaayo in dhulkaasi leeyahay kayd shidaal oo la mid ah midka Yemen. Inkastoo marar la arkay calaamado muujinaya jiritaanka shidaal, sida ceelkii Afgooye-1 oo sanadkii 1965tii laga helay gaas yar, haddana ma jirto ceel si rasmi ah u lagag soosaaray shidaal in shidaal la helay. Ceelasha laga qodayna ay yihiin ilaa 68 ceel. Waa tiro ceel oo aad u badan inta la qoday, balse waxaa aad u kala duwan in ceel shidaal la qodo iyo in lasoo saaro ama la helo. Barefasoor Abiikar oo arrintaasi sharaxaad ka bixinaayay, waxa uu sheegay; “In ay leedahay iyo in laga helay waa labo kala duwan. Soomaaliya wax kasta oo geology ahaan loo baahnaa waa ay leedahay, laakiin wali lama helin ceel si toos ah u soo saaray shidaal.”
Baaritaan iyo sahanno tira badan ayaa lagu sameeyay kheyraadka dabiiciga ee laga baadigoobaayay barriga Soomaaliya (Onshore), balse sanadkii 2024 waxay Soomaaliya u jihaysatay sahanka batroolka iyo gaaska ee badda (offshore), kadib heshiis sahan oo rasmi ah ee dhex maray Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana sahankaasi lagu billaabay dhul badeedka u dhaxeeya Garacad iyo Raas Kaambooni, gaar ahaan sahminta saddex xirmo oo kale ah 142, 152, iyo 153. Sahanka oo billowday…, ayaa lasoo gabagabeeyay bartamaha bisha June ee sanadkaan 2025. Sababta ugu weyn ee loo doorbidayana sahanka badda waa in wax caqabad ah oo amni ah aysan ka jirin dhanka badda ayna ka roontahay dhanka dhulka, sida uu u fasiray Barefasoor Abiikar.
Sahanka 2D ee hore ayaa muujiyey saddex basin oo saliid lagana filan karo: Juba Basin, Xamar Basin, iyo Hobyo Basin. Basinadaani waxay sameysmeen xilligii Jurassic ilaa Cretaceous, waxaana lagu tuhunsan yahay inay ciid badan ku ururiyeen wabiyaasha sida Shabeelle, Juba, ilaa iyo Taano. Taas ayaa suuragelisay in la helo dhismayaal Delta ah oo ku habboon kaydinta shidaalka. Waxaa si gaar ah u xusay aagga badda ee u dhexeeya Baraawe ilaa Cadale, oo loo yaqaan Muqdisho Basin (Qoryooley Basin), kaasoo leh astaamo muhiim ah oo muujinaya jiritaanka keyd shidaal.
Wuxuu sheegay in saddexda basiin ee laga baarayo shidaalka Soomaaliya ay rajo weyn leeyihiin, inkastoo meelaha qaar laga yaabo inay jiraan dhismayaal volcano ah oo caqabad ku noqon kara keydka shidaalka. Wuxuu sheegay in la sugayo natiijada sahanka 3D seismic, kaas oo ah kii ugu horreeyay ee abid laga sameeyo Soomaaliya. Sahankaan waxaa si gaar ah loogu eegayaa aagga u dhaxeeya Mareeg iyo Hobyo, dhul badeedkiisuna gaarayo 80,000km². Waxaa laga filayaa inuu muujiyo dhisme sare oo kayd shidaal oo la mid ah kuwa laga helo Sacuudiga gaar ahaan gobolka bariga Sacuudiga ee loo yaqaan “Eastern Province”.
Wuxuu intaas ku daray in haddii sahanka 3D uu muujiyo rejo fiican, Turkiga uu si rasmi ah u shaacin doono go’aanka ku saabsan qodista ceelka. Qalabkii iyo riiggii qodistana waa la keeni doonaa, waxaana la filayaa in qodistu ka bilaabato meel u dhow Mareeg, ayadoo laga tixraacyo Mareeg-1 oo ah ceel hore ay Esso u qoday.
Xogta seismic waa tallaabo muhiim ah, balse aysan keligeed ku filnayn in lagu xaqiijiyo shidaalka. Shidaalka laguma sheegto xogta seismic oo kaliya. Barefasoor Abiikar oo arrinkaas sharaxayana wuxu yiri; “Waxaa kaliya lagu xaqiijin karaa waa marka ceel la qodo, oo shidaalku si toos ah u soo burqamo ceel shidaal.”
Waxaa jira in la diyaarinayo qalabkii riigga iyo xarunta SPso markab weyn oo wato qalabka dhammaan ceel qodista iyo kaydinta shidaalka. Marka ceelka la qodo, haddii wax la helo, waxaa loo gudbayaa marxaladda horumarinta (development) iyo ugu dambeyn soo-saaridda (production). Qorshaha wuxuu tilmaamayaa in ceelka koowaad la qodi doono muddo 4-5 bilood gudahood ah, waxaana xiga qiimeyn ceelal kale iyo wajiyada horumarinta.
Haddii sahanka 3D uu muujiyo natiijooyin wanaagsan, kadibna riig lagu bilaabo ceel qodis, waxaa suuragal ah, sida uu Barefasoorka sheegay, in Soomaaliya sanadaha 2032–2033 noqoto dal batrool dhoofiya oo ay hadda taagan tahay halkii ugu dhoweyd ee riyooyinkeedii shidaalka laga dhabeeyo. Laakiin taas waxaa hor taagan qodobo ay ka mid yihiin helidda maalgelin xoog leh, ilaalinta hufnaanta iyo kormeerka kharashka, iyo in la helo nidaam daahfuran oo bulshada iyo dowladda ay si buuxda uga warhayaan.
Heshiiska wuxuu dhigaya in shirkadda Turkiga qarashka guud laga siiyo boqolkiiba 90% si ay usoo ceshato lacagta ay galisay (cost recovery), halka Soomaaliya ay qaadanayso 10% inta lagu jiro wajiga kowaad. Marka la gaaro heerka wax-soo-saarka (profit oil), Soomaaliya waxay heli doontaa 50%, shirkadduna 50%. Shan sano kadib, saamiga Soomaaliya wuxuu kor u kici doonaa ilaa 75%, shirkadduna waxay heli doontaa 25%. Waqtiga ka dambeeya, Soomaaliya ayaa heli doonta illaa 90–95%, shirkadduna waxaa u hartay kaliya kharashka ku baxa hawlaha oo noqonaayo 5%.
Inkasta oo Soomaaliya ay wajahdo caqabado la xiriira maamul xumo, hay’ado ay hareeyeen musuqmaasuq, haddana sida uu qabo batefasoor Abiikar lama oran karo inay Soomaaliya si toos ah ugu dhici doonto dabinka naclada khayraadka ama Nimcadda Nacladeysan (resource curse). Waxaa uu taas badelkeeda uu qabaa inay weli jirta fursad ay ku noqon karto tusaale wanaagsan haddii loo maro hufnaan, daahfurnaan, iyo maamul dowladeed oo ku dhisan caddaalad.
Ugu dambayn, Barefasoor Abiikar wuxuu bulshada u caddeeyay in horumarka laga gaarayo sahaminta shidaalka Soomaaliya uu yahay mid rajo leh, balse u baahan dulqaad, hufnaan iyo maalgashi muuqda. Wuxuu ugu baaqay dowladda iyo shacabka in la sugo xogta rasmiga ah ee kasoo bixi doonta baaritaanka 3D-seismic iyo in si qaranimo leh looga faa’iideysto khayraadka dalka.
