Sida ay Abu Dubai u dhistay jiridda gooni-u-goosadka ee Carabta iyo Afrika

Sida ay Abu Dubai u dhistay jiridda gooni-u-goosadka ee Carabta iyo Africa

Waxaa qoray: Dr. Andreas Krieg oo ah ku xigeenka Waaxda Daraasaadka Difaaca ee King’s College London.
Turjumid: Axmed Dhahar

Imaaraadka iyo Xasuuqa Suudaan

Horaantii bishan, dowladda Suudaan waxay maxkamad la tiigsatay Imaaraadka Carabta, iyada oo ku eedaysay inuu “ku lug leeyahay xasuuqa” dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan. Kiiskan wuxuu iftiiminayaa shabakadda Abu Dhabi oo si firfircoon u taageerta dhaqaale iyo hub ahaanba Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), koox hubaysan oo aan dawli ahayn, taas oo dagaal kula jirta dowladda Suudaan.

Shabakadda Qarsoodiga ah ee Imaaraadka

RSF waa hal xariiq oo keliya kana mid ah shabakad ballaaran oo Imaaraadku dhistay tobanaankii sano ee lasoo dhaafay. Boqortooyadan yar ee Khaliijka waxay maal-gelisay ururo gooni-u-goosad doon ah oo ka jira Liibiya, Yemen, Suudaan, iyo Soomaaliya, iyada oo u adeegsanaysa kooxo wakiillo ah si ay u ballaariso saameynteeda istiraatiijiga ah.

Imaaraadku wuxuu dhisay shabakad la mid ah “isku-xidhka iska-caabbinta” ee Iran, oo ah ururo hubaysan oo xambaarsan mabda’a kacaanka Islaamiga ah. Si la mid ah, Imaaraadku wuxuu abuuray “isku-xidhka gooni-goosadnimada,” kaas oo ah kooxo aan dawli ahayn oo si wadajir ah uga shaqeynaya burburinta kacdoonnada gobollada Carabta.

Waxaa isbarbar-dhig mudan in Imaaraadku, inkasta oo uu rabo xasillooni dowladeed, haddana uu la jaanqaaday hoggaamiyeyaal hubaysan oo xasilloonida dowladaha bartilmaameedsaday.

Istaraatiijiyadda Abu Dhabi: Xukun Adag iyo Hoggaamiyeyaal Hubaysan.

Imaaraadka, oo ah waddan yar saliidana hodan ku ah dadkiisu kooban yahay, wuxuu mar walba ku tiirsanaa wakiillo si uu u fushado danihiisa siyaasadeed. Markii kacdoonnadii Carabtu qarxeen 2011, Imaaraadku wuxuu dareemay baahi degdeg ah oo uu u qabo xulafaysi cusub si uu u xakameeyo kooxaha kacaanka ee raba inay meesha ka saaraan kalitalisyada Carabta. Ugu horrayn, Abu Dhabi waxay diiradda saartay la dagaallanka Ikhwaanul Muslimiin iyo ururrada Islaamiga ah ee sida weyn u abaabulnaa.

Bani Fatima: Saddexda Nin ee Xukuma Imaaraadka

Imaaraadku waa isbahaysi ka kooban toddobo ameeradood, balse Abu Dhabi iyo qoyska Al Nahyan ayaa gacanta ku haya talada. Tan iyo dhibaatadii dhaqaale ee 2008-dii ee ku dhufatay Dubai, saddexda walaalaha ah ee—Mohammed, Mansour, iyo Tahnoon bin Zayed—ayaa si buuxda u xukuma maaraadka.

Saddexdan nin, oo loo yaqaan Bani Fatima, waxay dhiseen shabakad ganacsi iyo mid amni oo si toos ah ugu adeegeysa siyaasadda Imaaraadka. Waxay maalgeliyeen shirkado ganacsi, shirkado amni oo gaar loo leeyahay, iyo xulufo siyaasadeed si ay ugu xoojiyaan saameyntooda gobollada Carabta iyo Afrika.

Markii ay arkeen in wakiilladoodu aysan si buuxda u hanan karin dowladaha bartilmaameedka ah, waxay billaabeen xeelad ah “qaybi oo xukun”, taasoo ka shaqeysa kala qaybin dowladaha iyo kobcinta xasillooni darro joogto ah.

Liibiya: Sheekadii Kowaad ee Wakiillada Imaaraadka

2014, Imaaraadku wuxuu bilaabay inuu si toos ah u maalgeliyo dagaalyahankii hore ee Qaddafi, Khalifa Haftar. Isku-daygii ugu horreeyay ee Haftar uu kaga dhawaqay YouTube inuu xukunka la wareego waa lagu guuldarraystay, balse Imaaraadku wuxuu isla markiiba u rogay olole dhameystiran oo “ka hortag kacdoon.”

Wuxuu abuuray Ciidamada Qaranka Liibiya (LNA), oo dhab ahaantii ah urur ay isku xiran yihiin maleeshiyaad kala duwan. Haftar wuxuu gacanta ku dhigay bariga Liibiya, wuxuuna isku dayay inuu ka takhaluso dowladdii UN-ku aqoonsanaa, balse wuu ku guuldareystay.

Waxaa xusid mudan in Imaaraadku uu si toos ah u siinayay: Taageero dhaqaale. Taageero ciidan iyo sahayda hubka. Taageero dhinaca warbaahinta si loo dhiso xasaanad siyaasadeed. LNA waxay noqotay awood ka madax-bannaan dowladda Liibiya, iyada oo xakameynaysa gobollada bariga, halkaas oo ay degaansadeen qabiilo horey u tirsanayay cadaalad darro.

Yemen: Imaaraadka oo Ka Faa’iideystay Xasaraddii

2015, markii uu ku biiray dagaalkii uu Sacuudigu kula jiro Xuutiyiinta Yemen, wuxuu helay fursad uu ku xoojin karo saameyntiisa. Markaas oo ay Xuutiyiintu duqeeyeen saldhig Imaaraadku lahaa, waxay go’aansadeen in ciidamadooda ay yareeyaan, iyaga oo dagaalka u dhiibaya wakiillo maxalli ah.

Sidaas ayuu Imaaraadku u dhisay Ciidanka (SBF) iyo Golaha Ku-Meelgaarka Koonfureed (STC), oo ah ururro taageersan gooni-u-goosadka Koonfurta Yemen. Imaaraadku wuxuu si toos ah uga faa’iideystay kala qaybsanaanta Yemen, wuxuuna gacan weyn kaga helay saldhigyo istiraatiiji ah sida dekedda Aden iyo marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.

Suudaan: Imaaraadka oo Taageeraya RSF

Suudaan waxay Imaaraadka u ahayd waddan muhiim ah oo dhanka dhaqaale iyo siyaasadeedba ah. RSF, oo asal ahaan ahayd ciidan u adeegayay madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir, waxay noqotay awood madax-bannaan, iyada oo dhaqaaleheeda ka helaysa:
1) Dhoofinta Dahabka iyada oo loo sii marayo Imaaraadka
2)Lacagaha laga helo dagaalka Yemen, halkaas oo RSF ay u dirto kumannaan dagaalyahanno ah.
3) Xidhiidhka tooska ah ee ay la leeyihiin ganacsatada Imaaraadka, kuwaas oo fududeeya ganacsigooda.

Markii ay dhacday kacdoonkii Suudaan ee 2018, Imaaraadku wuxuu arkay fursad uu ku bedalli karo hoggaankii Suudaan, balse halkii ay dowlad xasillooni uga dhalan lahayd, dagaalkii sokeeye ee 2023 ayaa qarxay. Imaaraadku wuxuu markale taageero siiyay Hemeti, hoggaamiyaha RSF, iyada oo loo adeegsanayo hub, lacag, iyo xiriir ganacsi.

Gunaanad: Imaaraadka iyo Xasillooni La’aanta Siyaasadeed

Si guud, Imaaraadku wuxuu ku shaqeynayaa istiraatiijiyad ku salaysan:

1) Isticmaalka wakiillo si uu u gaaro danihiisa siyaasadeed
2) Maalgelinta kooxaha hubaysan si ay u xakameeyaan gobollada muhiimka ah
3) Is-dhexgelinta dhaqaalaha iyo siyaasadda gobollada si ay u noqdaan kuwo la’aantooda aan la maarayn karayn.

Halka waddamo sida Shiinuhu ay ku helaan saameyn dhaqaale, Imaaraadku wuxuu isku xidhaa kooxaha hubaysan, ganacsatada, iyo siyaasiin maxalli ah, isaga oo ka dhiganaya awood xakameysa go’aannada gobollada Carabta iyo Afrika.

Xaqiiqadu waxay tahay in Imaaraadku uu si xeel-dheer ugu milmay burburka dowladaha qaar, isaga oo abuuraya nidaam cusub oo ku tiirsan shabakado qarsoodi ah oo dhaqaale, amni, iyo siyaasadeed ba. Tanina waxay su’aal gelinaysaa in Imaaraadku yahay xasillooni-doon, mise qalalaase-abuur?

Hubaynta LNA iyo Dagaalka Suudaan

Sanadkii 2020, Imaaraadka Carabta (UAE) wuxuu dib u buuxiyey kaydka hubka ee Ciidanka Qaranka Liibiya (LNA), taasoo u sahashay Hoggaamiyaha LNA, Khalifa Haftar, inuu hub siiyo xulafadiisa Suudaan, isaga oo si dadban uga ilaalaya Imaaraadka eedeyn caalami ah.

Markii dagaalka Suudaan cirka isku shareeray, Jabhadda RSF waxay aad ugu baahatay hub fudud, gantaallo, madfacyo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones). Si loo qariyo shixnadaha sharci-darrada ah, Imaaraadka wuxuu adeegsaday shirkado xagga saadka ah oo fadhigoodu yahay Dubai, kuwaasoo hubka ku geynaya Chad iyo Uganda, halkaasoo markale looga gudbinayo Darfur.

Qaar ka mid ah shabakaddan waa kuwo is-maalgeliya. Qoyska Hemeti—hoggaamiyaha RSF—waxay ku leeyihiin meelo badan ganacsi ka dhisan, sida macdan qodis, shirkado ganacsi, shirkado hor dhac ah iyo akoonno bangiyo oo dhammaantood isku xirma Dubai. Dahabka laga qodo dhulka ay RSF maamusho ayaa loo duuliyaa Dubai, halkaasoo lacag loogu beddelo, kadibna lagu kaydiyo bangiyada Imaaraadka. Lacagtan ayaa markaas loo adeegsanayaa bixinta mushaaraadka, kiraynta diyaaradaha xamuulka, iibsiga hubka iyo gaadiidka, iyo xitaa kiraynta shirkado PR ah iyo ciidan calooshood u shaqeystayaal ah.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay shirkado badan oo Imaaraadka fadhigoodu yahay, kuwaasoo gacan ka siinayay RSF in ay hesho qalab ciidan, laguna xiray shabakadda calooshood u shaqeystayaasha Wagner. Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa shabakaddan siiyay dhammaan kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah in la abuuro silsilad qiimeed—laga soo bilaabo dahabka laga qodo dhulka ilaa hubka lagu gaarsiiyo jiidda dagaalka ee RSF.

Dhinaca kale, shabakadaha warbaahinta ee Imaaraadka waxay Hemeti siiyeen fursad uu iskaga dhiso sumcaddiisa. Iyadoo cadaadiska caalamiga ah ee saxaafaddu sii kordhaysay, laguna eedeeyay RSF xasuuq ka dhacay Suudaan, ayuu Hemeti isticmaalay shirkado PR ah oo Dubai fadhigoodu yahay si loo hagaajiyo muuqaalka RSF, looguna ekeysiiyo koox sharciyaysan. Inkastoo Imaaraadku isku dayay in RSF loo dhiso sawir ka duwan kan milatariga caadiga ah, haddana dadaalladan waxaa wiiqay dacwadda xasuuqa ee maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

Qaybi oo Xukun – Istaraatijiyadda Imaaraadka ee Soomaaliya

Soomaaliya waa wadnaha istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika. Qiimaheeda juqraafiyeed iyo marin-badeedkeeda muhiimka ah ayaa Imaaraadka ka dhigay kuwo dan weyn ka leh Soomaaliya ilaa sanadkii 2010-kii.

Imaaraadku wuxuu Soomaaliya u arkay meel muhiim u ah istiraatijiyaddiisa isku xirka gobollada iyo abuurista is-maamul ku tiiraan lana hubayn karo. Shirkadaha dowladda Imaaraadka ee DP World iyo AD Ports waxay u arkeen Soomaaliya inay tahay meel ku habboon dhismaha xarumo ganacsiyeed.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Imaaraadka iyo dowladda federaalka ee Muqdisho wuxuu ahaa mid aan degganayn, taas oo adkaysay in Imaaraadka uu saameyn joogto ah ku yeesho. Sidaas darteed, wuxuu doortay inuu si toos ah ula macaamilo maamullada kala duwan ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa doonaya gooni-isu-taagga dadban ama muuqata. Markii Imaaraadku ogaaday in dowladda federaalka aysan dooneyn inay kaligeed ku tiirsanaato, wuxuu doorbiday in uu xeeladiisa beddelo.

Sanadkii 2010, Imaaraadka wuxuu abaabulay ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo ka howlgala Puntland si ay la dagaallamaan burcad-badeeddka. Ciidankan, oo la magac baxay Puntland Maritime Police Force (PMPF), waxaa maamuli jirtay shirkad Imaaraadka fadhigeedu yahay, taas oo jebisay cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ku soo rogay Soomaaliya. Ciidankan wuxuu si toos ah ugu xirmay madaxda Puntland, isaga oo jebinaya madax-bannaanida dowladda federaalka. Imaaraadku wuxuu bixinayay mushaaraadka ciidanka, 2022-kii wuxuu xarun milatari ka furay magaalada Boosaaso, taasoo noqotay xarun sahayda looga diro RSF-ta ka dagaalamaysa Suudaan.

Sidoo kale, tan iyo 2017, Imaaraadka wuxuu xiriir dhow la yeeshay Somaliland, isagoo dhisay saldhig ciidan oo ku yaalla Berbera—meel istiraatiji ah oo ku taal Gacanka Cadmeed. Imaaraadka wuxuu tababaray ciidamada Somaliland si ay uga madax-bannaanaadaan dowladda federaalka ee Muqdisho. wuxuu kale oo noqday maalgaliyaha ugu weyn ee Somaliland, wuxuuna la xariiray xukuumaddii Trump si ay u aqoonsato Somaliland, beddelkeedana uu Imaaraadku helo saldhigyo ciidan.

Tan iyo 2023, Imaaraadka wuxuu xoojiyay saameyntiisa Jubbaland, taasoo sii xoogeysay rabitaanka Jubbaland ee gooni-isu-taagga. Imaaraadka wuxuu fuliyay duqeymo drones ah, wuxuu sidoo kale bixiyay gaadiid dagaal, wuxuuna dhisay saldhig ciidan oo Kismaayo ku yaalla. Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, wuxuu xiriir dhow la yeeshay Imaaraadka, taas oo siisay fursad uu ku xoojiyo saameyntiisa gobolka.

Markii Imaaraadka uu arkay in Muqdisho aysan dooneynin in ay si buuxda ugu tiirsanaado, wuxuu go’aansaday in uu xeeladiisa beddelo. Halkii uu beegsan lahaa dowladdii dhexe, wuxuu maamullada dalka ku kala qoqobay saaxiibnimadiisa, isaga oo abuuray saameyn ay ku tiirsanaadaan kaliya—arrintaas oo wax weyn u dhimaysa midnimada Soomaaliya.

Xarunta Xiriirka Caalamiga ah

Taageerada Imaaraadka ee RSF waa qeyb ka mid ah shabakad ballaaran oo istiraatijiyad ah, taasoo ujeedkeedu yahay abuurista nidaam isku xiraya dano kala duwan. Abu Dhabi waxay isu beddeshay xarun istiraatijiyadeed oo isku xirta kooxo kala duwan, taasoo Imaaraadka siisay awood aan la dhayalsan karin.

Silsiladda saameynta Imaaraadku abuuray laga xiriir dhan ah lama leh m Dubai iyo shirkadaha dowladda hoostaga, balse waxaa loo xilsaaray shirkado iyo dowlad-hoosaadyo aan si toos ah ugu xirnayn qoyska Bani Fatima.

shabakaddan ayaa isku xireysa kuwa doonaya gooni-isu-taagga, ganacsatada raadinaya faa’iidada, iyo Imaaraadka oo leh kaabayaal dhaqaale iyo saadka oo heer sare ah, halkaas waxaa ka abuurmay shabakad adag.

Wadamada awoodda dhexdhexaadka ah iyo kuwa waaweynba ma awoodi karaan in ay iska indha-tiraan Abu Dubai. Ruushka iyo shabakaddii hore ee Wagner waxay u baahan yihiin shabakaddan si ay Afrika u gaaraan, halka Shiinuhu uu u baahan yahay xasillooni ay dahabkiisa iyo kheyraadkiisa uga gudbiyaan Afrika. Dhanka kale, maamulka Trump ayaa iyaguna bilaabay in ay ka faa’iidaystaan xiriirkaas Imaaraadka.

Sidaas darteed, Imaaraadka—oo awal ahaan ahaa waddan yar—wuxuu hadda isu beddelay awood goboleed weyn, taasoo ka madax-bannaan saameynta Sucuudiga iyo Qatar, waxana uu dhistay mustaqbalkiisa, xitaa haddii ay khilaafsan tahay danta reer galbeedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *