TikTok: Iridda laga galo qabyaaladda casriga ah

W/Q: Cabdullaahi Shariif Xuseen

“Haddii Soomaali oo dhami cadaabta aado, Qabyaaladdu waxa ay ahaan doontaa gaadiidka geeya halkaas!” ___ Siyaad Barre

Arar

Miyiga ayaa ahaa goobta ay ku hardamaan reeraha tunweynida is bidaaya. Se magaalowgii kadib, wax waliba waa ay isbeddeleen. Haddii markii hore lagu diri jiray baad& biyo, hadda waxaa beddelay ku diriridda kheyraadka iyo awoodaha dowladeed. Bilawgii sagaashamaadkii ayay arrintaasi dhabowday, markii ay si fool xun u dhacday dowladdii dhexe. Jabhado la ciirciiraya qiiro reereed ayaa dalkii oo dhan la waregay. Arrinta naxdinta leh se ayaa ah, in dad lagu gumaaday haybta ay Soomaali ka yihiin aawadeed. Qabyaaladay, miyaanad mudnayn in bannaanka lagu keeno? Xaashaaye, waad mudantahay.

Ubucda qoraalka

Oktoobar 2024 ayay ahayd markii BBC-da ay baahisay maqaal ay ugu wanqashay ‘Maxaan khidmadda jaamacaddayda aan ugu bixiyay dagaalka Tiktoogga ee Soomaaliya’. Maqaalka waxa uu ku bilaabanayaa gabar ku jirta da’aada labaatameeyada, oo Sahro la yiraahdo (se ma aha magaceeda saxda ah) taa oo ku nool Maraykanka. Gabadhaasi waxa ay la dhacaysaa dagaalka reereed ee Tiktoogga ka socda. Sahra oo ah gabadha sheekadeeda uu quseeyo maqaalka waxa ay kharashgareyday lacag gaaraysa $7000 oo ay waalidkeed ugu talagaleen in isaga bixido Jaamacadda! “Waalidiinteey, haddii ay ogaadaan in aan lacagta intaas ah ku bixiyay Tiktook, waa ay ka xumaan doonaan oo ma farxi doonaan.” Ayay si qoomamo ka muuqato u tiri.

Arrin khatar ah ayay la kulmaysaa Sahra. Waxa ay sheegtay in uu jiro nin caan ka ah Tiktoogga oo ku sugan Maraykanka, magaciisana la yiraahdo XUSEEN KIBRAAY kaas oo iyada ugu hanjabay in uu soo bandhigi doono sawiro anshax xumo ah oo ay ayadu leedahay. Iyadoo arrinkaas ka hadlayda wax ay tiri, “Bal suurayso adigoo ay waalidiintaadu arkaan sawirada jirkaada oo qaawan; oo hadda na aanay ogayn in uu sawirku yahay gacan-ku-samays.”

Caalaamka kale, hardan Tiktook waa uu ka jiraa. Se kan Soomaalida waa budo iskeed u tuman, oo badanaaba dadka ciyaara game-ka tiktoogga waxa ay isu arkaan in ay matalaan reerkooda. Waxa ay soo bandhigaan heeso ay ku muujinayaan dhaqan wanaagga iyo geesinada Tolkooda. Mararka qeybtood waxa ay dib u soo nooleeyaan xasuusihii qaraaraa (dagaaladii sokeeye), iyagoo ku faanaayaa in ay laayeen dhiggooda. Waxaa maqaalka lagu sheegay in mararka qeybtood la sii xayasiiyo bilo ka hor kulamada ay labada qof ee sheeganaya in ay reerkooda matalaan. Dadka daawanaya live-ka wax ay yaboohaan haddiyado qaali ah__qaar ayaa qiimahooda gaarayaa $500 sida kan lagu magacaabo ‘TikTok universe’.

Waxaa kale oo maqaalka lagu sheegay in dadka qurba joogta ah ay kaalin weyn ka ciyaarayaan hardanka reeraha ee ka dhex socda Tiktoogga. Mustafa Axmed oo ah cilmi baare arrimaha amniga ah, kaa oo xoogga saara Horn of Afrika oo ka hadlaya arrintaan ayaa yiri, “Dadkii isaga carary dalka oo nolol ka sameestay qurbaha ayaa qeeb ka noqonaaya in ay sii socdaan xasaradaha ka dhex daca reeraha wada degan.” Game-yada laga ciyaaro Tiktoogga Soomaalida ee ku saabsan tartanka beelaha ayaa noqday kuwo laga hadal haayo goobaha ay dadka isugu yimaadaan. Sida uu sheegayo Bilaal Bulshaawi, oo ah Tiktooker caan ah , siyaasiyiinta iyo odoyaasha ba wax ay ku kaftamaan sida reerkooda uu uga guuleestay game-ka Tiktoogga dhiggooda!

Warbixin uu soo saaray wargayska ‘The Telegraph’ ayaa bidhaaminaya sida aaladda TIKTOOG ay u noqonayso meel lagu danqiyo boogaha reeraha Soomaalida, isla markaana u soo noolaynayso gocashooyinkii qabaa’ilka ka dhaxeeyay, iyadoo la adeegsanaayo ciyaarta Tiktoogga (TikTok games). Warbixinta waxa ay carbaabtay in guuleystaha ciyaarta uu yahay kan ugu badan ee hela haddiyadaha ay soo dirayaan dadka daawadayaasha ah, halka kan guul darraysta uu la kulmayo bahdil ugu imaanaysa dhanka reerkii uu la ciyaarayay. Sida kaliya ee uu uga aarsankara na waxa ay tahay, isagoo suurad xumeeya qofka la ciyaaraya reerkiisa, si taakulo badan uu uga helo reerka uu sheeganayo in uu matalo.

Gunaanad

Oraah Carbeed ayaa ahayd, “wax waliba oo xadkooda dhaafa, dhanka kale ayay isu gaddiyaan.” Walow Tiktooggu noqon karo aalad si qumman looga faa’idaysankaro, hadda na waxaa muuqata saamaynta taban ee uu ku yeelanaayo bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinta. Hadda ba, si loo xakameeyo nuxur samaynta nacaybka ku dhisan (hateful content), waxaa muhiima in dowladdu ay dajido siyaasado ay ku xakamaynaydo aaladda sida da’da ugu yar ee loo ogolyahay adeegsigiisa, nuxurka (content) la ogolyahay in la soo bandhigo, iyo si guud ganaaxa sharciyeed ee ka dhalanaaya jabinta halbeegga ay dowladdu u dejiday Tiktoogga. Waxaan iyadana laga maarmayn in qurbajoogta la xasuusiyo sooyaalkii qaraaraa ee uu dalku soomaray, keentey na in ay dalka isaga cararaan, ayna la gudboontahay in ay dib u jalleecaan tagtadii (a glance of history) sida uu Maxamed Xaaji Ingriis ba qabo.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *