Dayaxa Hoostiisa, Badda Dacalkeeda – Dhambaal Jacayl oo Baraawe ku socda
WQ: Sucaad Jaamac, WT: Aw-Saahil.

Gacalo Baraawe,
Fiidkaygii ugu dambeeyay ayaan kula joogaa. Waxaan hor fadhiyaa masjidkaaga Sheekh Aweys iyadoo qorraxdu u hollatay inay galbato. Ilayska ayaa wax walba u yeelay midab dahabiya, hooskaaga galbeedna dhulka dushiisa ayuu isku goglay. Waxaan dareemayaa joogitaanka waligii masjidkan loogu magac daray, iyo sida haybaddiisu ugu dheehan yahay hareeraaga aamusan.

Derbiyadaada dhexdooda, waxaan ka arkaa badda oo u dhalaalaysa sida qalin kuna siqaysa luuqyadaada. Baraaweey, weligaa waxaad soo ahayd bad iyo Allabari la isku barxay.
Barbaartaadii oo kubbad kasoo laabtay ayaa xeebtaada ku tamashlaynaya iyagoo cagacad, welina cusbadu jirkooda ku cigaalan tahay. Tallaabooyinkoodu waxay la jaanqaadayaan jabaqda badweynta. Qosolkoodu wuxuu u hagaagayaa sida codadka shimbiraha ee ka dhex yeeraya jidadkaaga ciriiriga ah xilli aadaanka salaadda maqrib uu cirka ku shareeran yahay.
Duqaydaadii waxay fadhiyaan masjidka dibaddiisa iyagoo isku jalbeebinaya sheekooyin hore oo xallad leh. Waxay koobab shaah ah ku haystaan gacmo ay ku dhigan yihiin raadadka badda iyo qorraxdu, kuna summadan shaqo iyo cibaado. Mid ayaa koofida toosisanaya mid kalana si dabacsan ayuu u qoslaya isagoo jirkiisa oo idil ka dhoollacaddaynaya. Waa nooc xasillooni ah oo aan la samaysan karin, waa dhaxaltooyo aad adigu ugu deeqday.
Carruurtii ayaa isugu yimid barxad ku taal masaajidka bannaankiisa, qaar ayaa baaskiillo saaran, qaar kale ayaa ordaya, cagahoodana waxay ku kicinayaan daruuro boor ah sidii in uu dhulku yahay qayb dheesha ka mid ah. Farxaddoodu waa mid aan la cabbiri karin oo dhalad ah. Waxaad mar iyo marar kale i xusuusinaysaa in ay ciyaartu sidoo kale tahay mid xurmo leh.
Waxan intaas oo dhan ka sii ashqaraar badan shimbirahaaga. Waxaan u fiirsaday subaxii koowaad ee aan imid, ilaa iyo haddana indhaha kama leexin. Shimbirahaagu, kaliya hawadaada sare iskama leexaystaan ee way heesaan, oo way qoob-ka-ciyaaraan, bandhig yaab lehna way sameeyaan. Samada ayay baalashooda kula xardhaan goobooyin muusig iyo xarrago leh. Subaxyadaada, heesahooda ayaa lagu waabariistaa cadceedda ka hor, galbahaagana waxay iftiinkaaga ku aslaan xarrago.
Baraawe, waxaad tahay magaalo aan hage miyuusig lahayn, haddana cod kasta wuxuu haleelaa halkii ku habbooneed. Shimbiruhu maalmahaaga ma qurxiyaan oo kaliya ee waa ay qeexaan.
Kaddibna waxaa xigay toddobaadkan mucjisada ah iyo habeennadii cadcadda. Habeen walba waxaad ku lebbisanaysay hu’ qalimo leh. Dayaxu dushayada wuu ku raagi jiray saw ma aha? Maxaa yeelay, wuxuu inoo raaci jiray dariiqayadaada hoose, kor ayuu naga ilaalin jiray inta aynu hurudno, islamarkaana docdayada ayuu isu duubi jiray si shibbanaan iyo qanaaco leh.
Waqey ma arag magaalo u iftiimaysa sida aad habeennada caddada u dhalaasho oo kale. Ma tihid magaalo haawanaysa ama laga hoyaaday, laakiin waxaad tahay mid deggan oo ay nolol ka burqanayso jeer uusan dayaxuba ku dhiirran karin in uu mugdi kaaga dhaqaaqo.
Waqey ma arag magaalo u iftiimaysa sida aad habeennada caddada u dhalaasho oo kale. Ma tihid magaalo haawanaysa ama laga hoyaaday, laakiin waxaad tahay mid deggan oo ay nolol ka burqanayso jeer uusan dayaxuba ku dhiirran karin in uu mugdi kaaga dhaqaaqo.
Habeen kasta wuxuu ka dhignaa sir si xarrago leh loogu xashashaqay. Wuxuu ahaa nooca sixirka aan u baahnayn in la sharraxo balse kaliya u baahan in la dareemo.
Sidoo kale Baraawe, ma baddaadii ayaan weligay hilmaami doonaa?
Badda xeelligeeda kaliya ma dhacdid ee waad isla neefsataan. Waxaad u oggolaataa in ay neecawdaada, naqshaddaada, suuqyadaada iyo luqaddaadaba qaabeyso. Xubin walba oo adiga kaa mid ahna waxay xambaarsan tahay luuqdeeda. Baddu halkan ma caraysna, way hadashaa, adiguna– magaala yahay ruuxda iyo filka weyni–mar walba sheekada ayaad dhurtaa.
Si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha ugu qaalisan ee aad isiisay ma ahayn ishaarooyinkaaga waaweyn ee taariikhiga ah. Waxay ahaayeen deeqsinimadaada aamusan ee aad igu habtay iyo naxariisahaaga yaryar ee aanan filanayn.
Mar baa anigoo dhex lugaynaya mid ka mid ah luuqyadaada diirran waxaan baashayda ka arkay wiil yar. Kor ayuu ii soo eegay isagoo si fudud u muusoonaya tabta qof farxadda garanaya oo aan u baahnayn inuu magac-dhabo, kaddibna ubax buu ii dhiibay. Intaas kaliya, hadiyad aan hadal wehlin. Waxaan gacanta ugu qabtay sida shay muqaddas ah, sababtu ma ahayn inuu mar la’arag ahaa laakiin waxay ahayd inuu run ahaa. Ubaxaas yari adiga ayuu ahaa, Baraawe oo ubax ah.
Galab kale, waxaan fadhiyay jarjanjaro hoose oo dhagax ah anigoo iska daawanaya waddooyinkaaga neefsanaya. Shimbiro ayaa cirka raadad ku samaynayay. Markaas ayay ahayd markii aan arkay ey dhankayga u soo cararaya. Waxaa cayrsanayay carruur qosolkoodu darbiyadaada ka dayaamayay.

Laakiin wuu kasoo dheereyay aniga ayuuna si toos iisoo abbaaray sidii inuu i raadinayay, kolkii uu isoo gaarayna inta joogsaday, oo neef tuuray ayuu agtayda fadhiistay. Kor ayuu ii soo fiiriyay, ma ahayn eegmo cabsi ama baryo ku dheehan tahay, se waxay ahayd daymo is-aqoonsi. Waaba sidii inuu i oranayo: “Waad iga nabadgelaysaa adigu, waan ku garanayaa.” Si deggan ayaan u fadhiyay, isaguna wuu sii fadhiyay. Waxaan garbaha dushayada dhabanayay hoostooda ku wadaagnay arrin aan ereyo u baahnayn oo dhammays ah.
Habeenkaygii u dambeyayna waxaad carruurtaada usoo dirtay ilinka gurigayaga. Gacmahooda waxaa ka buuxay doolshe iyo macmacaan, indhahooduna waxay la ifayeen farxad iyo dabbaaldeg. “adigaa leh,” ayay igu yiraahdeen, “si aad u xusuusnaato.” Aniguna ma garanayn sida aan jacayl intaa la’eg u qaadi karo. Ma aysan i sagootinayn, waxay i siinayeen ilays aan meel walba u qaato.
Aah, Baraawe, tani waxay ahayd sagootintii ugu degganayd ee abid la i siiyo. Iguma aadan soo dhoweyn muuqaal indhadaraandar ah, sidaas ma aha habka martigelintaadu. Waxaad igu soo dhoweysay dhugmooyin, aamusnaan la wadaagay, gacmo diirran iyo indho furan. Joogitaankaagu waa mid xasillan laakiin aan baaba’eyn oo sii jiraya. Dadkaagu martisoorka ma metelaan ee waa ay ku dhex nool yihiin.
Waxaan halkaan ku sugnaa hal isbuuc, toddobo maalmood oo qura. Laakiin adigu waqtiga kuma cabbirtid maalmo, saw sidaas ma aha? Waxaad ku cabbirtaa qotadheeri, xasillooni, rooxaaniyad.
Naftaada iima aadan muujin oo kaliya laakiin waxaad iigu waxyootay si deggan, dabacsan, si deeqsinimo leh sida duco fufaysa oo kale.
Waxaan dhex socdaalay guryahaaga waxaana dareemay qolal neefsanaya hawo, feker, iyo xusuus. Gacantayda ayaan ku salaaxay darbiyadaada dhagaxbadeedka ka samaysan kuuwaasoo qaabdhismeedka guryaha oo kaliya kor u hayn balse sidoo kale sheeko xambaarsan.
Waxaan daawaday shaandhooyinka iftiinka qorraxda oo ka dhex dusaya shabaqa mashrabiyada, isagoo sagxadaha dhulka waqtigu sida siman u xaaqay ku sawiraya jiyoomateri xurmad leh. Harku halkaan ma aha mid kedis ah, waa murti, nashqad iyo raxmad.
Guryahaaga uma aanan arag inay yihiin kuwo duug ah, laakiin waxay iiga dhignaayeen kuwa maammuus leh. Darbiyadooda doorsoomay ma aysan codsanayn dib-u-dhis waxay u qotomeen si adag, waxay xambaarsan yihiin sheekada jiilal. Waxay xambaarsan yihiin aamusnaan. Waxaa ka muuqda qab. Adiga dhexdaada xitaa gabowgu waa naqshad.
Waxaan dhedhemiyay xasilloonidaaada, waxayna ahayd ahayd malab. Waxaan miliilicay baddaada oo ku tiraabaysa dhalaal iyo iftiin. Waxaan dhex dawaafay suuqyadaada– webiyada nool ee saxmadda badan islamarkaana midabada, carafta iyo ujeeddada ku astaysan. Waxaan ag maray garcaddaagaaga oo aamusan, deggan, oo dhaayahooda laga akhrisanayo casharro nololeed iyo waayo-aragnimo jiidan. Waxaan ku kor socday raadadkii qarniyo hore, dhawaaqooda ayaana dhegaystay .
Hadda, masjidkii wuu buuxsamay. Barbaartii dheesha ayay daayeen, baaskiilladii waa la nasiyay, diilimihii ugu dambeeyay ee moodda galabeed ayaa cirka ka sii tirmaya. Haddana weli waad dhaqaaqaysaa, waad nooshahay, waad neefsanaysaa, waadna sii socon doontaa aniga la’aantey.
Shimbiruhu way soo toosi doonaan berri. Dayaxuna kama daali doono inuu eegmadiisa kugu ilaaliyo. Shaahu koobabka yaryar ayuu ka dhex qaaci doonaa. Dabayshu waxay ka dhex dusi doontaa darbiyadaada dhagaxbadeedka ah, waddooyinkaaguna waxay si dabacsan isugu dadbi doonaan dhanka ducada.
Laakiin ma bixi doono anigoo maran. Waan ku xambaari doonaa, kuguma qaadayo sawirro iyo agab xusuuseed toonna, balse waxaan kugu qaadi doonaa jirkayga, qaabka aan ilayska u eego, qaabka aan aamusnaanta u sugo iyo codadka shimbiraha waaberiga.
Baraawe, waxaan kuu imid anigoo marti ah, waxaana kaaga ambabaxayaa sidii qof aad dhugatay, sidii qof aad si uun u dhawrtay.
Kasha iyo laabta,
Sucaad
