WAADIGII BALLANFURKA

Waadigii Ballanfurka

W/Q: Bashiir Balcad

___________

Dadka Soomaaliyeed xilli xilliyada ka mid ah, ayeey ku ballameen meel waadi ah; oo Alla bariga lagu qabanjiray, sannadkii koowaad dunida dacalladeeda ayeey isaga yimaadeen waayeel iyo waxgarad diin akhrin iyo duco gadaasheed duqowdi Soomaaliyeed, waxa ay soo jeediyeen ballanqaadyo in la’ilaaliyo ay waajib tahay, qabiilkastana inta ka joogta waadigaas ay masuuliyadda u qaadaan.
Ballamadaas sannadkii koowaad waxa ay ahaayeen:

1- Hantidi la kala dhacay sannadkaan gudihiisa haleysku celiyo dhammaan reeraha Soomaaliyeed.

2-Diyooyinka ha la ka qaato inta aan Alla bariga xiga la gaarin ama haleys cafiyo.

3- Sannadkaan inta lagu guda jiro aargoosi dhan walba ah inuu san dhicin.

4-Waxyaabaha faldanbiyeedyada ah, ee yaryar in culimada iyo kitaabka lagu xalliyo ee aan xeerarka beelaha lagu xallin.

5-Dhammaan reeraha islaayay si deg-deg ah, loo heshiisiiyo dibna aan loo eegin wixii horay u dhacay, qabiiladaas oo ay kow ka yihiin: nacas ma qabe, halyeey dhale, ficiis lagde, lagama adkaan, sahan dheere, layaan burciid iyo fakade. Dhammaantoodna in ay qaataan ballanka nabadeed ee looga soo qaaday Alla bariga waadiga ka dhacay.

Markii la duceystay oo la soo Kala tagay, ayaaba showr iyo kala shirid la billaabay oday baa yiri: “Reer fakade miyaan sidaas kula heshiin karnaa allaan idinku dhaarshayee? Ma raggii hashii1 reera-qaad dooxay wiilkii baasabuurna dilay miyaan iskala heshiinnaa si dhibyar ayadoo aan raggu iska wareysan!” Mid kalaa yiri: “Adeer sheydaanka iska naar bal horta reerihi aan tagno oo aan ballanka u sheegno in ay reeraha dhan qaateenne aan u sheegno.” Qolooyin kala ayaa ayagana isku raacay in xoolihii laga dhacay xoog ku so cishtaan 4 wiil ee geela la socotay, ee la dilayna loo aar gudo ka dib, ballanka cidda loo sheego iyo shanta qodob.


Kadib, markii reerkasta goonni u shoortay danaheedda iyo sida ay ayada wax u la muuqdeenna ay ka shirtay hal qodob oo dhammaan dadkii ay qaadaceen ayaa jiray, oo ah in dhibaatooyinka yaryarka ah wadaadka loola yimaado kitaabkana lagu kala baxo.


Dhammaan odayaashii si gooni gooni ah, ayeey isugu raaceen in xaal mastuurka reeraha uu san meesha ka bixin ee wadaadka iyo xukunkiisa arimaha axkaamta waaweyn bas loogu tago inta aan laga bixin waadigii ballanfurka ayaa ballamadii la buriyay inta badan ballan furkaas oo dhalay dhammaan ballan furrada nolosha iyo qabka iyo dawladnimada Soomaaliyeed god dheer ku riday. Ballan furradaas oo dhammaantood aan qoraalkaan qeybihiisa danbe ku so gudbin doona hadduu Alle idmo. Sida aan lawada soconnay waxaa Soomaali isku raacday in aan waxba laga tanaasulin oo cidkasta intay awooddo goosato dhac, dil, aargoosi iyo dulmi lagu sheegayay rag iska dhicis iyo awood muujin intii sidaas la ahaa dadkana reer guuraa u badnaayeen iyo boqortooyooyin yaryar oo midkastaa dulmi iyo dullinimo ku dhisan yahay, ayadoo sidaa ballanfurka caada yahay wadaadka iyo xukunkiisana col laga goostay ayaa musiibo hab soo tiri ka mid ah, musiibooyinka waa weyn ee Soomaalida dhaxashay.


Gumeystaha diirka cad ayaa yimid oo billaabay waxaan la’ arag oo dulmi iyo takri fal ah, taas oo Soomaalida intooda badan ka dhigtay hayin, hase ahaatee xanuunka intaas la’eg ee gumeystuhu nagu haayay manage leexinin waadigii laftirkiisa; oo ballankasta sidii hore ayaan u jabineynay oo dhaxdeenna dhaqankii dugaagta maanan baddelin. Xitaa waxaan gaarnay in kuwa gumeysiga la dirira ee mujaahidiinta ah, ay yeeshaan dhaqankii ballanfurka oo dhac iyo dil ku saleysan marna qofka Soomaaliga ahi, ma fahmo ama diyaar uma ahan inuu ilaaliyo balankii waadiga duqowda ku dhigeen meelkasta iyo xillikasta uu joogo.

Haddaba xitaa markuu cadawga na haystay na cunaayay maanan garan in aan si aan cadawga dhan ugu noqonno in aan ballanka waadiga ilaalinno. Mar walba oo mujaahiddiintii Soomaaliyeed ay la diriraayeen cadawga gumeystaha, waxa ay dhanka kale Soomaalida ku mashquulsaneed tan reeraha iyo isku dirka labada daan ee dariska ah, taa oo khasab ka dhigtay in reer walbaa gunta dhiisha isaga dhigo sidaasna dadka ay ba iloobeen ballamadii illaa cafinta iyo isa saamixidda ay noqotay wax aan ragga iyo reerahaba u qalmin, oo uu aarsiga noqday waxa sharafta iyo milgaha lagu helo, raguna ku naaloodaan markey ragu islaayaan oo wax guul lagu sheegay soo helaa taas oo cabbirkeeda saxda yahay, inta ay reer hebel ka dileen ama ay xoolahooda soo qafaasheen ama deegaanka ay ka saareen. Dhanka kale waxaa dhinac socday odayaashii sababta u ahaa in hal qodob si guud loo wada qaadaco ayagoo ka cararaayo in wadaadka door ku yeesho arimaha xallinta reeraha taas oo ay u arkaayeen, in ay caqabad weyn ku tahay doorkooda odaynimo iyo waanwaantooda joogtada ka dib, dhib kasta oo dhaca, ballanfurkaas waadiga lagu sameeyay waxa uu furay il kasta oo xumaan iyo xadgudub ka imaanayay.


Ayadoo uu ballanfurradii sidii u jiraan ayuu gumeystihii tagay, annagii oo aan waadigi ku noqon oo aan waxba hagaajin ayaan goosannay dhaqan xumadaan laftirkeeda inaan dawladnimo ku dhisno, waxaan dhisannay dawladnimo wax u eg, balse wacad-furkii waadiga hal qodob ku raacday boqolkiiba boqob 100% kaas oo ah: wadaadka iyo xukunkiisa in la fogeeyo oo ugu yaraan gole waraabe la geeyo. Hase ahaatee, waxa ay na dhaxalsiisay inaan helno jaha cusub oo horay loo aqoon oo ballan fur ah, siyaasi qabiilkiisa ku wacadfura ayagana dhaca dhac ay adagtahay in ay ka soo kabsadaan, maxaa yeelay qabiilada xoolo ayeey iska dhacaayeen, balse siyaasiga damiirka, danaha iyo mustaqbalka reerka ayuu ku ballanfuraayay asigoo waliba ayaga u adeegsanaayo in ay shaqada xadidda ah u qabtaan.


Ka badan lixdan sano oo sidaas u socday ballanfurka siyaasiga ayeey dhaqan caadi ah, isu badashay oo lagu wada qanacsan yahay; oo loogu jecelyahay midka mustaqbalka iyo muunadda caruurteenna dhacaayo; oo uu xaflada waaweyn qabsadaa; oo aan u mashraxadnaa sida heerka sare ah, ee uu noo dhaco.
Ugu danbeyn, horay iyo danbeynba raggii loo diray in ay daajiyaan hashii Maandeeq oo ay ugu horeeyaan duqowda, culimada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hantiilayaasha ayaa hagar daaciyaay oo hadaan hodol gudcureed ka tuuray.
Hallawnayee yaa na habaaray!

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *