W/Q: Casmi Bushaara – qoraa Filistiin
T: Cabdirisaaq Cabdiraxaam Cabdullaahi (Okiyaale)
Haddii taladu u wada toosto Trump iyo kooxdiisa yar, oo ay helaan fursado ku filan iyagoon la kulmin mucaarado gudaha ama dibadda ah oo miisaan leh, waxaa isbaddal weyn ku dhici doonaa dhaqankii soojireenka ahaa iyo qawaaniinta xiriirka caalamiga ah ee saldhigtay tan iyo dagaalkii 2aad ee adduunka. Waxaana loo guuri doonaa dhanka xukunka xeerka duurjoogta, halkaas oo ka xoogga badani uu cuno kan daciifka ah haddii uu cidlo ku helo.
Waagii nidaamka labada quwadood (Midowga Soofiyeet & Mareykanka) dunida ka talin jireen, waxaa jiray soohdinno aan rasmi ahayn oo u dhexeeyay aagag labada dhinaci ka talin jireen, waxeyna labada dhinac ku loolami jireen wixii ka baxsan aagaggaas. Xilligaasi waxey dunidu soo afjartay gumeysigii, sidaas awgeed labadii quwadood ee dunida ka talinayay waagaas midkoodna ma awoodin inuu si cad oo bareer eh ku weeraro dal isagoo dano dhaqaale ka raba, xitaa dalkaasi haku jiro gudaha aagga uu xukumo. Hase ahaatee, waxey quwadahaasi adeegsadeen marmarsiyooyin kale sida shuuciyadda, dimuqraadiyadda, ama la dagaalanka shuuciyadda si ay u sharciyeeyaan qabsashada dalalka kale.
Kadib burburkii nidaamkii labada quwadood, ma abuurmin nidaam dhinacyo badan sida la sii saadaaliyay, balse waxaa dhacaday in Mareykanku noqdo quwadda dhexe ee dunida ka talisa, inkastoo ay jiraan quwado-goboleedyo miisaanka dheelitiri kara. Xitaa markii Shiinuhu noqday quwad dhaqaale oo weyn oo la tartami karta Mareykanka, haddana weli siyaasad ahaan iyo istaraatiijiyad ahaan wuxuu yahay quwad-goboleed.Nidaamka kan ee halka quwad ka taliso, wuxuu waligii sheeganjiray inuu ixtiraamayo nidaamka iyo xiriirada dalalka ka dhaxeeyo, sidoo kalana ilaalinayo xeerarka caalamiga ah, hase ahaatee waa sheegasho laba weji leh.
Maanta, waxaa si tartiib tartiib ah uga muuqda hab-dhaqanka Mareykanka inuu soo ifbaxooyo nidaam cusub oo caalami ah. Nidaamkani cusubi waxaa ku wada jira quwado waa weyn oo dhamaantood laga rabo iney qiraan awoodda ugu weyn nidaamka oo eh Mareykanka. Halka iyaguna loo oggolaan doono inay ka taliyaan aaggagooda si ay u la jaanqaadaan duruufahooda, balse waa inay si sandulle eh ku aqbalaan in Mareykanku ka gacansarreeyo dhaqaale ahaan, isagoo miisaanka-ganacsiga u weecinaya dhankiisa, taasoo Mareykanku ku muteystay awooddiisa milatari iyo dhaqaale oo kaliya, maaha iyadoo uu heysto saaxiibo, ama mashruuciisu soo jiidasho leeyahay, am uu bixinayo gargaar, ama madax u yahay “waddamada xorta”; Mareykanku wuxuu rabaa inuu sii ahaado awoodda koobaad ee dunida iyadoo wax masuuliyad ehna dusha laga saarin.
Mareykanku wuxuu dhabarka u jeediyay dalalkii gaashaanbuurta la ahaa, isagoo ku dhaqaaqay siyaasadda “America First“, sidey u dhigeen qolada yari (Oligarchy) ee talada haysa ee danahooda gaarka ahi ku haga siyaasadda Mareykanka. Qoladaani waxey karkarinayaan nidaam hor leh oo dan ka laheyn xorriyaadka iyo daryeelka bulshdada, waxey rabaan iney dhisaan dowlad awood badan balse aan daryeeleyn muwaadiniinteeda sidoo kale aan xakameyneyn shirkadaheeda, xitaa ma rabaan in la dabro mashaariicda garaadka-macmalka. Waxaa muuqata in madaxda shirkadaha teknoolojiyadda ay garteen ka hor doorashadii Mareynka in danahooda aysan la jaanqaadi karin xoriyadda dimuqraadiyadda ee waa soo taageerijireen, balse ay la jaanqaadi karaan xagjiriinta midigta oo aan wax carqalad eh hordhigeyn teknoolojiyadda sidoo kalana dhowraya danahooda caalamiga eh, sidaasi bay ku la safteen xagjiriinta garabka-midig. Halkaasina waxaa ku bahoobay madaxdii shirkadaha garaadka-macmalka, hantiilayaashii, iyo damiinadii siyaasadda.
Inkastoo mowduucaani u baahanayahay falanqeyn madaxbanaan, haddana waxaa naga quseysa iney hal mar wada kulmeen siyaasaddii Mareykanka oo ka weecatay waddadii dimuqraadiyadda iyo soo ifbaxa hunguri xarkagoostay; Mareykanku wuxuu si aan qarsoodi lahayn u sheegay inuu doonayo inuu gacanta ku dhigo Kanaalka Panama, mar kalana wuxuu sheegay inuu rabo inuu kala wareego Denmark jasiiradda hodanka ku eh macdanta ee Greenland, markalana wuxuu caddeeyay inuu rabo iney noqoto Kanadagobol isaga raacsan. Intaas waxaa dheer, Mareykanku wuxuu bilaabay inuu jabiyo nidaamkii ganacsiga xorta ah, isagoo sare u qaaday canshuuraha ganacsiga, xitaa ku soo rogay waddamadii saaxiibka la ahaa. Siyaasadda “America First” “Make America Great Again” waxay meesha ka saartay farqiga u dhexeeya dalka saaxiibka eh iyo kan cadawga eh, waxayna ku salaysantahay fowdo gudaha eh iyo isballaarin dibadda eh. Dimuqraadiyadda lafteedu ayaaba mudnaan laheyn, waana caqabad sida uu qabo madaxweynaha cusubi.
Khudbadaha Trump iyo kooxdiisa jeediyeen waxaa laga dheegtay inay u qirayaan Ruushka aag uu leeyahay, danihiisa ka ilaashado, kuna saxanyahay howlgalka uu Yukreyn ka wado, sidoo kale waxey u qireen Shiinaha aag kale uu danihiisa ka ilaashado, halka ay Taiwan masiirkeedu iyada uun u dhaafeen. Dhanka kale Trump iyo kooxdiisa waxey amreen Kuuriyada Koonfureed, Jabaan, iyo wadamada Yurubta Galbeed inay xil iskasaaran difaaca dhulkooda. Hoggaamiyaasha cusubi ee Mareykanka waxay sidoo kale si cad u diidanyihiin siyaasadda ku dhisan dimuqraadiyadda iyo xuquuqaha bulshada ee Yurub ka jirta, waxayna badalkeeda si aan ganbasho laheyn u taageeraan xisbiyada midigta fog ee Yurub ka jira.
Intaas waxaa dheer, hoggaamiyaha kan ee galay Aqalka Cad bishii Janaayo ee sanadkaan, wuxuu jecelyahay inuu heshiisyo la galo hoggaamiyeyaasha awoodda leh, iyadoo aan loo eegin waxa ay ka wadaan dalalkooda—ma jiraan qorshayaal uga degsan arrimaha xuquuqda aadanaha.
Nidaamkani cusubi weli si buuxda u ma saldhigan, inuusan saldhigan ayaa laga yaabaa; waxaana soo karkarooya mucaaradnimada gudaha Mareykanka, balse waxey soo wada bixi doontaa xilliga doorashooyinka dhexe ee Congress-ka; ama xilli ka sii horreeya, laga yaabaa, sababtoo eh waxaa cirka ku sii shareeraya dhaqannada kaligiitalisnimada, iyadoo garabsocoto korarka dhibanayaasha nidaamkani, hadday yihiin kuwa dhibane u eh shaqaalaha la dhimay ama dhibane u eh canshuuraha lagu kordhiyay ganacsiga. Geesta kale, wali ma abuurmin mucaarad caalami ah, balse waxaa jira jahwareer iyo shaki baahsan, laakin xaalku sidaan ma sii ahaandoono. Malaha ah inuu nidaamkani yeelandoono mucaarado caalami eh, waa mid muuqato oo aynaan halkaan ku soo wada koobi karin, balse way muuqataa in nidaamkani ka hor imaandoono danaha dalal waa weyn ha ahaadaan reer Yurub ama meelo kale oo iyagun is-hortaagi doonaan.
Si nidaamka cusubi u abuurmo, Mareykanku wuxuu ku dhiirrigelinayaa Israa’iil inay xoog ku muquuniso Falastiin, Suuriya, iyo Lubnaan, sababtoo eh wuxuu u aragyaa iney tahay Israa’iil awood ugu xooggaan gobolka, ugana diyaargarow badan, sidey muujisey labadii sano ee ugu danbeeyay, halka dalalka Carabtuna muujiyeen itaal yari.
Su’aasha taagan waa: Ma noqon doonaa dhulka Shaam aag Israa’iil ka taliso? Sideena loo hor istaagi karaa arrintaasi?
Israel waxay waayadaan danbe ku xadgudbeysay dhulka Shaam si bahalnimo eh. Mareykankuna raali buu uga yahay. Intaas waxaa dheer, Taliska Mareykanku wuxuu lacag iyo taageero la garabtaaganyahay Israa’iil, isla jeerka uu dhabarka u jeediyay saaxiibadiisa kale ee adduunka. Israa’iil kaliya u ma aha Mareykanku dal gaashaanbuur la eh, ee waa gacal aad ugu dhow.
Geesta kale, taliska Mareykanku waxey ka rabaan dawladaha Khaliijka lacago (isugu jira maalgashi gudaha Mareykanka, kordhinta gadashada hubka Mareykanka iyo kuwa kale) si ay u helaan ilaalinta Mareykanka. Halka koox dalalka carbta ka mid ahi ay Israa’iil u wakiisheen inay wiiqdo garabka iska-caabinta iyo iney yareyso saameynta Iiraan ee gobolka. Muddo laba sano eh ayayna Israa’iil waddaa howgal dhiig badani ku daatay, iyadoo ku bilowday xasuuqa Qasa, uga na sii gudubtay baabi’inta dhulka Falastiin qeybihiisa kale iyo duminta Lubnaan; walina Israa’iil waxey isku sii fidinaysaa dhulka Shaam, bacdamaa ay maqantahay iska-caabintii dalalka carabta. Waa iska caddahay Israa’iil iney weeciday howshii loo wakiishay.
Nasiib darro, dalalka Carabta ee ku hareereysan Filisdiin isku ma dayin iney dagaalka joojiyaan ka dib markuu isku baddalay xasuuq, xittaa waxey ku guuldarreysteen iney u gargaaraan dumarka, caruurta iyo waayeelka iyagoo u maraaya iney ku qasbaan Israa’iil iney fasaxdo gargaarka loo waddo marinka Qasa; guuldarradaasina waxey ku tahay wajigabax iyo sharafdhac dalalka carabtu dareemihayaan. Waa kuma ka isku halleyn dooona hadda ka dib dalalka carabta ee itaalyaridoodu gaarsiisantahay heer xitaa aysan awoodin iney dooriyaan ra’yal caamka bulshadooda?
Arrinku waa ka sal ballaaranyahay soo afjaridda garabka iska-caabinta ee hortaagan caadiyeynta (normalization) xiriirka Israa’iil iyo sidoo kalana hortaagaan sameysanka dalal gaashaanbuur le eh Mareykanka oo teedsan Delhi ilaa Tal-abiib. Waxaa inoo caddaatay in Israa’iil ku guuleysan karin soo afjaridd garabka iska-caabinta, sidoo kale waxaa iska cad ineysan awoodin iney meesha ka saarto caadifadda bulshaweynta carabta u hayaan qadiyadda Filisdiin. Hase ahaatee, Israa’iil waxey ka faa’ideysanee maqnaanshaha dal is-hortaagi kara ama koox mucaaradi karta oo gudaheeda ka jirta, sidaas darteed waxey rabtaa iney gaarto ujeeddooyin gurracan oo ay ku taammeysay waligeed, sida barakicinta filisdiiniyiinta, iyo qaadasha Daanta Galbeed; balse waxey moogtahay in ujeeddooyinkaasi ay caqabad ku noqon doonaan caadiyeynta xiriirkeeda. Intaas waxaa dheer, taageerada dabar la’aanta ee uu Mareykanku u fidinayo Israa’iil u ma gogolxaari doonto sidey filayaan carabta qaar sameysanka xiriirka Carabta iyo Israa’iil, balse waxey u gogolxaareysaa qabsashada Israa’iil dhulka Shaam. Ugu yaraan ha sii ogaadaan dalalka dagani ee raba iney xiriir la sameeyaan gumeystaha Israa’iil, qaankaani ayuu ahaan doonaaye.
Wax natiijo oo waxtar leh kama dhalan doonto sugitaanka dagaalka Iiraan lugu qaadi karo, sida aysan waxtarba uga soo bixin sugiddii natiijadii dagaalka Muqaawamada reer Filisdiin… Israa’iil waxey geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidey u abuuri lahayd jawi siyaasadeed cusub, kaasoo u suuragalinaya gacansarreynta “galka Falastiin”, keligeed ka taliso dhulkaas, cidina aysan soo faragalin karin, baaqa nabadeed loo la imaan karin. Sidoo kale hoggaanka Israa’iil waxey rabaan iney gacanta ku dhigaan maamulka Suuriya iyo Lubnaan; waxaana garab ku siinaya Mareykanka, oo gaaray heer uu ugu baaqo hoggaamiyasha Carabta iney u daba fariistaan Nitanyaahu arrimaha gobolka.
Israaiil waxey is-hortaag ku waddaa maamulka dhawaan Suuriya la wareegay, waxeyna si joogto ah uga fulisaa duqeymo sabab la’aan eh, oo kaliya lagu sababeyn karo iney awooddeeda ku muujineyso, sidoo kale waxey ku dadaali haysaa iney noqoto koonfurta Suuriya aag iyadu maamusho, halka waqooyiga Suuriyana tahay aag Turkidu maamulaan. Waxey kale ay rabtaa iney hubka ka dhigto Xisbullaah, kana dhigto Lubnaan dal aan hub lahayn.Qorshahaasina waxaa taageeraya Mareykanka iyo dawladaha Carabta qaarkood, waxeyna cadaadis ku saareen xukuumadda Lubnaan iney hub ka dhigis ku sameyso Xisbullaah, taasina waxey holcin kartaa dagaal sokeeye oo hor leh.
Xilliga kan ee Israa’iil ay haysato qeybo ka mid eh dhulka Suuriya iyo Lubnaan, walina xadgudub ku hayso, in Suuriya ama Lubnaan wadahadal la furaan waa gaf, laga ma yaabo iney Israa’iil wadahadal uga baxdo gobolka Juulaan ee ku laabato xuduuddii 1967, iskaddaa iney taasi sameysee ee waxey ballaaarin doontaa faragalinta arrimaha gudaha ee labadaasi dal. Jidka kaliya ee looga hortagi karo qorshaha Israa’iil ee ka dhanka eh Suuriya, waa in Suuriya laga dhisaa nidaam qaran oo mideynaya dhammaan qeybaha bulshada oo ka fogaanaya faquuq iyo qoqob. Sidoo kale, waxay u baahan yihiin Lubnaan iyo Suuriya iney ka wada shaqeeyaan danahooda kana gudbaan khilaafaadkii hore. Waxaa jira hal xeer oo saldhigtay tan iyo bilowgii dagaalka oo eh: wax kasta oo dheef u eh dalalka Carabta wuxuu dhib u yahay Israa’iil.
Haddii aan isbarbardhigno xadgudubka kan ee xarga-goostay ee ay maanta Israa’iil waddo, iyo waagii ay aamusnaanta ku dadaali jirtey si ay u damqin boogaha waddamada Carabta ee saaxiibada la eh ama dhowrjirtay ra’yal caamka bulshooyinka carabta sida xilligii dagaalkii Ciraaq, ama xilliggii kacdoonka Masar, waxaa inoo soo baxaya inuu isbaddal weyni dhacay.
Xeerarka Caalamiga waxey qabaan dalkii ku xadgudba dal kale, in sharuucda caalamiga eh qabtaan, ama awood looga hortago, balse Israa’iil sharci qabta ama awood waabisana mdina ma jiro. Hase ahaatee, awoodaha keliya ee saaxadda ku jirta ee diyaar u eh ka hortagga Israa’iil waa ururada iska-caabinta, kuwaas oo mar walba noo muujiyay saxnaantooda, iyagoo go’doonsan xitaa awooda iney iska-caabin sameyn karaan.
Intuu socday dagaalka Israa’iil ay ku qaaday Qasa, waxay dalalka Carabty mid kasta ku dadaashay iney dhowrto danaheeda gobolka iyo kuwa caalaamiga, gaar ahaan xiriirka Maraykanka. Mana jiro dal abuuray aragti Carbeed ama goboleed oo ugu yaraan isku dhafan oo lagu wajahayo caqabadaha gobolka ka jira. Xitaa markii dagaalku isu beddelay xasuuq, la ma arag dowlad Carbeed oo isku taxalujineysa in la joojiyo dagaalka, xitaa lama arag dal hal mar ku hanjabay inuu xiriirka jari doono. Run ahaantii dowladaha Carabta way awoodaan inay joojiyaan dagaalka, welina fursaddaasi way haystaan, balse waa haddii ay jirto doonis dhab ah.
Waxaa la gudboon qof kasta oo caqli leh inuu fahmo, inaysan ku jirin danta dowladaha Carabta – xitaa kuwa gaashaanbuurta la ah Maraykanka – iney noqoto Shaam aag ay Israa’iil gacanta ku hayso. Waxeyna haystaan Carabta awood ballaaran, kuna qasbaneyn iney wada adeegsadaan, ee ayna ku jooji karaan Shaam iney noqoto aag Israa’iil leedahay. Laakin, waxey u baahanyihiin inay ka gudbaan khilaafaadka iyo colaadda dhexdooda ah, isla markaana ay beddelaan habka ay wax u arkaan si ay u gaaraan is-afgarad ku aaddan joojinta mashruucaan halista ah. Waxaana habboon in mowqifkan lagu xoojiyo nidaam amni-goboleed ah oo qeyb ka yihiin Iran iyo Turkiga, iyadoo la xaqiijinayo xurmadda madax-bannaanida buuxda ee dowladaha Carabta, sidaasina waxaa meesha uga baxaaya ku tiirsanaanta ilaalinta Maraykan ama Israa’iil. Nasiib xumo, waxaa laga yaabaa in arrintaan oo dhami ay u ekatahay riyo-maalmeed iyo rabitaan keliya, dagaalkii Qasa ayaa na baray ineysan kuwa dhintay waxba maqleyn ee lugu daalayo lee! Laakiinse qormadaan waxey muujinee siduu xaalku yahay – inkastoo qoraagu si qoto dheer ugu niyadjabsan yahay suurtagalnimada in dowladaha Carabta ay beddelaan aragtidooda.
Haddii dowladaha Carabta ay ku guuldareystaan inay wax ka qabtaan qorshahaan khatarta leh, waxaa saldhigan doona xaalad cusub oo ay isku arki doonaan iyaga oo hoos imaanaya taliska Israa’iil. Tani dal ay dani ugu jirto ma leh. Waxey ahaataba, gacansarreynta Israa’iil ma saldhigan doonto mustaqbalka fog, maxaa yeelay waxaa bahoobi doono isdiiddooyinka bulsho iyo siyaasadeed ee dunida Carabta iyo qadiyadda Falastiin iyo diidmada gacansarreynta Israa’iil. Dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ay waddo ayaaba ku abuuray bulshaweynta carabta carro iyo kacsanaan weyn oo ku faaftay guud ahaan dalalka Carabta – welina si buuxda looma ogaan saamayntiisa iyo baaxadda uu leeyahay.
Dhamaad.
Qormada asalka: البيئة الدولية الجديدة… فرض منطقة نفوذ إسرائيلية على المشرق العربي – عزمي بشارة
