W/Q: Cafiifa Warsame
Buugga Maana Faay
Horadhac
Buugga Maanafaay waxaa qoray Maxamed Daahir Afrax. Waxa uu buuggu Ka koobanyahay 334 bog. Waxaa markii koowaad la daabacay 1979kii, todobo sana kadib markii farta Soomaaliga la qoray. Ma aqaan in uu yahay buugga koowaad oo ah sheeko faneed ku qoran af-Soomaali, ama kan labaad, ama kan sadexaad, laakiin waxaa xaqiiqo ah in uu ka mid yahay sheeko-faneedka Soomaaliga lagu qoray kuwa ugu da’da weyn uguna caansan.
Waa buug lagu cabiri karo dhinac walba, dhinac siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsheed, mid suugaaneed, adigu muraayadda aa doonto ku fiiri, waa buug aad dhinac walba u sharixi karto.
Buuggu waxa uu sawir guud ka bixinayaa noloshii xiliga nabadda, gumeystihii kadib. Waxa uu isku xirayaa noloshii, iyo dhaqankii hore ee Soomaalida, iyo marka dowladdu dhalatay oo nolosha casriga ay timaaday. Waxa uu sawir ka bixinayaa nolol is diidaan oo ka dhalatay nidaamyo is diidan, taasoo keentay qalqal dhaqan oo bulshada iyo shaqsiyaadkaba jug ku aheed. Waxa ay sheekadu taabanaysaa munaafaqnimada iyo laba wajiila-nimada dadka qaar, caruurta lagu soo koriyay lacagaha dadweynaha iyo nolosha raaxada leh booska laga aaminsanyahay in nolosha ay ka galaan, dumarka booska uu bulshada Soomaaliyeed uga jiraan, iyo loolanka ka dhexeeya ragga iyo dumarka, sabarka iyo jacaylka, saaxiibtinimada iyo kaashiga, xoriyadda, go’aanka iyo doorashada nafta, sida nidaamyada qaar ay u horseedaan dhibaato bulsho oo baahsan oo jiilba jiilba isku dhiibta, xeyndaabka ka dhexeeya qabiilada, iyo guurka ilma adeernimada, iyo sawir guud oo ku saabsan noloshii tacajubka lahayd ee burburka ka hor lagu noolaa.
Sheekada Buugga oo kooban.
Maanafaay waa gabaha sheekadu ay ku socoto. Waa Gabar qurxan, caqli badan, edeb badan, daacad leh, diin leh, aqoon leh, oo nugul oo isku dheeli tirin. Waxa ay leedahay astaan kasta oo qurxan oo qof dumar ah aad u yeeli lahayd ama ku tilmaami lahayd. Waxa ay kasoo jeedaa qoys u muuqda in uu yahay qoys dhaqankooda ku dhagan, qoyska ka danbeeya guurka qaraabada. Sidaas darteed Maanfaay waxaa loo qorsheeyay in ay guursato willka adeerkeed dhalay, walaalkeed na gabadha adeerkeed dhalay. Waxaana la go’aansaday in labada guurka ee afarta caruur ay hal maalin wada dhaco.
Maanfaay waxa ay leedahay saaxiib la dhaho Sahra oo ah macalimad. Sahara waxa ay la nooshahay abtigeeda Jaamac Dhageey. Abtigeed waxa uu dhalay will la dhaho Axmad. Axmad waa nin quruxlow ah, aqoon leh oo wadanka dibadiisa wax kasoo bartay, waa injineer ku kalsoon naftiisa, aqoontiisa, kartidiisa iyo daacadnimadiisa. Waa aqoonyahan aaminsan in waxa la shaqaysto la cuno, asagu kuma tashada nolosha gaaban ee dhacdhaca leh. Waa nin leh hami, go’on iyo qadiiyad isku dhafan oo ka dhalatay aaminsanaanta waxqabsashada iyo daacidnimada. Waxa uu aaminsanyahay in nolosha-lamaanenimo ay tahay mid qofkasta uu u baahanyahay, in nolosha-lamaanenimo ay tahay inta aad hurto jacayl iyo juhdi, iyo in uu heli doono gabar u qalanta jacaylkaas iyo juhdigaas oo ka mahadcelisa.
Axmed waxa uu saaxiib layahay Kulmiyo oo ah nin xun, oo naago badan, oo kalsooni isku qaban, oo dumarka la xifaaltama, oo iloowsan booska nin ka looga baahanyahay nooca uu yahay. Waa nin sas ka qaba dumarka, oo mooda in dumarka dhan isku maskax, isku fikir, iyo isku waxqabad ay yihiin, oo waxa kaliya ee dumarka kala duwa ay tahay midabka iyo qaab dhismeed jirka. Kulmiye, shuluqow, waa cunug kasoo jeeda qoys lacag heysta, waa cunug waxbarasho Talyaaniga loogu diray, kadibna asagoon waxbaran soo laabtay, si fududna shaqa u helay, shaqadiisana aan qabsan. Shaqada uu qabto waa in uu gabdho yaryar nolosha uu ka rido. Kulmiye waa uun kaliya wax iskuma tare, xaasid ah, raqiis ah, oo daciif ah maskax ahaan iyo dhaqan ahaan ba.
Kulanka Axmed iyo Maana
Maanfaay iyo Sahra ayaa kulmay, ayagoo wada joogo, Axmed ayaa yimid. Axmed aad ayuu ula dhacay asluubsanta Maanfaay ah, oo ah nooci la dhihi jiray waa xuural cayn aduunyo. Maanfaay marka ay tagtay, Axmed waxa uu Sahra u sheegay in uu ka helay Maanafaay, oo uu diyaar u yahay hadii ay isfahmaan in uu dhowrto oo uu guursado. Sahra aad ayeey u jeceshahay Maanfaay oo waa ay ixtiraamtaa. Axmad waxa ay u sheegtay in uu dhowro gabadhaas, waa ayna u balan qaaday in ay bari doonto.
Habeenkii danbe, sahro iyo saaxiibkeed ay mar dhaw is guursan rabaan, ina abtigeed Axmad iyo Maanfaay waxa ay wada aadeen Juungal. Maano waa markii u horeysay oo ay aado dibada xili habeen ah laakiin habaeenkaas aad ayeey ula dhacday qaabka Axmad u sheekeynayay, sida uu u dajinayay marka ay cabsi iyo walwal muujiso, sida uu u dhagaysanayay oo uu hadalka uga dhowrayay uguna dabcinayay. Axmed awalba waa uu Ka helsanaa Maanafaay, laakiin Maanfaay habeenkii marka ay guriga u soo noqotay kadib waxa ay bilaawday in Axmed ay danayso, taasoo markii danbe keenta in labadoodu ay isku sheegtaan dareenka ay wadaagaan.
Jaamac Dhageey iyo Amuurihiisa
Axmed waxaa aabo u ah, nin ay dhahaan Jaamac Dhageey, oo ah nin da’da dhexe ah oo u muuqda qof masuul ah. Waa nin markasta ilmahiisa ka wacdiya xumaanta, dhinacna waxa uu u sheegaa in ay dantooda raacdaan. Asagu waa agaasime xarun, laakiin sidaas oo ay tahay Axmed waxa uu u sheegaa dantiisa in uu raacdo oo uu san wadaniyadda ku sii dheeraan howlaheed.
Jaamac dhageey ilmaha nolosha uu ku koriyo iyo tan uu ku noolyahay waxa ay kala yihiin cir iyo dhul. Mar waa aabo wacdi badan, waa aabo dhowra gabdhiisa oo hormar la jecel, waa nin wanaagsanoo aan xaaskiisa la guursanin naag kale marna waa oday saqajaan ah oo dumarka islaameed ku iibsada lacgtiisa. Asagu xaaskiisa in uu san la guursan ayuu u balan qaaday, laakiin uma uu san balan qaadin in uu xaaraan ka fogaanayo. Mar waa aabo ilmahiisa dhaha dowladda waxba idin kama galine ee dantiina raacda, marna waa agaasime shaqaalihiisa ku booriya in dowladda daacad u ahaadaan. Munaafaqadda iyo laba gibileynta haddii la tilmaami lahaa waa Jaamac Dhageey.
Guurkii Maanfaay iyo Jahawareerkii
Maanfaay waxaa soo dhawaaday guurka lagu dari rabo wiilka adeerkeed dhalay, markii ay damacday in Axmed ay la wadaagtana waa ay weyday Axmed oo waxaa loo sheegay in uu magaalo kale uu shaqo u aaday. Maanfaay waxa ay soo aaday walaasheed Leyla oo awal ayadana in nin lagu qasbo la damcay laakiin keensatay qof ay is fahansanyihin. Leyla waa dhaqtarada, sidoo kale waxaa qaba Ciise oo ah nin shaqo kar ah, oo ka shaqeeya xarunta Axmed aabihiisa oo agaasimaha ka yahay. Ciise aad ayuu iskula jeclaaday dumaashidiisa Manafaay, iyo Axmed oo ah wiilka agaasimahiisa Jaamac Dhageey.
Maanfaay marka guurkeeda uu soo dhawaaday waa ay ka carartay guriga ciddeeda oo waxa ay aaday guriga walaasheeda Leyla, waxa ay la wadaagtay arinta ah in aysan rabin in ay guursato ninka lagu qasbayo, waxa ayn u sheegtay walaasheed Leyla in ay la wadaagto qoyska. Lelya waxa ay u tagtay hooyadeeda iyo aabaheed oo ay damacday in ay arinta ka dhaadhiciso, laakiin walidkeeda, siiba aabaheed, waa ay ku gacan seyreen, kadib Leyla waxa ay u soo noqotay gurigeeda.
Maanfaay qosyka adeerkeed oo wiilka laga siin rabay ayaa ogaaday in Maanfaay guurka wiilkooda aysan rabin, taas ayaa keenta in wiilka hooyadiis ay rabshad kiciso oo ay dhahdo wiilkeyga miyaa gabar loo tuug tuugaa. Dagaalka meesha ka qarxay waxa uu garay in labada qoys ay si xun isku dagaalaan ilaa la gaaro in hantida iskugu daran lakala qaato oo guurka kale xitaa la joojiyo. Maanfaay waxaas ma ogo.
Ceebeynta Maanfaay
Maanfaay waxa ay u carartay guriga Axmed, nasiib xumo ma uu san joogin, laakiin waxaa joogay Kulmiyahii waalnaa ee Axmed saaxiib ka ahaayeen. Marka uu arkay Maanfaay waxa uu go’aansaday in uu isku diro Axmed iyo Maana. Waxa uu dhaahay; “oo Maana Axmed in uu tagayo kuuma uu sheegin miyaa? isbuuc ka hor ayuu iclaaminayay in uu tagayo.” Maano oo taas ka xanaaqday ayaa waxa ay dareentay in ninka Kulmiye ahi uu ayada si kale u gaadgaadayo oo uu ku soo dha dhawaanayo taasoo kaliftay in runta ay indhaha ka saarto kana ay cararto. Marka ay guriga ka tagtayba, Axmed kii ayaa yimi. Kulmiye waa uu ogyahay in Maana ay sheegeyso waxa uu sameeyay, si taasi aysan u dhicin ayaa uu been kale maleegay. Waxa uu Axmed uu sheegay in Maana ay san ahayn gabadha la moodo, oo ay tahay qof xun oo qaraabato. Waxa uu ku sii daray in uu ku arakay ayadoo meel qaldan joogta. Axmed waxaas ma uu san rumeysan.
Maanfaay oo barooranaysa, ayaa islaani u timaaday, islaanta waxaa lagu magaacaaba Beydan. Islaantiiba ku tiri maxaa idin ku dhacay heedhaha, ayaguna waa ay u warameen. Islaantu maahan islaan quman, waa mid gabdhaha yaryar ee dheylada ah ka gada odayaasha waaweyn ee lacagta heysta. Odayaasha ay Beydan lacagta ka qaadato waxaa ka mid ah Jaamac Dhageey oo ah Axmad aabihiis. Dadka dhan waxa ay aaminsanyihiin in Jaamac dhageey uu yahay qof toosan. Laakiin Jaamac Dhageey oo gaari wata ayaa maalin maanfaay kasoo horbaxay, markaas ayuu ku bilaabay sheeko sheeko qaab daran. Maanfaay waa ay ka carartay laakiin asna gaarigii ayuu ku daba bursaday. Maano oo socota ayaa waxaa ka hor yimid Sahra. Markaas ayaa Maana tiri “Sahra nin kaas gaarigaas qaba ma aragtidoo waa i daba socday maanta dhan, waa oday shaxaari ah.” Laakiin sahra waa ay aqootay in gaarigu yahay midkii abtigeed. Ayadoo hoos ka xishooneysa, ayeey niyada iska tiri “oo gaarigu miyuu san ahayn kii abtigey? maya ma dhici karto. Waa la ceeboobay.”
Jaamac Dhageey oo soo arkooday Maanfaay ayaa u yimi duqda Beydan, kadibna waxa ay isla garteen in Maanfaay la soo xero galiyo. Duqda waxa ay tiri maanfaay wiil bey jeceshay, ka hor waa in aan qiilka been u soo sheegaa si laba dooda aan u kala geeyo. Beydan waxa ay u tagtay Axmed oo xafiiskiisa fadhiya markaas ayeey ku tiri ma taqaan gabahdaas, waxa uu ku jawaabay waan aqaan. Kadib ayeey u sheegtay in aysan ahayn gabar quman, oo meelaha jirka looga ganacsado ayeey aadaa. Axmed ma uu san rumeysan laakiin duqdu waxa ay ku tiri, waxaad imaataa saraha gaduudan oo xafaad ku yaall, adiga ayaa arki doona qofka maano ay tahaye.
Beydan waxa ay u timid Maano iyo walaasheed waxa ayna u keentay dhar ay iibineysay. Maano kama aysan helin dharka, laakiin duqdu waxa ay tiri xaafadda iigu imaaw kuwa badan ayaa yaal. Kadib Maan waxa ay aaday guriga duqda. Dhar badan ayaa loo keenay oo la tustusay. cabaar ayaa la daaliyay oo la dhahay sug mamo Beydan ayaa imaaneysa.
Axmed waxa uu yimi guriga Maano, waaa uuna ka waayay ka dib waxa uu ka raadiyay meeshii duqdu u tilmaamtay. Duqda awalba faji ayeey damacsaneed, dad qaba daran ayeey keentay meeshii Maana joogtay. Kadib Axmed waxa uu soo galay guryaha, saa waxa uu arkay Maano oo joogta meel lagu qayilayo, oo niban lugo iyo feera qaaqaawan ay joogaan. Maana marka ay Axmed aragtay waa ay ku soo oroday, laakiin Axmed waxa uu mooday in Maana noloshaan ay ku dhex jirtay. Marka maana u doo dhawaatay ayuu dharbaaxo qaadisiiyay, waa uuna ka tagay. Maanfaay waa ay suuxday.
Walaasheed leyla marka ay weyday Maanofaay ayeey raadin ugu dhaqaaqday, duqdoo dariska ah ayeey u sheegtay in Maano ay Beydan aaday. Duqdii ayaa tiri “Beydan maxaa wax idin kugu daray, maahan qof toosan, oo guryahaas lama aado waa guryo baas.” Kadib islaantii iyo Leyla ayaa baxeen oo raadiyay Maana, see waxa ay arkeen Maana oo meesha jiifta. Leyla wax ay mooday in Maana ay cabtay oo ayadu noloshaan dooratay, kadib ayadoo xanaaqsan, gaartayna go’aan ah in aysan ba sheegan ayaa Leyla gurigeeda u soo noqotay. Maanfaay Subaxdii marka ay kacday, waxaa caawiyay adeegtada guriga Faadumo yar. Kadib maanfaay waa ay carartay, waxa ay u tagtay Leyla laakiin Leyla waa ay soo ceyrisay, hadana Axmed ayeey raadisay. Laakiin axmed waa u udiiday markale ayuu indhaha kaga candhuufay oo uu dhahay iga daba har. Kadib waxa ay rabtay in ay is disho, oo sun in ay gadato ayeey damacday laakiin waxa ay ogaatay in boorsadii aysan heysan, oo boorsada duq Beydan ayaa ka qarisay si ay uga dhigto dabin ayuu ku soo noqoto.
Jaamac Dhageey dhooqadiisa
Marka Maanfaay guriga ay u soo noqotay Beydan oo boorsada ay raadsatay duq Beydan waxa ay iska dhigtay qof xalaal ah, waa ay sirsirtay, waxa ay na ka dhaadhicisay in la geynayo Guriga Filada. Maano oo aan aqoon meel ay aado ayaa u raacday guriga filada. Leyla iyo Ciise ayaa ka hadlay waxa dhacay, Ciise aad ayuu uga xumaaday in Maana la ceyriyo. Waxaa u timid Faadumo yar, oo ah adeegtada Beydani oo u sheegtay in Maanfaay gaari lagu qaaday oo guiriga filada la geeyay. Kadib waxaa wada hadlaya sahra iyo Axmed. Sahra ma aysan rumeysan waxa Axmed ka sheegay Maana. Kadib afartooda, axmed, leyla, Ciise, iyo sahra, waxa ay ogaadeen in arinta dhan ay tahay wax Beydan ay ka danbeysay. Waxa ay bilaabeen raadinta gabadha.
Beydan marka ay gabadha guriga geysay, lacag badan ayeey rabtay in ay ka aqaadato jaamac Dhagay, laakiin jaamac dhagay waa u diiday lacagta. Taasoo keentay in ay is dagaalaan. Beydan waxa ay aaday guriga Jaamc Dhagay. Naagtiiisa ayeey u soo sheegtey in ninkeeda naago kula jiro meel halkaan ah. Dariskii dhamaa ayaa yimi guriga filada. Shantoodii: Axmed, Leyla, Ciise, Sahra, iyo Faadumo Yar, ayaa taksi soo qaatay waxa ay imaadeen filada. Saa waxa ay arkeen Jaamac Dhagey iyo naagtiisa oo isku dhagan oo is dagaalayo. Jaamac Dhagay marka uu arkay in gabadha caawa uu rabay in uu xoogo ay tahay gabadha wiilkiisa guursan rabo, marka xaaskiisii ay ku qabatay, marka Ciise uu meesha joogo oo ah ninka uu agaasimaha u yahay, in Sahra ay joogto oo gabadhiisa ah, ayaa uu suuxdin la dhacay. Jaamac isbitaal ayaa loola cararay, waxaa qaaday ciise.
Dhamaadka iyo Arinta Beydan
Maanfay waxa ay baratay Axmed hooyadiisa, Axmed waa uu caafiyay Maana waa uuna raali galiyay. Leyla ayaa sheegtay in guurkii Maaafaay ee ina adeerkeed uu baaqday. Axmed iyo Maanana guurkooda ayaa la ogolaaday. Beydan ayaa la dhahay maxaa kugu kalifay inaad gabdhaha yar sidaas u gasho. Waxa ay sheegtay in gumeystihii Talyaanigu ay ku kalifeen in ay jirkeeda ka ganacsato. Gumeystaha shaqo ayeey sii diideen, markii dowladdu dhalatayna dowladdu shaqo ma siin, taasoo ku kaliftay in ay si kale nolol u dhacsato, marka ay ayadu duqowday oo jirkeeda qiimo goyn waayay, ayeey bilaawday in ay gabdhaha yar yar iibiso. Halkaas ayeey ku dhamaatay sheekada.
Qiimeynta Guud ee buugga
Buugga Maana Faay wuxuu leeyahay astaamo suugaaneed oo culus oo mudan in si qoto dheer loo eego. Marka la eego luuqadda uu qoraagu adeegsaday, buuggu waxa uu ku qoran yahay luuqad fudud oo nadiif ah, taas oo lahjadda Koonfurta Soomaaliya si hufan uga tarjumaysa. Waxa xiiso leh in luuqadda buugga la adeegsaday iyo tan aan maanta isticmaalno aysan farqi weyn u dhaxayn. Qoraagu wuxuu muujiyay heer sare oo faham luqadeed ah, isagoo si fudud oo qurux badan u gaarsiiyay akhristaha nuxurka iyo ujeedada uu doonayay.
Arrin kale oo aad u cajaa’ibka badan ayaa ah qaabka uu Maxamed Daahir Afrax uga hadlay fikirka ay ragga iyo dumarku ka haysteen midba midka kale. Inkastoo buuggu la qoray ku dhowaad afartan sano ka hor, haddana doodaha uu ka dhaliyay — sida isfahamdarrada ragga iyo dumarka, iyo fikirka la xiriira xiriirka guurka — waa kuwo weli maanta si aad ah uga jira nolosha bulshada Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, xaalada maanta caanka ah ee loogu yeero “Faarax iyo Xaliimo” oo ah sawirka is-faham la’aanta ragga iyo dumarka ee dhanka xiriirka iyo nolosha, waxay ahayd dhibaato jirtey xilligii buuggan la qoray. Tani waxay muujineysaa sida arrimaha bulshada Soomaaliyeed ay weli ugu hareeraysan yihiin dhibaatooyin is ku mid ah oo aan si dhab ah wax looga qabanin.
Intaa kaliya maaha, ee sidoo kale Maana Faay wuxuu si cad u muujiyay arrimo kale oo weli saameynaya bulshadeenna maanta, sida:
- Dadka wax barashafa u aada dalka dibadiisa, oo aan ka faa’iideysan fursadaha ay helaan ayagoo ku mashquulo waxyaabo raqiis ah.
- Fikradda liidashada leh ee qaar ka mid ah bulshada ka qabaan carruurta ka soo jeeda qoysaska hantida leh.
- Kala shakiga ka jira dowladda iyo shacabkeeda, taasoo ah in muwaadinku uu san u arkin shaqada qaran mid shaqsi ahaan faa’iido u noqon karta.
- In dumarka loo arko mid yaroo ay tahay in la guuriyo, mid jirkeeda ka ganacsata, mid shaqaysa oo guur ka daahday qof rabtaba aysan jirin loogana shakisanyahay waxyaabo qaldan, mid ninkeeda ka maseersan Ii raadinaysa buush kii uu fadhiistaba, iyo mid ayadu dumarka kale dabcan daabyadooda maleegeyso.
In kasta oo dalku uu soo maray isbeddello siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale, hadana dhab ahaan waxaa jira in dhaqanka ka turjumaya maskaxda ama hab fikir wadareed ka bulshada uu san wax is badal ah ku dhicin. Macanaha waxaa la moodaa in afartan sano kadib, dhaqan ka qaar ee Soomaalida aysan wax weyn iska beddelin. Isla arrimihii iyo caadooyinkii buugga lagu muujiyay ayaan maanta weli maalin walba la kulanaa, taas oo marag u ah in buuggani yahay mid ka sarreeya xilligiisa oo si qotodheer u taabanaya waaqiciga nolosheenna.
