Waa kuma Ngũgĩ wa Thiong’o?

Waxaa qoray: Axmed Dhahar

Maqaalkan waxaan ugu baroordiiqayaa geeridii qoraagii weynaa ee Ngũgĩ wa Thiong’o, oo dunida ka baxay 28-kii May, 2025

Waxaa jiray waqti dad badan ay u haysteen in xorriyaddu tahay calan kor loo taago, hees la qaado, iyo hogaamiye sawirkiisa la buunbuuniyo. Laakiin waxaa jirey dad yar oo fahmay in xorriyaddu aysan ku koobnayn in la iska tuuro gumeysi hubaysan oo ciidan wata, balse ay tahay xorriyad maskaxeed, xorriyad afeed, iyo xorriyad uu qofku isagu leeyahay — mid ku billaabata “ka fikirid” iyo “ka hadlid” waxa aad tahay.

Qoraaga weyn ee reer Kenya, Ngũgĩ wa Thiong’o, wuxuu ka mid yahay dadkaas yar ee fahmay micnahaas qotodadheer, una hibeeyay noloshiisa sidii Afrika uga bixi lahayd heeryada maskaxeed ee uu gumeysigu kaga tagay, si la mid ah sidii ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga ee cududda ku dhisneyd. Wuxuu noqday cod xooggan oo u hadla afka hooyo, damiirka Afrikaanka, iyo taariikhda la duugay.

Ngũgĩ waxa uu dhashay 1938-kii, xilli Kenya ku jirtay gacanta gumeysiga Ingiriiska. Wuxuu ku koray miyiga buuraleyda Gikuyu, halkaas oo uu ku dhaxlay dhaqan hodan ah oo ay awoowayaashiis ku noolaayeen – doog, diin, gabay iyo geed, iyagoo aan aqoon wax la yiraahdo “colony”. Laakiin noloshiisii yaraanta waxa isugu yimid laba adduun: mid dhaqankiisa hooyo oo la tirtirayey ah, iyo mid gumeysiga oo xoog, af iyo dhaqanba ku maamulayey ah. Labadaas adduun ee is diiddan ayuu inta badan noloshiisa ku dhex loollamayay. Markii uu u gudbay waxbarashada, wuxuu aaday Jaamacadda Makerere ee Uganda, waana halka uu si qoto dheer ugu bartay suugaanta Ingiriiska. Halkaas ayuu ku qoray buuggiisii ugu horreeyey ee Weep Not, Child—sheeko murugo leh oo ka warramaysa qoys sabool ah oo Kenyan ah—xilli dalkoodu uu ku jirey holaca kacdoonkii Mau Mau. Buuggaas wuxuu ahaa murug kasoo go’day maankiisa, waxaana uu hogatusaaleynayay sida gumeysigu u dumiyo nolosha dadka caadiga ah, isaga oo ka siibaya xididka dhaqankooda.

Wax yar ka dib, wuxuu qoray buug kale — The River Between — kaas oo dhexda u xidhay dooddii u dhaxeysay dhaqanka Gikuyu iyo diinta Kiristaanka. Waxa uu muujiyey sida ay ardaydii ku tababartay jaamacadaha Ingiriiska ay ugu noqdeen bulshadoodii dad qalaad. Waxa uu sidoo kale qeexayaa buuggu, murugada ka dhalatay tirtiridda dhaqanka, iyo muranka ka dhex aloosan ‘waxa aan nahay’ iyo ‘waxa la nala doonayo in aan noqonno’. Laakiin, arrinta ugu weyn ee taariikhda suugaanta Afrika gelisay Ngũgĩ waxay ahayd; go’aankiisii geesinnimada lahaa ee ahaa in uu joojiyay adeegsiga afka qalaad ee Ingiriisiga. Wuxuu yiri: “Mar alla marka aan noofalladaydii u horreeyay xusuusto, waxaan ka fikiraa arrinta LUUQADDA. Bal maxaan ku keenay in ay jilayaasha sheekooyinkaygu Afrikaan noqdaan isla kolkaana ay ku hadlaan af Ingiriisi badhaxtiran? buuggaygii koowaad, waxaan ku qoray af ayna hooyaday garanayn. Hooyaday, in ay iskuulka i geysay waxaan kaga abaalceliyay wax ku qoridda af ayna kicin karin iyadu [Ingiriisi].”

Mar alla marka aan noofalladaydii u horreeyay xusuusto, waxaan ka fikiraa arrinta LUUQADDA. Bal maxaan ku keenay in ay jilayaasha sheekooyinkaygu Afrikaan noqdaan isla kolkaana ay ku hadlaan af Ingiriisi badhaxtiran?

Ereyadaas catowga ah, waa dareen xanuun leh iyo caloolyow muujinaya sida uu u qaldanaa fikirkiisii hore, balse waxa uu isciilkaambigaasi u horseeday in uu kor u qaado wacyigiisa. Wuxuu garwaaqsaday in afka hooyo aanu ahayn kaliya hab wax lagu sheegto, balse uu yahay hanka, himilada iyo asalka jiritaanka ruuxa. Sidaas darteed ayaa uu u qoray buuggiisii caanka noqday ee Decolonising the Mind, buug aan ahayn suugaan keliya, balse ah qaylo-dhaan, jiho tilmaam, iyo baaq feker. Wuxuu buuggaas ku caddeeyay in xorriyadda Afrika aysan suurtogal noqon doonin ilaa ay maskax ahaan xoroobaan, taasna ay bud-dhig u tahay sida ay ugu qancaan afkooda.

Go’aankaas ayaa sababay in xabsiga la dhigo, kadib markii uu qoray riwaayad af Gikuyu ah oo laga metelay “cadaalad darrada Kenya ka jirta” waana tan u horseedday in uu noqdo maxbuus fikir. Xadhiggaas waxa la rabay in lagu afjigo, balse halkii laga aamusiin lahaa wuu ku sii bullaalay—sidii dhuxul baansiin lagu shubay oo dab la qabadsiiyay. Intii uu xabsiga ku jiray ayuu bilaabay qorista buuggiisii caanka noqday ee Devil on the Cross, isagoo u adeegsanaya waraaqo yaryar oo xabsiga loogu geyn jirey. Buugga, waxa uu ku dhalleeceeyay nidaamka raasimaalka, iyo sida diinta, dhaqaalaha, iyo siyaasadda loogu adeegsado in lagu addoonsado dadka saboolka ah. Markaad eegto noloshiisa, waxaad dareemaysaa murugo aan hadal lagu koobi karin. Nin jeclaa dadkiisa, dalkiisa, afkiisa iyo dhaqankiisa laakiin aan helin fursad uu si xor ah ugu noolaan karo. Waxaa lagu xannibay afqalaad, lagu eryay hadalkiisa, laguna cunaqabateeyay fikirkiisa. Si kastaba ha ahaatee, Ngũgĩ ma uu ahaanin keliya halgamaa. Wuxuu noqday astaanta nolosha Afrikaanka doonaya in uu iskiis u fakaro, iskiis u sheekeeyo, iskiisna wax u qoro. Sidaas ayuu ku hantay abaalmarinno caalami ah, sida:

• Premio Nonino International Prize for Literature (2001)
• Noma Award for Publishing in Africa (1986)
• Park Kyong-ni Prize (2016)

Waxaa si joogto ah loogu tixgeliyaa abaalmarinta Nobel-ka Suugaanta. Wuxuu noqday halyeey dhaqameed aan codkiisa la aamusiin karin, iftiin maskaxeed ka dhex muuqda mugdiga uu gumeysigu kaga tegay qaaradda Afrika. Mar kasta oo la damco in laga hadlo xorriyadda afka hooyo, magaciisu waa baarka sare. Mar kasta oo laga hadlo hanashada Afrikaannimadana in uu noqdo dadka ugu mudan ee la xuso waa wax uu mutaystay, maya, waa wax uu u qalmo.

Noloshiisa wuxuu u hibeeyey su’aashii ugu weyneyd ee maskax kasta oo Afrikaan ah isweyddiin laheyd: “yaa inoo sheegaya sheekadeenna?” wuxuu nagu baraarujiyey in haddii aynaan innagu sheekadeenna qorin, ay dad kale naga qori doonaan. Aaminaddiisa ugu weyn waxa ay ahayd; in qoraalku yahay halgan, afku yahay hub, maskaxduna ay tahay goob dagaal. Waxa hortiisa yimi, in gumeysigu uusan ahayn kaliya askari haysta qori, balse uu yahay arday jecel wax kasta oo qalaad, hooyo quursanaysa magaca ilmaheeda, muwaadin nacaya luuqaddiisa, iyo qoraa u heellan af aan ahayn kii ay hooyadiis ku barbaarisay. Ngũgĩ wuxuu rabay in Afrika ay dib u barato in codkeedu yahay curin, afkeedu yahay aaminaad, dhaqankeeduna yahay damiir.

Ngugu, keliya kama uu tagin dunida balse waxa uu baaqi sii ahaan doonaa, hadba intii la akhriyo buugtiisa, la weeleeyo aragtiyihiisa, la falgalo fikradihiisa, la na xasuusto falsafaddiisa. Waxa uu qof kasta oo Afrikaan ah uga tegay; in uu IS-AHAADO, isla jeerkaasina yaqiinsado in afkiisu yahay asalka jiraalkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *