Amniga Geeska Afrika: Doorka Soomaaliya ee horumarinta danaha Mareykanka

Waxaa qoray: Mohamed Muse Hassan

Waxaa tarjumay: Abdirahman H. Deher

Mohamed Muse Hassan, Xoghayaha Koowaad Arrimaha Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka

Hordhac

Hadalkii dhawaan laga horjeediyay Guddiga Xiriirka arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, kuwaasoo ay bixiyeen Joshua Meservey oo ka tirsan machadka Hudson iyo Michelle Gavin oo ka tirsan Golaha Xiriirka arrimaha Dibadda (Council on Foreign Relations), ayaa muujinaya walaaca sii kordhaya oo ku saabsan arrimaha Gobolka Geeska Afrika: gobolka wuxuu u dhexeeyaa xaalad aad halis u ah oo burbur horseedi karta iyo xaalad sababi karta inuu horey u dhaqaaqo. Si kastaba ha ahaatee, labadooduba in kastoo ay si kala duwan uga hadleen arrimaha gobolka haddana waxay soo jeediyeen in Mareykanku uu hoos u dhigo rajadiisa ah in la helo Soomaaliya mideysan, isla markaana uu ka shaqeeyo la macaamilka dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ama kooxo kale oo maxalli ah. Laakiin waddadaas inkastoo ay u muuqato mid wax-ku-ool ah haddana ugu dambayn waa mid sababi doonta dhinaatooyin culus oo uusan Mareykanku xamili karin. Waxa ay khatar ku tahay danaha siyaasadeed ee Mareykanka.

Aan hal mid caddeeyo: SOOMAALIYA MAAHA SAAXIIB SI SAHLAN LOOLA SHAQEYN KARO. Dadaallada lagu dimuqraadiyeynayo dalka iyo dib-u-habaynta ammaanka Soomaaliya waxay u socotaa si gaabis ah oo uu niyadjab ka muuqdo, musuqmaasuqu cirka ayuu isku shareeray, Al-Shabaabna weli waa khatar dhab ah oo si firfircoon dalka kaga dagaallamaysa. Balse ka dhaqaaqidda fikradda Soomaaliya xooggan oo mideysan, haba taagtarnaate, ma ahan go’aan dhexdhexaadnimo. Waa istiraatijiyo dib-u-gurasho oo dalalka kale ee awoodda leh u ogolaanaysa inay buuxiyaan firaaqa, taasoo keenaysa kala qaybsanaanta dalka iyo aasidda saaxiib muhiim u ah Maraykanka ee gobolka Geeska Afrika.

Kala-Qaybinta Dalka maaha Istaraatiijiyad wanaagsan

Hadalka mudane Meservey ee uu ka horjeediyay Golaha Senate-ka Mareykanka waxa uu qareemayaa inay Mareykanka joojiso diirad saaridda la macaamilka dawladda dhexe ee Muqdisho fadhigeedu yahay, taa baddelkeedana ay la shaqeyso dawlad-goboleedyada dalka. Wuxuu intaas ku sii daray dadaallada lagu dhisayo dawlad dhexe inay tahay tijaabo guuldarreysatay. Inkastoo hadalkiisa ay ku jiraan run aan indhaha laga qarin karin, haddanaha mudunuhu waxa uu iska indho tirayaa qodob muhiim ah oo ah kala-qaybinta dalka inaysan ahayn istaraatiijiyad caafimaad qabta oo burbur iyo bayhoof sababi doonta. Waxaa suurtogal ah, la shaqeynta maamul goboleedyada inay si degdeg ah u keento guulo la xiriira la dagaalanka argagixisada, laakiin mustaqbalka fog waxay wax u dhimaysaa himilada ah in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo awood leh taasoo ilaalin karta dhulkeeda, xuduudaheeda na maamuli karta, isla markaana matali karta dalkeeda.

Waxaa suurtogal ah, la shaqeynta maamul goboleedyada inay si degdeg ah u keento guulo la xiriira la dagaalanka argagixisada, laakiin mustaqbalka fog waxay wax u dhimaysaa himilada ah in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo awood leh, taasoo ilaalin karta dhulkeeda, xuduudaheeda na maamuli karta, isla markaana matali karta dadkeeda.

Haddii ay Soomaaliya kala-qaybsanto oo ay noqoto gobollo iskood isku maamula oo kala duwan, gobolladaas waxay billaabi doonaan u tartamidda sidii ay ku heli lahaayeen kheyraad, lacago dalal shisheeye, awood iyo sharciyad. Xaaladdan oo kale waxay irdaha u ballaqaysaa inay quwadaha shisheeye si qaldan kaga faa’ideystaan kheyraadka dalka. Xaaladda nuucaan ah kaliya kama faa’ideysan doonaan kooxaha xagjirka ah ee sidoo kale waxay fursad siin doontaa dalalka doonaya inay helaan awood Soomaaliya ay ku saameyn karaan oo ay ka mid yihiin: Iiraan, Imaaraadka, Ruushka, iyo Shiinaha maadaama horey ay u muujiyeen danahooda siyaasadeed ee ku saleysan kala-qaybsanaanta Soomaaliya. Haddii la dhiirigaliyo burburka iyo kala-go’a Soomaaliya waxaa wiiqmaya haay’adaha qaranka kuwaas oo noqon kara gaashaan difaacaya dalka oo ka hor istaaga farogelintaas shisheeye.

Haddii la dhiirigaliyo burburka iyo kala-go’a Soomaaliya waxaa wiiqmaya haay’adaha qaranka kuwaas oo noqon kara gaashaan difaacaya dalka oo ka hor istaaga farogelintaas shisheeye.

Kala-qaybinta dalka waa tijaabo horey loo maray oo lagu fashilmay

Hadalka sheegaya in Mareykanku iska indho-tiro dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu si toos ah ula shaqeeyo hoggaamiyeyaasha maxalliga ah iyo kuwa maamul goboleedyada maaha fekrad ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya ee waa xeelad hore loo adeegsaday oo la tijaabiyay taasoo fashil ku dambeesay, kana tagtay cawaaqib xumo muddo dheer saameynteedu sii jirtay.

Sanadkii 2005, Mareykanka isagoo wata dadaallada lagula dagaallamayo aragagixisada Soomaaliya ka dagaalanta, ayuu go’aansaday inuu taageero dagaal-oogayaal ku mideysnaa Isbahaysiga Nabad Soocelinta iyo La-dagaalanka Aragagixisada. Go’aankan Mareykanka waxa uu gaaray iyadoo ay jirtay dawlad Federaal ah oo kumeelgaar ahayd, inkastoo ay cusbayd haddana haayad sharci oo dalka ka jirta ayay ahayd. Rabshadaha iyo musuqmaasuqa dagaal-oogayaashaasi waxay si weyn uga caraysiiyeen shacabka Soomaaliyeed, taas na waxay markii dambe keentay inay shacabku u jeestaan Maxkamadihii Islaamiga. Taageerada shacabka waxay awood xad dhaaf ah siisay Maxakamadihii Islaamiga ahaa taasoo markii dambe keentay inay isku farasaaraan Muqdisho illaa markii dambe laga guuleystay qabqablayaashii uu Mareykanu taageerayay oo laga saaray magaalada Muqdisho bishii Juun 2006.

Halkii ay ahayd inuu Mareykanku taageero geeddi-socodkii nabadeed ee ka socday Khartuum kaasoo u dhaxeeyay Dawladdii Kumeelgaarka ahayd (TFG) iyo ururkii Maxaakiinta (ICU) taasoo ahayd fursad lagu dhisi karay dawlad Soomaaliyeed oo mideysan, dawladda Mareykanka waxay taas baddelkeeda taageertay dullaankii millitari ee Itoobiya si loo burburiyo ururkii Maxaakiinta Islaamka. Aragtidaas gaaban ee uu Mareykanku qaatay waxay burburisay geeddi-socodkii nabadeed ee Khartuum, waxay na hoos u dhigtay kalsoonidii lagu qabay kuwa dhexdhexaadka ahaa waxayna sidoo kale horseedday soo bixitaanka Alshabaab oo noqotay mid ka mid ah kooxaha ugu halista badan ee la xiriira ururka caalamiga ah ee Al-Qaacida.

Ku dhawaad labaatan sano ka dib, Soomaaliya iyo Beesha Caalamku waxay wali la tacaalayaan cawaaqibkii ka dhashay go’aankaas. Balaayiin dollar ayuu Mareykanku Kharash gareeyay, kumanaan kun oo qof ayaa ku dhintay weeraraddii ay sababeen aragagixisada Alshabaab, gobolka ayaa ah wali meel aan xasilneyn. Natiijooyinkan murugsan ma ahayn kuwo huriweyto ah ee waxay ahaayeen go’aamo siyaasadeed oo dayacay muhiimadda ay leedahay dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo sharciyad iyo awood leh.

Waxaa halkan ka baran karnaa, haddii laga leexdo la shaqeynta dawladd dhexe oo la taageero kooxo kala qaybsan iyo maamul goboleed inaysan xaaladda dalka hagaajineyn oo aysan keenayn amni ay shacabka Soomaaliyeed mahadiyaan, taa baddelkeeda waxay sii hurinaysaa dhaqdhaqaaqyada xagjirka ah, waxaa na wiiqmaaya hay’adaha dawliga ah, taana waxay sii dhali doontaa inuu khatar galo amniga gobolka. Mustaqbalka Soomaaliya iyo amniga gobolka wuxuu ku xiranyahay maalgalin joogto ah oo lagu sameeyo dawladda dhexe iyo haayadaha rasmiga ah ee Qaranka.

Khatarta ka dhalanaysa ka fogaanshiyaa arrimaha Soomaaliya

Gavin iyo Meservey labaduba waxay gobolka ku qeexeen inuu yahay meel istaraatiijig ah oo ay quwadaha caalamiga ah ay ku tartamayaa siday u maalgashan lahaayeen. Iiraan waxay dib u hagaajinaysaa xiriiradeeda iyadoo drones-ka aan duuliyaha lahayn gaarsiinaysa gobolka. Turkigu waxa uu ka hawlgalaa saldhig millatari oo uu ku leeyahay Soomaaliya magaalada Muqdisho. Imaaraatka Carabta waxa uu saameyn ku yeelanayaa gobolka isagoo u maraya heshiisyo dhaqaale iyo ciidamo ammaanka gaarka ah suga. Shiinuhu isaguna si taxaddir leh ayuu ula socdaa arrimaha isagoo dhisaya kaabayaal dhaqaale isagoo dhinaca kale ka wata saameyntiisa siyaasadeed.

Hadii Soomaaliya loo arko dal burbursan oo aan la isku heyn karin sidaas laguma deyn doono ee waxaa loo kala qaybin doonaa aagag ay saameyn ku leeyihiin oo ay u awdan yihiin quwado shisheeye. Markasta oo uu Mareykanku ka fogaado arrimaha Soomaaliya waxay u diraysaa farriin cad quwadaha kale oo ka fogaanshiyaha arrimaha Soomaaliya waxay u muujin doontaa awoodahaas caalamiga ah inay Soomaaliya tahay meel la kala qaadan karo oo ciddii rabto ay ka kalluumeysan karto. Tani waa arrin ay tahay inay si weyn uga walaacaan siyaasiyiinta iyo madaxda Mareykanka. Xeebaha Soomaaliya waxay taabtaan marin-biyoodka ugu muhiimsan adduunka. Xasillooni la’aanta ama xasilloonida Soomaaliya waxay saameyneysaa ganacsiga Badda Cas, maraakiibta ganacsi ee mara Badweynta Hindiya iyo qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee sii kordhaysa ee dawladaha Khaliijku ay wadaan. Dawlad Soomaaliyeed oo sal adag, xitaa haddii ay tahay mid aan dhammeystirneen, ayaa ku filan inay la tacaasho cadaadiska juquraafi-siyaasadeedka marka loo eego dal burbursan oo ka kooban maamullo Federaal ah oo aan lahayn siyaasad mideysan ama difaac qaran oo sal adag.

Maalgalinta Soomaaliya ha loo arko mid istaraatiijig ah ee yaan loo arkin mid gargaar ama samofal ah

Taageerada mashruuca dhismaha dawladnimo ee Soomaliya yaan loo arkin inuu yahay mashruuc samofal ama gargaar bini’aadamtinnimo ah ee lagu caawinayo bulshada Soomaaliyeed ee ha loo arko inuu yahay maalgamin istaraatiijig ah. dawlad Soomaaliyeed oo shaqaysnaysa una dhaqmaysa si waafaqsan qiyamka dawladnimo ee reer Galbeedka xitaa ha u kobacdo si tartiib ah e, waxay muhiim u tahay danaha ammaanka qaranka Mareykanka. Dawladdaas waxay abuuri kartaa saldhig lagu horumarinayo iskaashi gobolka ka jira oo la xariira la dagaalanka aragagixisada, taana waxay yareen kartaa meelaha ay ka hawlgalaan kooxaha xagjirka ah sidoo kale na waxay noqon kartaa saaxiib la la yeesho xiriir ganacsi iyo horumarinta tamarta. Sidoo kale waxay farriin cad u diraysaa quwadaha iska soo horjeeda in Mareykanku uusan gobolka uga tageyn gacanta nidaamyada kaligiitaliska ah iyo kooxaha wakiillada u ah awoodahaas caalamiga ah.

Sida ay u egtahay aragtida istaraatiijiyadeed ee dhabta ah

Haa, Mareykanku wuxuu u baahanyahay in uu dib u qaabeeyo oo u hagaajiyo qaabka uu ku wajahayo arrimaha Soomaaliya sidoo kale na waa inuu iska baddelaa muraayadaha uu ku eegayo xaaladda Soomaaliya iyo xalalkeeda. Waa inuu la shaqeeyaa bulshada Rayidka ah, Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ururrada haweenka iyo kooxaha dhallinyarada ah maaha kaliya inuu markastaa la shaqeeyo kaliya siyaasiyiinta ku sugan villa Soomaaliya. Waa inuu cadaadis saaraa horweynta siyaasadeed ee musuqa horkacaya isla markaana uu dalbadaa isla xisaabtan ku saabsan gargaarka iyo kaalmooyinka amniga ee Soomaaliya loo soo diro. Laakiin waa inuu sidaas sameeyaa isagoo ujeedadiisu tahay inuu xoojiyo midnimada Soomaaliya ee aysan noqon tillaab heer mareysa middaas.

Gavin waxay ku baaqeysaa istaraatiijiyad goboleed ku saabsan Badda Cas, waana runteed laakiin istaraatiijiyaddaas waa inay ka mid noqotaa tiir Soomaaliyeed oo mideysan. Soomaaliyoo daciif ah oo kala daadsan waxay fursad u tahay xasillooni-darro gobolka ah iyo farogalin shisheeye oo joogto ah. Soomaaliya oo xooggan xitaa haddii aysan kaamil ahayn waxay noqon kartaa tiir lagu dhiso xasilloonida Geeska Afrika.

Mareykanku ma heysto fursad uu ku yareeyo himilladiisa ku aaddan Soomaaliya isagoon la kulmin cawaaqib xumo. Xaaladda Gobolka si degdeg ah ayay isku baddelaysaa. Awoodaha shisheeye ee loolanka ka dhaxeeyo dhegaha ayaa u taagan. Saaxiibada siyaasadeed waxay qaadanayaan sidaaysad deggan oo uu taxaddir badani ka muuqdo. Maraykanku waa inuu go’aansadaa inuu doonayo Soomaaliya midaysan, madax-bannaan, oo xasilloon ama Soomaaliya kala qaybsan, nugul, oo sahlan in awoodaha shisheeye ay waxay doonaan ka sameystaan. Go’aanka iyo doorashada inagga ayay gacanteennu ku jirtaa, saacadduna aad ayay u xawaareyneesaa.

Maraykanku waa inuu go’aansadaa inuu doonayo Soomaaliya midaysan, madax-bannaan, oo xasilloon ama Soomaaliya kala qaybsan, nugul, oo sahlan in awoodaha shisheeye ay waxay doonaan ka sameystaan. Go’aanka iyo doorashada inagga ayay gacanteennu ku jirtaa, saacadduna aad ayay u xawaareyneesaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *